
Duqa Muqdisho oo sheegay in la qabtay tiro ka mid ah kuwii dadka ku laayay Caasimadda
Ciidanka Daraawiishta oo loo xil saaray ammaanka goobtaasi, ayaa waxaa Raadeerka Dayniile ku dhex maray gacan ka hadal, iyadoona ay ku dhimatay illaa 10 ruux, halka 13 kalana ay ku dhaawacantay.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in uu ka xun yahay falkaasi, isagoo dhinaca kalana sheegay in cidii ka dambeysay ay cadaaladda horkeeni doonaan.
"Aad iyo aad ayaan uga xunahay falkaasi lagu xasuuqay dadka maatida
ah, cidii ka dambeysayna waxaan la tiigsan doonnaa sharciga.” Ayuu yiri
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir.
Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa dafiray in raggaasi loogu yeero ciidan dowladeed, wuxuuna ku sheegay kuwo mooryaan ah, oo dad rayid ihi xasuuqay, lana qab qabtay qaarkood, iyagoo dhaawacyo qaba.
"Saakay Hanta Dheer Ee Degmada Dayniile, iyadoo dad soo barakacay loogu qaybinaayo mucaawino, ayaa waxaa soo weeraray niman mooryaan ah oo qoryo sito. Ka dibna halkaas ayay dadka ku xasuuqeen.” Ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho.
"Dadkii falkaasi gaystay ayaan daba joognaa, qaar hadda waala katiinadeeyay, iyagoo dhaawacyo ah, inta kalana waxaa doonay Booliska iyo Nabad Suggida. Waxaan rajeynaynaa in la soo qabto dadkii falkaas ka dambeeyay oo dhan.” Ayuu sii raaciyay Duqa Muqdisho.
Madaxa Caafimaadka Isbitaalka Madiina, Duniya Maxamed Cali, ayaa sheegtay in 19 ruux oo dhaawacyo kala duwan qaba loo soo qaaday Isbitaalkaasi, iyadoo xustay in saddex ka mid ah wadada ku soo dhimatay, halka saddex kalana ay Isbitaalka ugu geeriyootay dhaawacyadii ka soo gaaray shaqaaqadaasi.
Dadka ku dhintay shaqaaqadaan, ayaa waxay u badan yihiin haween iyo carruur, waxayna halkaasi u jooggeen qaadashada kaararkii deeqda gargaarka lagu bixinaayay. Laba ka mid ah dadka dhintay waxaa lagu sheegay askarta Dowladda.
Deeqdan, ayaa waxaa Degmada Dayniile ka qaybineysay Hay’adda WFP. WFP waxay kolkii hore dadka u qaybin jirtay cunada bisil, balse goor dambe ayay u bedeshay inay dadka u qaybiso cunada aan bisleen iyo wa-xooggaa lacago ah, oo dadka loogu diro teleefanadooda gacanta.


0 



Duqa Muqdisho oo sheegay in la qabtay tiro ka mid ah kuwii dadka ku laayay Caasimadda
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir & Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani), ayaa wuxuu ka hadlay dadkii shacabka ahaa ee maanta lagu dilay Degmada Dayniile Ee Gobolka Banaadir.