Hogaamiyihii weerarkii lagu qaaday Paris oo la xaqiijiyay dhimashadiisa

0
Thursday November 19, 2015 - 18:55:48 in Wararka by
  • Visits: 648
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyihii weerarkii lagu qaaday Paris oo la xaqiijiyay dhimashadiisa

    Hogaamiyihii weerarkii lagu qaaday magaalada Paris Abdelxamid Abuu Cuud ayaa la cadeeyay in uu ka mid ahaa dadkii lagu diley weerar shalay lagu qaaday guri ku yaal deegaanka Saint Denis ee magaalada Paris.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyihii weerarkii lagu qaaday magaalada Paris Abdelxamid Abuu Cuud ayaa la cadeeyay in uu ka mid ahaa dadkii lagu diley weerar shalay lagu qaaday guri ku yaal deegaanka Saint Denis ee magaalada Paris.

Meydka Abuu Cuud ayaa la sheegay in dhammaantii uu ahaa mid ay rasaas si daran u asqeysay weerarkii Arbacadii ka dhacay duleedka Paris. Abuu Cuud oo ahaa 27 jir haysta dhalashada dalka Beljimka. Siddeed ruux ayaa lagu soo qabtay weerarkan halka labo kale lagu diley kadib markii ciidamo hubeysan ay weerareen dhisme ku yaal Saint Denis.

Haweeney la sheegay in ay isku qarxisay weerarkan ayaa la sheegay in ay ahayd haweeney ay qaraabo ahaayeen Cabuud taasoo xirneyd suunka la isku qarxiyo markii ay gudaha u soo galeen ciidamada booliska magaalada Paris.

Xafiiska xeer ilaalinta dalka Faransiiska ayaa sheegay in aysan cadeyn in Cabuud uu is qarxiyay ama ku dhintey rasaastii ay ciidamada fureen.Ciidamada ammaanka ayaa weli waxa ay baarayaan Salah Abdesalam oo la rumeysan yahay in uu u safray dalka Belgium kadib weerarkii Jimcihii lagu qaaday magaalada Paris.

Cadeynta Abuu Cuud ayaa su’aal ka keenaysay sida ugu suurtogashay in uu u safro dalka Siiriya kadibna uu dib ugu soo laabto Faransiiska isagoo aan la ogeyn.

Weerarka la rumeysan yahay in uu qaabeeyay Abuu Cuud ayaa waxa ku dhimatay dad ku dhow 130 halka afar boqol oo kalana ku dhaawacmeen, waxana la sheegaya in uu ahaa weerarkii ugu qasaaraha badnaa oo sanooyin badan ka dhaca qaarada Yurub.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip