Fannaanada Sahra Mire oo ku geeriyootay Magaalada Mbarara

0
Tuesday May 09, 2017 - 22:20:22 in Wararka by
  • Visits: 584
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fannaanada Sahra Mire oo ku geeriyootay Magaalada Mbarara

    Allaha u naxariistee Fannaanada Sahra Mire Wehliye oo ka tirsaneyd Hoboladii Ciidanka Asluubta Somaliyeed, ayaa gelinkii dambe ee Isniintii ku geeriyootay Magaalada Mbarara ee Galbeedka Wadanka Uganda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha u naxariistee Fannaanada Sahra Mire Wehliye oo ka tirsaneyd Hoboladii Ciidanka Asluubta Somaliyeed, ayaa gelinkii dambe ee Isniintii ku geeriyootay Magaalada Mbarara ee Galbeedka Wadanka Uganda.

Fannaanada oo ka mid ahayd Fannaaniinta tirada yar ee aan dalka ka bixin xilligii burburka, balse sanadihii ugu dambeeyay qaxooti ku ahayd Uganda, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku xanuunsaneysay isbitaal ku yaala dalkaasi.

Allaha u naxariistee Sahra Mire Wehliye, ayaa la tacaaleysay xanuunka macaanka, oo ugu dambeena ay shalay galab ugu geeriyootay Galbeedka Uganda.

Wariye Cilmi Cismaan Faarax (Boodhari) oo ka mid ah Suxufiyiinta Somaliyeed ee degan Uganda, ayaa sheegay in dhawr bilood ka hor ay Fannaanadu ku dhacday bulaacad ku taala dalkaasi, iyadoona ay lug ka dhaawacantay. Wixii xilligaasi ka dambeeyay, ayuu sheegay in macaanku uu ku kacay.

Allaha u naxariistee Fannaanada Sahra Mire, ayaa waxaa maanta lagu wadaa in lagu aaso xerada qaxootiga Nakivale, oo ay ku jiraan qaxootiga Somaliyeed ee ku nool dalka Uganda.



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip