WIIL IYO AWOWGIIS IYO SHEEKO GAABAN!

0
Friday April 28, 2017 - 20:01:03 in Maqaallo by
  • Visits: 1784
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WIIL IYO AWOWGIIS IYO SHEEKO GAABAN!

    Wiil qurbaha in badan waxbarasho ugu maqnaa, ayaa dib ugu soo laabtay Dalkiisa Soomaaliya. Guriga awowgiis oo ku yaal xaafad ka mid ah xaafadaha caasimadda muqdisho,ayuu wiilku ku soo degey. Dhowr beri markuu joogey beledka , wuxuu soo ogaadey in awo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiil qurbaha in badan waxbarasho ugu maqnaa, ayaa dib ugu soo laabtay Dalkiisa Soomaaliya. Guriga awowgiis oo ku yaal xaafad ka mid ah xaafadaha caasimadda muqdisho,ayuu wiilku ku soo degey. Dhowr beri markuu joogey beledka , wuxuu soo ogaadey in awoowe uu kalsoonidii kala noqday Dawladda cusub taasoo uu ku iclaamiyey warbaahinta gudaha. Beryo kadib, wiilkii iyo awowgiis, waxay iska wareysteen xaaladda Dalka, Dadka iyo meesha wax marayaan guud ahaan. Awoowe, si kulul ayuu Dawladda cusub u canbaareeyey, wuxuuna sheegay in qabiilkiisa loo magacaabay hal wasiir oo boosh ah, meesha qabiil hebel la siiyey wasiir waafi ah.

 

Golaha Wasiirda cusub /Somalia
Wiilku,mudaddii yareyd oo uu joogey guriga awowgiis wuxuu dersayey, nolosha caruurta xaafadda, waxbarashadooda iyo caafimaadkooda iyo biyo la’aanta heysata xaafadda iyo guud ahaan qashinka hor dhooban guryaha xaafaddu ka kooban tahay. Wiilku arrimahaas isbiirsaday aad ayuu uga xumaaday, waxa kaloo lamafilaan ku noqotay in awowgiis oo madax ka ah xaafadda lagana qadariyo, uusanba ka warqabin nolosha asaasiga ah ee dadka xaafadda deggan , iyo sida dadka xaafaddu eeyan uga danqaneyn dhibaatooyinka badan ee heysta iyaga iyo caruurtoodaba!

caruurta soomaaliyeed ee ku dacadareysan Dariiqyada.

Kadib, wada hadal iyo iswareysi dheer oo dhex maray wiilka iyo awowgiis,wiilku wuxuu ku yiri awowgiis sidatan: Awoowe,waxaad ii sheegtay inaad kalsoonidaadii aad Dawladda kala soo



 

laabatay,taasoo aad ku sababeysay inaan qabiilkeenna la siin wasiir waafi ah, laakin anigu haddaan dersey xaaladda xaafadda oo aad maamusho,waxaa ii soo baxday in dadka xaafaddu rafaadsan yihiin,sababtuna waxa weeye in noloshoodu ay aad u liidato xag caafimaad, waxbarasho,iyo biyo la’aanta joogtada ah ee ka taagan xaafadda guud ahaan.Wiilku intaa wuxuu kaloo ku daray: Awoowe,dadka xaafadda adaa u ah indho eh, wax u qabo!

A Somali malnourished child from southern Somalia stands in front of a makeshift shelter in Mogadishu, Somalia, Saturday, July 23, 2011. People who can barely stay on their feet due to hunger walk for days or even weeks through parched wasteland to find aid. The drought and ensuing famine which is enveloping the Horn of Africa has left more than two million children at risk of starvation. (AP Photo/Mohamed Sheikh Nor)

Awoowe Cumar, weligiis wax kala hadla arrimahaas ku saabsan nolosha dadka xaafadda ma arag, laakin aad ayuu u gareystay waxa uu u soo jeediyey wiilka uu awowga u yahay,wuxuuna ballanqaaday, inuu arrimahaas hadda kadib wax ka qaban doono asagoo la kaashan doona madaxda Dawladda . Oday Cumar, wuxuu kaloo fahmey in arrinta la xiriirta wasiir- doorashadu ay tahay arrin siyaasadeed oo u taal madaxda Dawladda,taasoo iyaga lagula xisaabtamayo, wuxuu kaloo gartay in waxaan lagu sheegayo 4.5 ay ka mid tahay waxyaabaha dibedda looga soo maleegey Ummadda, isla markaana la arkay dhibaatadeeda, ayna habboon tahay in laga takhalluso giddigeedaba.

MAXEYNU KA BARANKARNAA SHEEKADAN?
Sheekadan waxaan ka baran karnaa,iney jiraan dad badan oo aan aqoon shaqada iyaga sugeysa,iyagoo markaas madaxa la gala shaqo aan iyaga u ool, sida Oday Cumar, oo galay siyaasad qabiil ku saleysan, meeshuu ka fakari lahaa horumarinta xaafadda iyo dadka uu masuul ka yahay oo dhibaatadu dilootey!

FIIRO GAAR AH!
Labada eray oo kala ah Waafi iyo Boosh,oon horay ku soo qoray,waa labo eray oo la isticmaalo marka lakala gadanayo hargaha xoolaha.

Marka, wasiir boosh ah halkan, waxaa loolajeedaa wasiir loo magacaabay wasaarad aan dhac-dhac laheyn,meesha wasiir waafi ah loolajeedo wasiir wasaaraddiisu ay dhac-dhac leedahay, shidan tahay, oo laga helayo leefleef badan! Kelmadahan labada ah micnahooda cusubi, dhowaan ayuu ku soo biiray eray bixinta afka soomaalida !!

Waxaa soo qoray sheekadan gaaban,
Dr.A.A.Karaani
Maareeyihii Wakaaladda
Daaqa Qaranka
Taariikh, april 2017



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip