War Deg Deg Ah: weerar dhimasho iyo dhaawac geystay oo goordhow lagu qaaday Labo Wiil oo Walaalo ah mid ka mid ah dagmooyinka Muqdisho

0
Friday April 28, 2017 - 12:25:51 in Wararka by
  • Visits: 516
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah: weerar dhimasho iyo dhaawac geystay oo goordhow lagu qaaday Labo Wiil oo Walaalo ah mid ka mid ah dagmooyinka Muqdisho

    Kooxo hubeesan oo watay gaari nuuca raaxada ah ayaa lagu sheegay in goordhaw xaafada Siligi Ameerikaanka ee katirsan degmada Wadajir dil iyo dhaawac ugu geesteen labo wiil oo walaalo ahaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo hubeesan oo watay gaari nuuca raaxada ah ayaa lagu sheegay in goordhaw xaafada Siligi Ameerikaanka ee katirsan degmada Wadajir dil iyo dhaawac ugu geesteen labo wiil oo walaalo ahaa.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in rag hubeesan oo watay gaari nuuca raaxada ah ay weerareen labo wiil oo wada dhashay kuwaa oo goob garaash ah kala soo baxay gaari uu aabahood lahaa, waxaana dableyda ku fureen wiilashaasi rasaas xoogan.

Maamulka Degmada Wadajir ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in weerarkaasi ka dhacay xaafada Siliga Ameerikaanka lagu dilay mid kamid ah labada wiil ee wada dhashay oo lagu kala magacaabo Mustaf Maxamed Wehliye iyo Saney Maxamed Wehliye, iyada oo mid kamid ah wiilashan uu dhaawacmay.

Kooxihii hubeesnaa ee weerarkan ka dambeeyay ayaa ka baxsaday halka ay weerarka ka fulieen, walina lama oga waxa uu salka ku hayo dilkan, dhalinyaradan la dilka iyo dhaawac loo geystay ayaa la sheegay in aysan wax lug ah ku laheyn siyaasada dalka.

Dilalka qorsheesan ee u jeedo badanka ah ayaa u muuqda kuwa kusoo badanaya magaalada Muqdisho. kooxaha dilalka iyo qaraxyada ka geesta magaalada Muqdisho ayaa inta badan ka baxsada gacanta ciidamada dowlada Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip