Boqorka dalka Sacuudiga iyo Madaxweynaha Mareykanka oo Washington ku kulmay
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama, ayaa Magaalada Washington kula kulmay Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salmaan, kadib markii booqasho uu ku tagay dalkaasi Mareykanka Boqor Salman. Kulan ay wada qaateen labadan masuul ayaa waxa ay uga wada hadleen arimo dhowr ah oo ay ka mid tahay, sidii loo xasilin lahaa Bariga Dhexe iyo kaalinta Sacuudiga arintaasi kaga aadan.
Boqor Salmaan, ayaa sheegay in dalkiisa uu kala shaqeyn doono Xukuumadda Washington, sidii nabad looga dhalin lahaa Bariga Dhexe oo ay qalalaaso la dageen.
Booqashada Boqor Salmaan ee dalka Mareykanka ayaa ah tii ugu horeysay ee uu ku tago dalkaasi, tan iyo markii uu qabtay xilkan Bishii Janaayo.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama, ayaa sheegay Boqor Salmaan inuu kala hadlay arimaha ku aadan Dagaalada Syria, Dagaalada Yemen iyo arimaha ku saabsan Bariga Dhexe.
Obama ayaa ku cadaadiyay Boqor Salmaan inuu u ogolaado hay’adaha gargaarka in ay si aan shuruud lahayn uga howlgalaan Yemen, halkaasi oo xulafada uu Sacuudiga horkacayo ay dagaal kula jiraan fallaagada Xuutiyiinta.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama, ayaa Magaalada Washington kula kulmay Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salmaan, kadib markii booqasho uu ku tagay dalkaasi Mareykanka Boqor Salman.