Wariye lagu xiray Magaalada Garoowe & Ururka Suxufiyiinta MAP oo Xariggan u Cambaareeyay

0
Thursday November 19, 2015 - 19:35:24 in Wararka by
  • Visits: 797
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye lagu xiray Magaalada Garoowe & Ururka Suxufiyiinta MAP oo Xariggan u Cambaareeyay

    Ciidamada Booliska magaalada Garoowe ayaa xabsiga dhigay wariye Jaamac Yuusuf Jaamac oo kamid ah wariyayaasha ka howl-gala Puntland, waxaana ilo ku sugan Garowe ay sheegeen in wasaaradda warfaafinta ay bixisay amarka lagu xiray wariyahan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska magaalada Garoowe ayaa xabsiga dhigay wariye Jaamac Yuusuf Jaamac oo kamid ah wariyayaasha ka howl-gala Puntland, waxaana ilo ku sugan Garowe ay sheegeen in wasaaradda warfaafinta ay bixisay amarka lagu xiray wariyahan.

Wariye Jaamac ayaa la sheegay in uu hadda ku xidhan-yahay saldhiga dhexe ee degmada Garowe ,waxaana la socday markii la xirayay gudoomiyaha ururka Suxufiyinta Puntland iyo labo wariye oo kale.

Waraaq horey uga soo baxday wasaaradda warfaafinta ayaa wariyaha ku amartay in uusan ka sii shaqayn Karin gudaha Puntland ka dib khilaaf ka dhashay waraysi uu ka qaaday wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde labo todobaad ka hor.



"Ciidamadu xarunta uu ka howlgalo kama aysan wadan, balse waa lasoo wacay, markii uu tagay Saldhigga ayaa amar loo sheegay in uu xidhan-yahay," ayuu yiri Maxamed Xalliye oo kamid ah wariyayaasha gobolka Nugaal ka howl-gala

Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP, Faysal Khaliif Barre ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariyahan lagula kacay, isagoo dhaliilay habkaay wasaaradda war-faafinta u martay talaabadan.

"Waxaana maanta canbaaraynayaa sida foosha xun ee sharci darrada ah ee loo xiray wariye Jaamac ,waa arin ka hor-imaanaysa dastuurka iyo qawaaniinta dalka u yaala " ayuu Faysal Khaliif oo la hadlay warbaahinta yiri.

Ugu dambayn, ma jiro war maamulka Puntland kasoo baxay oo ay uga bixinayaan arrintan faahfaahin, xilli Somalia ay wali kamid tahay dalalka ugu khatarta badan ee wariyayaashu ay ka howl-galaan .

Faysal Mohamed Hassan
Boston@Hiiraan.com

XIGASHO:-HIIRAAN.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip