Ragga ka soo laabta dalka Suuriya oo La sheegay in lagu xiri doono Belgium-ka (SAWIRRO)
Ra’iisal Wasaaraha, ayaa sidoo kale sheegay dadka ka soo laabanaaya dalka Suuriya ee imaanaaya Belgium, in loo baahan yahay in la xiro, oo aan loo oggolaan in si caadi ah ay dalku ugu soo laabtaan.
Ra’iisal Wasaaraha oo Khamiistii khudbad ka jeediyay Baarlamaanka, ayaa sheegay inaanan loo baahnayn in Jihaadiistayaashu ay ku soo laabtaan Belgium, isla-markaana uu hoygoodu noqdo xabsi.
"Dhalinyarada in laga celiyo goobaha dagaalka ama lagu tababarto kuma filno, ee sidoo kale waa inaan ka celino kuwa aan ahayn reer Belgium in ay ku soo noqdaan dhulkeena. Xeerkeenu waa inuu cadeeyaa Jihaadiistayaasha soo noqda hoygoodu inuu noqdo xabsi.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Belgium.
Inta badan raggii fuliyay weeraradan gil gilay Magaalada Paris, ayaa haystay dhalashooyinka Faransiiska iyo Belgium, waxayna weeraradu u muuqdeen kuwo qaybtoodu lagu soo diyaaiyay Belgium-ka.
Ragga ka soo laabta dalka Suuriya oo La sheegay in lagu xiri doono Belgium-ka (SAWIRRO)
Xukuumadda Brussels, ayaa waxay qaadi doontaa tallaabo macquul ah oo ay kaga gaashaamanayso weeraro kaga yimaada Ururka Daacish, ka dib weeraradii 13-kii bishaan ka dhacay Caasimadda Faransiiska sida ay sheegtay.