WAA WARARKA WARGYESKA MOOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA O AH ARBACO 26- KA ABRIILE 2017-KA

0
Wednesday April 26, 2017 - 10:18:47 in Wararka by
  • Visits: 1311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGYESKA MOOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA O AH ARBACO 26- KA ABRIILE 2017-KA

    MADAXWEYNE FARMAAJO OO XALAY GAARAY MAGAALADA ANKARA EE DALKA TURKIGA .. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hog gaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Ankara ee Caasimada Turkiga, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE FARMAAJO OO XALAY GAARAY MAGAALADA ANKARA EE DALKA TURKIGA .. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hog gaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Ankara ee Caasimada Turkiga, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa Turkiga. Booqashada Madaxweynaha ayaa ah tii u horeysay ee uu ku tago Turkiga, waana safarkii 5aad ee uu dalka uga ambabaxo labo bilood kaddib markii xilka loo doortay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaarad aha Ankara, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirada Arrimaha Diba dda, Maaliyadda, Amniga iyo Wasiiro kale, waxaana lagu wadaa in heshiisyo dhowr ah ay la saxiixdaan dhiggooda Turkiga.

Madaxweynayaasha Turiga iyo Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ku kulmaan Qasriga Madaxtooyada Ankara, halkaasoo soo dhoweyn heerkeedu sareyso loogu sameyn doono Madaxweyne Farmaajo.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa xiriirkooda yahay mid aad u wanaagsan, waxaana Turkiga yahay dalka kaliya ee si toos u taageera Soomaaliya, horayna mashaariic iyo howlo sama fal ka fuliyay gudaha dalka.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ku tagay Turkiga ayaa ku soo aaday, xilli Imaaraadka Carabta uu xoojiyay saam eyntiisa Soomaaliya, iyadoo xilligan uu jiro loolan Turkiga iyo Imaaraadka u dhaxeeya, waxaana Imaaraadka Carabta Jimc ihii la soo dhaafay uu qabtay Yabooh lacageed loo sameeyay dadka Soomaaliyeed, taasoo lix sano ka hor Turkiga sameey een, xilligaasoo abaaro iyo macluul ku dhifteen Gobolada Koofurteed ee Soomaaliya.

GABRE OO EEDEEYAY MADAXWEYNAHA SOMALIYA

General Gabre oo ah Sarkaal ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa eedeyn u jeediyay Madaxweynaha Somaliya Maxam ed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Barta Twiterka uu ku leeyahay xiriirka Bulshada ayaa General Gabre, wuxuu ku soo qoray hadalo eedeyn ah oo Mad axweynaha uu ujeediyay, wuxuuna sheegay Madaxweynaha inuu xishmeyn waayay ciidamada Itoobiya ee Amisom ka tirs an.

Sarkaalkaan ayaa sheegay safarkii Madaxweynaha Somaliya uu ku tagay Khamiistii Magaalada Baydhabo inuu kula kulmay Saraakiil ka tirsan dowladda Itoobiya oo hawlgalka Amisom qaybta ka ah, waxaana ay ka dalbadeen in laga talo galiyo arimaha siyaasadda Somaliya.

Balse Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu ku gacan seyray arintaasi, islamarkaana Saraakiisha ciidamada Itoobiya uu u sheegay inaysan wax shaqo ah ku laheyn siyaasadda Somaliya.

General Gabre oo arintaasi ka carooday ayaa hadalkaan qoraalka ah ku soo qoray Twiterkiisa.

"Madaxweynaha Soomaaliya xurmo darro ayuu ku sameeyay ciidamada Amisom gaar ahaab kuwa Ethiopia markii uu booqday magaalada Baydhabo.” Ayuu yiri Gabre.

Tan iyo markii Somaliya loo doortay Madaxweyne Farmaajo waxaa aad u yaraa dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Ge neral Gabre, xilli dowladii Xasan Sheekh Gabre uu si aad ah uga soo dhex muuqan jiray kulamo siyaasadeed oo kala duw an.

PUNTLAND OO KULAN LA QAADATAY URUR DIIMEEDKA AL SAACIDUUNA BIL XAQ

Maamulka gobolka Nuugaal iyo saraakiisha ciidamada dowlad gobolleedka Puntland ayaa kulan la yeeshay shalay xubo ka tirsan urur diimeedka AlSaaciduuna Bilxaq oo dhawaan laga mamnuucay deegaannada Puntland.

Kulanka oo noqonaya kii ugu horeeyay ee labada dhinac si toos ah u dhaxmara ayaa lagu hishiiyay qodobo dhowr ah oo dhamaantood quseeya dhaqdhaqaaqa urur diimeedkan oo Puntland uga shakisay in uu ka mid yahay ururada lagu tilmaamo argagixisada.

'' Waxaa ku heshiinay, inaysan ka mid ahayn urur diimeedka takfiir. Innaysan wax ah hub ah qaadan karin, inaysan sameyn karin wax tababar ciidan, inaysan siyaasad ku jirin gelina karin, in aysan nabad gelyada Puntland dhibaato ugeysan, in ay diyaar u noqdaan inay dowladda iyo cid walba oo fekerkooda ka soo horjeeda la kulmaan, si wax looga wey diiyo afkaartooda, in ay dowladda la kulmi karaan, ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Farawe yne.

Jamaal Xasan Aw Muuse oo ka mid ah xubnaha Jaamacadda Saadicuun bil xaq ee ku sugan Puntland ayaa sheegay inaysan urur dimeedkoodu ahayn urur Takfiiri ah oo aan la lahayn wax xiriir ah ururka Alshabaab.

Heshiiskaan dhex maray maamulka gobalka Nugaal, taliska la dagaalanka argagixisada iyo xubnahaan AlSaacidu una Bil Xaq ayaa ku soo aadaya xili dalka Soomaaliya laga mamnuucay urur diimeedkaan.

MADAXWEYNAHA TURKIGA IYO DHIGIISA MARAYKANKA OO KU KULA KULMI DOONA WASHINGTON.

Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa la filayaa inuu bartamaha bisha soo socoto ee May uu dhigiisa dalka Mar aykanka, Donald Trump kula kulmo Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka.

Afhayeenka Madaxtooyadda Turkiga, Ibraahim Kaliin ayaa shalay sheegay inuu Madaxweynuhu casuumaad ka helay Madaxweynaha Maraykanka,. Lana filayo inay Kulankodoa kaga tashadan Xiriirka Labada Dal, Dagaalka Syria iyo Ir aq iyo sidii Sheekh Fatxullaagi Gulen looga soo masaafurin lahaa Maraykanka.

Dowladda Turkiga waxay Fatxullaahi ku eedeysaa inuu ka dambeeyey Afgembigii Fashiulmay ee bartamihii bishii Ju ly ee sannadkii hore ee ka dhacay dalka Turkiga.

GUDOOMIYE TAABID OO DHAGAX DHIGAY DUGSIGII SARE EE FARSAMADA MAXAMUUD AHMED CALI..

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi maxamed oo ay wehlinayeen Gud oomiye kuxigeenada Gobolka ayaa manata dhagax dhigay Dugsigii Sare Farsamada Maxamuud Ahmed Cali ee Degmada Kaaran oo muda 27sano bur bursanaay.

Gudoomiye Taabit Cabdi Maxamed ayaa dhagax dhiga kadib warbaahinta u sheegay in maaamulkiisa uu xooga saari doono hormarinta Adeegyada aas aasiga ah sida Waxbarashada iyo Caafimaadka, wuxuuna ugu baaqay shacabka Gob olka in ay la shaqeyaan.

MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO QADO SHARAF U SAMEEYAY SARAAKIIL CIIDAN…

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Qado sharaf u sameeyay Sarakiisha Qaybta 43 ee Ciidamada qalabka sida.

Kahor qadada Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Sarakiisha isagoo oo ku amaanay sida hagar la’aanta ah ee ay heeganka ugu jiraan Xasilinta Dalka gaar ahaan qaybta 43 oo uu xusay in la joogo xiligii ay bilaabi lahayeen hawlgalka Jubbaland lagaga xoraynayo kooxda AlShabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhamaan tasiiladka ay Ciidamadu u baahan yihiin la dhamaystirayo sida ugu dhakhsiyaha badan wixii xiligaas ka danbeeyana ay hawlgaladu bilaabanayaan.

Si loo helo hawlgal wada jir ah ayuu sheegay Madaxweynahu in AMISOM ay ku wargaliyeen in dhamaan Ciidamada Jubbaland ay diyaar yihiin oo waxa la sugayaa ay yihiin diyaar garoowga AMISOM taasna wuxuu carabaabay in sida ugu dhaw ay usoo dhamaanayso.

Madaxweynahu wuxuu balan qaaday in daryeel iyo baxnaano joogta ah ay helayaan Askarta Ciidamada qalbka sida isla markana la laba jibaarayo mudada ay hawlgaladu socdaan.

Qabyaalada iyo nin jeclaysiga ayuu sheegay Madaxweynahu in ay umada soomaaliyeed la dageen mudo dheer waxa kaliyah ee lagaga bixi karana ay tahay in Xarumaha Ciidamada Qabyaalada laga suuliyo oo la helo Ciidan uu daraysu mid eeyo taasna meelaha ugu wanaagsan ee ay ka jirto ay Jubbaland tahay.

Sarakiisha ayuu Madaxweynahu ku booriyay in ay sii laba jibaaran hawsha adag ee ay hayaan taas oo uu xusay in wax wanaagsan oo miro dhal ah ay kasoo bixi doonan.

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland ayaa in dhawaale xooga saarayay dhismaha iyo qalabaynta Ciidamada kala duwan ee Jubbaland.

GUDDIGA DIFAACA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO KA SOO HORJEESTAY QORSHAHA DHISMAHA CIIDAMADA

Guddiga difaaca ee baarlamanka Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay qorshaha dhismaha ciidamada Qaran ee Soo maaliya ee dhowaan ay isku raaceen dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

Guddiga ayaa qoraal ay shalay soo saareen oo ay u gudbiyeen guddoonka baarlamanka ku sheegay in kadib markii ay darseen go’aanadii ay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ku gaareen shirkii Muqdisho ka dhacay 15 illaa 16kii April ay usoo baxday in qaabka ciidanka loo dhisayo uu yahay, sida ay hadalka u dhigeen, mid lagu wiiqayo awooddii ciidanka xoogga dalka, islamarkaana si ula kac ah awoodihii dawladda dhexe loo weecinayo dawlad goboleedyada dalka ka jira, sida ay yiraahdeen.

"Tani waxay keeni karta in meesha laga saaro ciidamadii qaranka ee daw ladda dhexe maamulkeeda dastuurka dalku siinayay” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo ay sheegeen in qorshaha dib u qaabaynta cusub ee ciidan ka xoogga dalka Soomaaliyeed uu ka mid yahay ajendayaasha shirweynaha Soo maaliya ee London ka dhacaya 11 May 2017, waxayna ka digeen in haddii sida loo qoray qorshahan loo qaato ay halis ku noqon karto helista ciidan summad qar an leh oo midaysan, ayna adkaan doonto in dib loo dhiso.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu qaybinayo awoodda iyo talada ciidamada qaran ka, ciidamada qarankana loo ekeysiinayo ciidamo qabiil oo xuduudaha dawlad goboleedyadooda waajibkoodu ku eg yahay, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale guddiga ayaa ku dooday in qodobka 54aad ee dastuurka ee qeexaya kala qeybinta awoodaha, gaar ah aan xarafkiisa (B) uu caddaynayo in difaaca qaranku uu ka mid yahay awoodaha iyo mas’uuliyadaha dawladda federaalka ah oo aysan ka mid aheyn waxyaalaha ay ka wada xaajoonayaan dawladda Federaalka ah iyo dawlad goboleedyada.

Guddiga ayaa sheegay in qorshaha dowladda federaalka iyo dowlad gobleedyada ay isku raaceen ee loogu magacd aray "Qaabaynta Amniga Qaranka” gaar ahaan qeybta la xiriirta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu khilaafsan yahay dastuurka.

Waxa ay sidoo kale ku doodeen in In qorshaha qaabaynta amniga qaranku uu u muuqdo mid meelo kale laga soo minguuriyey, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxay soo jeediyeen In hanaanka dibuqaabaynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay hormuud ka noqoto wasaaradda gaashaandhigga iyo talisyada ciidan ee hoos yimaada, loona madaxbaneeyo soo diyaarinta qorshaha dib u qaabaynta ciidamada xoogga dalka, islamarkaana hogaamiyayaasha siyaasadda ee dowladda iyo madaxda maamul gobo leedyada ay faraha kala baxaan.  Xigasho VOA

BANAANBAXYO SHALAY KA DHACAYA MAGAALOOYINKA JOWHAR,BALCAD IYO BELEDWEYNE

Wararka ka imanaya qaar kamid ah magaalooyinka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in ay socdaan qabanqaabada banaanbaxyo lagu taageerayo dowlad goboleedka Hirshabelle loogagana soo horjeedo dowlada federalka Soomaaliya.

MagaalooyinkaJowhar,Beledweyne iyo Balcad ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay ka dhacaan banaanbax yadan iyadoo xiriirka u dhexeeya dowlad goboleedka Hirshabelle iyo dowlada federalka uusan wanaagsanayn.

Wasiirka Warfaafinta dowlad goboleedka Hirshabeelle Mahad Xasan Cismaan ayaa u sheegay jowhar.com in bana anbaxydan ay yihiin kuwo lagu muujinayo dareenka shacabka Hirshabeelle ee ay ku aadan tageerada ay u hayaan dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo sida ay u diidan yihiin in lagu xadgudbo xuquuqdooda.

Wasaarada duulista hawada ee dowlada federalka ayaa dhowaan ka joojisay diyaarado qaad geynayay magaalada Jowhar in ay ka degaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar iyadoo qaadkaasna uu ahaa mid dhinaca dhulka ah lagu geynayay caasimada dalka ee Muqdisho.

Ganacsatada qaadka iyo dowlada federalka ayaa isku khilaafay canshuur laga qaadayay qaadka taasoo ugu dambeyntii ay ganacsatadu heshiis la gaareen dowlad goboleedka Hirshabeelle. Hase yeeshee ganacsatada qaadka iyo dowlada ayaa ka heshiiyay khilaafkii dhex yiil iyadoo dib ay u bilaabeen ganacsatada inay isticmaalaan garoonka diyaar adaha magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble ayaa dhowaan sheegay in la doonayo in cunoqabatayn la saaro Hirshabeelle balse aysan ka oggolaan doonin cunoqabatayntaas.

"Waxaan Sharci eheyn Cidna nagulama dhaqmi karto, Waan ogahay shaqsiyaad daneynaya oo dhahaya ma dhacey so oo suuqyada ku hayo Ceelmacaan in la furaa ma dhaceyso Garoonka Jowhar iyo cisaley in Badeeco ka soo dagtaa ma dhici karto, shaqsiyaad raba in ay ku owr kacsadaan dano ay leeyihiin Mas’uuliyiina sheeganaya waa ay jiraan, Laakiin xaqiiqda waxay tahay dalku Dastuur ayuu leeyahay dastuurka ayayna tahay in lagu dhaqmaa” ayuu yiri Madaxweyne Coso ble dhowaan xilli uu ka soo laabtay safar uu ku tegey magaalada Buulobure ee gobolka Hiiraan.

Hase yeeshee,Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo toddobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa mag aalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in uu dib ugu laabto xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.

NIN BARTIISA FACEBOOK SI TOOS AH U SOO DHIGAY ISAGOO DILAYA GABADHIISA AAN SANNAD JIRSANIN.

Nin bartiisa Facebook si toos ah u soo dhigay isagoo dilaya Gabadhiisa aan sannad jirsanin.

Boliska dalka Thailand ayaa sheegay in Ninkaasi uu sawir isaga qaaday isagoo dilayo gabadhiisa oo 11bilood jir, ka hor in ta uusan isdilin.

Ninka dilka geystay oo lagu magacaabi jirey Wutisan Wongtalay ayaa la arkayey isagoo gabadhi sia yar xarig qoorta kga xiray, kadibna ka soo lalminayo Saqafka guri aan la deganayn oo ku yaalla De gmadda loo dalxiiso tago ee Phuket.

Dhinaca kale, Sarkaal u hadlay Boliska dalkaasi ayaa sheegay in maydka ninkaasi laga dhinac helay maydka gaba dhiisa, inkastoo uusan Facebook toos u soo dhigin qaabkii uu isku dilay.

Afhayeen u hadlay Shirkadda Facebook ayaa sheegay inay ka naxeen dilkaasi, waxayna xuseen inay Hawada ka saareen dilkaasi foosha xun.

Isbuucii hore, Shirkadda Facebook ayaa sheegtay inay dibueegayso sidii loo ilaalayn lahaa muuqaaladda dilalka ee la soo dhigay Barta Facebook.

Bartamihii bishan, Nin lagu magacaabo Steve Stephens oo deggan Gobalka Ohio ee dalka Maraykanka waxa uu si Toos Facebookiisa u soo dhigay isagoo tooganayo qof jidka marayey.

ISBAHAYSIGA KENYA EE NASA OO SHEEGAY HADDII AY KU GUULEYSTAAN MADAXTINIMADDA KENYA IN CIIDDANKOODA LAGA SAARI DOONA SOMALIA

Hoggaamiyaha Isbhaysiga Sare ee Kenya (National Super Alliance (NASA), Kalonza Musyoka ayaa sheegay inay Cii ddankooda sida ugu dhaqsaha badan uga soo saari doonaan Somalia, haddii uu Isbahaysigooda ku guuleysto Doo rashadda Madaxtinimadda ee bisha August ka dhici doonta dalkaasi.

Isagoo ka hadlayey magaalladda Xeebta ee Laamu, waxa uu ka shanqariyey in Go’ankii uu Madaxweynihii hore ee Kenya, Mwai Kibaki uu snnadkii 2012kii Ciiddanka ugu diray gudaha Somalia ahaa mid KMG ah, oo hadafka guud ee lga lahaa aha soocelinta Nabadda Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay caqlidarro tahay inay Ciiddaankaasi sii joogaan gudaha Somalia, wuxuuna xusay inay Joogitaankooda u abuureen Kenya Dhibaatooyin aan lama huraan ahayn.

Hoggaamiyaha Isbahaysiga Sare ee Kenya (National Super Alliance (NASA) waxa uu isweydiiyey waxa lagu ma caashay Ciiddanka Kenya ee ka hawlgala Somalia, wuxuuna tilmaamay inay Askar badan ku waayeen Noloshooda, halka kuwo kalena la la’ yahay.

Dhinaca kale, Kalonza Musyoka waxa uu Eedeyn u jeediyey Isbahaysiga Dowladda Kenya ee Jubilee iyo Madaxw eyne Uhuru Kenyatta iyo Kuxigeenkiisa, William Ruto, wuxuuna xusay inay ka mas’uul yihiin Nabadgelyo la’aanta iyo Mus uqa hareeyey Kenya.

Waxa uu xusay inay Dowladda Jubilee doonayso inay Ciiddanka Kenya ku si ihayaan Somalia, iyadoo Kenya la daal ladhacayso dhibaatooyin, una baahan tahay Adeegooda Gaarka.

Mar uu ka hadlayey Dagaalamayaasha Alshabaab, waxa uu sheegay haddii uu Isbahaysigiisa ku guuleysto Madaxti nimadda Kenya inay eegi doonaan qaababka Dimuqraadiga ee ay ku wajahayaan Dagaalka Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

ZAKARIYE:"WAA SUMCAD DARO IN ARRIMO QUSEEYA CXD LOOGU HADLO LONDON”

Xidhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Mooshin ka dhan ah ka keenaya Shirka Looga Hadlayo Dhism aha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed lagu qabanayo Magaalada London ee dalka Ingiriiska kaasi oo ay ka Qeyb galayaan Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo Hogaamiyaasha Maamul Gobaleedyada iyo Dowlada Daneeya Arimaha Soo maaliya.

Xildhibaan Zakariye Maxamud Xaaji Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa wax la la Yaabo ku Tilmaayay in Soomaaliya xisilooni ay ka jirto in Shirka loo ga hadlayo Dhismaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliyee in lagu qabto Shisheeye.

"Waxaan la Yaabanahay London maxaa lagala Doonayaa Ciidanka Qaranka maxaase laga Doonay Nairobi Shirka ka Dhacay waxaa la leeyahay waa Soomaali, Xitaa la Taliyaha Dhanka Amniga ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka Qeyb galay ma meel lagu Shiro baa laga Waayey Xamar,Mase Kismaayo,Garoowe, Dhuusamareeb iyo Jowhar baa laga Waayey, waxaani wax lala dhuumanayo weeye”. Ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.

Dowlada Ingiriiska oo ka mid ah Wadamada Saameynta ku leh Siyaasada Soomaaliya ayaa ku Dhawaaqday Shir Caalami ah kaasi loogu qabanayo Magaalada London ee Caasimada dalka Ingiriiska oo diirada lagu Saarayo Dhismaha Cii damada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayna ka qeyb galayaan Madaxda sare Dowlada Soomaaliya iyo iyo Hogaamiyaasha Shanta Maamul Gobaleed ee Koofurta Soomaaliya iyo Wakiilada Dowlada deeq bixiyaasha ee taageera Soomaaliya.

FEYSAL WARAABE:"DOWLADDA MUQDISHO KA TALISA WAXAAN KA DOORAN LAHEYN IMAARAADKA CARABTA”..

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee maamulka Somaliland Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula ha dlay magaalada Hargeysa ee caasimada Maamulkaas ayaa ka dhawaajiyey iney wanaagsanaan lahayd iney ku biiraan Dowladda imaaraadka Carabta.

Injineer Feysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee maamulka Somaliland ayaa xusay in Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya oo xarun u ah Dowladda soomaliya ay ka door bidayaan inay ku biiraan Dowladda imaaraadka Carabta.

"Waa todobo Imaaraadku Carabta ee midkii 8aad ma Noqonaa ayaan isleenahay, Dowladda Muqdisho ka Talisa wax aan ka dooran laheyn Dowladda imaaraadka Carabta oo xiriir wanaagsan uu naga dhaxeeyo” ayuu yiri”, Faysal Cali Wara abe.

BAARLAMAANKA SOOMALIYA OO DALBADAY IN MADAXWEYNE FARMAJAO UU HOR YIMAADO..

Xildhibaan Daahir Amiin jeesoow oo kamid ah baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa ka dalbaday Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo in uu hor yimaado Golaha Shacabka si Su’aalo looga weydiiyo Shirka looga hadlayo dhismaha Ciida mada Qaranka Soomaaliyeed lagu Qabanayo Magaalda London ee d dalka Ingiriiska.

Jeesoow ayaa sheegay Madaxweynaha looga Fadhiyo in uu Jawaab cad ka Bixiyo Ujeedka Shirka Magaalada Lon don lagu Qabanayo 11Bishay oo maalmo kooban ay naga Xigaan wuxuuna sheegay in Shirkaasi uu yahay Qiyaano Qaran oo ay Wadaan Shaqsiyaad Soomaaliya Dowlado Shisheeye oo aan Ogolayn Awooda Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

"Raisulwasaare, wasiir, iyo Xildhibaan uma Baahni waxaan u baahanahay Madaxweyne farmaajo, asagaan waxa ka weydiin doonaan arrimaha Ciidamada, waxaa qiyaano qaran Shirka Magaalada London Lagu Qabanaayo”, ayuu yiri Xil dhibaan Jeesow.

GALMUDUG OO WALAAC KA MUUJISAY ABAARTA KA JIRTA DEGAANADEEDA

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka maamulka Galmudug Maxamed Axmed Maalin oo la hadlay Warb aahinta ayaa sheegay in Abaaraha ku dhuftay degaanada Galmudug ay kasii darayaan maalinba maalinta ka dambeysa.

Waxaa uu sheegay in dad badan oo xoolo dhaqato ahaa in ay ka dhamaadeen xoolihii ay haysteen ,islamarkaana hadda ay dayacan yihiin.

Maxamed Axmed Maalin ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Hay’addaha Gargaarka in laga doon aayo in ay Gurmad gaarsiiyaan dadka dhiban.

Qeybaha kala duwan ee Bulshada Galmudug ayuu ugu baaqay gudoomiyuhu in ay soo gargaaran dadka dhibaa teysan.

OGOW DOWLADAHA SAAMEYNTA KU LEH SHIRKA SOOMALIDA EE MAGAALADA LONDON…

Dhanka kale Xildhibaan Axmed Cali Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka Wada ayaa Qimaano Qaran ku til maamay Shirka London waxa uuna Xusay in dabagal dheer oo ay sameeyeen Ari maha Shirkaas ay ogaadeen inay wataan Shaqsiyaad gaar ah iyo Dowlada Itoobi ya, Kenya iyo Tansaaniya oo qabtay Shirar u gaar ah oo ay Hor Boodayeen mada xa Dowlada Itoobiya iyo Kenya oo lagu Tiriyo inay ka soo horjeedaan Awood Ciida mada oo Soomaaliya ay heelato.

Xildhibaan Fiqi ayaa Xusay in Shirkaan uu yahay mid Qiyaano Qaran Xam baarsan oo la Doonayo in Dowlada Shisheeye Dalka u Afganbiyaan Xiligaan kuw aas oo Shirkaan ka Doodaya Danahooda gaar ka ah Qabshada Dhulka Jamhuuriyada Soomaaliya.

Fiqi ayaa ku Baaqay in Arintaan aan la Fududaysan oo Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ay gutaan Waajibaad ka Saaran ee ah Difaacada Sharafta iyo Madax Banaanida Jamhuuriyada Soomaaliya islamarkaana ay Su’aalo weydiiyaan Hoogaanka Qaranka iyo Dhinacaya Dicaafada qaabilsan si looga hortago Arimaha Xadgudubka ku ah Madax Banaanida Dalka.

BOGGA CAYAARAHA

XULKA SOOMAALIYA: AFAR CIYAARYAHAN DIB UGU SOO NOQONAYA WADANKA SOOMAALIYA WAA KUWEE CIYAARYAHANNADA?

Laacib.so: Waxaa soo ifbaxaya muran badan oo u dhexeeya ciyaartooy is faham waa kala kul may macalinka xulka qaranka Soomaaliya, arintaan ayaa Warar lagu kalsoonyahay oo lagav helaayo Ja buuti ayaa waxaa ay xaqiijinayaan in qaar kamid ah xiddigaha xulka qaranka dalkeena Soomaal iya Maanta dib loogu soo celin doono caasimada Muqdisho kadib iyaga oo aan raaci doonin xulka Koonfurta Suudaan aadi doona Maalinta Khamiista oo Berri ah.

Ciyaartooyda dib loogu soo celin doono ayaa waxaa kamid ah kabtankii kulankii ugu dambee yay ee xulka Bile Muxidiin Buraale iyo xiddiga Dekeda C/kariin Qubaaye iyo Goolwalihii labaad Xasan sidoo kale waxaa ku jira xiddiga kooxda ELman Idiris Amiin Cali.

Sababta loo soo diray ciyaartooydaan ayaan caddeyn xiriirka soomaaliyeed ee kubadda cagta balse waxaa inta badan arintaan ay timaadaa kadib markii ay isku dhacaan qaabka loo ciyaarayo ciyaartooyda iyo macalinka mar walba hogaamina xulka qaranka Soomaaliya.

ANDER HERRERA OO SHEEGAY IN KULANKA MANCHESTER DERBY UU NOQON DOONAA KULANKA XILI CIYAAREEDKA, IYADOO KOOXDA GUULEYSATAA AY QAADAN DOONTO WAX KASTA.

Khadka dhexe kooxda Manchester United Ander Herrera ayaa u arka kulanka xiisaha badan ee la wada sugayo derby Manchester uu noqon doono kulanka xili ciyaareedka, maadaama labada kooxood ee Manchester United iyo Manchester City ay u wada dagaalamayaan sida ay kaga mid noqon lahaayeen dhamaadka xili ciyaareedkan AFA RTA sare ee horyaalka Premier League.

Manchester United ayaa haatan fadhida dhanka kala sareynta horyaalka Premier League booska 5aad iyadoo kulamadii ay kasoo ciy aartay xili ciyaareedkan kasoo heshay 63 dhibcood, waxayna farqi 1 dhibic ah u jiraan Man City oo ku jirta booska 4aad, kahor kulanka ay isaga hor imaan doonaan Khamiista. Kulankan ayaana ah kulankii ba aqiga u ahaa labadan kooxood ee ka tirsanaa kulamadii 26aad ee Premier League.

Kahor kulanka Ander Herrera oo ka hadlayay xiisaha derby Manchester ayaa wuxuu yidhi: "wuxuu noqon doonaa derby Manchester kulanka xili ciyaareedka, waxaan u jirnaa haatan City farqi hal dhibic ah, hadii aan ka guuleysano waxaan heli karnaa fursad ku aadan inaan ka mid noqon do ono afarta sare ee Premier League, balse hadii ay naga guuleystaan xaalada ayaa nagu adkaan do onta”.

Khadka dhexe reer Spain ayaa hadalkiisa wuxuu intaa ku sii daray: "guuleystaha ayaa yeelan doona wax kasta, balse kulanka wuxuu noqon doonaa mid xiiso badan, hadii uu mid ka mid ah labada kooxood guul gaadho, wuxuu ka fogaan doonaa guuldaro kale ee kasoo gaadha kulamada kaga hadhsan Premier League”.

Ander Herrera ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: "waxaan qaadaneynaa xili wanaagsan ka hor kulanka Man City inagoo si gaar ah u ixtiraameyna kooxda aan la ciyaari doono, laakiin kulanka khamiista waxaan sameyn doonaa wax kasta oo aan guul kaga gaadhi doono Man City”.

EDINSON CAVANI OO HESHIIS CUSUB USAXIIXAY KOOXDIISA PSG

Weeraryahanka u dhashay wadanka Uruguay ima ciyaara haatan kooxda Paris SaintGerman ee ka dhisan dalka France ninka lagu magacaabo Edinson Cavani ayaa heshiis cusub oo saddex san adood ah u saxiixay PSG, kaasoo kooxda ku sii hayn doona ilaa bisha June sanadka 2020ka laga gaaraayo.

Ciyaaryahankaan Cavani ayaa ilaa iyo hadda horyaalka xilli ciyaareedkan dheelay 32 kulan, waxaana uu dhaliyey 31 gool wuxuuna kooxda PSG u sitaa Numberka 9aad.

CHELSEA MIYAY XAQIIJISTEEN HORYAALKA KA DIB GUUSHII SOUTHAMPTON ,TABABARE CONTE AYAA KA JAWAABAY

Tababare Conte ayaa ka hadlay guushii weyneyd ee ay xalay ka gaareen kooxda Southampton , waxa uuna kulankaas ka tirsanaa wareegga 34aad ee horyaalka Ingiriiska

Chelsea ayaa haatan 7 dhibic waxa ay hogaanka kaga hayaan Tottenham oo labaad ku jirta ka hor afar wareeg dhamaadka horyaalkaas

” Waa guul muhiim ah ,talaabo wacan ayaan qaadnay ka dib guul daradadii United ,waxaan badinay laba kullan oo muhiim ah”.

"Guushii xalay ma aheyn mid sahal ah ,aad ayaan ugu faraxsanahay heer ciyaareedkii ay mu ujiyeen ciyaartooydeyda” ayuu sii raaciyay Conte

Mar uu ka hadlayay in haatan xaqiijisteen horyaalka iyo in kale ayuu Conte yiri ” waan ku celi nayaa mar kale horyalka waa furan yahay weli”

England - Premier League

21:45Arsenal ? - ? Leicester City

21:45Middlesbrough ? - ? Sunderland

22:00Crystal Palac e ? - ? Tottenham Hotspur

Spain - LaLiga Santander

20:30Barcelona ? - ? Osasuna

21:30Leganes ? - ? Las Palmas

21:30Valencia ? - ? Real Sociedad

22:30Deportivo La Coruna ? - ? Real Madrid

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip