Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Saraakiil kale oo Maanta Gaaray Magaalada Beledweyne
Xeer-ilaaliyaha Qaranka iyo saraakiisha kale ee baaritaanka qaybta ka ahaa ayaa ku sugan xerada taliska AMISOM ee dulleedka magaalada, halkaa oo ay ka socdaan baaritaanno iyo wareysiyo lala yeellanayo qeybo ka mid ah bulshada iyo shaqsiyaad la tuhusan yahay in ay ku lug lahaayeen falka dilka ah.
Howsha la xiriirta baaritaanka dilka alle ha u naxariisteen Mahdi Xuseen Shiiqaal oo ahaa madaxii hay'adda UNMAS ee gobolka Hiiraan, ayaa ka socta xarunta taliska AMISOM, ilaa iyo haddana wax badan lagama oga halka ay wax marayaan, hasse ahaatee marka aad eegto saraakiisha iyo xubnaha dowladda ee baarista qeybta ka ah waxaana kuu muuqanaya in kiiska arintan ku saabsan yahay mid siweyn loo cusleynayo.
Wasiirka Amniga xukuumadda Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa horay u sheegay in dowladda Somalia ay arrintan u saartay guddi baaris ku soo sameeya, laakiinse guddiga arrintan ku howlan ayaan wali wax war ah siin warbaahinta, marka laga soo tago warey-siyada ay la yeelanayaan qaybaha bulshada iyo dadka lagu tuhusan yahay inay ku lugta leeyihiin dilka marxuumka.
Saacadaha iyo maalmaha nagu soo foolka leh ayaa la filan karaa natijada ugu danbeysa ee baaritaanka, waxaana siweyn loog dhag-taagayaa ugu danbeyntii go'aanka ay dowladda ka qaadato arintan.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Saraakiil kale oo Maanta Gaaray Magaalada Beledweyne
Wafdi uu hoggaaminayo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir iyo saraakiil kale ayaa maanta ah gaaray magaalada Beledweyne, iyaga oo ku biiraya saraakiil ka kala socta laamaha ammniga iyo cadaallada dowladda FS oo baaritaan ku haya d