
Gabar yar oo biriq ku dishay Shabellaha Dhexe
Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay gabadhan yar inay ku dhimatay biriq halkaasi ku dhacday, xilli ay la joogtay xoolo.
Roobka guga ayaa ka curtay Gobolada dalka Somaliya, xilli muddooyinkii dambe ay jirtay abaar saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada ku nool Gobolada dalka.
Waalidiinta dhalay gabadhaan ayaa sheegay inay meydkeeda ka soo qaaday halkii ay ariga ku ilaalinaysay gabadha yar, kadib markii biriqda ay ku dhacday.
Saraakiisha Booliska Shabellaha Dhexe waxa ay sheegeen dadka inay uga digayaan roobabka oo bilowday iyo in sidoo kale wabiga aagiisa laga fogaado, maadaama suuragal ay tahay daadadka inay qaadaan caruurta da’da yar.
Inta badan xilliyada roobka marka la guda galo, ayaa Biriqda ku dhacda deeganada Gobolada dalka qaarkood, waxa ay khasaare u gaysataa dadka rayidka ah ee reer miyiga ah ee ku nool goobaha biriqda ay ku dhacdo.
Ma,ahan markii ugu horeysay oo Gobolka Shabellaha Dhexe Biriq ay dad ku disho, iyadoo dhawr mar sidan oo kale Biriq waxyeelo ay u gaysatay dad rayid ah.
Gabar yar oo biriq ku dishay Shabellaha Dhexe
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Dhexe gabar yar oo 12-sano jir ah ayaa waxaa dishay Biriq ku dhacday deegaanka Xaaji Cali oo 20-KM u jira Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe.