Wasaarada Arrimaha Gudaha dowlad goboleedka Hirshabeele ayaa la sheegay in dhowaan ay amartay in la xiro isbitaalka balse lama oga sababta loo amray in loo xiro isbitaalka.
Isbitaalka ayaa waxaa jiifa bukaano qaba cudurka shuban biyoodka waxaana maalin walba ka qaata dawada cudurka qaaxada boqolaal bukaan ah. Sidoo kale isbitaalka magaalada Jowhar ee ay hay’ada Intersos gacanta ku hayso ayaa waxaa uu qabtaa adeegyo caafimaad iyadoo inkabadan labo boqol oo bukaano ah loogu sameeyo baaritaano caafimaad.
Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe ee la xiriirta xirista isbitaalka magaalada Jowhar oo la furay sanadkii 1993dii, isbitaalka ayaa ah kan ugu weyn ee ka jira Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
XIGASHO:-JOWHAR.COM
Maamulka Hirshabelle oo xabsiga dhigay Madaxa Isbitaal goboleedka Jowhar
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay Madaxa Isbitaalka Jowhar Xasan Mahad Cabdi oo ay gacanta ku hayo hay'adda Intersos ee xarunteedu tahay dalka Talyaaniga.