Wafdi uu Hoggaaminayo ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Gaaray Beledweyne

0
Tuesday November 17, 2015 - 00:49:58 in Wararka by
  • Visits: 903
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi uu Hoggaaminayo ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Gaaray Beledweyne

    Wafdi uu hoggaaminayo ku-xigeenka xeer-ilaaliyaha Qaranka, Maxamed Xasan Nuur, ayna ka mid ahaayeen saraakiil hay'adda Nabad-sugidda iyo ciidamada booliiska Soomaaliyeed ka tirsan ayaa soo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hoggaaminayo ku-xigeenka xeer-ilaaliyaha Qaranka, Maxamed Xasan Nuur, ayna ka mid ahaayeen saraakiil hay'adda Nabad-sugidda iyo ciidamada booliiska Soomaaliyeed ka tirsan ayaa soo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ujeeddada ama socdaalka wafdigaan ayaa lagu sheegay inay tahay sidii ay wax badan uga ogaan lahaayeen qaabkii uu u dhacay dilkii labo cisho ka hor bartamaha magaalada loogu geystay madaxii hay'adda miino baarista ee UNMAS Mahdi Xusseen Shiikhaal.

Dilka sarkaalkan ka tirsanaa UN-ka, ayaa xiisad ka abuuray magaalada oo maalintii labaad kala xirran, kaddib markii ehelada marxuumka ay dalbadeen in lagu soo wareejiyo shaqsi-yaadkii ka dambeeyay toogashadiisa oo ay ku eedeeyeen ilaalada gaarka ah guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax.

Xubnaha wafdigaan ayaa diiday inay wax war ah siiyaan warbaahinta, iyagoo billaabay in ay kulammo kala duwan la leeyihiin saraakiisha ciidammada iyo mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.

Illaa maalinta berri ah ayaa la filayaa in baarayaashan ka socda dowladda warbixin siiyaan warbaahinta, kaddib marka ay soo dhameystaan kulammada hadda u socda.

Ugu dambeyn, shacabka ku nool magaalada Baladweyne oo tan iyo markii falkaan dilka ah uu dhacay si weyn u hadal-hayay ayaa u dhag-taagaya ugu danbeyntii halka ay xaaladdu saldhigato iyo go'aanka ugu danbeeya oo arrinta ka qaadan doonto dowladda Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip