Danjiraha Somalia ee Koonfur Afrika oo kulan la yeeshay Soomaalida ku nool dalkaas (SAWIRRO)

0
Monday November 16, 2015 - 22:19:27 in Wararka by
  • Visits: 1029
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Danjiraha Somalia ee Koonfur Afrika oo kulan la yeeshay Soomaalida ku nool dalkaas (SAWIRRO)

    Shir ay safaaradda Somalia ee dalka Koonfur Afrika u qabatay qaar ka mid ah aqoon-yahanno iyo wax-garad Soomaaliyeed oo ku nool gobolka Gauting ayaa loogu hadlay arrimo khuseeya nolosha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir ay safaaradda Somalia ee dalka Koonfur Afrika u qabatay qaar ka mid ah aqoon-yahanno iyo wax-garad Soomaaliyeed oo ku nool gobolka Gauting ayaa loogu hadlay arrimo khuseeya nolosha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika.
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail
Kulanka ayaa waxaa gudoominayay safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika, Jamaal Maxamed Barroow iyo qunsulka, Maxamed Cali Mire (Nabaddoon) iyadoo looga hadlay arrimmo ay ka mid yihiin; Mideynta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ku nool, sidii dowladda Koonfur Afrika loogu codsan lahaa fududeynta sharciyada dalka, In tira-koob iyo diiwaan-galin lagu sameeyo guud ahaan Jaaliyadda Soomaalida, horumarinta ganacsiyada Soomaalida iyo sidii looga hor-tegi lahaa dilalka iyo dhibaatooyinka ajaaniibta ay Soomaalidu ka mid tahay.

Qodobadan oo ay aqoon-yahannada, waxgaradka iyo madaxda safaaradda si weyn u lafa-gureen, iyagoo is-dhaafsaday talooyin muhiim ahaa; saldhigna u noqon karaan in Jaaliyad mideysan oo danaheeda ka shaqeysa.

Sido kale, xubno ka mid ah dadkii ka hadlay kulanka ayaa sheegay haddii qodobadan laga dooday la hirgeliyo ay Jaaliyadda Soomaalida ee Koonfur Afrika ay ka yaraan lahaayeen dhibaatooyinka ugu badan oo ay dilalka ka mid yihiin.

Danjire Jamaal Maxamed Barrow oo shirkan gudoominayaya ayaa ugu dambeyn wuxuu sheegay in qodobadan ay Jaaliyada Soomaaliyeed u yihiin muhiim, isagoo ballan-qaaday inay dhageysan doonaan talooyinka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika.

"Waxaan idinka rabnaa haddii aad noo tilmaami kartaan shirciyada Soomaalidu ay dalkan ku joogaan, inaad talo naga siisaan sidii sharciyo aad ku heli lahaydeenna, safaaraddiinnu diyaar ayay u tahay inay kaalin ka geysato,” ayuu yiri danjire Jamaal Barroow.

Ugu dambeyn, shirkaan ayaa ka mid kulanno is-daba-joog ah oo ay yeelanayaan madaxda safaaradda iyo Jaaliyadda si loo helo Jaaliyad mideysan oo safaaradda Somalia ee Koonfur Afrika ku xiran.

xigasho:-hiiraan.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip