
Wasiirka Warfaafinta & Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Kuwait
Booqashadan ayaa ka dambeysay markii uu wasiirku casuumaad rasmi ah ka helay wasiirka Warfaafinta Kuwait, Wasiiru dowlaha Dhallinyarada mudane Salmaan Sabaax Alsaalim Alxamuud Alsabaax.
In wafdigani uu joogo Kuwait waxa ay kulammo la yeelan doonaan madax raeer Kuwait ah , oo ay kala hadli doonaan iskaashhiga labada dal iyo labada wasaaradood iyo sidii loo xoojin lahaa.
Kuwait waxaa Soomaaliya kala dhexeeya xiriir soo jireen ah, waxa ayna ka mid tahay dalalka taageerada siiya Soomaaliya.
Dowladda Kuwait ayaa dhistay Telefishankii Qaranka Soomaaliya, ka hor intii aysan dhicin dowladdii hore.
Booqashada Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka & Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ku tagay Kuwait, waxaa la filayaa in ay waddada u xaarto iskaashi intii hore ka badan oo dhex mara labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait.


0 



Wasiirka Warfaafinta & Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Kuwait
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kuwait ee caasimadda dalka Kuwait, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo 6 ma