WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 2-DA MAY 2017-KA

0
Tuesday May 02, 2017 - 08:02:22 in Wararka by
  • Visits: 1051
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 2-DA MAY 2017-KA

    MADAXWEYNAHA OO WAXBA KAMA JIRAAN KU TILMAAMAY IN TIRADA CIIDAMADA XOOGGA DALKA LA YAREYNAYO Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxba kama jiraan ku tilmaam ay in wararka sheegaya in la xadidayo ciidamada xoogga dalka, laguna k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA OO WAXBA KAMA JIRAAN KU TILMAAMAY IN TIRADA CIIDAMADA XOOGGA DALKA LA YAREYNAYO Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxba kama jiraan ku tilmaam ay in wararka sheegaya in la xadidayo ciidamada xoogga dalka, laguna koobayo kaliya 18kun askari, ka ddib markii dhowaan Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ay mooshin ka keeneen qorshaha Amn iga Qaranka ee ay ku heshiiyeen Madaxda dowladda federaalka iyo Maamul goboleedyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ujeedka aanu aheyn ciidan la yareynayo ama ciidan la eryayo, waxaa uu tilmaamay in inta awooda iyo tabarta tahay ay ku xiran tahay.

"Ciidankeena ma ahan 18kun ee askari, ee ugu yaraan weeyaan, tabarteena intee ay tahay ay ay ku xiran tahay, qof la ruqseynayo ama ciidan la dhimayo ma jiraan, ciidankii horay u jiray ayaa howl gelineynaa”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, isla markaana ay cid walba u baahan yihiin oo gacan ka geysata xoreynta dalka, isagoo meesha ka saaray xadidnaanta la sheegay in Ciidamada la saaray.

"Aniga oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada, aniga ayay i hoos yimaadaan ciidamada, waxaa iga go’an sidii aan ciidamada oo isku dhaf ah u dhisi laheyn oo aan qabiil aheyn”ayuu yiri Madaxweynaha.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa dhowaan mooshin ka keenay qorshaha Amniga Qaranka oo ay ku jirto dhismaha Ciidamo gaaraya 18kun askari, kaasoo la horgeynayo shirka London.

AHLUSUNA OO KA HADASHAY ALSAADICUUNA BIL XAQ

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna ayaa waxa ay shalay kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho, iyaga oo kaga hadlay kulankooda kooxda cusub ee Alsaadicuuna bil xaq.

Guddoomiyaha Guud ee Maamulka Ahlusuna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo qeyb ka ahaa kulanka ayaa Dowladda Federaalka kaga digay in aysan ku kedsoomin Alsaadicuuna bil xaq, oo sheegay in yihiin dad leh dano gaar ah.

Waxa uu sheegay kooxdan la baxday magaca Alsaadiuuna bil xaq in ay yihiin dad Ummada u yaqaano Gaalo, marka iyaga laga rebo, Ummadana ay fasahaadinayaan.

Sidoo kale Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa sheegay in ay soo magacaabayaan Guddi culimo ah oo shacabka ku buraarujiya Diinta, si looga hortago kooxaha dadka Gaaleysiinaya.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Guud ee Maamulka Ahlusuna Macalin Maxamuud Sheekh Xas an ayaa sheegay Ahlusuna in ay la dagaalami doonto kooxaha ka soo horjeeda Diinta Islaamka, sidoo kalena aysan dhageysan doonin wararka banaanada la mariyo ee been abuurka ah.

SHABAAB OO GUBAY RAASHIN GARGAAR OO LOO WADAY DEGMADA WAAJID

Maamulka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, ayaa ku eedeeyay Ururka Al Shabaab inay gubeen raashin gargaar ah oo loo waday dadka ay abaarta saameysay ee ku nool Degmada Waajid.

Gudoomiyaha Degmada Waajid C/laahi Yariisow, ayaa sheegay in Shabaab ay gubeen Bishii la soo dhaafay kaliya 28 gaari dameer oo raashin loogu waday Degmada.

Wuxuu sheegay ciidamada Shabaab inay ku sugan yihiin duleedka Degmada Waajid, halkaa sina ay kala socdaan dhaq dhaqaaqa waxkasta oo soo galaayo Magaalada iyo wixii ka baxaayo, iyaga oo qabta dhamaan gaari dameerada raashinka u sida Degmada Waajid.

C/laahi Yariisow, ayaa sheegay maalmihii la soo dhaafay Shabaab inay gubeen dhawr gaari dameer oo raashin ah, raashinkaasi oo loogu talo galay dadka abaaraha ay saameysay ee ku nool Waajid.

"Koleey go’doon waaye Magaalada wax soo galaayo malahan, dameeraha iyo waxa wadaba waa la dilaaya, adi 28 gaari ayaa la gubay Bishan gudaheeda, macala dadkoodii iyo dameerihii ayeey dileen, umaddii oo dhibaateysan ayeey dadka sidaan u galaayaan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Waajid.

Xaaladda ay ku sugan tahay Degmada Waajid ayuu sheegay inay tahay mid aad u liidato, raa shinka Magaalada soo galana si dhuumasho ah in lagu keeno oo dad ganacsato ah dhabarka ay ku soo qaadaan si dhib ahna ay ku keenaan Waajid.

Habeen hore ayeey aheyd markii Shabaab dagaal culus ay ku qaadeen Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, iyadoo Xoogaga Shabaab ay u suuragashay inay gudaha u galaan xaafaddo ka mid ah Degmada Waajid.

WASIIR BEYLE OO SI KULUL U BEENIYAY IN R/WASAARAHA UU KHILAAF KALA DHAXEEYO

Wasiirka Maaliyadda Somaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa si adag u beeniyay

in khilaaf uu kala dhaxeeyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Xasan Cali Khayre.

 Warbaahinta Somalida qaybteeda, ayaa si aan laga fiirsan u baahisay in Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu la wareegay shaqadii Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.

Warbaahinta, ayaa adeegsaneysay qoraal la sheegay in uu soo saaaray Garyaqaanka Guud Wadanka, Dr. Cismaan Cilmi Guuleed oo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre looga dalbanayo in uu joojiyo faragelinta uu ku hayo Wasaaradda Maaliyadda.

Sidoo kale Warbaahinta, ayaa sheegtay in Wasiirka Maaliyadda Somaliya uu yahay nin magac u yaal ah, islamarkaana uu Khayre si toos ahi u maamulo Wasaaradiisa.

Wasiir Beyle, ayaa barta uu ku leeyahay Shabakadda Bulshada Xiriirisa ee Twitter waxaa uu ku beeniyay in is qabqabsi uu kala dhaxeeyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda.

"Warka beenta ah ee ay baahisay warbaahinta aan xilkasta ahayn ee la xiriira muranka Ra’iisal Wasaaraha waa khalad. Waxaan diiradda saaraynaa dib u dhiska Somaliya.” Ayuu Wasiir Beyle ku sheegay qoraalka

DIBADBAX KA DHACAY WARSHIIQ

Degmada Warshiiq ee Gobolka Shabeelaha Dhexe shalay waxaa ka dhacay Banaanbax bala aran, sida uu soo sheegayo wariyaha Risaala ee Magaaladaasi.

Banaanbaxan ayaa waxaa ka qeyb galay dadweyne isaga kala yimid dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmadaasi, waxaana soo qaban qaabiyay Maamulka Degmada.

Banaanbaxan ayaa shacabka waxa ay ku dalbanayeen in Maamulka Hirshabeelle loo ogolaado in uu furto Dekadda Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo in loo ogolaado in Magaalada Jowhar ay yeelato Garoomo Diyaaradeed.

Dadka Banaanbaxa dhigayay ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxa ay ka dalbadeen in Hirshabeelle ay hesho wax walbo ay heystaan Maamulada kale.

Xoghayaha Degmada Warshiiq ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay Risaala ayaa she egay in ay sii wadayaan Banaanbaxyda ilaa qeyladhaantooda laga jawaabo

.SHABAAB OO SHALAY NIN DHAGAX KU DILAY..

Ururka Al Shabaab, ayaa goor dhaw fagaare ku yaalo deegaanka Buqaqable ee Gobolka Hiira an, waxa ay ku dileen laba ruux oo mid ka mid ah dilkiisa loo adeegsaday dhagax, halka midka kalena toogasho lagu dilay.

Ruuxa dhagaxa lagu dilay, ayaa Al Shabaab waxa ay ku eedeeyeen inuu gaystay fal kufsi ah, kadibna uu dilay gabadhii uu kufsaday walaalkeed, iyadoo arintaasi uu ku caawiyay askari sida Shabaab ay sheegeen ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Axmed Ibraahim Raagow oo 29 ayaa Al Shabaab ku eedeeyeen inuu kufsiga ka gaystay Maga alada Baledweyne, isaga oo horay guur u soo maray.

Al Shabaab ayaa sheegay ruuxa kale ee dilka toogashada ah lagu fuliyay inuu yahay askari ka tirsan ciidamada dowladda oo ninka kufsiga gaystay ka caawiyay dilka gabadha la kufsaday wala alkeed.

Ruuxa kale ee Shabaab ay dileen, ayaa lagu magacaabaa Yuusuf Cali Bajiin oo 22, kaasi oo ay sheegeen inuu qayb ka ahaa falka kufsiga.

Fagaaraha xukunka dhagax ku dilka ah iyo toogashada uu ka dhacay ee deegaanka Buqaq able ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa Shabaab ay ka sheegeen in labada ruux ee la dilay lagu soo qa bta hawlgal Shabaab ay ka fuliyeen Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Xukunkaan ayaa sida Shabaab ay sheegeen waxaa fulisay maxkamada Al Shabaab ee Gobol ka Hiiraan, waxaana shalay markii xukunka uu dhacaayay fagaaraha ku sugnaa dadweyne fara badan oo daawanaayay qaabka xukunka dhagax ku dilka ah Shabaab ay u fuliyeen.

Maxkamadaha Shabaab ayaa inta badan soo saara xukun hal dhinac ah, iyadoo dadka la xuk umo aysan heli qareeno u dooda kiiska eedeynta ah ee Shabaab ay ku soo oogeen.

SIILLAANYO"CID KASTA OO AY KU CADDAATO LUNSI IYO XATOOYO XOOLAHA QARANKA, WAA IN TALLAABO SHARCI AH LAGA QAADAA”

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa kulan isugu yeedhay Saddexda hay’addood ee kala ah Hanti dhawrka guud ee qaranka , Xeer Ilaalinta qaranka iyo Komishanka Maamul wanaaga.

Nuxurka Kulankan uu Madaxweynuhu la qaatay Saddexdan Hay’adood ee Dastuuriga wuxuu daranaa, sidii ay saddexdaa hay’adood uga wada shaqayn lahaayeen ka hortaga, dabagalka iyo xakamaynta lunsiga iyo ku tagrifalka hantida qaranka.

Madaxweynuhu wuxuu masuuliyiinta dawladda faray in wakhtiga kala guurka ah lagaga faa’iid aysan in musuqmaasuq la sameeyo, waxaanu madaxweynhu faray Hanti dhawrka qaranka, Hay’adda Maamulka wanaagga iyo Xeer ilaalinta Qaranka in Hay’add walba ay masuuliyada qaranka u hayso uga soo baxdo sidii ay ahayd.

"Baadhista iyo dabagalka lunsiga hantida qaranka waa masuuliyad saaran hanti dhawrka guud ee qaranka. Sidoo kale oogista danbiyada laga galo qaranka ee la xidhiidha lunsiga hantida umadda waxaa u xilsaaran xeer ilaalinta qaranka, Komishanka maamul wanaaggu iyaga xilkoodu waa baadhis xaga maamulka ah iyo toosin iyo tayeynta maamulka dawliga ah, si loo helo maamul hufan oo wanaagsan. Kulankaa waxaa madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka madaxtooyada,Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka wasaaradda warfaafinta, mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), wasiir ku xigeenka madaxtooyada, MudaneAxmed Xaashi Cabdi, madaxda hay’addaha saddexda ah.”ayaa la gu yidhi qoraal ka soo baxay

"waxaan ahay Mas'uul caan ku ahaa cimrigii, maamul wanaag iyo nacaybka xatooyada xoolaha ummadda. Muddadii aan qarankan hoggaaminayey, waxaan xooga saaray sidii loo dhisi lahaa qaran ka bad qaba cudurrada ragaadiya horumarka dalka, ee ay kow ka yihiin maamulxumida iyo musuq maasuqu.Sidaa darteed, waxa iga go'an in aan ummaddayda uga tago dhaxal wanaagsan, isla mark aana aan naftayda u reebo taariikh duug ah.”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo la hadlayey hay’ adan uu la kulmay.

"Sida aad dareensan tihiin, xilliyada kala guurka marka ay dawladuhu galaan, waxa dhacda in la xalaashado hantida ummadda, boob iyo dhacna uu bilaabmo. Haddaba, si aynu uga hortagno arr imahaa, waxaan idin farayaa in aad laban laabtaan dedaalkiinna, isla markaana xilkiina u gudataan si karti iyo hufnaan leh.”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Waxanu intaas ku daray "Waxa reebban, ku tagri falka hantida ummadda nooc kasta oo ay ta hay, waxaanan idin farayaa in aad feejignaan joogta ah u yeelataan ilaalinta hantida ummadda. Cid ka sta oo ay ku caddaato lunsi iyo xatooyo xoolaha qaranka, waa in tallaabo sharci ah laga qaadaa. Waxaan idiin cadaynayaa in aanay jirin cid sharciga ka saraysaa oo aanu xeerku qabanayn. Waxaan idinka doonayaa, warbixin joogta ah iyo hawlgallo dhab ah, oo lagu ilaalinayo hantida ummadda.”.

RA’IISUL WASAARE KHEYRE OO LA KULMAY WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA JARMALKA SIGMAR GABRIEL

R/wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ra’iisulwasaare kuxig eenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Jarmalka Mr Sigmar Gabriel oo shalay soo gaaray dal ka,

Labada dhinac ayaa kulankoodii uga hadlay xoojinta xiriirka labada dal ,gaar ahaan iskaashiga labada dowladood iyo wax ka qabashada dhinacyada amniga iyo xaaladaha abaaraha Ra’iisulwas aare kuxigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Jarmalka Mr SignarGabriel ,ayaa sheegay in dowladda Jarmalka ugu deeqday Soomaaliya lacag dhan 70milyan oo Yuuro

R/wasaaraha dowladda JFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka mahadceliyay lacagahaasi de eqda ah,isagoo ku booriyay in dowladda Jarmalka ay halkaasi ka sii wadaaan taageeridda dadka So omaaliyeed

Booqashada R/wasaare kuxegeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Jarmalka ayaa qeyb ka dadaalka beesha caalamka ugu jirto garab istaaga Dowaladda Federaalka Soomaaliya iyo wax ka qab ashada xaaladaha Abaareed ee kajira Dalka

XILDHIBAANNADA GALMUDUG OO KHUDBADO KA DHEGEYSANAYA MUSHARRAXIINTA MADAXWEYNE

Musharraxiinta Madaxweyne ee maamulgobolleedka Galmudug ayaa shalay Khudbaddo ka hor jeedinaya Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulkaasi.

Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa sheegay in ilaa iyo saddex musharax ay hor imanay aan Baarlamaanka, kuwaas oo kala ah.

1 Axmed Ducaale Geelle Xaaf

2 Cabdikadir Maxamed Shirwac

3 Axmed Shariif Hilowle

Musharraxiinta ayaa xildhibaannada u akhrinaya barnaamijkooda siyaasadeed, haddii ay ku guuleystaan xilka madaxtinimada ee Galmudug.

Baarlamaanka Galmudug ayaa lagula dardaarmay in si wanaagsan ay u dhegeystaan khud badaha si ay go’aan uga gaaraan qofka ay codkooda siinayaan maalinta doorashada.

Doorashada Madaxtinimada Galmudug ayaa la filayaa in 3da bishan lagu qabto magaalladda Cadaado oo ah xaruunta kumeelgaarka ee Galmudug.

Madax ka kala socda dowladda Federalka iyo maamulgobolleedyadda dalka ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan doorashada maamulkaasi oo ka dhici doonta Cadaado.

MUQDISHO OO LAGA XUSAY MAALINTA SHAQAALAHA ADUUNKA

Munaasabad lagu xusayay Maalinta Shaqaalaha Aduunka oo ku beegan 1da May ayaa shalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu u gu horeeyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Xasan Cali Khayre, Madaxda Wasaaradda iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Soomaaliya Xasan Abshirow oo goobta ka hadlay ayaa soo hadal qaaday muhiimada ay leedahay maalinta shaqaalaha, tirada shaqaalaha Dowladda iyo arri mo kale.

Wasiirka Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada ayaa sheegay in ay ka hortagi doonaan shaqo la’ aanta baahsan ee heysata shacabka Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in ay wax ka qaban doonaan dhibaatooyinka Tahriibka ee Dhalinyarada.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Xasan Cali Khayre ayaa Hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed, wuxuuna balan qaaday in shaqaalaha Dowladda Fed eraalka ay heli doonaan xuquuqdooda.

DIPLOMAASI ETHIOPIAN OO XAQIIJIYEY BOOQASHADDA MADAXWEYNE FARMAAJO EE ADDIS ABEBA.

Ka dib, calawsanaan Siyasadeed iyo Tuhuno kale oo la hadal hayey inuu hareeyey Xiriirka So malia iyo Ethiopia ayaa waxa uu Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo aqbalay Casuum aad ka soo gaartay Ra’isulwasaaraha dalkaasi, Haile Mariam Desline.

Diplomaasi Ethiopian ah oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa xaqiijiyey inuu Madaxweynaha Soma lia booqasho 2 maalmood ku tegi doono magaalladda Addis Abeba maalinta Arbacada ee soo socota.

Labada Hoggaamiye waxay ka wada hadli doonaan Ammaanka Gobalka, Xiriirka iyo Istraatiji yadada Iskaashiga Ammaanka ee labada Dowladood.

Madaxweyne Farmaajo waxa kale oo uu la kulmi doonaa Madaxweynaha Ethiopia , Mulatu Te shome.

Sarkaal kale oo u hadlay Ururgobaleedka IGAD ayaa isaga na sheegay in qoddobadda ugu muhiimsan Wadahadalkooda diir ada lagu saari doono sida loo xoojin karo Xiriirka Labada dal, Xaalladda Ammaanka Somalia, Hawlaha Samafalka iyo Arrimaha Walaaca leh ee ka aloosan Mandiqada

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo inta uu booqashada ku joogo magaalladda Addis Abeba waxa uu la kulmi doonaa Gud doomiyaha Ururka Midowga Afrika, Mu

Diplomaasi ka tirsan Ururka Midowga Afrika oo ku sugan Addis Abeba ayaa isagana sheegay in Kulankaasi diiradda lagu saari doono Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia iyo Hawlgalka AMISOM ee Ladagaalanka Alsh abaab.

Booqashadda Madaxweyne Farmaajo ku tegi doono Addis Abeba ayaa ku soo beegmayso iya doo Sarkaalka Ethiopianka ee Jeneral Gebre Heard uu dhawaan sheegay inuu Madaxweyne Farma ajo wax u dhimay Sharafta Ciiddanka Ethiopia ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, kadib, booqa shaddii Madaxweynuhu ku tegay magaalladda Baydhabo.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu daraad Waraaqihiisa Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Ethiopia u jooga Somalia, Jamaaludiin Mustafa Cumar.

RABSHADO KA SOO CUSBOONAADAY JAMHUURIYADDA AFRIKADA DHEXE

Rabashado dib uga soo cusboonaaday dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa xaafado buuxay ka dhigay kuwo maran oo burburay, halka dadna lagu dilay.

Guryaha qaar ayaa guban, waxaana ka maran saqafka sare, ayada oo lagu arkayo meydad lo oga tagay, halka gurayaha qaarna la bililiqeystay.

Shaqaalaga gargaarka ayaa ka digay in dalkaas uu dib ugu laabanyo dagaal sokeeye. In ka ba dan boqol kun oo qof ayaa ka qaxay guryahaooda tan iyo bishii September ee sanadkii tagay.

Dhinaca waqooyi, mucaraadka kirishtanka ayaa xaafadda Bambara u adeegsaday saldhig ay ka duulaan, waxaana markii askarta dowlada ay dad reer miyi ah ka xadeen saco, ay maleeshiyada Seleka soo qaadeen weerar aargudasho oo ay ku dileen 25 qof, ayaga oo gubay 600 oo guri.

Rabshadaha dalkaas ayaa waxaa ku barkacay shan meelood meel, guud ahaan dadka Jamhuu riyadda Afrikada Dhexe – Dad gaaraya illaaa afar boqol oo kun oo qof.

BOGGA CAYAARAHA

HORDHAC: REAL MADRID VS ATLETIOC MADRID WAX WALBA OO AAD UGA BAAHAN TAHAY IN AAD KA OGAATO KULANKA MADRID DERBY EE AFAR DHAMAADKA CHAMPIONS LEAQUEGA IYO XUSUUSTA FINALADII CHAMPIONS LEAQUEGA EE KOOXAHA REE MADRID OO XAMAASADA LABA JIBAARAYSA.

Real Madrid ayaa Santiago Bernabeu ku soo dhawaynaysa kooxda ay dariska yihiin isla markaana uu xifiltanka wayni ka dhexeeyo ee Atletico Madrid. Kooxaha caasimada Spain ee Madrid ka wada dhisan ayaa markale xifiltankooda u wareejin doona horyaalka kooxaha Yurub ee Champions Leaquega iyo markii saddexaad xili ciyaareedkan iska hor iman doona. Kulanka lugta hore ee afar dhamaadka Champions Leaquega ayaa loogu badalansan yahay Bernabeu halka kulanka sida rasmiga ah loogu kala bixi doonaa uu Calderon ka qabsoomi doono.

Kooxaha Real Madrid iyo Atel tico Madrid ayaa ciyaari doona laba kulan ku celis u ah finalkii Champions Leaquega ee xili ciyaareedkii hore kaas oo labadan kooxood ku dhex maray Milano markaas oo ay Real Ma drid rekoodhayaal ku garaacday Atlet ico Madrid si ay markii 11 aad ugu guulaysto koobka Champions Leaq uega. Saddexdii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay ayay Real Madrid laba je er Atletico Madrid ka hor joogsatay ko obka Chamions Leaquega.

Ma aha markii ugu horaysay ee ay kooxoaha ree Madrid iskaga hor imayaan afar dhamaadka tartamada Yurub balse Real Madrid ayaa sidoo kale Ateltico Madrid ka soo guulaystay kulamadii afar dhamaadka tartankan ee 1958/59, waxayna sidoo kale Los Blancos koobka Champions Leaquega ay Ateltico Madrid ka soo qaaday sanadkii 2014 kii markii lagu qabtay magaalada Lisbon ee dalka Port ugal. Laakiin xanuunka ay wali Atletico Madrid sii dareemayso ayaa ah finalkii ugu danbeeyay ee 2016.

LIVERPOOL OO GUUL DAHABI AH KA SOO GAADHAY WATFROD, EMRE CAN OO DHALIYAY MID KA MID AH GOOLASHII XILI CIYAAREEDKA UGU FIICANAA IYO REDS OO KAALINTA SADDEXAAD SII ADKAYSATAY.

Liverpool ayaa guul dahabi ah oo xili ciyaareedka kooxdeeda muhiimad wayn u leh ka soo gaa dhay kooxda Watfrod waxaana kooxda Klopp guushan ku soo hogaamiyay Emre Can oo dhaliyay mid ka mid ah goolasha xili ciyaareedkan u tartami doona goolkii ugu quruxda badnaa si uu kooxdiisa Red s ugu soo gacan galiyo saddex dhibcood oo ay kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier Leaquega ay ku sii xejisteen.

Liverpool ayaa Manchester City oo ay dhibco isku mid ah lahaayeen saddex dhibcood ka sarre martay iyada oo booska Champions Leaquega loogu soo baxayo ku sii dhawaanaysa. Liverpool ayay u harsan yihiin saddex kulan oo kaliyi waxayna haystaa fursad ka wayn kooxaha ay la tartamayso.

DAQIIQADII 45+2 AAD GOOOOOOOOOOOOOL!!Alla Muxuu gool qurux badan ahaa!! Emre Can ayaa mid ka mid ah goolasha u sharaxanaan doona goolka xili ciyaareedkan ugu quruxda badan ka dhaliyay kulankan kadib markii uu qaab layaableh oo laba lugoodley ah uu kaga yaabsatay goolhayaha Watfrod oo ku war helay kubbada oo shabiqiisa u dhaaftay, wuxuuna xidiga ree Germany goolka uu indhaha aduunka ku xaday ku dhaliyay kubbad uu meel fogta ka soo tuuray Lucas, wax ayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Liverpool hogaanka ciyarata ku qabtay.

Waxaa la moodayay in Watfrod ay marti ku tahay Anfield marka loo eego qaabka ayna difaace eda ugu soo bixin isla markaana ay Liverpool u maamulaysay ciyaarta laakiin Klopp ayaa doonayay in kooxdiisu ay kubbada haysashada iyo boosishanka uga faa’iidaysato goolal basle waxaa qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1:0 ay Reds hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Liverpool soo laabtay iyada oo dar dar xoogan ku socota isla markaana doonaysay in ay ciyaarta disho oo ay la timaado goolka laabad ee kalsoonida.Laakiin markale ciyaarta ayaa noqotay mid laysku mari waayay iyada oo marka uu waqtigu sii socdaba Watfrod bilaabaysay in ay goolka barbaraha raadiso.

Marka laga yimaado badalkii Coutinho ee xili horeba Klopp ku qasbay in uu shaxdisa isbadal ku sameeyo waxa uu inta ugu badan ciyaarta ku sii hayay xidigihii uu ku soo bilaabay laakiin daqiiqadii 84 aad waxa uu kaydka uga yeedhay xidiga waqtiga dheer aan Reds u ciyaarin ee Daniel Sturridge wuxuuna ciyaarta ka saray Divock Origi.

Sidoo kale Klopp ayaa daqaqiiqadii 87 aad natiijada kooxdiisa u cabsaday wuxuuna ciyaarta ka saaray Adam Lallana si uu difaaca kooxdiisa ugu soo xoojiyo Ragnar Klavan. Waxayna markan Watf rod doonaysay in ay guuldarada iska badbaadiso oo ay Liverpool ka hesho hal dhibic.

DAQIIQADII 89 AAD Liverpool ayaa heshay fursad cajiib ah oo ciyaartay ku dili kartay kadib markii uu Matip helay fursad uu ku dhalin lahaa goolka labaad ee Liverpool laakiin goolhayaha Watfrod ee Gomes ayaa Liverpool ka beeniyay goolka ciyaarta ay ku dili kartay.

Waqti kooban kadib Daniel Sturridge ayaa ugu dhawaaday in uu shabaqa Watfrod soo taabto laakiin markale fursadan ayaan noqon mid Liverpool ciyaarta ka dhamaystirtay. Gomes ayaa Sturridge ka beeniyay fursad layaableh laakiin ilbidhiqsigii ugu danbeeyay Watfrod ayaa wadnaha goysay jam aahiirta Reds kadib marii uu Prodl birta u garaacay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay Liverpool ku soo heshay guul xili ciyaareed keeda muhiimad wayn u leh waxayna saddex dhibcood sarre uga baxday Manchester City oo kaalinta afraad ku jirta. Saddex kulan oo kaliya ayaa Liverpool u hadhsan waxayna haddaba u muuqataa koox da ugu cad cad ee booska Champions Leaquega xaqiijisan karta.

GARYAQAANKA GUUD EE DOWLADDA OO RA’ISUL WASAARAHA U SHEEGAY IN SHARCIGA OO LAGU TUNTO KA XUN YAHAY MUSUQA

Garyaqaanka guud ee qaranka ayaa sheegay in musmaauqu yahay sharciga oo la baalmaro, faragalin aan sharciga waafaqsanaynna ay tahay nuuc ka mid ah musmaasuq, kaas oo ka daran kii la la dagaalamayay, waana in musmaasuqa lagula dagaalamaa sharciga dhexdiisa ee aan baannaanka looga bixin.

Xil ka qaadista waxaa uu sheegay magacaabista iyo Xilkaqaadista madaxda Rayidka ah iyo ku wa Ciidamadaba waa masuuliyad wadareed ka soo bilaabato soo jeedinta Wasiirka Wasaaraadda u xilsaran, ansixinta Golaha Wasiirada, iyo mararka qaar Golaha Shacabka, kunad hammaato Xeerka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka, mana jiro masuul ka tirsan Dowaldda darajo kasto ha

kahayee oo kaligiis samaynkaro magacaabidda iyo xilka qaadidda Saraakiisha Dowladda.

HADABA, HALKAN KA AKHRI, QORAALKA GARYAQAANKA GUUD.










Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip