AMISOM oo si adag uga hadashay dilkii Sarkaal u shaqeynayay UNMAS loogu geystay Baladweyne

0
Tuesday November 17, 2015 - 00:47:47 in Wararka by
  • Visits: 1059
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AMISOM oo si adag uga hadashay dilkii Sarkaal u shaqeynayay UNMAS loogu geystay Baladweyne

    Taliska Howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya[AMISOM] ayaa maanta cambaareeyay toogashadii Mahdi Xuseen Macow loogu geystay maalin ka hor magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya[AMISOM] ayaa maanta cambaareeyay toogashadii Mahdi Xuseen Macow loogu geystay maalin ka hor magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
http://www.hiiraan.com/images/2015/aug/AMISOM_Logo_HOL_Somalia_660.jpg
Mahdi Xuseen Macow ayaa ahaa madaxii hay’adda miino-baarista Qaramada Midoobay ee UNMAS, iyadoo AMISOM ay war-saxaafadeedkeeda ku sheegtay in Mahdi uu sidoo kale ahaa madax xafiiska xiriirka bulshada (CLO), xafiiskaasoo xiriir dhow la lahaa howlgalka xasilinta ee AMISOM.

"Dilka Mahdi Xuseen Macoow waxay calaamad cad u tahay in weli ay jiraan kooxo cadow ku ah nabadda, kuwaasoo doonaya inay hor-istaagaan dadaallada lagu xasilinayo Somalia si ay nabad-buuxda uga hirgasho,” ayay AMSIOM ku tiri warbixinteeda.

Ugu dambeyn, AMISOM ayaa war-saxaafadeedka ku xustay inay tacsi dirayso guud ahaan ehelladii, saxiibbadii iyo hay’adda UNMAS ee uu ka geeriyooday Mahdi Xuseen Macoow oo loo yiqiinnay Shiiqaal.

Dhanka kale, Dilka sakraalkaan ka tirsanaa UNMAS ayaa xiisado ka dhaliyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, taasoo keentay in xukuumadda Sooomaaliya ay u diro guddi baaritaan magaalada Baladweyne.

Si kasta ha ahaatee, magaalada Baladweyne ayaa waaxa shalay iyo maanta ka jiray xiisado sababay inay xirmaan isku socodka gaadiidka iyo shacabka ku nool magaaladaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip