
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 15KA 2017KA
Wasiir ku xigeenka W/dastuurka XF S,Dr Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheeg ay in caqabada ay hortaagnaayeen dhamey stirka dasturka balse haatan caqabadaha asi laga soo gudbay Maadaama la dahm estiray maamul goboledyada dalka isla markaana Aqalka Sare oo dalka ka maq naa laga yagleelay in markan la dardar ga linayo wadatashiyada lagu dhamestirayo arimaha dastuurka dalka Soomaaliya
Gudoomiyaha Aqalka Sare C/xaashi C/l aahi ayaa sheegay dhankiisa inay ka sha qeynayaan sidii Bulshada Rayidka ay qe yb uga noqon la haayeen Dastuurka Dal ka. Sikastaba, Dasturka dalka ayaa haa tan ah mid qabyo qoraal ah iyadoo xukum ada cusubna ay wado qorshayaal ay ku dooneyso inay ku dhameystirto dasturka dalka.
KULAN DHAQAALE LOOGU ARUURINAYAY DADKA ABAARTU SAAMEYSAY OO LAGU QAB TAY FINLAND
Kulankaan oo ahaa mid dhaqaale loogu u ruurinayay abaarha ka jira Soomaaliya, waxaa soo qaban qaabiyay dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Finland, waxaana ka soo qeybgalay qa ar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi, Ururro iyo dadkale oo samafalayaal reer Finland.
Goobta kulanka taakuleynta abaaraha ay ka socotay waxaa lagu soo bandhigay iibinta cuntooyin fudfudud, Buugaag, dha rka Habluhu xirtaan,cilaan saar iyo alaa bo kale, waxaana dhammaan xeelahada an cusub ee dhaqaalo u ruurinta daqligii ka soo baxa uu qeyb ka noqonayaa barna amijka gargaarka abaraha Soomaaliya.
Qaar ka mid ah dhaqaatiirta iyo dadkii kale ee isku howlay inay dhaqaale u aruu riyaan abaarta ka jirta Soomaaliya oo la hadlay Telefishinka Qaranka ayaa sheeg ay in cuntooyinka iyo waxyaabaha kale ay yihiin kuwa loogu talagalay in lacagta ka soo xarooto loogu deeqo dadka ay abaa rtu ku heyso Soomaaliya, iyagoo Jaaliyad da Soomaaliyeed ka codsaday inay xooji yaan dadaallada ay ugu gurmanayaan Wa laalood ku dhibaateysan gudaha dalka.
Waa markii ugu horeysay oo kulan nu ucaan oo kala ah ay isugu yimaadaan dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee dalka Finl and ka howlgala iyo arday barata cilmiga caafimaadka, waxayna tusaale wanaags an u noqonayaan Jaaliyadaha Soomaaliy eed ee ku nool dalka dibadiisa.
BRITAIN: AL SHABAAB KHATAR AYEY KU YIHIIN AMNIGA DALKA SOOMAALIYA
Safiirka Dowladda Britian u fadhiya QM, Mr.Matthew Rycroft ayaa waxuu sheegay in Al Shabaab ay khatar ku yihiin amniga iyo nabadda Dalka Soomaaliya. Danjire Matthew Rycroft ayaa shaaca ka qaaday in Xoogaga Al Shabaab sidoo kale ay kha tar ku yihiin ammaanka Gobolka.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Danjir aha waxuu tilmaamay in Shir looga hadla yo arrimaha Soomaaliya, lagu qaban doo no M/London Bisha May ee soo socota.
Waxaa uu qeexay in Shirkaasi looga arinsan doono horumarka, nabadda iyo amniga Dalka Soomaaliya. Danjire Matth ew Rycroft ayaa waxuu qeexay in muhiim ay tahay sii wada Dagaalka xooggan ee la gula jiro Xoogagga Xarakada Al Shabaab.
Ugu dambeyn, Danjiraha Britain ee QM. ayaa waxuu shaaciyay in Al Shabaab aan looga adkaan karin hab militari balse horu marada la sameynayo ay u muuqdaan ku wa looga adkaan karo Xoogaga Al Shaba ab ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.
G/ CUSUB EE G/BANAADIR OO GURYAHOO DA KU KALA BOOQDAY MALAAQA XAMAR IYO GUDDOOMIYIHII HORE G/BANADIR
Guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir ah na Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxam ed ayaa shalay Hoygiisa ku booqday Gu ddoomiyihii hore ee xilka ka dagaya Yuu suf Xuseen Jimcaale. Booqashada ayaa aheyd mid salaan iyo kala war qaadasho, waxaana Guddoomiyihii hore uu soo dho weeyay ma gacaabista Taabid ee xilka G/Banaadir iyo Duqa Muqdisho.
Guddoomiye Taabid Cabdi ayaa ku ammaanay Guddoomiyihii hore waxyaab ihii uu soo qabtay mudadii uu xilka hayay. Iyadoo maanta lagu wado inay M/ Muq disho ka dhacdo, gaar ahaan Aqalka dowladda Hoose Munaasabada ay xilalka ku kala wareegayaan Guddoomiyaha cusub iyo Guddoo miyihii hore.
7baadkii hore ayay aheyd markii Mada xweynaha uu xilka Guddoomiyaha G/Ba naadir iyo Duqa Muqdisho u magacaabay Taabid Cabdi oo lagu tiriyo dadka aadka ugu dhow Farmaajo.
Dhinaca kale Gudoomiye Thabit ayaa shalay Hoygiisa Ku Booqday Malaaqa Xa mar Iyo Xamar Da ye Malaaq Cali Malaaq Wehliye Gudoomiye Taabit ayaa boo qday malaaqa Xamar iyo XamarDaye guriga uu ka daganyahay Muqdisho.
Malaaq Cali Malaaq Wehliye ayaa gud oomiyaha uga mahad celiyey booqasha diisa oo ku saa bsaneyd salaan iyo is xogwareysi. Gudoomiye Taabid ayaa waxaa ku wehliyey booqashada xildhi baan Qaa sin Furdug oo ka tirsan xildhibaanadi hore ee DFS. Md.Taabit ayaa maanta kala wareegi doono gudoomiyaha xilka ka taga aya ee Yusuf Jimcaale Maamulka G.Ban aadir
KORNEYL BISHAAR "CID II SHEEGTAY MALA HAN IN XILKA LA’IGA QAADAY”
Warbaahinada qaar ee ku yaalla M/ Mu qdisho ayaa baahiyay in xil ka qaadis lagu sameeyay Korneyl Bishaar Abshir Geeddi oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska qeybta G/ Banaadir. Sidoo kale war baahinta ayaa sheegtay in Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. C/xakiin Daahir Saciid (Sa ciid) uu xilka ka qaadis ku sameeyay Korneyl Bishaar Abshir Geeddi, xilkaasina uu u magacaabay Gen.Axmed Xasan Maalin.
Markii aan intaasi maqalnay ayaan la xiriirnay Korneyl Bishaar Abshir Geedi, Ta liyaha Ciidanka Booliska qeybta G/Bana adir, wuxuuna sheegay inaanu xaqiijin kar in wararka sheegaya in xilka laga qaaday.
Korneyl Bishaar Abshir Geeddi oo si ho ose ula hadlay Risaala ayaa yiri "La iguma soo wargelin in xilka la iga qaaday, cid ila soo xiriirtay oo ii sheegtay in xilka la iga qaadayna ma jirto, warbaahinta oo keliya ayaan ka maqlay”.
Korneyl Geeddi, ayaa xilkan loo maga caabay horraantii bishii June ee sanadkii hore, ka dib markii xilkaasi laga qaaday Gen. Cali Xersi Barre (Cali Gaab).
GUDDOOMIYEYAASHA GUDDIYADA JOOGTA DA AH EE BFKA OO LA DOORTAY
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarla maanka FS ee ka tirsan Gudiyada Joogta da ayaa doortay qaar ka mid ah Guddo omiyeyaasha Guddiyadooda.
Doorashada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Cabdi weli Sh.Ibraahim (Muuddey) iyo G/ kuxigeenka 2aad ee BFS, Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa lagu doortay ilaa iyo 3 guddi iyo ku xige ennadooda.
Xildhibaan C/laahi Goodax Barre wax aa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka dabii ciga, Xildhibaan Sagal Isxaaq Biixi waxaa loo doortay Guddoomi yaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka, Xildhibaan Malaaq Dhaayow waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddi ga Beeraha, si doo kale waxaa la doortay 3 Guddoomiye ku xigeen oo hoostagaya Guddoomiyeyaasha la doortay ee 3daasi Guddi. Xildhibaan Sagal Isaaq Biixi oo loo doortay G/Gudddiga Xuquuqul insaanka iyo Arr imaha Haweenka ee Baarlamaanka ayaa sheegtay in kulankii khamiista ka dhacay xarunta Villa Har geysa lagu door tay 3 Guddi, iyadoo Doorashada ay ku tar tamayeen Xildhibaanno dhowr ah.
Guddiyada joogtada ee Baarlamaanka ay aa waxa ay shaqadoodu tahay inay la sha qeeyaan Was aaradaha iyo Hay’adaha ka le ee Dowladda oo ay shaqo wadaaga yihi in,iyo sidoo kale inay lala xisa abtamayo Hay’adahaasi
DOWLADDA SOOMAALIYA OO WADO QORSHE KA NAXSADAY SHIRKADAHA ISGAARSIINTA
Dowladda Soomaaliya ayaa qorshey neysa in maamulka .SO lagu soo wareejin doono Dowladda oo Muqdisho laga hagi doono mar aan fogeyn.
Furaha .SO ee Soomaaliya ayaa hadda laga Maamulaa Xarun weyn oo ku taala Magaalada Sydney ee Australlia ,Shirkii ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada ay aa warbiixn la xiriirta qorshahaas loo ga dhageystay Wasiirka cusub ee Isgaarsiita Soomaaliya isagoo muujiyay rajada ah in ey meel haga agsan hada marayaan qor shayaashaas.
Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yarii soow oo ah W/Warfaafinta XFS ayaa tilma amay in sida ugu dhaqsiyaha badan ho wshaas loo guda galayo dowladdana ay diyaarineyso halkii laga dhigi lahaa xarun ta Cusub.
GEN. C/XAKIIN OO KA HADLAY TABABARADA CIIDAMADA BOOLISKA
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliy eed Gen. C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa sheegay in la kordhinayo Tababara da la siinayo Ciidamada Booliska. Waxa uu sheegay inay jiri doonto isla xisa abtan lagu sameeyo Ciidamada Booliska, gaar ahaan hoggaanadooda, si loo xaqiijiyo am niga Magaa lada Muqdisho.
Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay Adduunka kala xiriirayaan dhaqaale, Qa lab iyo wax walba oo Booliska lagu horma rin karo, loona baahan yahay in la dhaqaa leeyo qalabka Booliska loogu yab ooho.
Gen. Saacid ayaa Ciidanka Booliska u gu baaqay inay u naxariistaan shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay u adeegay aan iyaga.
AMMAANKA DALKA KENYA OO LOO ADKEEY AY SABABO LA XIRIIRA CABSI LAGA QABO WEERARO ARGAGAXISO
Ammaanka dalka Kenya ayaa la adkee yay inta lagu gudo jiro munaasabadaha Easterka iyadoo booliskana ay ka codsa nayaan dadka inay taxadaraan oo wixii ay ka shakiyaana ay u soo sheegaan.
Warar ay qoreen saxaafada Kenya ay aa sheegaya inay jirto cabsi laga qabo rag hore ay liiska argagaxisada ugu dartay D/Kenya kuwaasoo tababaro ku soo qaat ay dalka Soomaaliya inay gudaha u soo galeen dalka Kenya ayna qorsheynayaan inay weeraro ka geystaan gudaha dalka Kenya.
;[L;Raggan oo sagaal ah ayaa sawirado oda la soo bandhigay waxaana la aamin san yahay inay ka tirsan yihiin ururka Al shabaab. Magacyada raggan ayaa lagu kala sheegay
1-Habib Karongo oo loo yaqaan Jureyj,
2- Juma Were,
3-Mohamed Tajir,
4 -Abdullahi Jarso Kotola,
5-Gufu Tari Gufu and
6-Fuad Abubakar Manswab,
7-Abubakar Abdikadir Abubakar,
8-Issa Abdalla Kauni iyo
9-Ahmed Said Omar.
Afhayeenka booliska Kenya George Kin oti ayaa sheegay in ay hayaan war ku saa bsan in raggan ay la soo xiriireen qoysas kooda ayna doonayaan inay dib ugu soo laabtaan dalka Kenya. Afhayeenka ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay goobaha lagu cibaadeysto,baararka,boosteejooyinka ba saska iyo tar eenada laga raaco in amm aankooda si gaar ah loo ilaalin doono.
Dalka Kenya ayaa hore waxaa weeraro ugaga geystey ururka Alshabaab iyadoo sidoo kale ururka Al shabaab uu weeraro ku qaaday saldhigyada ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM ku leeyihiin gudaha Soomaaliya.
DOWLADDA BRITAIN OO KA DIGTAY U SAFARKA DALKA KENYA
Dowladda Britain ayaa uga digtay mu waadiniinteeda u safarka qeybo ka mid ah Dalka Kenya, ka hor inta aysan dhacin do orashooyinka Madaxtinimo ee Dalkaasi.
Bayaan ka soo baxay Waaxda Arimaha Dibadda ee Dalka Britain, ayaa lagu shee gay in khataro amni ay ka jiraan qeybo ka mid ah Degaanada dhaca Gobolada Dal ka Kenya.
Dowladda Britain ayaa walaac xooggan ka muujineysa ammaanka Dalka Kenya, oo mararka qaa rkood ay ka dhacaan wee rarro ay mas’uuliyadoodu sheegtaan Xar akada Al Shabaab.Degaanada amnigoo da laga daarinayo ayaa dhaca G/W/Bari ee Dalka Kenya, halkaasi oo looga cabsi qabo in ay ka dhacaan Weeraro ay geysta an Al Shabaab.
Si kastaba, hadalka Dowladda Britain ayaa waxuu imaanayaa xili Booliska Ke nya ay ka digeen in qeybo ka mid ah Dalk aasi uu ka dhaco Weerarro ay qorsheyna yaan Xoogaga Al Shabaab.
GUDDIGA ABAARAHA DALKA OO LACAGO LAGU WAREEJIYAY
Guddiga Abaaraha Qaran ee dalka ay aa waxa ay soo bandhigeen lacago loogu yaboohay Guddi gaasi, taasi oo looogu ta la galay dadka ay Abaaraha saameeyeen.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo xubin ka ah Guddiga Abaaraha Qaran ee dalka ayaa sheegay laca gahan inay ka soo gaar een Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Suudaan.
Waxa uu sheegay Sheekh Nuur Baaru ud Gurxan Lacagtan soo gaartay in si deg deg ah ay ku gaar siin doonaan dadka ku dhibaateysan Gobolada dalka. Qeybo ka mid ah G/Koonfurta iyo Bartamaha Soo maaliya ayaa mudooyinkan dambe waxaa ka jira Abaar daran oo leysay dadka iyo duunyada.
WADA HADAL U BILAABANAYA GALMUDUG IYO AHLUSUNNA
Maamulka Galmudug ayaa sheegay wa da hadalka u dhaxeeya Galmudug iyo Ma amulka G/lada Dhexe ee Ahlusunna in uu furmi doono, si loo sii amba qaado wada hadalka labada dhinac. Wasiirka Dastuur ka iyo Dib u heshiisiinta Maamulka Galmu dug Cusmaan Maxamed Cali (Socdaal) oo la hadl ay warbaahinta qaar ayaa shee gay in maanta oo Sabti ah M/Muqdisho uu ka furmi doono wada had al u dhaxee ya Ahlusunna iyo Galmudug.
Waxa uu sheegay wada hadalkan oo ay garwadeen ka tahay DFS, inay rajeyn ayaan inuu ka soo baxo wax labada dhin ac ay ku heshiiyaan oo shacabkana lagu hormariyo. Sidoo kale Cusmaan Max amed Cali W/Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay diyaar yihiin dhinacyada wada hadlaya, isaga oo sidoo kale sheegay in la soo saa ray Warsaxaafadeed arrintan la xiriirta.
Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa dhowaan ku heshiiyay in dib loo dhigo Doora shada Madaxweynaha Galmudug oo 10kii Bishan lagu balansan aa inay dhacdo, balse la isku afgar tay in 30ka Bishan la qabto.
QM OO SHAACISAY DADKA U DHINTAY SHUBANKA IYO DAACUUNKA
Jimciyadda Qurumaha ka dhxeysa ay aa sheegtay in tan iyo markii ay Abaaraha ka billoowdeen qa ybo ka mid ah Soomaal iya ay cudurrada Daacuunka iyo Shuban Biyoodka u dhinteen 500 Qof, halka Kuma naan kalena ay la Ildaran yihiin.
QM .Laanteeda Caafimaadka ayaa wala ac ka muujisay nolosha 25,000 oo haatan la liita xanuunno, waxayna intaa ku dartay inay xaaladda ka sii dari karto tan iyo dab ayaaqada Bisha June ee soo so cota.
WHO ayaa dhankeeda ku sheegtay tan iyo billoowgii Sanadkan inay Dadka u gee riyooday Daac uunka iyo Shubanku gaaray aan 524, halka hay’adda Bini’aaddann imada ee QM (UNOCHA) ay ku til maant ay iney dhimmashadu gaareyso, 533 oo Qof.
Sidoo kale Hay’dda caafimaadka addu unka ee WHO waxay sheegtay dad badan oo adduunka dac aladiisa ku nool in ay sa nad walba u dhintaan biyo wasakhaysan oo ay cabeen.
MD.CALI GUUDLAAWE OO KU DADAAL UGU JIRO XALINTA XIISADO DAGAAL
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo wafdi uu hogga aminayo ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan Degaanka Xawaad ley oo ka tirsan GSh/Dhexe, halk aasi oo ay ka taagan tahay xiisad Dagaal.
Md.Cali Guudlaawe iyo wafidgiisa ayaa ujeedkooda waxa uu yahay sidii ay u xalin lahaayeen, nab adna loo kala dhexdhigi lahaa beelaha halkaasi ku dagaalamay.
Sh.Axmed Ibraahim (Fiidow) oo qeyb ka ah wafdigaasi ku wajahan Degaanka Xawaadley oo la had lay warbaahinta ayaa sheegay inay rajeynayaan in la dhameeyo colaada Xawaadley ka taagan.
Degaanka Xawaadley oo ka tirsan G/ Sh/Dhexe ayaa dhowaan waxaa ka dhac ay Dagaal beeleed yo, geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac, sidoo kale waxaa dab la qabadsiiyay Tuulo halkasi ku taalla.
XIISAD SALKA KU HAYSA MAAMULKA GARO ONKA G/KACYO OO U DHAXEYSA GALMU DUG IYO PUNTLAND
Xiisada U dhaxeysa Maamul Gobale edyada Puntland iyo Galmudug ayaa laga Dareemayaa M/Ga alkacyo Taasi oo ku sa absan Maamulka Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladaasi oo lagu Wareej iyey Do wladda Imaaraadka Carabta.
Maamulka Gobalka Mudug ee Galmud ug ayaa ka soo horjeestay Qorshaha Pun tland ay Dow ladda Imaaraadka ay ugu Wa rejisay Garoonka Diyaaradaha Gaalk acyo oo ka mid ah Hantida Ma gu urtada ah ee laga Dhaxlay Dowladda Militariga aheyd ee Burburtay Sanadkii 1991.
Gudoomiye ku Xigeenka G/Mudug ee Galmudug Cabdi Xuusen Maxamed oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sharci Daro ku tilmaamay Qorshaha Puntland iyo Dow ladda Imaaraadka Carabta ay ka Wadaan M/Gaalkacyo gaar ahaan Garoonka Diya aradaha oo maamulkiisa ay si rasmi ah u la War eegayaan D/imaaraadka kaasi oo maanta Hareerihiisa ay Howlgal Dhisam ayaasha lagu Burburinayo ka sameeyeen Ciidamada D/G/Puntland oo wata baaldoosaro.
Gudoomiye ku Xigeenka Gobalka ayaa sheegay in dib loo soo celiyey Dagaalkii 2da Maamul mar ha diiba Puntland ay bilo wday Dhisamaha Garoonkaas oo muran ka taagan yahay lahaanshaha iyo gac an ku heyntiisa waxa uuna D/Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo u gu Baaqay inay si dag dag ay u faragaliso
Xigasho:simbanews.net.
BAMKA UGU WEYN CAALAMKA OO LAGU RID EY DALKA AFGHANISTAAN
Ciidamada Maraykanka ayaa ku ridey bambada ugu weyn caalamka saldhigo ay ku leeyihiin ururka IS gudaha dalka Afgh anistan. Bamkan oo loo yaqaan "Hooyada bambada” GBU43/B MOAB ayaa markii u gu horeeyay la tijaabiyay sanadkii 2003 balse si rasmi ah howlgal looguma isticma alin. W/ Gaashaandigga Maraykanka ayaa sheegay in bamkan lagu ridey gobolka Na ngarhar yahay bamkii u gu cuslaa ee abid la rido marka laga reebo bambooyinkii niy ukliyerka ahaa ee lagu isticmaalay dagaa lkii labaad ee dunida. Weerarkan ayaa yi mid kadib 7aad markii lagu diley askari Maraykan ah oo ka mid ah ciidamo si gaar ah u tababaran ee kula dagaalamaya ururka IS gobolka Nangarhar.
Bamkan oo culeyskiisu gaarayay 9,800 kg dhererkiisuna 9m ayaa lagu tuuray deg mada Achin iyadoo saraakiil u hadashay ciidamada Maraykanka ay sheegeen in meel sax ah lagu ridey bamka.
Ciidamada Maraykanka ayaa waxaa ay qirteen in duqeyn ay ka geysteen dalka Sy ria ay si qalad ah ugu dileen 18 muc aar adka dowlada Syria. Taliyaha ciidama da Maraykanka ee dalka Afghanistan Gen John Nicholson ayaa sheegay in ururka IS q eybtiisa wadanka Afghanistan oo loo yaq aan Khora san ay isticmaalayaan waxy aal aha qarxa iyagoo isaga dusinaya god ad ay ka sameysteen dhulka hoostiisa.
Garabka ururka IS ee dalka Afghanistan ka dagaalama ayaa lagu qiyaasay in ay gaarayaan 1,000 illaa iyo 1,500 oo ruux.
rrow keys to increase or decrease volume
MUWAADINIIN SOOMAALIYEED OO LAGU XIRAY MAREYKANKA
Ciidamada Ammaanka Dowladda Mara ykanka ayaa bilaabay qabqabashada dad ka Soomaaliyeed ee kunool M/ Atlanta.
In ka badan 10 qof oo Soomaali ah ayaa il aa iyo hadda ay gacanta ku dhigeen Ciida mada Am maanka kuwaa soo la sheegay inay suurta gal tahay in dib loogu soo celi yo Soomaaliya. Dadka ay ciidamada am aanka iyo laanta Socdaalku beegsanaya an ayaa isugu jira dad aan sharci haysan iyo kuwa sharcigu ka maqanyahay balse dambi galay.
Dadkan ayaa guryahooda iyo suuqya da M/Atlanta laga soo qabqabtay. G/Uru rka Somaalida ee Atlanta Cumar Abuukar Shiikheey ayaa VOAda u sheegay in jaaliy adda soomaalidu ay aad uga wal aacsan tahay tallaabadan cusub.
Guddoomiyaha Ayaa sheegay in damb iyada dadka qaar ay galeen ay yihiin dam biyo aad u fudud oo aan istaahilin in laga ga saaro dalka Maraykanka , laguna celi yo Soomaaliya oo haataan duruufo adag ay ka jiraan.
LIX KU DHIMATAY QASHINQUB SOO DUMAY.
Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay to ban kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii uu qashin qub noqday sida buu ra ha uu dusha ka maray afartan guri oo ku yaalo duleedka caasimada dalka Sri Lan kan ee Colombo.
Kooxaha badbaadada iyo ciidamada dalka Sri Lankan ayaa qufaya qashin qub ka iyagoo weli baadigoobaya dadka ku ho os jira qashin qubkani soo dumay oo dhee rarkiisu lagu qiyaasay 90 mitir.
Qashin qubkani ayaa muddooyinkii u dambeeyay kasoo rogmaday halkii ay yaa leen ka dib roobab mahiigaan ah oo halka asi ka da'ay, waxaana shilkani uu dhacay xili shacabka dalkaasi Sri Lankan ay u da baal dagayeen maalinta dhaqanka Sinh ala iyo sannadka cusub ee dalkaasi.
Barlamaanka dalka Sri Lankan ayaa dhawaan la horgeeyay warbixin muujine ysa in qashin dhan 23 Milyan oo tan oo ya ala deegaanka Kolonnawa ay khatar caa fimaad oo aad u daran ku hayaan shacab ka degan halkaasi.
DF OO SHAACISAY TIRADA DADKA U BAAHAN GARGAARKA
DFS ayaa sheegtay in Lix Milyan oo Qof oo Soomaali ah ay gaajo iyo macluul da ran wajahayaan, loona baahan yahay in si deg deg ah wax loogu qabto. Wasiirka Ga rgaarka iyo Maareynta Masiiboo yinka Mar yan Qaasim oo warbixin u soo gudbisay Golaha Wasiirada ayaa sheegtay in Wasa aradda ay diyaarisey nidaamkii lagu haga ajinayey xiriirka iyo isuduwida Hay’adaha gargaarka iyo Dowladda.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay Dowl adda Soomaaliya inay wado dadaalo lagu badbaadinayo dadka ay saameeyeen Aba araha. Waxa uu sheegay Hay’ad daha Ca alamiga ah in laga codsaday inay la sha qeeyaan Wasaaradda Gargaarka iyo Maa reynta Masiibooyinka, si ay u fududaato dadka in la gaarsiiyo Gargaar.
Maryan Qaasim Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa 7aadkan waxa ay booqasho ku tagtay Xeryo ku ya alla Magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo iyo M/Muqdisho, iyada oo ujeedadee da ay aheyd u kuur gelida xaalada ay ku sugan yihiin dadka dhibaateysan.
TIRO KA MID AH CIIDAMADA GAARKA EE MAREYKANKA OO SOOMAALIYA LOO DIRAY
Mareykanka ayaa ciidamo kooban u dir ay Soomaaliya, gaar ahaan M/Muqdisho, si ay tababar u siiyaan Ciidamada Soom aaliya iyo kuwa AMISOM.
Saraakiil Mareykan ah ayaa u sheegay VOA in Ciidamadan ay ka dageen M/Mu qdisho 2dii bishan. Tagista Ciidamadan ayaa ka dambeysay markii D/Soomaaliya ay codsatay, sida ay xaqiijiyeen Saraak iisha Mareykanka.
Ciidamo Mareykan ah oo aan tiradooda la cayimin ayaa horay ugu sugnaa Soom aaliya, kuwaasoo tababarayaal iyo la taliyeyaal isugu jiray. Mareykanka ayaa qe yb qaadanayay howlgalka ka dhanka ah ALShabaab, waxaana ay gacan siinaye en Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMIS OM. W/Dif.Mareykanka ayaa sheegtay in ay kordhineyso weerarada ka dhanka ah AlShabab, iyadoo walaac laga laga qabo.
D/SOOMAALIYA OO SHEEGTAY IN AY WAX KA QABANAYSO CABASHO LAGA SOO GUD BIYEY SHIRKADDA SAHAL EE KA SHAQEYSA GAROONKA AADAN CADDE.
W/Gaadiidka iyo Dekaddaha XFS ayaa sheegay inay wax ka qaban doonto caba shooyin ay usoo gudbiyeen Gaadiidleeyda ka howl gala Garoonka iyo Dekkada M/Mu qdisho kuwaasi oo usoo gudbiyey in si deg deg ah wax looga qabto lacago xad dhaaf ah oo looga qaado garoonka iyo dekka da Muqdisho.
Waiirka W/W/finta X/S.Eng C/xmaan Cumar Yariisoow ayaa sheegay in Xuku umada ay wax ka qa ban doonto cabash ooyinkaasi loo soo gudbiyay isagoona she egay in si isku mid ah oo cadaalad ah ay ugu howl geli doonaan Gaadiidleyda ka howl gala Dekadda iyo Eelaboorka Muq disho. Maalmahii ugu dambeeyay waxaa isa soo taraayay cabashooyin ay Gaadii dley da ay u jeedinaayaan DF gaar ahaan laan ta socdaalka iyo jinsiyadaha Sooma aliya, taasoo lagu eedeeyay in lacagta xad dha afka ah ay iyagu jeebka ku ritaan
BUHARI: WAAN KU DADAALAYAA SOO DEYN TA GABDHIHII CHIBOK
Dibed baxayaal doonaya in lasoo celiyo gabdhihii laga afduubtay Chibo Dowladda Nigeria ayaa sheegaysa in ay wadahadalo lagu soo daynayo gabdhihii iskuulayda Chibok ay la leedahay ururka Boko Xara am. In ka badan 250 gabdho arday ah ay aa laga afduubtay iskuul ay jiifeen, arrinta asi oo caalamka uu ka qeyliyay.3sano ay aa laga joogaa markii ay dagaalyahanno Boko Xaraam ka tirsan qafaasheen gabdh aha iskuulka Chibok, xilli ay isu diyaari nayeen imtixaanka xilli dugsiyeedka.
Afduubkaasi ayaa caalamka tusay ar xan darrada ururka Boko Xaraam, kaasoo waqooyi Bari Nig eria ku dilay kumannaan qof, malaayiin kalana ka barakaciyay gur yahooda. Dalalka caalamka ayaa dhaleeceeyay falkaasi, waxaana bilowday olole ballaaran oo loogu magac daray sooceliya gabdhah eena. Dabayaaqadii sanadkii teg ay ayaa Boko Xaraam waxa ay soo day say in ka badan 20 gabdhah aasi ah, ka dib wadahadalo lala yeeshay.
Madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari, ayaa hadda sheegaya in wax kas ta uu u samaynayo si loo soo daayo gab dhaha weli gacanta ugu jira Boko Xaraam.
Dowladda dalkaasi ayaa sheegtay in wad ahadalo ku aaddan sii deynta gabdhahaa si ay kula jirto Boko Xaraam, balse ay dhi baato kala kulmayso kala qeybsanaanta soo dhexgashay ururkaasi.
Inkastoo ciidamada ammaanka Nigeria ay guulo ka gaareen Boko Xaraam, ayaa haddana weli wax aa taagan afduubka. Ha y’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in tan iyo 2014kii, ay dalka Nigeria ka dhace en in ka badan 40 afduub wadareed oo lagula kacay rag, dumar iyo carruur.
Amnesty ayaa sheegtay in afduubyada asi aanay soo jiiday indhaha caalamka
HUTEELKA TRUMP OO WAXYAABO KHALAD AH LAGU ARKAY
2da hogaamiye ayaa ka casheeyay go obtan ka dib markii huteelkan lagu arkay khaladaad dhanka fayoqaybka ah Mas uuliyiin ka socda waaxda caafima adka iyo badqabka ee dalka Maraykanka ayaa waxyaabo khalad ah ku arkay jikada goobta loo tamashle tago ee MaraLago, oo uu leeyahay madaxw eyne Donald Tru mp. 13 khalad ee jikada huteelkaas lagu arkay waxaa ka mid ah qaboojiyeyaal jaj aban taas oo ka dhigan in hilibka iyo kaluunka lagu kaydiyay qabaw loo arko in cuntada lagaliyo aysan badqabin.
Biyaha qasabadaha ka socdana sidii loo baahnaa uma diiranayn si ay shaqaaluhu gacmahooda ugu nadiifiyaan si fiican.
13 khalad waxaa la ogaaday maalmo uun ka hor markii uu goobtaas booqasho ku tagay ra’iisalwas aaraha Japan.
2 ka mid ah qaboojiyeyaasha ayaan u shaqaynaynin siddii loo baahnaa waxayna u baahnaayeen in wixii ku jira laga saaro oo la dayactiro.
WADA HADAL U BILAABANAYA GALMUDUG IYO AHLUSUNNA
Maamulka Galmudug ayaa sheegay wa da hadalka u dhaxeeya Galmudug iyo Ma amulka G/Dhexe ee Ahlusunna in uu furmi doono, si loo sii amba qaado wada hadal ka 2da dhinac.W/D iyo Dib u he shiisiinta M/Galmudug Cusmaan Maxamed Cali (Socdaal) oo la hadlay Risaala ayaa she egay in berri oo Sabti ah Magaalada Mu qdisho uu ka furmi doono wada hadal u dhaxeeya Ahlusunna iyo Galmu dug.
Waxa uu sheegay wada hadalkan oo ay garwadeen ka tahay DF, inay rajeynay aan inuu ka soo ba xo wax 2da dhinac ay ku heshiiyaan oo shacabkana lagu horm ariyo.
Sidoo kale Cusmaan Maxamed Cali W/ Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta M/Galmu dug ayaa shee gay inay diyaar yihiin dhina cyada wada hadlaya, isaga oo sidoo kale sheegay in la soo saa ray Warsaxaafade ed arrintan la xiriirta.D/S iyo maamulka Ga lmudug ayaa dhowaan ku heshiiyay in dib loo dhigo Doorashada Madaxweynaha Ga lmudug oo 10kii Bishan lagu balansanaa in ay dhacdo, bal se la isku afga rtay in 30ka Bishan la qabto.
JUBBALAND OO WADA QORSHE ALSHABAAB AY TIRI WAXAA UGA SAARAYAA GOBOLKA GEDO
D/G/Jubbaland ayaa sheegay inuu wa do qorshe Shabaab looga saarayo Degaa nada iyo Tuulo oyi nka ay ka joogaan G/ Gedo. W/Amniga M/Jubbaland C/rashiid Xasan C/nuur (C/rashiid Janan) ayaa D/ lu uq ee G/Gedo waxa uu kula kulmay mas uuliyiin ka tirsan Maamulka iyo sarkiisha Ciidanka ee halkaasi ku sugan.
Waxa uu sheegay Wasiirka inay qorsh eynayaan inay bilaabaan Howlgallo ka dhan ah Shabaab oo looga saarayo Deg aanada Gobolka Gedo. Sidoo kale uu sha cabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan Cii danka, si Shabaab looga guuleysto.
INKABADAN 2,000 TAHRIIBAYAAL AH OO MAANTA GAARAY XEEBAHA DALKA TALYAANIGA
Inkabadan 2,000 tahriibayaal ah oo doo nayay inay galaan qaarada Yurub ayaa shalay laga soo badbaadiyay badda Medit erraneanta iyagoo la geeyay dalka Talya aniga. Afhayeen u hadlay ciidamada ilaal ada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in illaa 19 howlgalo badbaadin ah oo ay sa meeyeen ilaalada xeebaha iyo ururada aan dowliga ahayn inay soo badbaadiye en dad gaarayay 2,074 ruux kuwaasoo saarnaa illaa 16 doonyo baco ka sameys an iyo 3 doon oo alwaax laga sameeyay.
Ururka Dhakhaatiirta aan xuduuda lah ayn ee MSF ayaa sheegay in ilmo yar oo meyd ah laga helay doon dusheed taasoo dadkii saarnaana la badbaadiyay. Sidoo kale dhimashada ayaa waxaa xaqii jiyay afhayeenka ilaalada xeebaha Talyaaniga sida ay qortay wakaalada wararka ee Reu ters.
MSF ayaa sheegtay in 2 ka mid ah mar aakiibtooda wax badbaadiya Aquarius iyo Prudence ay soo badbaadiyeen illaa kun ruux oo saaran sagaal doon. Sawir qaade u shaqeeya wakaalada wararka reuters Darrin Zammit Lupi ayaa sheegay in 19 sa no oo uu wax ka qorayay dadka tahriibaya asha ah inuusan hore u arag dadka shala y uu arkay ee la soo badbaadiyay. Sida ay sheegtay hay’ada Soo galootiga Caalami ga ah dad ku dhow 32,000 oo ta hriibaya al ah ayaa gaaray qaarada Yurub tan iyo bilowgii sanadkan iyadoo 650 kalana ay dhinteen.
KOOXO HUBEYSAN OO ASKARI KU DILAY M/MUQDISHO
Dabley ku hubeysnaa bistoolado ay aa Askari ka tirsanaa Dowladda hoose wa xey shalay ku Di leen Suuqa Beerta ee De gmada Waabari ee M/ Muqdisho Goobjo oge ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle ee M/Muqdisho in Askari ka tirsanaa Ciida mada Minishiibiyada, gaar ahaan kuwa ca n shuu rta uruurisa.
Wararka ayaa sheegaya in Kooxihii ka dambeeyay Dilkaasi ay isaga baxsadeen goobta.Ciidamo ka tirsan kuwa ammaa nka oo goobta gaaray ayaa bilaabay how lgallo baaritaano ah, inkastoo aan weli la soo sheegin haddii ay jiraan Dad lagu soo qab qabtay baaritaanadasi. M/Muqdisho ayaa muddooy inkii dambe waxaa ka dhac ayay Dilalka qarsheysan oo qaarkood la gu beegsado Askar iyo ma s’uuliyiin ka tirsan D FS.
DIYAARADO DAGAAL OO XALAY DUQEEYAY DEEGAANO KA TIRSAN GEDO
Diyaarado dagaal oo loo maleynayo in laga leeyahay dalka Kenya ayaa xalay duqeyn ka geystay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.Wararka ayaa sheegaya in duqeyn ta loo geystay saldhig Al-Shaba abku leeyihiin deegaano u dhow Ceel Cadde, iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ay geyst een.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqleen qar axyada dhowr gantaal oo diyaaradaha dagaal ka ku rid een meel ku dhow deegaanka Ceel cadde. Deegaanka la duqeeyay ayaa ku dhow saldhig cii damada Kenya ho ray u degenaan jireen, halkaasoo sanad ka hor lagu qaa day weerar AlShabaab askar fara badan uga leysay.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay AlShabaab iyo Ke nya oo ku saabsan duqeyntan, ma ahan mar kii u horey say ee diyaaradaha dagaalka Kenya duqeyn ka geyst aan Jubooyinka iyo Gedo.
SHIRKII MADAXDA MAAMUL GOBOLEEDYADA OO MAANTA KA FURMI DOONA MUQDISHO
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Fam aajo ayaa Maanta Madaxtooyada Soomaaliya ku qaabili doona Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada Xub naha ka ah DFS Madaxweyne iyo Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada Dalka ayaa ka wada hadli doona Shirka Bisha May ee soo socota uga furmi doona Sooma alida Magaalada Lodon ee Caasimadda Wadanka Ingi riiska.
Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada ee Ma anta la shiri doona Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka mida C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Pu ntland,Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbal and,Shariif Xasan Sheekh Aadan,Madaxweynaha Koofur Galbeed, Cali C/ll aahi Cosoble Madaxeynaha Hirshab elle iyo Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey.
ERITREA OO LA SHEEGAY INAY TAAGERAYSO ALSHABAAB
Safiirka Jabuti u fadhiya Golaha amaanka Amba ssa dor Mohamed Saciid Ducaale ayaa faah faa hin ka bix iyay xaalada amni ee Soomaaliya.Ambassador Md. Duc ale waxa uu yiri "waxaan la wadaa geynaa madaxwe yn ha Golaha amaanka in wali ay jirto khatarta Alshabab ay ku leedahay xasilonida iyo amaanka Soomaaliya wax ana ay sii kordhisay weerarada ay ka geesanayso caasi mada,waxana ay diideen cafiskii uu u fiday madaxwey naha Somaliya Maxamed Cabdulahi Maxamd”,Ambassa dor Mohamed Siad Doualeh ayaa taageray in la kordhiyo ciidamada AMISOM ee Somalia ka howlgalaya si ay awood ugu yeeshan iyaga iyo kuwa qaranka Soomaaliya in laga saaro melaha wali ay ku sugan yihiin Alshabab.
Dowladda Jabuti ayaa ugu baaqday Golaha amaanka in looga baahan yahay inay taageran hoga amiyasha cu sub ee Somalia si ay u soo celiyaan amaanka iyo shac abka inay ku dhex baahiyaan cadaalada. Arimaha la xir iira Erateriya Ambassador Mohamed Siad Doualeh waxa uu sheegay inay wali daremayaan walaac ku aadan in aysan jirin wali iskaashi ay dowladda la sameyso kooxda daba galka QM ee cuni qabateenta Somalia iyo Eratar iya,waxa uu safiirka ku eedayay in ay carqaladaysay baaritaanka kooxdaasi.
Jabuuti ayaa ku eedeysay xukuumada Eratareya inay siiw ado taagerada ay siinayaan Alshabab si magang alyo,tababar iyo hub lagu taagero dhaq dhaqaaqa Alsha bab,waxana sidoo kale ay maal galinayan koox hubay san ay oo isku dayaysa inay xukunka ka ridaan dowlad da Jabuuti.
SAFIIRKA UK EE SOMALIA OO BILAABAY KUL AMO UU LA YEE LANAYO MADAXDA MAA MUL GOBOLEEDYADA
Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya Danjire David Concar ayaa bilaabay kulamo uu la qaadanayo Madaxda Maamul goboleedyada dalka, kuwaasoo shalay qaar kood soo gaaray M/ Muqdisho. Danjire David Concar ay aa kulankii u horeeyay la qaatay Madaxweynaha Maamu lka Jubbaland Axmed Ma xamed Islaam (Axmed Madoo be), iyadoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay shirka London. Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay arrimaha abaaraha iyo sidii dowladda UK gacan uga geysan laheyd gurmadka abaaraha. Safiirka UK ee Muqdisho ayaa la soo gaarsiiyay casuum aadka shirka London, iyadoo maamul goboleedyada ku wareejin do onto casuumadaha loo soo marsiiyay Safaaradda.
Wararka ayaa sheegaya in dowladda UK ay si gaar gaar ah u casuuntay maamul goboleedyada madaxdooda, iya doo maamul walba loo qoondeeyay viisooyinka ay shirka ku aadayaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa khamiistii isugu yeertay M/Muqdisho Madaxda maamul goboleedy ada, si ay shir u wada tashi u yeeshaan. Shirka oo berri furmi doona ay aa waxaa yeelan doona Mada xweyne Farmaajo iyo Ma daxda maamul goboleedyada oo intooda badan ku sugan Muqdisho. Arri maha shirka looga hadlayo waxaa ugu weyn shirka London iyo sidii dowladda Federaalka u hogga amin laheyd, isla markaana hal ajande loola tago shirka.
DFS ayaa la sheegay inay ka carootay tallaabada dowladda Ingiriiska ay si toos ah ugu casuuntay maamu lada dalka, bedelkii ay fileysay in dowladda Dhexe loo soo maro, ama lagu soo hagaajiyo casuumada.
CIIDAMADA ITOOBIYA OO ISAGA GUURAY D/DHUUSA MAREEB
Wararka ka imaanaya degmada Dhuusa Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa degmadaas ay maanta isaga guureen.
Ciidamadan ayaa muddo sanado ah ku sugnaa Dhuusa Mareeb, iyadoo labo xarun ka deganaa dul eedka magaalada, waxaana joogitaankooda ahaa mid aan wax saameyn ku laheyn Dhuusa Mareeb oo amnigeeda ahaa mid ay gacanta ku hayeen Maamulka Ahlusuna.
Wararka ayaa sheegaya in ka bixitaanka ciidamadan ay la xiriirto qorshe Ciidamada Itoobiya ee aan hoostagin Howl galka AMISOM looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada dalka.
Ciidamada maanta ka guuray Dhuusa Mareeb ayaa waxaa la sheegay inay ka gudbeen xadka Go bolka Galgaduud uu la wadaago dhinaca deegaanada ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel ayaa waxaa horay gacanta ugu hayay Ciidamada Ahlus una Waljameeca, oo horay dagaalo ula galay Shabaab.
Lama oga saameynta ay ku yeelan doonto ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ammaanka Dhuusa Mareeb, iyadoo horay Ahlusuna ula dagaalantay Shabaabka oo dhowr jeer soo weeraray degmadaas.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii Ciidamada Itoobiya isaga baxeen degmada Ceelbuur, halkaasoo muddo 3sanno ku sugnaayeen.
147 RUUX OO LAGU DILAY MUQDISHO LABADII BIL EE LA SOO DHAAFAY
Sida ku cad warbixinta aan ururinay 2dii Bil ee ugu dambeysay waxaa dalka si sharci darro ah loogu dilay in ka badan 306 qof halka dhaawaca uu kor u dhaafay 157 qof.
M/Muqdisho waxaa ay ka dhacay dilalkii ugu badnaa, in ka badan 147 qof ayaa lagu dilay gobolka Banaadir 2dii bil ee la soo dhaafay halka lagu dhaawacay in ka badan 131 qof.
Dadka Muqdisho lagu dilay waxaa ku jiray ciidamo ka tirsan DFS, kuwaas oo lagu dilay qaraxyo iyo toogasho toos ah, in ka badan 43 ayaa ka dhintay ciidanka halka 72 kale ka dhaawacmeen.
Waxaa sidoo kale Muqdisho ka dhacay dilal loo geys tay ergo iyo odoyaal ka qeybgalay doorashadii dalka ka dhacday, 10 ergo ah ayaa la dilay halkan qof ergo ahna la dhaawacay.
February 8eeda illaa dhammaan bishaas waxaa qar ax ku dhintay 44 qof halka toos loo toogtay 22 qof, dad ka qaraxyada ku dhaawacmay waa 64 qof halka tooga sho toos ah lagu dhaawacay 9 qof.
Bishii March waxaa qaran ku dhintay in ka badan 22 qof, waxaa sidoo kale dagaallo iyo toogasho ku dhintay 125 qof, Dhaawaca qaraxyada waxaa uu gaaray 52 qof, dadka toogashada lagu dhaaw acay waa 7 qof.
Bisha April 10kii maalmood ee ugu horreysay waxaa qarax ku dhintay in ka badan 55 qof halka 38 ay ku dhint een dagaal iyo dil, dhaawaca in ka badan 12 qof ayaa qa rax ku dhaawacantay, halka 13 ka mid ah lagu dhaawac ay. Guud ahaan: February 8illa dhammaadka bishaas waxaa la dilay 66 qof, waxaa la dhaawacay 73 qof. Bi sha March 2017kii, tirada la dilay waxaa ay ka badan yihiin 147 qof halka dhaawacana uu kor u dhaafayo 59 qof.
Maalmihii ugu horreeyay bishan April waxaa la dilay 93 qof halka dhaawacana uu kor u dhaafay 59 qof. Qaraxy adii dhacay waxaan ka xusi karnaa: Qarax ka dhaca, Kaawogodey, Hoobiyeyaal lagu we eraray Warta Naba dda, Madaafiic ku dhacday meel u dhaw xarunta Xalane.
Bishii March waxaa dhacay qaraxyo sida: Labo qar ax oo isku maalin dhacay, Qaraxii Koowaad ay aa waxa uu ka dhacay degmada Wadajir ee M/Muqdisho, gaar ahaan bannaanka hore ee Warshaddii Nacnaca, halkaas oo ay ku xarreysan yihiin ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya.
Saacado ka dib waxaa qarax 2aad uu ka dhacay wa ddada Makka Almukarrama ee M/Muqdisho, gaar ah aan nawaaxiga hotelka Wehliye oo ku dhow Isgoyska Dabka. Isla bishaas waxaa dhacay qar ax kale Qaraxan ayaa ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Golaha Murtida & Madadaalada ee National Theatre, Waxaa intaasi dhe eraa qaraxyo gawaari lagu xiray iyo weeraro kale dilka Xoghayihii Degm ada Wadajir, C/raxmaan Sheekh Axm ed Calasow iyo qaraxii lagu xiray gaariga Weriye Xamiid Karaz aay.
Bishan April sidoo kale, waxaa ka sheegi karnaa qar ax ka dhacay meel u dhaw xarumaha wasaa radaha Ciya arada iyo Amniga ee dowladda Soomaaliya, qarax kale oo ka dhacay inta u dhaxeysa warshadda gashaandhi gga iyo kuliyadda Jaalle Siyaad oo lala eegtay taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo qarax kale oo ka dhacay xar un ciidamada ku lahaayeen warshadda Nacnaca ee Wadajir.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu isbadal ku sameeyay tal iyeyaasha ciidanka, waxaa kaloo uu ballanqaaday in uu wax ba dan ka qaban doono ammaanka iyo xasiloonida Caasi madda iyo guud ahaan dalka.
Ciidamada xoogga iyo Booliiska ayaa la filayaa in fuli yaan qorshaha nabadeynta caasimadda taas oo ka mid aheyd barnaamijka xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Kheyre. Shacabka waxaa ay rajo ka qabaan in uu dhaco isbadal xagga amniga ah, si dalka u gaaro horumar iyo barwaaqo.
Xigasho: Goobjoog
GALGADUUD: QOYSAS KU XOOLO BEELAY ABAARTA OO CODSADAY IN GURMAD LALA SOO GAARO
Dadka ku nool qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay ka cabanayaan xaalad nololeed oo soo food saartay kaddib abaarta daba dheeraatay ee Wadanka ka jirta.
Qaar ka mid ah Dadkaasi oo aan u kuur galnay siyaabaha ay ku nool yihiin ayaa waxaa ka muuqatay saameynta abaarta xoolihii ay dhaqanayeen intii badnayd ay uga dhamaadeen abaarta .
Qaar ka mid ah qoysaska ku xoola beelay abaarta ayaa sheegay inay iminka heysato xaalado nol oleed oo aad u liidato, waxaana ay codsadeen in kaalmo deg deg ah lala soo gaaro.
Abaartaan ayaa waxa ay notay mid guud ahaanba saameysay Dadka, iyadoa cidwaliba ay la daalaa dhaceyso maareynta noloshooda, Dadka dhibta ugu badani haysato ayaana ah Reerguuraaga Xoola ku noolka ahaa waxaana hadda gabaabsi ku sii dhow Saddaxda duunyo oo kala ah Ariga, Geela iyo Lo’ada kuwaas oo inta ka hartay sida Dadka Gacanta looga quudiyo.
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 15KA 2017KA
XUKUUMADDA SOMALIYA OO DOONEYSA DAR DARGELINTA DIB U EEGISTA DASTUURKA DALKA Kulan looga hadlayay sidii doormuuqda ay ugu yeelan la haayeen ururada bulsh ada rayidka dib u eegista dastuurka dalka islamarkana goobjoog ay ka ahaayen gud doomiyaha Aq