WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 17-KA NOVEMBAR 2015-KA

0
Tuesday November 17, 2015 - 08:56:03 in Wararka by
  • Visits: 1188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 17-KA NOVEMBAR 2015-KA

    MADAXWEYNAHA OO SOO DHOWEEYAY DAAHFURKA KULAMADA MADASHA LOOGA HADLAYO Wadatashiyada looga hadlayo hannaanka doorashada sannadka 2016ka ayaa shalay ka bilowday guud ahaan dalka Soomaaliya. Wadatashiyada ayaa lagu qabanayaa maga alooyinka Muqdis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA OO SOO DHOWEEYAY DAAHFURKA KULAMADA MADASHA LOOGA HADLAYO Wadatashiyada looga hadlayo hannaanka doorashada sannadka 2016ka ayaa shalay ka bilowday guud ahaan dalka Soomaaliya. Wadatashiyada ayaa lagu qabanayaa maga alooyinka Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Garowe iyo Cadaado, waxaana kulamadaa si midkiiba ka qeyb qaadan doona 150 qof oo gobolladaasi ka socda.

 

Madaxweyne Xasan Sh.Maxam u ud aya a soo dho weeyay bilowga kul amadan wada tash iyada ah. "Maanta waa maalin qiimo badan u leh horum arka Soomaaliya ee la do onayo in wad danka looga hirgel iyo dimoqr aadiyad. Maanta shacabka Soomaaliyeed dhammaantood: haweenka, dhalinyarada, ganacsatada, odayaasha iyo hoggaamiye yaasha bulshada waxay isugu imanayaan in ay ka wada tashadaan kana doodaan habka ugu wanaagsan ee Soomaaliya looga same yn karo hannaan awoodda siyaasadda ee dalka si nabdoon la isugu wareejin lahaa bi sha September ee sannadka 2016ka’’.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha shac abka xusuusiyay mas’uuliyadda ka saaran in hannaankan socda uu najaxo.

"Hawshan ma ahan mid sahlan. Waqti ay ay qaadan doonta, waxayna u baahan tahay go’aan adag. Waxaa hannaankan uu noqon doonaa mid daahfuran oo daacadnimo ku saleysan. Boqolaalka qof ee labada maalm ood ee soo socda dalka gudihiisa isugu ima anaya waxaa saaran waajibaad culus oo ay ku kala xulanayaan noocyada doorasho ee waddanka ku habboon, iyagoo isla markaa na dhiiban doona fikirkooda ku aaddan noo ca doorasho ee waddankeena ku habboon sannadka 2016ka’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

Natiijada ka soo baxda hannaanka wada tashiga ee shalay bilowday ayaa waxaa la horgeyn doonaa Madasha Wadatashiga Qa ran bisha December 2015ka. Dastuurka KMG ee dalka ayaa dhigaya in DFS iyo Baa rlamanka Federaalka muddadooda afarta sa nno ay ku eg tahay bilaha August iyo Sept ember ee sanandka 2016ka DHAMMAAD.

BOOLISKA OO KA HADLAY DADKA LAGU DILAY MAGAALADA MUQDISHO

Taliska Booliska G/Banaadir ayaa waxa u u ka hadlay dadka la gu dilay Xaafada Raa deerka ee D/Dayniile, xilli shalay Barqadii Askar ka wada tirsan Dowladda ay ku daga alameen goob kaarar ka raashinka lagu qaa to loogu qaybinaayay dad barakacayaal ah.

Jen.Cali Xersi Barre (Cali Gaab) Taliya ha Qaybta Booliska G/Banaadir ayaa she egay ciidanka ku dagaalamay D/Dayniile in ay yihiin ciidan maleeshiyaad ah.

Waxa uu sheegay Jen.Cali Gaab inay so cdaan baaritaan ku aadan sababta ka dam beysay dagaalka dhexmaray ciidanka uu u gu yeeray maleeshiyaadka, waxaana Taliyuhu uu intaa ku daray in dagaalkaasi u u ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaa wac. Isagoo tilmaamay inuu maqlay geeri da Shan ruux oo uu ku jiro cunug yar, halka ay ku dhaawacmeen 12 ruux, rasaastii ay is ku adeegsadeen ciidamada Dowladda ka tir san ee halkaasi ku dagaalamay.

Ciidanka Dowladda ee dadka shacabka ah dushooda ku dagaalamayay, ayaa la she egay inay sugayeen ammaanka goobta rash inka iyo kaararka loogu qaybinaayay dadka barakacayaasha ah.Warar madaxbannaan ayaa xaqiijinaya in dhimashada dadka shac abka ah iyo ciidan ka ay gaareyso 7 ruuxiyo dhaacwacyo intaa ka badaniyadoo dhi mashadu sii kordhi kreyso

GUDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR OO AMRAY IN LA BIXIYO LACAGAHA CANSHUURAHA EE LAGU SOO ROGAY GURYAHA MUQDISHO

Gudoomiyaha Maamulka G/Banaadir & Duqa M/Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani), ayaa wuxuu muujiyay inaanan waxba laga bedelin lacagihii canshuuraha, ee Maamulkii Muungaab uu ku soo rogay guryaha ku yaala M/ Muqdisho. Sida uu qor sheeyay M/mulka Muungaab, ayaa waxaa guri kastaa canshuur ahaan sanadkii loogu soo rogay lacag dhan boqol lacagta Mareyk anka ah, iyadoona ay qaylo dhaan ka muuji say bulshada reer Muqdisho.

G/g/b/nadir oo gelinkii dambe ee Axadii xaflad soo dhawayn ah loogu sameeyay D/Dharkiinley, ayaa wuxuu ka sheegay in da dka laga doonaayo inay bixiyaan lacagahaa si. "Lacagihii derisaynta ee Maamulkii hore uu faray in la bixiyo waxaa la rabaa in la dhi ibo. Guri kasta waxaa la amray in uu bixiyo ($100), dadkana waxaa laga rabaa inay bix iyaan lacagahaasi.” Ayuu yiri Md.Boorsaani

Duqa Muqdisho, ayaa qeexay inaysan iy agu qaadan doonin lacagahaasi, balse ay wax kaga qabanayaan arrimaha waxbarash ada, caafimaadka iyo wadooyinka. "Lacaga haan maaha wax aan anaga jeebkeena gish aneyno, waxaa wax loogu qabanayaa bul shada, waxaana la gelin doonnaa waxbara shada, caafimaadka iyo laamiyada.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

MADAXWEYNAHA OO KU BAAQAY IN KHILAAF LAGA ILAALIYO SHIRARKA MADASHA WADA TASHIGA

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa farriin ku saabsan wa da ta shiyada dalka laga bilaabayo u diray shac abka, isagoo ugu baaqay inay aragtoo da muhiimka ah inay ka dhiibtaan shirarka wa da tashiga ee ku aadan habka is bedelka u ga dhici karo dalka sanadka 2016 iyo nooca doorasho ee dalka ka dhici karta.

Madaxweynaha ayaa warbaahinta do wladda kala hadlay shacabka, isagoo faah faahiyay heerarkii uu soo maray wada ta shiyada qaran, waxaana uu tilmaamay in shi rarka wada tashiyada ay si isku mid ah uga bilaabanayaan magaalooyinka maamul gob oleedyada iyo magaalada Muqdisho.

"M/Kismaayo, Baydhabo, Cadaado, Garo we iyo Muqdisho waxaa isla mar ka bilaaba naya barnaamij wada tashi ah oo bulshada soomaaliyeed ay uga wada tashanayaan si da ugu fiican ee 2016 is bedelada u dhici ka raan iyo sida dowlad cusub ku imaan karto, dowlad goboleed kasta, deegaan kasta iyo dadka degan ayaa isugu imaanaya oo ka wada tashanaya”ayuu yiri Md.Xasan Sh Madaxweynaha ayaa ku baaqay in wada tashiyada Hiigsiga sanadka 2016 laga ilaal iyo khilaaf iyo is qab qabsi, waxaana uu sha cabka Soomaaliyeed ku wargeliyay in cid walba fikirkeeda ay xor u tahay oo ay go’ aan kaga gaari karto mustaqbalka dalka.

"Waa in taladaas si fiican loo wajaho, khilaaf laga ilaaliyo, is qab qabsi laga ilaali yo, colaadii waayihii aan soo dhaafnay ina an dib loo soo xusuusan oo horay loo soc do, muhiimada ugu weyn waa in dulqaad la sameeyo, shacabka waxaa ka codsanayaa inay dulqaad muujiyaan, in la is dhageysto oo la is aqbalo loo baahan yahay, hadaan anaga is aqbalin adduunyada nama aqbaley so”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu baa qay shacabka in fikirkooda oo saxda ah ay ka dhiibtaan qaabka doorasho u dhici karto, waxaana uu xusay in waxyaabaha ka soo baxa ay noqdaan kuwa dan u ah dadka Soomaaliyeed.

"Shacabka waxay dhiibanayaan fikirkoo da oo sax ah, qaabka doorasho uga dhici ka rto dalka, soo dhiibo ra’yigaaga, si xoriyad ku jirto, mas’uuliyad ku jirto iyo wadaniyad, fi kradaha la isu keenayaa, waxaa ka soo bax aya waxa dan u ah shacabka Soomaaliye ed”ayuu yiri Md. Xasan Sh

Dhinaca kale Wada wuxuu sheegya in tashiyada dalka laga bilaabayo ayaa ah sidii la isugu raaci lahaa nooc doorasho ee dalka ka dhici doonta sanadka 2016, taasoo la rajeynayo inay ka duwanaato tii sanadkii 2012 dalka ka dhacday oo aheyd soo xulistii Xildhibaanada Baarlamaanka ee ay soo xul een Odayaasha dhaqanka ka koobnaa 135 oday.

G/G/ BANAADIR OO MUQDISHO KA FURAY SHIRKA WADA TASHIGA DOORASHADA 2016

G/Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jim caale ayaa shalay ka furay M/Muqdisho shi rka wada tashiga qaran ee looga tashanayo nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sanadka2016. Shirkan ooshalay subaxdiika furmay Hotelka City Palace ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhi baano ka tirsan Baar lamaanka, siyaasiyiin, odayaasha dhaqan ka, mas’uuliyiin ka kala socday Hiiraan iyo Sh/Dhexe, Ururada Haweenka iyo culum aa’udiinka.

G/G/Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo shirka ka hadlay ayaa sheegay inay muh iim tahay in dad ka aragtiyadooda ka dhiibta an go’aanada la gaarayo mustaqbal ka soo socda, waxaa na uu xusay in talada shacab ka ay tahay mid muhiim ah.

Mr Yuusuf ayaa ugu baaqay bulshada inay si qoto dheer uga doodaan aragtiyada la soo bandhigayo ee ah nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa sanadka 2016.

Shirkan ayaa inta uu socda looga doodi doonaa habraaca doorashada sanadka 20 16 iyo waxyaabaha la xulan doono, iyadoo ay soo baxayaan in dhowr qodob uu jiro, ka asoo ay kala dooran doonaan dadka shirka ka qeyb galayaan, isla markaana fikirkooda ka dhiibanayaan Ugu dambeyn shirar wada tashi oo loo ga hadlayo doorashooyinka 2016 ayaa shalay ka furmay Mag/looyinka Kismaayo,Gar owe, Cadaado iyo Baydhabo.

DAGAAL CULUS OO KA DHACAY SHALAY G/SHABELLAHA HOOSE

wararka imaanaya G/ Sh/Hoose ayaa sheegaya in Dagaal Culus oo u dhexeeya Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo AMIS OM oo isku dhinac ah iyo Alshabaab uu ka soconayo inta u dhexeeysa M/Buulamareer iyo Degaanka Golweyn oo ka wada tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid ka dib markii Ciidamo ka tirsan Dowladda So omaaliya iyo kuwa AMISOM ay jidka u ga leen Dagaalameyaasha AlshabaabGoobjo ogeyaal ku sugan Golweyn ayaa KNN u she egay in dagaalka uu yahay mid Culus oo dhi nacyada Dagaalamaya ay isku Adeegsanay aan Hubka Nuucyadiisa kala duwan.

Wali lama Ogaan karo Khasaaraha rasmi gaa ee ka dhashay Dagaalka ka soconaya inta u dhexeeysa Golweyn iyo Buulamareer Sababtoo ah Dagaalka ayaa wali soconaya.

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose oo aan la Xariirnay si aan wax uga Ogaano dag aalka ayaa ka gaabsaday in ay Tafaasiil ka bixiyaan Dagaalka. Wararka qaar ayaa shee gaya in Dhulka lagu Dagaalamay uu yahay meel ay dagan yihiin Dad Reer Guuraa ah oo ay Roobka Deyrta ka dageen.

DOWLADA SOOMAALIYA OO GUDDI XAQIIQO RAADIN AH U DIREYSA XADKA SOOMAALIYA.

Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ee shalay ayaa warbixin looga dhegeystay Gu ddiyada arrimaha dibadda iyo arrimaha gud aha iyo amniga Baarlamaanka Soomaaliya taas oo ku saabsaneyd Xadgudubka Kenya ee xadka Soomaaliya.Guddiyada ayaa dal baday in halkaasi loo diro Guddi xaqiiq raad in ah,waxaana ku raacay soo jeedintooda Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana Xildhibaannada qaar ay ku doode en in arrintan ay tahay waqti lumis,Xukuum addana ay ahayd in howsheeda ay qabs ato mar hore.

Waxaana qaar kood ay ku baaqeen in Baarlamaanka uu gaaro go’aan deg deg ah,si meel loogu hubsado xadgudubka Ke nya ay ku heyso Xadka Soomaaliya. Gudd iga oo ka kooban Guddiyada Ariimaha dibad da,Amniga iyo Gudaha iyo Difaaca Baarlam aanka Federaalka ah ayaa lagu wadaa in ay Arbacada hor keenaan Baarlamaanka wixii ay kala soo kulmaan darbiga ay Kenya ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaali ya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ay aa kulanki Baarlamaanka ka sheegay in ay muhiim tahay in laga fiirsado go’aanada ay qaadanayaan Baarlamaanka isla markaana ay muhiim tahay in guddi Xaqiiqo raadin ah lo diro halkaasi.

Gudiiyadaan aya Maalinimada berito ah lagu wadaa iney u amba baxaan xadka ay Soomaaliya la wadaagto Soomaaliya iyo qa abka ay Dowlada Kenya darbiga ugu dhisey so Xadka ay la wadaagaan.

WASIIRKA WARFAAFINTA & WAFDI UU HOGGAA MINAYO OO GAARAY KUWAIT

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaq anka & Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kuwait ee caasima dda dalka Kuwait, halkaas oo ay uga bilaa batay booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo 6 maalmood ah. Wasiir Maareeye waxaa safarka Kuwait ku wehliya mas’uu liyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdiraxiim Ciise Caddow iyo Agaasimaha Telefishanka Qaranka Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh Alcadaala.

Booqashadan ayaa ka dambeysay markii uu wasiirku casuumaad rasmi ah ka helay wasiirka Warfaafinta Kuwait, Wasiiru dow laha Dhallinyarada mudane Salmaan Sab aax Alsaalim Alxamuud Alsabaax. In wafdig ani uu joogo Kuwait waxa ay kulammo la ye elan doonaan madax raeer Kuwait ah , oo ay kala hadli doonaan iskaashhiga labada dal iyo labada wasaaradood iyo sidii loo xoo jin lahaa.

Kuwait waxaa Soomaaliya kala dhexee ya xiriir soo jireen ah, waxa ayna ka mid ta hay dalalka taageerada siiya Soomaaliya. Dowladda Kuwait ayaa dhistay Telefishankii Qaranka Soomaaliya, ka hor intii aysan dhic in dowladdii hore. Booqashada Wasiirka Wa rfaafinta,Dhaqanka & Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ku tagay Kuwait, waxaa la filayaa in ay waddada u xaarto iskaashi intii hore ka badan oo dhex mara labada dal ee walaalaha ah ee Soom aaliya iyo Kuwait.

DANJIRAHA SOMALIYA EE K/ AFRIKA OO KULAN LA YEESHAY SOOMAALIDA KU NOOL DALKAAS

Shir ay safaaradda Somaliya ee dalka Koonfur Afrika u qabatay qaar ka mid ah aq oonyahanno iyo waxgarad Soomaaliye ed oo ku nool gobolka Gauting ayaa loogu ha dlay arrimo khuseeya nolosha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika.

Kulanka ayaa waxaa gudoominayay safi irka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika, Ja maal Maxamed Barroow iyo qunsulka, Maxa med Cali Mire (Nabaddoon) iyadoo looga ha dlay arrimmo ay ka mid yihiin; Mideynta Jaal iyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afr ika ku nool, sidii dowladda Koonfur Afrika lo ogu codsan lahaa fududeynta sharciyada dalka, In tirakoob iyo diiwaangalin lagu sa meeyo guud ahaan Jaaliyadda Soomaalida, horumarinta ganacsiyada Soomaalida iyo sidii looga hortegi lahaa dilalka iyo dhibaato oyinka ajaaniibta ay Soomaalidu ka mid tah ay.

Qodobadan oo ay aqoonyahannada, wa xgaradka iyo madaxda safaaradda si weyn u lafagureen, iyagoo isdhaafsaday talooyin muhiim ahaa; saldhigna u noqon karaan in Jaaliyad mideysan oo danaheeda ka shaqe ysa. Sido kale, xubno ka mid ah dadkii ka hadlay kulanka ayaa sheegay haddii qodo badan laga dooday la hirgeliyo ay Jaaliyad da Soomaalida ee Koonfur Afrika ay ka yara an lahaayeen dhibaatooyinka ugu badan oo ay dilalka ka mid yihiin.

Danjire Jamaal Maxamed Barrow oo shirkan gudoominayaya ayaa ugu dambeyn wuxuu sheegay in qodobadan ay Jaaliyada Soomaaliyeed u yihiin muhiim, isagoo ball anqaaday inay dhageysan doonaan talooy inka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika.

"Waxaan idinka rabnaa haddii aad noo til maami kartaan shirciyada Soomaalidu ay dalkan ku joogaan, inaad talo naga siisaan sidii sharciyo aad ku heli lahaydeenna, saf aaraddiinnu diyaar ayay u tahay inay kaalin ka geysato,” ayuu yiri danjire Jamaal Barro ow.Ugu dambeyn, shirkaan ayaa ka mid kulanno isdabajoog ah oo ay yeelanayaan madaxda safaaradda iyo Jaaliyadda si loo helo Jaaliyad mideysan oo safaaradda Somaliya ee Koonfur Afrika ku xiran.

SHIRKA DIB U HESHIISIINTA BEELAHA GOBOLKA SH/DHEXE OO SI RASMI AH UGAGA FURMAY MAGAALADA JOWHAR

Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha gudaha C/shiid Maxamed Xiddig ayna ka mid yihiin wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyra adka badda Maxamed Cumar Ceymow, was Iiru dowlaha maaliyadda Maxamed Axmed Nuur iyo xildhibaano ka soo jeeda gobolka Sh/dhexe ayaa gaaray m/Jowhar ee xarunta g/Sh/dhexe. Wafdjgan oo ka soo degey gar oonka diyaaradaha m/Jowhar ayaa ujeeda da safarkooda lagu sheegay in ay furan shir dib u heshiisiin ah oo beelaha dega gobolka ugaga furmaya m/Jowhar.

Wafdigan ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha m/Jowhar guddoom iyaha G/Sh/dhexe Cali C/hi Xuseen iyo ku xi geenada G/GSH/DHEXE guddoomiyaha de gmada Jowhar C/qaadir Cabdulle Buurfuule.

Xubnaha wafdigan ayaa la geeyay hool ka shirarka m/Jowhar halkaas oo ay ku sug naayeen odayaal dhaqameed iyo nabadoo no ka soo jeedo qaar kamid ah beelaha G/Sh/dhexe.

Shirka dib u heshiisiinta beelaha G/ Sh/ dhexe ayaa si rasmi ah uu uga furmay M/ Jo whar iyadoo uu qudbad ka jeediyay wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo federalka Ca bdrashiid Maxamed Xiddig.mmaanka M/ Jowhar ayaa aad loo adkeeyay iyadoo wado oyinka agaaladam lagu arkayo ciidamo faro badan oo sugaya amniga.

UNHCR OO DIB U DHIGTAY DADGURAYNTA QAXOOOOTIGII SOOMAALIDA EE KA SOO LAABANAAYAY DALKA KENYA.

Hey’adda QM u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa ku sheegtay war ay soo saart ay in roobab ay ka da’ayaan qeybo ka mid ah waddanka, kuwaasi oo gooyay waddooy inka ay soo mari jireen dadka ka immaana ya xeryaha qaxootiga ee gobalka waqooyi bari Kenya.

UNHCR ayaa sheegtay in cimilada oo xun ay keentay in la joojiyo howlaha lagu soo cel inayo qaxootiga Soomaalida ee Kenya ku nool, iyadoo in ka badan 500,000 oo qof ay ku nool yihiin xeryaha gobalka W/bari Kenya iyadoo xerada dhadhaab ay hoy u tahay 35 0,000 oo Soomaali ah. Qaxootiga Soomaal ida ee ka soo laabanaya xeryaha qaxootiga waddanka Kenya ayaa tagaya M/ Kismaayo iyo Baydhabo, iyadoo waddamada Kenya, Soomaaliya iyo hey’adda UNHCR ayaa he shiis ku gaaray in si iskood ah ay u soo laa btaan qaxootiga Soomaalida ee waddanka Kenya.

Dhanka kale UNHCR ayaa sheegtay inay soo laabteen tan iyo bishii December sann adkii 2014ka 5,444 oo Soomaali ah kuwaa soo ku noolaa xeryaha qaxootiga Kenya.

WARARKA CAALAMKA

SALAH ABDESLAM OO LOO AQOONSADAY NINKII 8AAD EE KA DAMBEEYAY WEERARADA PARIS, LANA DOON DOONAAYO

Booliska Faransiiska, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu jiro nin 8aad oo ku lug lahaa weeraradii M/Paris, balse uu weerarada asi ka dib ka baxsaday M/Paris. Booliska, ayaa Salah Abdeslam u aqoonsaday mid halis ah, waxaana dadka looga digay inaanay nin kaasi soo dhaweysan, kuna soo wargeliyaan hay’adaha ammaan ka, goob kastaa oo ay ku arkaan.

Waxaa la soo saaray warqad caalami ah oo lagu soo xiri karo nin kaasi, meelkastaa oo lagu arko, waxaana wax muhiim ah loo arkaa in cadaaladda uu wajaho. Salah Abdeslam, ayaa waxaa la sheegay inuu yahay ninkii dalka Belgiumka ka soo kireeyay gaariga madow, ee lagu arkay meel ku dhow tiyaatarka Bataclan, iyadoo gaarigana laga helay qori AK47 ahaa.

Maalintii Sabtida, ayaa waxaa la arkay isaga iyo laba nin oo kale, markii Boolisku ay ku qabteen xuduuda Faransiiska iyo Belgiumka, laakiin la ogaaday in uu yahay ninka la doon doonaayo, markii ay Boolisku fasaxeen. Sida ay sheegayaan laamaha ammaanka ee Fa ransiiska iyo Belgiumka ninkaasi, ayaa noqon kara maskaxdii ka dambeysay weeraradii habeenkii Jimcaha ka dhacay M/Paris, ink astoo aanay weli xaqiiqo ahayn.

HOWL GALLO BALLAARAN OO KA SOCDA MAGAALOOYIN KU YAAL FARANSIISKA IYO 23 RUUX OO LA XIRAY

Howl gallo aad u ballaaran ayaa ka soconaya m/looyinka Farans iiska, iyadoo kumanaan ciidamo oo isugu jira Boolis, ciidamada ga arka u tababaran iyo Milateri ay ka qeyb qaadanayaan howl galada oo dad badan lagu qabtay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Bernard Cazeneuve ay aa sheegay in 23 qof la xiray, halka daraasiin hubna la qabtay, wax aana hubka la qabtay ku jira qoryaha Kalashnikov ama AK47.

In ka badan boqol qof ayaa lagu soo rogay xabsi guri, waxaana ciid amada ammaanka Faransiiska ay u muuqdaan kuwo xaqiijinaya am maanka, iyadoo wali dalka ku jiro xaalad deg deg ah Meelaha dad ka laga qab qabtay ayaa waxaa ka mid ah xaafad ku dhow m/Paris, m/looyinka Grenoble, Toulouse iyo Lyon.

Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Manule Valls ayaa sheegay in in ka badan 150 howl gallo ay dhaceen, laguna baaray illaa boqol gu ri, waxaana howl galada la xiriiraan weerarkii Paris ee dadka faraha badan ku dhinteen jimcihii. Manule Valls ayaa ka digay weeraro ab aabulan oo argagixiso ah in lagu qaado Faransiiska iyo dalalka Yu rub, waxaana uu xusay inay wadaan qaabab ay kula tacaalayaan sidii weeraradaas looga hortagi lahaa inta lagu guda jiro xaalada deg deg ah ee dalka uu ku jiro.

Sidoo kale Ciidamada booliska ee la dagaalanka Argagixisada Belgium ayaa howl galo ka wada m/Molenbeek, halkaasoo la shee gay inay aheyd goobtii laga soo abaabulay weerarkii Paris, isla mar kaana kooxdii weerarka geysatay ka yimaadeen, Belgian special fo rces police climb high on an apartment block during a raid, in sea rch of suspected muslim fundamentalists linked to the deadly atta cks in Paris, in the Brussels suburb of Molenbeek, November 16. 2015. REUTERS/Yves Herman

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada ay qabteen Sa lah Abdesalam oo ahaa ninkii kireeyay labadii gaari ee loo adeegs aday weeraradii Paris. Hey’addaha ammaanka ayaa sheegaya in ninka loo maleynayo in weerarkaas uu soo abaabulay lagu mag acaabo Abdelhamid Abaoud oo 27 jir ah, kaasoo ku noolaa m/Mole nbeek oo deris la ah Brussels, ninkan ayaa ku sugan dalka Suuriya, waxaana uu asal ahaan ka soo jeedaa dalka Morocco.

Warbaahinta Faransiiska ayaa soo bandhigay magacyada shan ka mid ah todobadii ruux ee ee ka dambeysay weerarkii is qarxinta, iyadoo qofka 8aad aad looga raadinayo dalka Belgium oo uu u baxsaday.

howlgalo (2)

Baaritaanada weerarka ayaa wali socda, iyadoo la filayo inay soo baxaan natiijooyin hor leh oo la xiriira weerarka iyo sida loo qor sheeyay, waxaana ilaa iyo hada la aqoonsaday shan ka mid ah kooxdii weerarka geysatay waxaana ay kala yihiin sidan:

Salah Abdeslam oo 26 ayaa la rumeysan yahay inuu wax ka aba abulay weerarka, waxaana uu yahay baxsad, ciidamada booliska ayaa u jaray ruqsad ah in la soo xiro, iyadoo ay socdaan howl gallo ballaaran oo lagu baadigoobayo. Ibrahim Abdesalam oo 31 jir ah ay aa walaal ay yihiin ninka la baadi goobay, waxaana uu isku qarxi yay tiyaatarkii Bataclan ee magaal ada Paris. Omar Ismail Mostefai oo 29jir ah oo deganaa agagaarka magaalada Paris ayaa ahaa qofkii u horeeyay ee la aqoonsaday, markii farihiisa laga helay mid ka mid ah qoryihii, waxaana laga qaaday DNA

Bilal Hadfi oo 20jir ah ayaa la rumeysan yahay inuu ka soo da gaalamay Suuriya, waxaa uu u dhashay Belgium, waxaana uu isku qarxiyay banaanka garoonka Kubadda Cagta ee Stade de France.

Ahmad alMohammad oo 25, ayaa ka yimid Idlib dalka Suuriya, wa xaa baasaboorkiisa laga helay garoonka Stade de France, waxaa todobaadyo ka hor uu qaxooti ahaan ku soo galay Jasiirada Leros ee dalka Greec, isagoo soo maray Serbia ilaa Paris uu ka yimid, is la markaana ka qeyb qaatay weerarkii habeenkii jimcihii

Samy Amimour oo 28 jir ah ayaa ah qofka labaad ee Faransiiska u dhashay ee ilaa iyo hada la aqoonsaday inuu weerarka ka damb eeyay, waxaana la sheegay inuu mar u safray Suuriya.

Labada kale ee weerarka ka dambeeyay ayaa wali baaritaankoo da iyo heybtooda la hayaa, waxaana muuqata in howl galada Fara nsiiska wado inay wali halkooda ka sii socdaan.

WEERARADII PARIS OO LAGA DIGAY IN LOO CIQAABO QAXOOTIGA

JeanClaude Juncker, Madaxa Golaha Yurub, ayaa wuxuu ka di gay in dadka magangelyo doon ah loo ciqaabi, weeraradii uu dhiig ga badani ku daatay ee habeenimadii Jimcaha ruxay Xarunta Wad anka Faransiiska. Isagoo ka hadlaayay shirka G20 oo Axadii ka fur may dalka Turkiga, ayaa wuxuu ku baaqay in Wadamada Midowga Yurub ay ku dhaqmaan sharciga ku aadan qaxootiga, wuxuuna ka digay in Midowga Yurub uu noqdo mid aan ku dhaqmin sharcigii uu qaatay.

"Waxaan rabaa inaan martiqaado kuwa jecel in aanu wax ka bed elno sharcigan socdaalka Yurub qaadatay ee muhaajiriinta. laakiin waxaan leeyahay yaanan kolba dhan u didin amaba aan ka falcelin waxa dhacay, balse aan noqono dad ay tahay, marka ay sharci qaa taan ku dhaqma. Ma jecli in aan marba dhan isu bedelno.” Ayuu yiri JeanClaude Juncker.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in kuwii ka dambeeyay weeraradii M/ Paris, ay yihiin kuwo dembiilayaal ah, islamarkaana aanay aha yn dad qaxooti ah. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in duqeymaha Ruu shku uu ka wado dalka Suuriya, INay xoojisay tirada qaxootiga, ee ka soo cararaysa dagaalada dalkaasi, soona gelaysa Qaaradda Yurub.

Mid ka mid ah raggii fuliyay weerarada ka dhacay Magaalada Par is, ayaa waxaa la sheegay in uu ka yimid dalka Suuriya, xilli uu isu soo ekeysiiyay qaxootiga ku qul qulaaya Qaaradda Yurub. Poland iyo Slovakia, ayaa waxay durbaba diideen heshiiska Midowga Yu rub, ee qaybsashada qaxootiga, si dib u dejin loogu sameeyo.

Wadamada reer Yurub, ayaa ku soo baraarugay dhacdadaan, waxayna diiradda saarayaan qaxootiga ka soo cararaaya dalkaasi Suuriya, si aanay ugu soo dhex dhuuman dagaalyahanada Daacish.

FARANSIISKA OO SHEEGAY INAY SUURTAGAL TAHAY WEERARO CUSUB OO KA DHACA DALKAASI

Iyadoo shacabka Faransiiska ay walaac xoogan ka qaadeen we eraradii habeenkii Jimcaha ka dhacay M/Paris, ayay hadana Dowl adda Faransiisku sheegtay in ay suurtagal tahay weeraro kale, oo maalmaha iyo toddobaadyada soo socda ka dhici kara dalkaasi.

Ra’iisal Wasaaraha Faransiiska, Manuel Valls, ayaa shalay shaa ca ka qaaday in ay la socdeen weeraradii Paris, hadana la qorshey naayo weeraro kale oo ka dhaca dalkaasi iyo qaar ka mid ah Wad amada Q/Yurub.Wuxuu yiri "Waan ogayn in weeraro la diyaarinaay ay, welina waala diyaarinayaa. Faransiiska oo keliya maaha ee dal al kale oo Yurub ah ayaa suurtagal ah in la bartilmaameydsado.”

"Weeraro kale ayaa la diyaariyay in laga gaysto dalka Faransiis ka, laakiin way guuldareysatay argagaxisada.” Ayuu yiri Ra’iisal Wa saaraha Faransiiska oo la hadlay Radio RTL. "Argagaxisada way na weerari karaan maalmaha iyo toddobaadyada soo socdo. Argag axisadu wayna weerartay, hadana way na weerari kartaa.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha. Manuel Valls, ayaa wuxuu meesha ka saaray in hadalkaan uu ku cabsi gelinaayo shacabka Faransiiska, laakiin buu yiri waa inay sid aasi ula socdaan.

"Dadka maaha mid aan ku cabsi gelinaayo, laakiin waa inay sida asi ula socdaan. Dadka Faransiiska waxay wajahayaan maalmo ba qdin badan, waxaana ku dhex noollaan karnaa muddo dheer cabsi da iyo cago juglaynta argagaxisada.” Ayuu yiri Manuel Valls Farans iiska, ayaa mid dhab ah u qaadanaaya hanjabaadaha cusub ee ka ga imaanaaya Ururka Daacish, oo sheegtay weerarada 13kii bish aan gil gilay Caasimadda Faransiiska.

WARARKA CAALAMKA

UGANDA OO KA CABSI QABTA WEERARO LA MID AH KII PARIS INAY ALSHABAAB KA GEYSATO KAMPALA

Laamaha ammaanka Uganda ayaa sare u qaaday dhaq dhaqaaq yada lagu sugayo amniga, ka dib weerarkii habeenkii jimcaha ee lagu qaaday M/Paris ee dalka Faransiiska, halkaasoo ay ku dhinte en 129 ruux. Dowladda Uganda ayaa ka cabsi qabta weerar la mid ah kii Paris oo kale inay AlShabaab ka geystaan Caasimada Kamp ala, waxaana laamaha amniga ay ka digeen weeraro argagixiso.

Afhayeenka Booliska Uganda Fred Enanga ayaa sheegay in cii damo dheeri ah la geeyay caasimada Kampala, gaar ahaan xaruma ha muhiimka ah, sida Garoonka diyaaradaha Entebe.

"Ma xamilo karno waxyaabihii ka dhacay Paris, waxaan sare u qaadnay ammaanka dalka si ay uga nabad galaan dadkeena weer aro argagixiso” ayuu yiri Fred Enanga oo la hadlayay Wakaalada wararka ee Shiinaha Xinhua

Sidoo kale waxaa uu sheegay in sababta ay sare ugu qaadeen Ammaanka ay tahay, in aysan wax qal qal ah uusan ku imaan boo qashada Wadaadka Diinta Masiixiga ee Pope Francis oo la filayo in dhamaadka bishan uu booqasho ku tago dalal ku yaall Bariga Afrika oo ay ku jirto Uganda.

Dowladda Uganda oo kumanaan ciidamo nabad ilaalin ka joogaan Soomaaliya ayaa hanjabaado joogta ah kala kulmeyso AlShabaab, iyadoo sanadkii 2010 weeraro ay ku dhinteen illaa 70 ruux ay ka dhaceen Caasimada Kampala, taasoo Mas’uuliyadeeda ay sheeg atay AlShabaab

DAACISH OO KU HANJABTAY INAY WEERAREYSO WASHINGTON IYO DALALKA KALE EE REER YURUB

Kooxda Daacish ayaa ku hanjabtay inay weeraro ku qaadi doo nto wadamada ka qeyb qaadanaya duqeym aha Suuriya, waxaana ay cadeeyeen in weerarkii Paris midka ku xiga uu yahay Caa sim ada Mareykanka ee Washington DC.

Muuqaal cusub oo ay kooxda soo dhigtay baraha Internet oo ay ka soo muuqdeen da gaalyahano ku hadlayay afka Carabiga ayaa waxay ku hanjabeen in si la mid ah weerarkii Paris ay ka fulin doo naan dalalka reer galb eedka.

Mid ka mid ah dagaalyahanada ka soo muuqday oo lagu magac aabo Al Ghareeb oo u dhashay Algeria ayaa ugu hanjabay wadam ada reer Yurub inay weeraro ku soo wajahan yihiin.

"Waxaan idin sheegayaa dalalka ka qeyb qaadanaya ololaha saliibiga ah, waxaa idin ku qaadi doonaa weerar la mid ah kii Fran ce, waxaa ku dhaaranayaa inaan weeraro doono America, xarunte eda Washington”ayuu yiri dagaalyahankan.

Sidoo kale waxaa uu u sheegay wadamada reer Yurub inay u soo socdaan, iyagoo xiran suumanka qarxa, isla markaana wata hu b,waxaana uu tilmaamay in sidii hore ay maanta ka xoog badan yihiin. Ururka IS ama Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyada wee rarkii habeenkii jimcaha lagu qaaday magaalada Paris, halkaasoo ay ku dhinteen 129 ruux, halka 350 ku dhaawacmeen, waxaana uu ahaa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee Yurub ka dhaca, kadib weerarkii sanadkii 2004 lagu qaaday magaalada Madrid ee dalka Spain.

Dalalka reer galbeedka ayaa sare u qaaday amniga dalkooda, ka dib weerarkii Faransiiska, waxaana Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska uu sheegay inay suura gal tahay weeraro abaabulan oo ku wajahan dalalka Yurub.

BRITAIN OO XOOJINAYSA SIRDOONKEEDA SI AY UGA HORTAGTO WEERARRO AY ISIS KUSOO QAADDO WADDANKEEDA

Xukuumadda Britain ayaa ku dhawaaqday in lacago dheeraad ah ay siinayso laamaha ammaanka dalkeeda, si ay uga hortagaan hal ista kooxda isku magacawda dawladda Islaamka. Dowladda UK ay aa sheegtay in lacagtan siin doonto hay’addaha sirdoonka ee MI5, MI6, GCHQ, taasoo u ogolaan doontaa inay qortaan 1,900 oo ruux oo cusub si ay howlahooda nabadsugidda u xoojiyaan.

Sidoo kale, golaha wasiirrada Britain ayaa iyagana la filayaa inay ku heshiiyaan in la kordhiyo dhaqaalaha lagu bixiyo ammaanka du ulimaadyada hawada ee UK, taasoo qayb ka ah qorshaha looga ho rtagayo weerarro argagaxiso oo dalkaas ka dhaca.

Tallaabadan ayaa imaanaysa kaddib weerarro ay mas’uuliyaddo oda sheegatay kooxda ISIS oo Jimcihii lasoo dhaafay lagu qaaday m/Paris ee xarunta dalka France, kuwaasoo ay ku nafwaayeen 129qof, iyadoo dadkaas uu qof British ah ka mid ahaa.

Kooxda ISIS ayaa sheegatay inay mas’uul ka ahayd weerarrad aas, ayna yihiin kuwo ay uga jawaabaysay duqeymaha uu Faransii sku ka geysato deegaannada ay ka dagaallamaan ee dalalka Cir aaq iyo Suuriya. Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha Britain, David Ca meron ayaa sheegay in ay tahay halgan soo foodaaraya ummad dhan, loona baahan yahay inaan u adeegsa nno dad la dagaallama kuwa doonaya inay burburiyaan qiyamkooda.

Hal daqiiqo ayaa laga aamusi doonaa dalka Britain, iyadoo loogu baroordiiqayo dadkii ku waxyeeloobay weeraradii ka dhacay Pairs, waxaana Yurub oo dhan ay iyaguna u aamusi doonaan dadkaas daqiiqad. Ugu dambeyn, Nick Alexander oo British ah ayaa la xaqiij iyay inuu ku dhintay weerarradii Paris ka dhacay, wasiirradda arrl maha gudaha ee Britain, Theresa May ayaa sheegtay inay dad kale oo British ahna ku dhaawacmeen weerarradaas.

MADAXWEYNAHA MAREYKANKA OO BALLAN QAADAY GARAB ISTAAGA DOWLADDA FRANCE

Madaxweynaha Maraykaka Barack Obama ayaa wacad ku mar ay in uu kaalmeyn doono dalka Faransiiska si loo soo qabtay kuwii weerarka geystay,Weerarkan ayaa dhacay Jimcihii toddobaakan. MR. Obama ayaa sheegay inuu qorsheynayo in la labanlaabo dada lada lagaga hortagayo ISIS.

Madaxweyne Obama ayaa Axaddii shalay hadlay ka dib markii ay wada kulmeen RW Turkiga Rajab Dayib Erdowan, xilli uu ka qeyb galayo kulanka dalalka la isku yiraahdo G20 oo ka dhacaya magaalada loo dalxiiska tago ee Turkiga ee Antalya.

Obama ayaa ballan qaaday inuu garab joogson doono France, isla markaana cambaareeyey weeraradii aagisanaa ee habeenkii Jim cihii ka dhacay xarunta Faransiiska ee Paris.

Ururka ISIS ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkii Paris iyo Ank ara.

SOOMAALIYA OO KA QEYB GASHAY SHIRWAYNAHA XIRIIRKA K/KOLEYGA JAAMACADDA CARABTA

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Kolayga Cabd ullaahi Nuur Maxamed {Cadaani} ayaa ka qayb galay shirwaynaha xiriika k/K/ ee wadamda J/Carabta oo ka dhacay dalka isutaga Ima araadka Carabta ( UAE ).

shirkaan oo ahaa shir aan caadi ahayn waxaa lagu doortay gud doomiye cusub ka dib markii gudoomiyihii hore Badri Bin Dalaala Alsacuud oo ka soo jeeday Dalka Sacuudi Carabiya uu iska dhigay xilka isaga oo xilkaas hayay in ka badan 10 sano waxaana xilka gudoomiyaha loo doortay Imaciil Abdallla Algargaawi oo u dhashay Dalka Imaaraadka Carabta UAE, sidoo kale waxaan Shirwanaha la gu magaacabay 4 gudoomiye ku xigeen oo kala ah

1Abdirahman Masci Sacuudi Carabia 2aadAbdirauuf Bin Daalib Marocco 3aad Magdi abuu Fariq Egypt (Masar) 4aad Abdisatar al hadaani Yeman

Halka Xoghayaha uu guud uu ku noqsaday Hanafi Abu Daalib oo dalka Masara u dhashay ah.

Guddoomiye Cadaani ayaa intii uu shirka socda kulamo la qaatay madxada xiriirada Marocco,Tunisia ,Oman,Qatar,Kuwayt , Sacuudi Arabia iyo dalka martida loo ahaa ee UAEwaxuuna gud doomiyaha sheegay in dhamaana ay balan qaadeen in ay gacan ka gaysan doonaan horumarinta kubadda kolayga Soomaliya. Guddoomiye Cadaani ayaa dhanka kale uu la kulanay guddoomi yaha xiriirka kubadda kolayga ee dal Turkiga Harun Erdenay oo dalka UAE ,u yimid daawashada ciyaaraha Naadiyada Jaamacada Carabta waxaana ballan qaaday in ay Xiriirkiisu uu wax ka qaban doonaan dib u dhiska Garoonka kubaddda kolayga ee dalka Soom aaliya , waxaa kale oo guddomiye Cadaani halkaasuu kul kulmay Abdullah Sagaer Sports Academy oo isna guddoomiyaha isla af ga rteen in uu dalka yimaaddo kadibna qiimeeyo sidii looga furi lahaa Academyadlagu horumarinayo dalka kubadda Kolayga Soomaaliya.

Guddoomiye Cadaani ayaa ugu dambayn sheegay in dhamaan kulamdii ay la yeesheen masuuliyiintii kal gedisanaa ay guulo ku dhamaadeen.

 

 

 

OGEYSIIS OGEYSIISOGEYSIIS

OGEYSIISMUHIIM AH OO AY KUU

HEYSO :-

Delegation To The Federal Republic Of Somalia is Looking For The eu Ropean Union An ASSISTANT TO OPERATIONS MANAGEMENT

THE EUROPEAN UNION DELEGATION TO THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA IS LOOKING FOR AN

ASSISTANT TO OPERATIONS MANAGEMENT

We are

The European Union (EU) is an economic and political partnership betwe en 28 European countries. It plays an important role in international affairs through diplomacy, trade, development aid and working with global organisations.

 

Abroad, the EU is represented through more than 140 diplomatic representations, known also as EU Delegations, which have a similar function to those of an Embassy. The EU Delegation to Somalia seeks to contribute to a more prosperous Somalia where the impact of conflict and instability is reduced and the dividend of a more stable environment will allow the Somali people to benefit from EU investments in state functions and in social and productive sectors.

 

We are looking for

An assistant to the Head of Cooperation to give support in managing and coordinating the EU Somalia Operations specifically in the follow areas:

 

Responsibilities

Management

• Support to the development and updating of Operations annual strategic priorities and work-plan,

• Support to the Heads of sections in developing and monitoring their specific sector objectives and work-plans

• Establish and follow up of training and mission plans

 

Reporting and Briefings

• Preparation of management plans and reports to Headquarters as well as other briefings

• Preparation of financial/ contractual forecasts and other reports Preparing country as well as regional and sectoral briefings

• Establish and update together with Program Managers project fact sheets and other briefings

• Supporting in the development of tools for monitoring financial/ contractual performance

Facilitation of coordination structures and processes including meetings

• Facilitating information flow and exchange in Operations and between Operations and other sections/ structures including preparation and documentation of meetings

 

• Supporting and Facilitating information flow and exchange in external coordination structures and processes (for example EU

Development Counsellor group or SDRF/ New Deal meetings) co-chaired by the EU including preparation and documentation of meetings

• Preparing, facilitating and documenting any other meeting, workshop or mission when required

Monitoring and Evaluation

• Development of a Monitoring and Evaluation plan, support contracting and follow-up on implementation

• In close cooperation with the program managers support the development and implementation of other cross-cutting projects such as the

TCF

Any other cross-cutting task required by the Head of Cooperation or Head of Delegation

We require

Post-secondary education diploma ideally in Business Administration, Public Administration and/or Development related filed –

(preferably a University degree at Bachelor level) - Eligibility.

 

At least 5 years’ working experience ideally in the field of Business or Public Administration Management and/or in Development Cooperation - Eligibility.

 

Working language is English – excellent knowledge is required;

Knowledge of Somali would be an asset;

Excellent oral and written presentation skills; Thorough understanding of Excel and Power Point required;

Ability to work accurately with figures and financial planning;

Understanding of financial information management systems is an advantage

Knowledge of the functioning of EU Development Aid is desirable;

Proven ability to build and maintain positive working relationships with colleagues, national counterparts, donor agencies, other stakeholders and ability to adapt well in a multi-cultural environment;

Ability to identify needs and constraints, to set priorities and translate them into action; Personal initiative and ability to prioritise, monitor and evaluate progress, and to meet deadlines;

Open, flexible personality; team player; willingness to work outside office hours and to travel; A high degree of integrity and the ability to deal with confidential information is required.

 

The contract is for a limited period until 31/12/2016 based in Nairobi and funded under a Program Estimate.

The position is open to nationals and residents of Kenya with a valid work permit (compulsory).

 

How to apply

Please send your motivation letter and detailed CV in the EU FORMAT to

Delegation-Somalia-Recruitment@eeas.europa.eu by 27 November 2015, midnight and should have in the subject line "Assistant to Operations Management”.Only Short-listed Candidates will be contacted.The Delegation will not supply additional information or discusshe selection procedure by telephone: please address any queries concerning this procedure to the provided email address.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip