Wasiirka Amniga Puntland: Gacan Bir Ah Yaan Ku Qabaneynaa Raggii Kufsiga Ka Geystay Burtinle

0
Monday May 08, 2017 - 10:45:51 in Wararka by
  • Visits: 584
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga Puntland: Gacan Bir Ah Yaan Ku Qabaneynaa Raggii Kufsiga Ka Geystay Burtinle

    Wasiirka amniga maamulka Puntalnd Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in gacan bir ah ay ku qaban doonaan 7 ruux oo dhowaan kufsi ka geystay deegaanka Burtinle ee gobolka Nugaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka amniga maamulka Puntalnd Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in gacan bir ah ay ku qaban doonaan 7 ruux oo dhowaan kufsi ka geystay deegaanka Burtinle ee gobolka Nugaal.

Wuxuu sheegay wasiirka oo ku sugan deegaankaasi ineysan ka tageen halkaasi iyaga oo aan soo qaban raggaasi islamarkaana ay cadaaladda horgeyn doonaan.

Wasiir Qarjab ayaa sheegay in haddii ay waayaan 7-daasi ruux in ay xabsiga dhigi doonaan aabayaashood waa sida uu hadalka u dhigaye.

"Nimankii 7-da ahaa ee gabdhaha kufsaday waxaan rabnaa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo keeno, kama noqoneyno, gaarigaasi inaan ku xirnaan u keennay gadaalna ugama noqon doonno haddii la waayana aabayaashood ayaa la xiri doonaa” ayuu yiri wasiirka.

Puntland ayaa horey u xukuntay dhallinyaro kufsi ka geystay deegaanno ka tirsan maamulkaasi, waxaana maamulka uu diiddey in xeer dhaqan lagu dhameeyo falalka kufsiga ah.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip