
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIALY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 8-DA MAY 2017-KA
Waxa uu faray Madaxweyne Farmaajo saraakiisha ciidamada Dowladda inay si hufnaan leh u gaarsiiyaan ciidamada iyo qoysaskooda raashinka garaamaadka ay ku leeyihiin, isagoona sidoo kale ku booriyay hab socodka waajibaadka looga baahan yahay ciidamada.
"Hoggaanka saadka waxaan farayaa inay si hufan raashinka u gaarsiiyaan ciidamada iyo qoysaskooda” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo bogiisa twitterka soo dhigay warkaan.
Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa mid mid u kormeeray bakhaarada uu ku jiro raashinka ciidamada, isagoona u kuur galay bal haddii raashin dhacay la siiyo ciidamada iyo in kale, wuxuuna ammaanay sida ay isaga xilqaameen hoggaanka saadka tayada raashinka ciidamada.
R.W KHEYRE "’DHALINYARADU WAA UDUB DHEXAADKA DAWLADNIMADA SOOMAALIYA”
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ay aa ka qeyb Kulan looga wada tashanayey sidii loo sameyn lahaa siyaasad mideysan oo dhalinyarada hagta, kaas oo soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo munaasabadda ka hadlay ayaa iftiimiyey muhiimadda uu dhalinya rada u leeyahay barnaamijkani, isagoo xusay Xukuumadda uu hoggaamiyo muhiimad gaar ah ay siine yso horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.
‘’Dhalinyaradu waa udub dhexaadka dawladnimada Soomaaliyeed. Horumar kasta oo aan hiigs aneyno waxaa hormuud u ah dhalinyarada, waxaan haysanaa fursado dahabi ah oo aan gacan uga geysan karno dibudhiska iyo soo celinta sharaftii iyo karaamadii ay Soomaaliya lahayd’’,ayuu yiri R/Wasaare Kheyre.
Waxaa uu Ra’iisul Wasaaruhu xusey in caqabadaha ugu weyn ee dhalinyarada Soomaalida soo wajahey muddooyinkan dambe ay ka mid ahaayeen falalka argagixisada iyo dhibaatooyinka kale ee soo biiray, kadib, dawlad burburkii Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ka hor waxaa Iyana halkaasi hadal ka jeedisey Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka , Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye. Munaasabadda ayaa wax aa kale oo ka soo qeyb galey xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.
CABDIWELI GAAS ” GAALKACYO WAA DIFAACA DEEGAANADA KALE EE PUNTLAND.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Magaa lada Gaalkacyo ay tahay Difaaca Deegaanada kale ee Maamulkiisa.
Hadalkaan ayuu jeediyay Madaxweyne Gaas xilli Magaalada Gaalkacyo ay wada degan yihiin Maamullada Puntland iyo Galmudug.
Puntland iyo Galmdug ayaa horay waxaa uu dhexmaray Dagaallo kala duwan walow markii da mbe xal laga gaaray.
Magaalada Gaalkacyo ayaa labo qeybood ay ka kooban tahay oo kala ah Waqooyi iyo Koofur waxaa ka kala arrimiya Maamullada Puntland iyo Galmudug.
GUDDOOMIYE TAABID "MAGAC BANAADIR OO LA BEDELAY MA JIRO”
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa markii u horeysay arrinta magaca Banaadir ee xarfihiisa is bedelka lagu sameeyay, isagoo meesha ka saaray in haba yaraatee wax is bedel lagu sameeyay.
Bishii hore ayay aheyd markii wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaa dir lagu faray waaxyaha kala duwan dowladda Hoose in wixii ka dambeeya ay magaca Banaadir lagu bedelay Benaadir, taasoo dad badan doodo iska soo horjeedo ka keeneen xaraf bedelkaas, iyadoo meelaha dadka ay aad uga hadal hayeen ay ka mid aheyd baraha bulshada oo siyaabo kala duwan looga hadlay xaraf kala bedelidaas ee BA iyo BE
Guddoomiye Taabid oo xalay ka qeyb galay barnaamijka Dood Wadaag ee ka baxa Telefishinka Universal ayaa sheegay in magaca Banaadir ee "BA iyo BE” qof walba oo muwa adin ah uu u qoro karo siduu doono.
"Wax magac Banadir oo la bedelay ma jiro aslanba, qofka muwaadinta ah Magaca BA ama BE, ha u qoro, kaliya waxa hada jawaheerka ka jiray oo umadda aysan fahmin waxay rahay arrimaha maamulka, si loo joogteyo waxay u baahan ta hay wixii horay loo isticmaali jiray ee ku qornaa nuquladii iyo shuruucdii soo bilow day si ana u joogteyno oo xafiiska loo isticmaalo”ayuu yiri Guddoomiye Taabid.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ka hadlay qorshayaasha maamulkiisa, isagoo xusay inay qaadi doonaan tallaabooyin lagula xisaabtami doono cid kasta oo mas’uuliyad heysa, heer degmo illaa heer gobol, waxaana uu tilmaamay in musuq maasuqa uu qeyb ka yahay waxa ay la dagaalamayaan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay qorshaha amniga, isagoo xusay in ahmiyada koowaad uu u yahay amniga, isagoo ka dhawaajiyay in dhowaan ay soo bandhigi doonaan qorshaha amniga Caasimada, iyadoo la dhisi doono Guddiga Amniga Gobolka Banaadir iyo Guddiyada amniga heer degmo.
Waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu diirada saari doono sidii uu uga shaqeyn lahaa is dhex galka bulshada, isla markaana kalsoonida shacabka kasban doonaan, iyagoo xoojinaya adeegyada bulsho ee aas aasiga ah.
Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii Taabid Cabdi Maxamed oo horay u ahaa Safiir kuxigeen ka Soomaaliya u fadhiyay Mareykanka ahna Qunsulka Guud ee Washington loo magacaabay xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho.
DOWLADA FEDERAALKA OO SHEEGTAY IN MADAXII ALSHABAAB EE SHABEELAHA HOOSE LA DILAY
Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Milatariga howlgal ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan gobolka Sh/hoose ay ku dileen amiirkii Alshabaab ee gobolka Sh/hoose.Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha dowlada Federalka Eng C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa sheegay in la diley hogaamiyihii Alshabaab ee gobolka Sh/hoose oo lagu magacaabi jiray Macalin Cismaan Cabdi Baadil."5tii May 2017 ayey Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ay dileen Hoggaamiyahii AlShabaab Macalin Cismaan Cabdi Baadil iyo saddex maleeshiyaadka kooxdaas ah. Dhimashada hoggaamiyaha waxey wiiqeysaa awooda kooxda argagaxisada ah ee ka howlgasha Shabeelaha Hoose, taasoo ah gu ul weyn oo u soo hoyatay ciidanka iyo nabadeynta gobolkaas”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta soomaal iya.Howlgalkan ciidanka ayuu sheegay Wasiirka Warfaafinta iney tahay mid dib loogu xoojinayo dag aalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ee AlShabaab.
Labo maalmood ka hor ayay ciidamo isugu jira Soomaali iyo Maraykan wax ay weerareen sal dhig ay ururka ALshabaab ku lahayeen deegaan ku dhow degmada Afgoye waxaana howlgalkaas ku dhintey mid ka mid ah ciidamada gaarka ah ee Maraykanka halka labo kale ay ku dhaawcmeen.
Hase yeeshee dowlada Soomaaliya ayaan sheegin in weerarka lagu diley Macalin Cismaan Cabdi Baadil uu ahaa weerarkii uu ku dhintey sarkaal ka tirsanaa ciidamada Maraykanka kaasoo noq day askarigii ugu horeeyay oo Maraykan ah oo lagu dilo dalka Soomaaliya muddo kabadan labaatan sano.
SOOMALILAND OO JOOJISAY MUXAADAROOYIN KU SAABSAN QADIYADA SOOMALILAND OO PROF BULXAN KA JEEDIN LAHAA XAMAR
Dr:Xuseen Cabdilaahi Bulxan oo ah aqoonyahan horena u ahaa gudoomiyihii jaamacadda Hargeysa, ayaa sheegay in uu go’aansaday inuu ka joogo tagitaankii magaaladda Muqdisho ee uu ho re u shaaciyey inuu dooddo uu kaga hadli doono qadiyadda Somaliland ka jeedin doono jaamacadaha Muqdisho kadib markii xukumadda ka joojisay inaanu arrimahaasi dhex galin.
Bulxan ayaa sheegay in xukuumaddu u sheegtay in arrintani ugub ku tahay,isla markaana aa nay hore u dhicin in Hargeysa dhexdeedda qof ka shaaciyo inuu Muqdisho arrimo siyaasadeed u tag ayo, sidaas darteed uu u baajiyey caasimaddii uu ku lahaa Muqdisho.
"Aniga Xukuumad ima casuumin ee waxa I casuumay waxay ahaayeen aqoonyahan aanu wada hadal yeelanay oo aniga xagayga sharaf ka leh, oo xal raadin dhab ah ku jira”ayuu yidhi Dr:Bulxan oo ka hadlayey sababta ugu wacan inuu Xamar u tago.
Mar la waydiiyey sababta xukuumaddu ugu diiday iyo waxay u cuskanayaan, waxa uu yidhi "wa xay yidhaahdeen arrinkani waa mid ugub ah, oo aan hore u dhicin, qof inta uu Hargeysa isa soo dhex istaago yidhaahdo xamar baan tagayaa oo aan ka hadlayaa waa arrin cusub ayey yidhaahdeen, wu xuu u horseedayaa arrinkaasi mushkilado kale oo noo muuqdo oo qaar kale sidaas iskaga dhaqaaq aan, waxay yidhaahdeen wada hadalka xukuumaddii baa gacanta ku haysa marka in ay iyaga uun ku eekaato oo hawsah waddo ayaa nala quman”. Bulxan waxa uu sheegay in aanu qofna mataleen balse si aqoonyahan ahaan uun uu u tagayo Muqdisho,haseyeeshee xukuumaddu ay ka gaws qaniintay inuu Hargeysa ka tuullo oo uu toos u tago Xamar.
Dhinaca kale, Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay sababta uga joojiyeen Dr;Bulxan inuu Muqdisho u tago arrimo qadiyada Somaliland, waxaana sheegeen in xukuumadda loo igmaday arrima ha wada hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr:Sacad Cali Shire oo ka hadlaya sababta looga joojiy ey Bulxan inuu Muqdisho tago waxa uu yidhi "arrinka wada hadalka ee inaga dhexeeya wuxuu baarl amaanku u igmaday xukuumadda cid kale looma igman, wada hadalkaasi waa mid caalami ah oo lab adda wadan u dhexeysa, dadkeenu way tagaan Muqdisho oo ganacsi iyo danno kale u tagaan laakiin wada hadalka xukuumada mooyee cid kale looma ogola, waana is aragnay Bulxan waana u sheegnay in wakhtigan munaasib ku ahayn.”
Mar la waydiiyey sababta ugu diidayaan mar haddii uu Dr, Bulxan dariiq ka duwan tan xukuum adda uu qaadayo oo uu arrimaha ictiraafka uun kaga hadlayo, waxaa uu yidhi Wasiir Sacad "cidda wax inaga dhexeysa waa dawladda Soomaaliya ee maaha aqoonyahanka Soomaaliya, wixii inaga dhexeeyana waxa la isla gartay in meel caalamiya lagaga wada hadlo, dawlad ka dawlad, dawladdu way adeegsanaysaa aqoonyahankeedda oo mar Bulxan wuu noo raacay Ankara, isagoo dood la gal lay aqoonyahanno Soomaaliya ah si fiican wuu uga hadlay waana ku bogaadinayaa Bulxan sida uu arrimaha Somaliland uga hadlo, marka wax isaga loo diiday maaha nidaamka sidaas ah”.
CISMAAN MAXAMED XAADOOLE OO LOO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA DEGMADA BALCAD
Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa loogu magacaabay Cismaan Maxamed Xaadoole guddoomiyaha degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.
Cismaan Xaadoole ayaa hore u soo noqday guddoomiyaha degmada Balcad iyadoo xilka laga qaaday guddoomiyaha degmada Balcad Maxamed Maxamuud Saney oo hayay xilkan illaa iyo san adkii 2014.
Guddoomiyaha cusub ee degmada Balcad ayaa hore u so noqday guddoomiyaha degmada Bal cad waxaana xilka laga qaaday kadib markii ciidamo ka tirsan maamulka degmada Balcad uu iska hor imaad ku dhex maray degmada Balcad ciidamo Boolis ah oo ku sii jeeday degmada Jowhar ee xarun ta gobolka Sh/dhexe.
Xil ka qaadista lagu sameeyay guddoomiyihii degmada Balcad Maxamuud Maxamed Saney aya an wax saameyn ah ku yeelan doonin guddoomiye ku xigeenada maamulka degmada Balcad.
XILDHIBAAN JEESOW OO SHEEGAY BAARLAMAANKA INUU XILKA KA QAADI KARO HANTI DHAWRKA
Iyadoo dhawaan Golaha Wasiirada Somaliya ay sheegeen in xilkii ay ka qaadeen Hanti dhawrka Qaranka Somaliya, ayaa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo Baarlamaanka ka tirsan, wuxuu sheegay in Hanti dhawrka xilka ay ka qaadi karaan kaliya Baarlamaanka Somaliya.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo xubin ka ah guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee Baar lamaanka Somaliya ayaa sheegay in Dastuur ahaan ay qalad tahay in Golaha wasiirradu ay xilka ka qaadaan Hanti dhawraha Qaranka, islamarkaana Xukuumadda ay ka mid tahay hay’adaha uu la xisa abtamayo.
Waxa uu sheegay in markii hore Baarlamaanka ay meel mariyeen markii digreeto Madaxweyne lagu soo magacaabay waxaana ka horeysay inuu imtixaan u soo galay, iminkana ay Baarlamaanku un xaq u leeyihiin inay xilka ka qaadaan.
Waxa uu sheegay in Hanti dhawraha guud ee Qaranka ay jiraan qodobo uu xilkiisa ku weyn ka ro hase yeeshee uusan garan karin sababta keentay in xilka laga qaado marka laga yimaado kiiskii di lka ahaa ee Wasiirkii hawlaha guud uu ku dhintay oo illaalada Hanti dhawrka ay gaysteen.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa Xukuumadda ku eedeeyay in ay iyadu dusha saaranayso masuuliyadda dilka wasiir Cabbaas Siraaji wuxuuna tilmaamay in Xukuumaddu aynaan ka taxadarin ammaankiisa.
"Tusaale markaan idiin sheego hanti dhawraha waa shaqsigii la xisaabtamayey xukuumadda, haddii ay ahaan lahaayeen wasiira da ama hay’adaha kala duwan ee dowladda, marka qof kula xisaa btamayo xil maba ka qaadi kartid, Baarlamaanka ayaa xilka ka qaa di karo dastuur ahaan.” ayuu yiri xildhibaanka.
4 NIN OO GABAR 13SANO JIR AH KU KUFSADAY DEGMA DA BURTINLE IYO WASIIRKA HAWEENKA PUNTLAND OO KA HADASHAY
Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntl and Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa ka digtay in waanwaan qabiil lagu dhameeyo kufsi loo gaystay gabadh 13 sano jir ah,kaasi oo ka dhacay degmada Burtinle ee gobolka Nugaal.
Waxa ay sheegay in arintani ay tahay mid laga naxo ,iyada oo tilmaamtay in talaabo sharciga waafaqsan lala tiigsan doono dadkii ka danbeeyay kufsiga ka dib markii ay degmada Burtinle kula kulantay gabadhan yar oo ay ka muu qato dhibaatada loo gaystay.
"Hadda waxaan ku suganahay Burtinle ,waxaan u imaaday inaan u qareemo gabadh yar oo hal kan lagu kufsaday oo runtii aan dhihi karo waxaa loo gaystay dhibaato weyn" ayey tiri wasiirad Aniso oo sheegtay in dowladda talaabada arintan kaga aadan ay qaadi doonto.
Kufsigan oo dhacay bishii hore 26keedi ayaa la shegay in loogu aarguday kufsi horey uga dhac ay gobolka Nugaal ,waxaana hadda la sheegay in ay socdaan dadaalo ay wadaan odayaal deegaan ka ah oo doonaya in arinta loo maro hab beeleed.
Wasiir Aniso oo aan sheegin magaca gabadhan yar ayaa sheegtay in la siiyay dawooyin ,isla mark aana ay dhakhaatiirtu soo xaqiijiyeen kufisgan,waxaana ay tilmaamtay in taliska gobolka Nugaal lagu wargaliyay arinta dhacday.
Kufsiga ayaa baryahan si isdaba joog ah uga dhacayay qaybo badan oo kamid ah dalka ,wax a ana dhawaan maamulka GalMudug ay gacanta ku soo dhigeen rag Kufsi wadareed ka gaystay gobol ka Mudug
Ugu danbayn ,wasiirka ayaa ugu baaqday odayasha deegaanka ay in arintan faraha kala baxa an ,iyada oo sheegtay in dowladdu ay ku howlantahay sidii gabadhan xaqeeda ay u heli lahayd ,isla markaana cadaaladda loo marsiin lahaa ragga kufsiga gaystay.
MAREYKANKA OO ITOOBIYA KA JARTAY LACAG LAGU SIIN JIRAY MADAXA SHABAAB
Dowladda Mareykanka ayaa joojisay taageerada maaliyadeed ee ay Dowladda Itoobiya ku siin jirtay dagaalka ka dhanka ah Ururka AlShabaab.
`Xoghayaha difaaca Mareykanka Jim Mattis oo dhawaan booqasho ku tagay dalka Jabuuti ayaa ka qayb galay shir dow ladda Mareykanka ay u qabatay waddamada Gobolka ee ay Isbaheysiga yihiin,kaas oo lagu dejinaayay qorshaha ka dhan ka ah dagaalka Kooxaha uu Mareykanka ugu yeero Argagix isada.
Shirkaas laguma casuumin dowladda Itoobiya mana ka qayb gelin, waxaana Jim Mattis, uu sheegay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada uu Mareykanka xoojinayo isaga oo la kaashanaya saaxiibada Gobolka.
Bishii September ee sanadkii 2014kii Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama,ayaa Itoobiya ku sifeeyay saaxiibka ugu muhiimsan Mareykanka ee Bariga Afrika.
Dowladda Itoobiya waxa ay walaac ka muujisay doorashada Donald Trump, waxaana ay ku tilm aameen in uu yahay nin aan u wanaagsaneyn Siyaasadda Mareykanka iyo Itoobiya.
Donald Trump ayaa si cad meesha uga saaray lacag $150,000 oo Doollar ah oo uu Mareykanka bilkasta u siin jiray Itoobiya dagalka Alshabaab,taas oo sanadkii gaareysa of $1.8 Milyan oo Doollar.
Donald Trump ayaa lacagtaas ku sheegay in ay tahay mid aan sax ahayn, waxaana uu Itoobiya ku tilmaamay in ay tahay waddan 20 Milyan oo ka mid ah dadkiisa ay Abaar u dhimanayaan, sabab uu Mareykanka uu lacag lagula dagaallamo Argagixisana u siiyana aysan jirin.
Bishii la soo dhaafay Madaxweynaha Mareykanka ayaa waaxda Gaashaandhigga dalkiisa u fasaxay in ay kordhiyaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab
WASAARADA WAXBARASHADA GALMU DUG OO QALAB WAXBARSHADO UGU DEEQDAY QAAR KA MIDA DUGSIYADA SARE EE GAALKACYO
Iyadoo ay jirto diyaar garoow loogu jiro imtixaanaadka mideysan ee dugsiyada sare ee dalka ay aa waxaa qalab loogu tala galay sara u qaadista waxbarashada aradayda dugsiyada sare ay ku ware ejisay wasaarada waxbarashada dowlad gobaleedka soomaaliyeed ee Galmudug oo gacan ka hel eysa ururka Caalamigaa ee USAID iyo Hay’adda Mercy Cop qaar ka mida dugsiyada sare ee ku yaala magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug.
Qalabkaan oo ka mid ah alaab dhameystiran oo loogu tala galay in aradydu ay ka faa iideeys taan maadooyinka sayniskaa ayaa waxaa munaasabadii lagu wareejinayay oo ay ka qeyb galeen mas uuliyiin ka socatay wasaarada wax barashada waalidiin arday iyo maamulka dugsiga sare ee S.Y.L oo qalabkaan loogu deeqay waxaa ugu horeyn ka hadlay isku duwaha wasaarada waxbarashada Goba lka Mudug Axmed Jaamac Aadan
(Qoodey) waxaana uu sharaxaad ka bixiyay qalabkaan cidda ku caawisay wasaarada iyo dan aha ay wasaaradu ka leedahay.
"Qalabkaan wuxuu ugu danbeeyay sidaad wada ogtihiin howshii horumarinta waxbarashada ee laga hayay iskuulkaan oo ay ka mid aheyd balaarintii qalabayntii buugaagtii hadana waxa na horyaa laa waa laabkii loogu tala galay in loo isticmaalo maadooyinka sayniska, marka waa arin farxad mud an silsilada ceynkaas ah oo hadba qeyb aad ka faa ideeysaneyseen” ayuu yiri
Sheekh Muxyadiin Yuusuf Barre oo ku hadlayay magaca gudiga
waxbarashada iyo maamulka dugsiga sare ee S.Y.L oo isna munaasabada ka hadlay ayaa ugu mahad celiyay wasaarada waxbarashada Galmudug iyo Hay’addaha ka gacan siiyay. Ugu danbeyna Agaasimaha Guud ee wasaarada waxbarashada Galmudug Axmed Nuur Cismaan Cali ayaa sheegay in looga baahan yahay ardayda Dugsiga sare ee S.Y.L in ay noqdaan kuwo kasoo dhalaala kaalinta looga fadhiyo maadaama ay nasiib uyeeshen in ay helaan qalab aysan wali nasiib u yeelan in ay hel aan aradayda wax ka barata dugsiyada sare ee iyaga la mid ah ee ku yaala Deegaanada Galmudug.
Wasaarada waxbarashada Galmudug oo kaashaneysa Ururka Caalamaigaa ee USAID iyo Hay’adda Mercycop ayaa qeyb weyn ka qaatay dhismaha iyo horumarinta waxbarashada ee Dugsiga sare ee S.Y.L iyadoona qalabkaan la siiyay uu noqanayo kii u danbeeyay oo ay ugu deeqaan dugsig aasi wasaarada waxbarashada dowlad gobaleedka soomaaliyeed ee Galmudug iyo Ururka Caalam igaa ee USAID iyo Hay’adda Mercycop.
GABDHIHII AY SII DAAYEEN BOKO HARAM OO GAARAY MAGAALADA ABUJA
Gabdho ay ururka Boko Haram ee ka dhisan dalka Nigeria ay sii daayeen kadib markii ay afdu ub u haysteen muddo saddex sano ah ayaa gaaray magaalada Abuja caasimada dalka Nigeria. Afhayeenka madaxweynaha Nigeria Femi Adesina ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay in 82 gabdho od oo kamid ah gabdhihii Boko Haram ay afuubteen sanadkii 2014 ay lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Abuja.
Gabdhahan la soo daayey waxa lagu badeshay xubno ka tirsan kooxda Boko Xaraam oo dawl addu haysay. Waa markii labaad ee xukuumada Nigeria ay ku guuleysato soo furashada qaar ka mid ah gabdhihii laga afduubtay Chibok. 21 ka mid ah gabadhahaa laga afduubtay Chibok ayaa la soo daayay bishii Octobar ee sanadkii hore.
Wararka la xidhiidha sii deynta 82- kan gabdhood ayaa inta badan dadka Nigeria aad usoo dhaw eeyeen, iyada oo talabaadana ay ay kooxda u ololaysa soo daynta gabadha Chibok ee la baxday "noo soo celiya gabdhahayagii”.
Warbixin ay soo saareen koooxdu ayaa lagu sheegay in ay sugayaan shaacinta magacyada 82-kan gabdhood si loo hubiyo in ay yihiin magacyadii hore loo diinwaan geliyey ee ahaa gabdhaha afduubteen ee ay hore u shaacisay gudiga madaxweynahu u saaray arinta gabdhihii laga afduubtay Chibok.
EMMANUEL MACRON OO LOO DOORTAY MADAXWEYNAHA FARANSIISKA
Natiijada doorashada ay u dareereen shacabka dalka Faransiiska ayaa noqotay in Macron uu noqday Madaxweynaha dalka Faransiiska.
Emmanuel Macron oo ah 39 jir ku tartamey isaga oo aan ka socon mid kamid ah Xisbiyada Faransiiska, siyaasadiisu tahay dhexdhexaad bidix xigta ayaa ku guuleystey doorashadii Madaxweynaha Faransiiska.
Macron ayaa helay codad gaaraya 65%, halka haweeneydka ka socotey Xisbiga Midigta fog NF Marwo Marine Le Pen ay heshay 35%. Farqigaga u dhexeeya natiijada labada musharax ee ku tarta maayey xilka Madaxweynaha Faransiiska ayaa ah mid aad u weyn, waxaana natiijadaani soo baxdey wax yar kadib markii la xirey goobaha codbixinta markey saacadda Paris ahayd 20:00 iyada oo aan guddiga doorashadu weli ku dhawaaqin
Marine Le Pen ayaa dhaqso qiratey guuldarro, waxay khudbad kooban u jeedisey taageerayaa sheeda waxay sheegtey in ay Teleefon u dirtey Emmanuel Macron una tahniyeysey, khudbadeedi koo bneyd ayey ku sheegtay indadka Faransiisku doorteen Madaxweyne cusub, waxayna doorteen in aan wax isbeddel ah dhicin ayey tiri, oo xaaladii hore lagu socdo.
Emmanuel Macron ayaa siyaasadda ku soo biirey saddex sano ka hor markaas oo Madaxweyne Hollande ka dhigey Wasiirka Dhaqaalaha, waxaana uu xilkaas iska casiley sanadkii hore si uu ugu tart amo xilka Madaxweynaha.
Dadka u soo baxay codbixinta ee Faransiiska ayaa ahaa kuwii ugu yaraa tan iyo sanadkii 2002 waxaana ka qaybqaadashadu ahayd 65,30%, dadka xaqa u leh in ay codeeyaan ee ku dha 47 Milyan.
Emmanuel Macron ayaa noqonaya madaxweynihii ugu da’da yaraa abid ee dalka Faransiisku ye eshu.
Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Markel ayaa durbadiiba hambalyo u dirtey Macron waxaana ay she egtey in tani tahay guul u soo hoyatey Midowga Yurub oo dhan.
YUUSUF GARAAD:"ISBEDDELLO AYAA LAGU SAMEYN DOONAA URURKA MIDOWGA AFRIKA”,
Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa Magaalada Kig ali ee dalka Rwanda kaga qeyb galay shir ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ku yeesheen Magaaladaas.
Shirka ay yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika Waxaa looga hadlay mashruuc hore loogu xilsaaaray Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame, oo ku saabsan isbeddello la damacsan yahay in lagu sameeyo Midowga Afrika, siiba dhanka maaliyadda oo qorshuhu yahay in miisaaniyadda Ururka ay la baxaan xubnihiisu.
AKHRISO:QASHIN URUURIYE MADAXWEYNE NOQDAY!
Waxa uu kusoo barbaaray nolol ad ag qoyskiisuna waxuu ahaa faqiir ama sabool, waxa uuna ka shaqeyn jiray qashin aruurinta si uu isaga dabbaro ama isaga bixiyo qarashaadka waxba rashadiisa.
Markii uu dhameeyay waxbarash adiisa, waxa uu kamid noqday shaqaa laha yar ee shirkada "Hyundai Engine ering and construction oo uu Muddo shan sanadood la shaqeynayay.
howlkarnimadiisa shaqo, iyo dadaal kiisa waxqabad ayuu ku muteystay mu ddo yar in uu ku noqdo agaasimaha shirkada Hyundai oo kamid ah shirka daha ugu waaweyn dunida.
Markii uu ka shaqo bilaabayay shi rkada Hyundia waxaa ka howlgalayay oo ka shaqeynayay 90 qof kaliya, hal ka markii uu ka tagayay jagada gudoo miyennimo ee shirkada oo uu shaqey nayey 27 sannadood ay ka howlgalaye en shaqaalo ka badan 160,000 oo qof.
Intaa kadib waxa uu ku biiray siyaa sadda muddo gaaban ka dibna waxa uu u istaagay in uu qabto hoggaanka madaxweynennimo ee wadankiisa Ko onfurta Kuuriya si uu wax uga qabto dhibaatada haysta waddankiisa, waa uu ku guuleeystay, waxa uuna noqday mid ka mid ah madaxweyneyaashii u gu yaraa ee xilligaa soo mara caalam ka.
Waqtigaasi waddankiisa waxa uu kamid ahaa Dowladaha sadexaad ee burburka iyo faqriga ay galaafte en. Waddanka uu taladiisa la wareegayna, waxa uu la daalaa dhacayay dhibaatoy in fara bad an mana jirin meel u badq abtay dalkiisa, waxaa isugu darsamay dhaqaale xummo faqri iyo maamul xummo intaba.
Ninkan magacisu waa Lee Myungbak waana Madaxweynihii hore Koon furta Kuuriya waxaana uu xilka hayay mudadii u dhaxeysay Bishii February 25kedii Sannadkii 2008 illaa Bishii February 25kedii Sannadkii 2013kii.
Inta uusan talada wadankiisa la ware egin Lee Myungbak Koonfurta Kuuri ya waxa lagu tirinayey in ay kamid ahe yd dowladaha calaamka ugu faqiirsa naa kontonkii sano ee u dambeeysay.
Mudadii yareeyd ee uu talada wad danka hayay waxa uu kusoo daray ko ntonka dowladood ee caalamka ugu dhaqaalaha badan taasina waxaa sab ab u ahaa sida uu sheegay Madaxwey ne Lee myngbak in ahmiyada ugu weyn uu saaray dhanka tacliinta ama waxbarashada.
Waxaa kaloo la xusi karaa Mr Lee Myungbak intii aanu noqon Madax weynahan Konfurta Kuriya oo uu hog gaanka u hayay maamulka shirkada Hyundai engineering and construction waxa uu xaqiiji yay in uu ka dhigo mid wax soo saarkeedu sareeyo, sidoo ka le shantii sano oo uu hayay hogg aan ka talada wadankiisa waxa uu xaqiiji yay in uu kusoo daro wadankiisa dow ladaha ugu dhaqaa laha sar eeyo caal amka, waxa ayna yeelatay awood siy aasadeed iyo mid dhaqaale oo weyn.
"Madaxnimadu ka tiri meyso gacm aheyga, raadadkii iyo urtii qashinka ee aan kusoo shaqeeyay waana sababta aan inbadan ugu faraxsnahay waay aheygii shaqada illa . sidaa wa xaa yiri Madax we yne Mr Lee Myungbak
Ugu dambeyn qashinaruurintii uu ka shaqo bilaabay waxey naftiisa, qoy skiisa iyo waddankiisaba u yeeshay sharaf iyo karaamo weyn oo ay ku fa anaan inta noloshadooda ka harsan.
Qalinkii: Farhan A Hussein
BOGGA CAYAARAHA..
WARARKA SUUQA KALA IIBSIGA SAAKEY: RADJA NAINGGOLAN,LUCAZ PEREZ, ROMELU LUKAKU, EVERTON, MANCHESTER , CHELSEA & WARAR KALE
Subax Wanaagsan kusoo dhowaada wararka ugu dambeeyey ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda saakey waxaan heeynaa waxyaabo badan.
Weeraryahanka kooxda Everton Romelu Lukaku ayaa ku laabankara kooxda Chelsea halkii uu aadilahaa kooxda Manchester Unitd ,waxaana xidigaan kooxda ku cadaadinaya Macalin Antonio Conte.The Sun
Macalinka Chelsea ayaa aminsan in xidigaa uu u noqondoono bartilmaameedkooda saxda ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda , waxaana ay la kulmidoonaa afar tartan oo kala duwan.London Evening Standard.
Sidoo kale kooxda Chelsea ayaa lacag dhan £70m ku baadi goobeysa xidigaha kala ah Radja Nainggolan iyo Antonio Rudiger.Th Sun
Kooxaha kala ah Everton, Manchester City, Manchester United, Liverpool iyo West Ham ayaa dhamaantooda indhaha ku haayaan ciyaaryahanka goolka u qabta Jordan Pickford waxaana lagu qiimeeynayaa xidigaan £25m. Telegraph)
Weeraryahanka reer Spain Lucaz Perez ayaa ayaa ku laabankara kooxda Deportivo La Coruna , waxaana xidigaan uu boos ka heli waayey kooxda Arsenal.La Voz de Galicia, via Daily Mail) Daafaca dambe ee xulka England Charlie Taylor waxaana uu bartilmaameysanayaa inuu iska diido u ciyaarista kooxda Wigan uu u laabatay heerka labaad.
Garabka duula ee kooxda Liecester City Marc Albrighton ayaa aad u amaanay Craig Shakespeare waxaana uu ku qanacsanyahay in kooxdiisa wax badan sameeya. (Daily Express)
England Premier League
Liverpool 0 0 Southampton
Arsenal 2 0 Manchester United
Italy Serie A
Udinese 1 1 Atalanta
ChievoVerona 1 1 Palermo
Empoli 3 1 Bologna
Genoa 1 0 Inter
Lazio 7 3 Sampdoria
Pescara 0 1 Crotone
Sassuolo 2 2 Fiorentina
AC Milan 1 4 Roma
Spain LaLiga Santander
Alaves 1 0 Athletic Bilbao
Valencia 4 1 Osasuna
Deportivo La Coruna 1 2 Espanyol
Malaga 3 0 Celta Vigo
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIALY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 8-DA MAY 2017-KA
MADAXWEYNE FARMAAJO OO KORMEERAY KEYDKA RAASHINKA CIIDAMADA MILATERIGA.. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa booqday qaar ka mid ah keydadka raashinka ciidamada qalabka sida gaar ahaan kuwooda Mi