
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DASILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH ARBACO 12-KA ABRIILE 2017-KA
Mudane Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu u kuur galayay qaab howlleedka shaqo ee Wasaaradahaasi ka socda.
Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa midmid u galay xafiisyada kala duwan ee wasaaradaha oo ay goob joog ahaayeen shaqaalaha iyo maamulka , is xog waraysi kadib waxa uu kula dardaa rmay shaqaalaha wasaradaha inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabkooda, isla mark aana ay uga soo baxaan si hagrasho la’aan ah.
Ugu danbayn, Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guud ahaan shaqaalaha u sheegay inay mark asta xasuusnadaan inay hayaan shaqo qaran oo muhiimad gaara u leh dawladda iyo shacab keeda, isla mar ahaantana ay iska saaraan masuuliyada gaara.
WARQAD LA XIRIIRTA SOOMAALIYA OO LOO DIRAY TRUMP
Qaar ka mid ah xubnaha congresska Mareykanka ee laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa warqad ay u direen madaxweyne Donald Trump ku sheegay inay ka walaacsan yihiin miisaaniyad dhi mista wasaaradda arrimaha dibedda iyo hay’adda USAID, oo ay sheegeen inay saameyn ku yeelan karto Soomaaliya.
Senator Amy Klobuchar iyo wakiil Tom Emmer ayaa sheegay in lacagta 17.3 bilyan oo dollar ah ama 31% ee la doonayo in laga jaro miisaaniyadda waaxda arrimaha dibedda iyo USAID ay imaney so xilli laga cabsi qabo in muusiibo macluul ay ka dhacdo Geeska Afrika, gaar ahaanna Soomaaliya.
Waxa ay sheegeen in macluushii ka dhacday Soomaaliya 2011 ay ku dhinteen 260,000 oo qof, islamarkaana qaar badan oo ka mid ah Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ay ku waayeen dad ay jeclaayeen.
"Waxaan la wadaagnaa walaacooda, waxaana si xooggan kuugu boorineynaa inaad ka fakarto sameynta ay dhimsita miisaaniyadda arrimaha caalamiga ah ku yeelan karto awoodda Mareykanka uu u leeyahay inuu caawiyo dalalka Soomaaliya oo kale ah, si looga jawaabo xasaradaha bani aada nnimada iyo halisaha amniga” ayay Amy Klobuchar iyo Tom Emmer ku yiraahdeen warqaddii ay u direen madaxweyne Trump.
Waxa ay sheegeen in xasilooni waarta iyo nabadgalyo aysan ku iman oo kaliya tallaabo milat ari, islamarkaana shaqada wasaaradda arrimaha dibedda iyo hay’adda USAID ay muhiim u yihiin in wasaaradda gashaandhigga ay dhisto xulufo muhiim ah u ah Mareykanka.
TAAW"DHAQAALLE IYO HUB CIIDAMO AAN U DIYAARSANEEN AYUU FARMAAJO ICLAAMIYAY DAGAAL..
Axmed Xaaji Maxamed (Taaw) oo ah xildhibaan kamid ah golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Idaacadda Simba la hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ku fududaaday dagaalka uu iclaamiyay oo lagu qaadayo AlShabaab sababtoo ah buu yiri ciidamadda uma diyaarsana dagaal marka laga eego dhan dhaqaalle iyo hubka ay ku dagaalami lahaayeen .
"Madaxweynaha kahor intii uu ku dhawaaqin in dagaal la gallo waxaa ka haboonaa lahayd in uu ugu horeyn uu ogaado in ciidamada ay yahiin kuwa u diyaarsan in ay dagaal galaan, markaas ka dib uu dagaalka ku dhawaaqo " ayuu yir xildhibaanka.
Xildhibaan Taaw ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim ahayd in ay xoogaa ay sii joogan hog aankii hore ee laamaha amaanka, waxauuna sheegay in isbadalku uunan ahayn shaqsiga ee uu isba dalku yahay qaabka iyo shaqadda guud.
"Anaga waxaan wakiil ka nahay shacabka Soomaaliyeed, Xukuumadda waxay diyaarsatay bar naamijyo anaga waxaa noogala baahanyahay in aan ku koontaroono waxay qabanayaan haday wax wanaagsan qabtaan waan ku bogaadineynaa hadii ay wax qaban weydana la xisaabtan ayaa jira ba arlamaankana waxuu u joogaa in uu saxo oo uu la xisaabtamo waxii qaladaad ah ee dhaca”.
Ugu dambeyntiina hadalka Xildhibaanka ayaa kusoo aadayo iyadoo dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ferdaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu iclaamiyey dagaal ka dhan ah Alshabaab.
MADAXWEYNAHA HIRSHABELLE COSOBLE OO MAGACAABAY WASIIRU DOWLE CUSUB
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Oo Magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda KaluumeysigaMadaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdull aahi Cosoble Ayaa Xildhibaan Maxamuud Xuseen Mooge u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaar adda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.Wareegto Madaxw eyne
Ujeedo:Magcaabis Wasiiru Dowle
Kaddib Markuu arkay qodobka 51aad farqadda 5aad ee Dastuurka KMG ee Dowlad Goboleed ka Hirshabeelle.
Kaddib Markaan arkay baahida loo qabo in lagu kordhiyo Wasiiru Dowle Wasaaradda Kaluume ysiga iyo Kheyraadka Badda.
Waxaan u magacaabay Shalay oo ay taariikhdu tahay 11.April 2017, Xildhibaan Maxamuud Xuseen Mooge Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Ee Dowladda Hirshabeelle.
Wasiiru Dowlaha waxa uu u xilsaaranyahay Waajibaadka ku cad Dastuurka Dowlad Goboleed ka Hirshabeelle, Sharcigani Wuxuu dhaqan galayaa Marka uu saxiixo Madaxweynaha.

WASIIR JAMAAL OO LA KULMAY WAFDI KA SOCDAY QM
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa shalay xafiiskiisa waxa uu ku qaabilay xubno ka socday Qaramada Midoobay iyo Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya.
Kulanka oo socday mudo kooban ayaa waxaa looga hadlay Hormarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Soomaaliya, sida ay Masuuliyiinta u sheegen warbaahinta,
Wasiir Jamaal ayaa safiirka iyo xubnaha kale waxa uu u sheegay in Wasaaradda ay dhiiragelineyso Maalgashiga Soomaalida qurbaha iyo Ajaanibta ay ku sameysan karaan gudaha Soomaaliya.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya waxa uu kala hadlay hirgelinta qorshaha Qaranka oo hada meel hagaasan maraya.
Ugu dambeyntii Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa warbaahinta u faah faahiyay muhiimada iyo waxyaabihii looga hadlay kulanka uu la qaatay xubnahan ka socday Qaramada Midoobay iyo Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya.
MALALA YOUSAFZAI OO LOO MAGAACAABAY SHAQSIGA UGU DA’DA YAR EE QM U QAABILSAN NABADDA
Gabadha da’da yar ee heesata shahaadada nabadda ee Nobel peace priceka una dhalatay dalka Paksitan taa oo u dooda xuquuqda waxbarashada gaar ahaan gabdhaha da’da yar Malala Yousuf zai ayaa waxaa loo magacaabay shaqsiga ugu da’da yar ee qaramada midoobay kala shaqeysa arimaha nabadda.
Malal yousufzai ayaa afar sano ka hor waxaa madaxa ka toogtay kooxo hubeysan oo katirsan Talipanka dalka Pakistan iyadoo dhaawac halis ah weerarkaasi uu ka soo gaaray.
Sanadii 2014kii ayaa gabadhan da’da yar ee u ololeysa waxbarashada gabdhaha waxaa la’gudoon siiyay shahaadada caalamiga ee nabadda Nopel Peace Prize iyadoo 17sana xiligaa jirtay.
Waxaa xilkan u magacaabay xoghaya cusub ee qaramada midoobay Antino Guteers isagoo sheegay in ay ka howlgashay xerooyin Barakacayaal ah oo kuyaala dalal Qatar badan iyadoo sanad walba oo dhalashadeyda ay ku beegantahay booqato xero barakayaal ay ku nool yihiin gabdho waxbarasho la’aan ay heesato oo ay ka saacido sidii loogu abuuri lahaa goobo ay wax ku bartaan waxaa Malala booqasho ay ku timid wadamo dhaca qaarada Africa sida Ghana, nageria iyo xerooyinka barakacayaasha ah ee dalka Kenya iyadoo halkaa kula kulantay gabdho Soomaaliyeed, waxaana uu ku tilmaamay in geesiyad da’yar ah ay tahay.
Waxa ay dhalatay taariiqda markeey ahayd 12 July 1997 xili roob uu qabsaday Xaafadii lagu dhalayWaxaana ay ku dhalatay magaalo caan ah oo la yiraahdo Mingora, laakin waxa ay ku soo barbaartay magaalada ay aadka u jeceshahay ee Swat oo dhacda Waqooyi galbeed wadanka Pakistan.
Malala waxa ay aheed gabar quraanka barata sidoo kalena si joogta ah u aada Iskuulka, Waxbarashadeedana ay ahayd mid heer sareeysa, waa ruux nafsiyan u jecel Barashada cilmiga, Waxaana intaas u dheer in ay jeclayd wax qorida oo markeey yareed la dhihi jiray "qoraa Sare”.
Mala Yousufzai ayaa la kulantay Madaxweynaha dalka Mareykanka Boqorada ENGLAND Queen Elizabeth xoghayayihii hore ee qaramada midoobay BankiMoon Madaxda dalalka Africa Sida Good Luck Janatoon madaxweynihii hore ee dalka nageria oo ay kala hadashay sidii gacanta BokoHaram looga sii deyn lahaa gabdho iskuuley ah oo kooxdaasi ay afduubteen.
AKHRISO:SOMALIYA IYO IMAARAADKA CARABTA OO ISKU AFGARTAY ISKAASHI DHINACYO BADAN …
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa isku afgartay iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, la dagaallanka argagixisada iyo burcad bade dda, kobcinta dhaqaalaha, arrimo la xiriira ganacsiga iyo socdaalka iyo in Imaaraadku uu gacan ka geysto in Soomaaliya laga saamaxo deymaha lagu leeyahay.
Shiikh Maxamed bin Zayed, wuxuu Madaxweynaha ugu hambalyeeyay doorashada uu dhowa an ku guuleystay iyo taageerada ay siiyeen shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna sheegay in uu laba laabi doono taageerada ay dowladda IsuTagga Imaaraadka Carabtu siiso Dowladda Soomaaliyeed si ay uga guuleysato kooxaha nabaddiidka ah oo uu ku tilmaamay in ay doonayaan in ay afduubaan di inta Islaamka.
Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabtu waxay isla qireen in ay Madaxbannaanida iyo Midnimada Soomaaliya ay yihiin lama taabtaan ayna muhiim u yihiin amniga iyo iskaashiga labada dhinac.
MAXKAMADDA CIIDAMADA Q.S OO XABSIGA DHIGTAY BARONGO JOHN..
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Manata Xabsiga dhigtay Darawal ka tirsan Ciidanka AMISOM oo Isgoyska Siinaay ee Muqdisho Gaari uu waday ku jiirsiiyay Wiil dhali nyaro ah oo Mooto Bajaaj waday.
Darawalkan ka tirsan Ciidanka AMISOM ayaa waxaa lagu Magacaabaa Barongo John, Waxa ana Gaari uu waday uu Wiil dhalinyaro ah ku jiirsiiyay Isgoyska Siinaay ee Muqdisho, isaga oo isku dayay inuu goobta ka baxsado balse waxaa qabtay Ciidanka Dowladda ee ku sugnaa isgoyskaasi.
Saraakiil ka tirsan Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay darawalkaasi isla markaana Xabsiga la dhigay.
Ciidanka AMISOM ayaa dhowr mar waxa ay tacadiyo kala duwan u geysteen Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Muqdisho iyo Gobolada Dalka ku sugan.
Ciidanka AMISOM ayaa xalay sidoo kale Waxa ay gaari ku jiireen Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Mooto Bajaaj saarnaa kuwasi oo maraayay meel u dhaw degaanka Siinka dheer.
QM OO BEENISAY IN HAWADA SOOMAALIYA LAGU WAREEJINAYO WADAMADA DERISKA
Madaxweynaha Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulka Hawada Dr. Olmuyiwa Benard Aliu ayaa waxa uu beeniyay warar sheegaya in Maamulka Hwada Soomaaliya lagu wareeji nayo wadamada deriska ah.
Dr. Olmuyiwa Madaxweynaha Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulka Hawada ayaa waxa uu sheegay in aanu jirin qorshe hawada Soomaaliya lagu wareejinayo.
Sideedii bilood ee ugu dambeysay ayaa waxaa soo baxayay warar been abuur ah oo sheegay ay in Maamulka Hawada Soomaaliya lagu wareejinayo wadamada Kenya, Itoobiya iyo Hindiya, waxaana uu sheegay in aanu xaqiijin karin.
Dr. Olmuyiwa ayaa warqad uu xaalada ugu sharaxayo waxa uu u diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
WASIIR YUUSUF GARAAD: "SOMALIA IYO IMAARAADKA WAXAY ISLA QIREEN IN AY MADAXBANNAANIDA IYO MIDNIMADA SOOMAALIYA YIHIIN LAMA TAABTAAN”.
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga Caalamiga ee XFS, Yuusuf Garaad Cumar Axmed waxa uu Bartiisa Blogspot soo dhigay Qoraal uu kaga hadlay Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Ma daxda Imaaraadka Carabta uga socda dalkaasi.
Qoraalka Wasiir Yuusuf Garaad waxa uu u qornaa sidatan:
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa isku afgartay iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, la dagaallanka argagixisada iyo burcad bade dda, kobcinta dhaqaalaha, arrimo la xiriira ganacsiga iyo socdaalka iyo in Imaaraadku uu gacan ka geysto in Soomaaliya laga saamaxo deymaha lagu leeyahay.
Shiikh Maxamed bin Zayed, wuxuu Madaxweynaha ugu hambalyeeyay doorashada uu dhowa an ku guuleystay iyo taageerada ay siiyeen shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna sheegay in uu laba laabi doono taageerada ay dowladda IsuTagga Imaaraadka Carabtu siiso Dowladda Soomaaliyeed si ay uga guuleysato kooxaha nabaddiidka ah oo uu ku tilmaamay in ay doonayaan in ay afduubaan diinta Islaamka.
Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabtu waxay isla qireen in ay Madaxbannaanida iyo Midnimada Soomaaliya ay yihiin lama taabtaan ayna muhiim u yihiin amniga iyo iskaashiga labada dhinac.
KENYA OO SHEEGTAY KHASAARE MAALIYADEED INUU KA SOO GAARAY HESHIISKA DUULIMAADKA MUQDISHO & NAIROBI
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Khasaare dhanka dakhliga ah uu ka soo gaaray heshiiskii Somaliya iyo Kenya ee dhanka duulimaadyada diyaaradaha ee la sii marin jiray Magaalada Wajeer ee dalka Kenya.
Maamulaha Garoonka Diyaaradaha Wajeer Charles Kiong, ayaa sheegay in laba Milyan oo lacagta Kenya ah una dhiganta $21,240 oo doolarka Mareykanka ah ay khasaareen kadib markii heshiiskaas la saxiixay.
Waxa uu xusay in Diyaaradaha iyo rakaabka mari jiray Wajeer laga qaadi jiray lacagahaasi islamarkaana ay hadda taasi meesha ka baxday.
Juba Airways, African Express, East Africa Safari Express, Freedom Airline, Oceanic iyo Fan Jet Express, ayaa horay u mari jiray Wajeer maalin waliba marka ay ka duulaan Muqdisho,waxaana hadda meesha ka baxday taas oo waxaa ay dhamaan toos uga baxaan Muqdisho waxaana ay ka degaan Nairobi.
Madaxweynihii hore ee Kenya Kibaki ayaa sanadkii 2006dii soo rogay in Diyaaradaha ka taga Somaliya ay sii maraan Wajeer inta aysan gaarin Nairobi taas oo uu sheegay in ay ahayd kaliya xas ilinta amniga gudaha Kenya.
Heshiiska lagu laalay go’aankaas waxaa dhamaadkii bishii March Nairobi ku kala saxiixday Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Ken yatta.
Diyaaradaha ka baxa Muqdisho ayaa hadda si toos ah waxa ay uga degtaan magaalada Nair obi ee dalka Kenya.
AHLUSUNNA OO XORIYADDIISII SIISAY WARIYE C/LLAAHI WARSAME ROOBLE
Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca ayaa Shalay Xoriyaddiisii siiyay Wakiil Wareedka Radio Kulmiye ee Gobolka Galgaduud C/llaahi Warsame Rooble oo Mudo ku xirnaa Xabsi ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb.
Sii deynta Wariye Rooble waxaa ka qeyb qaatay Suxuufiyiin iyo Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Ee NUSOJ oo uu ugu horeeyo Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee NUSOJ C/fitaax Xasan Faarax.
Wariye C/llaahi Warsame oo Xabsi ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb ku jiray mudo dhan 12 Cisho ayaa hadda helay Xoriyaddiisa ,iyadoo Xaaladdiisa Caafimaad ay hadda tahay mid wanaag san,inkastoo uu ku Xanuunsaday Xabsiga.
BURCAD LOO BIXIYAY ‘CUN OO CARAR’ OO WEERAR KU HAYSA MAKHAAYADAHA SPAIN
Labo maqaayadood oo ku yaalla waqooyiga galbeed ee dalkaasi ayaa waxaa weeraray burcad 160 gaaraysa oo raashin ka cunay, ka dibna ka cararay iyagoon lacag bixin.
Raashinka ay cuneen ayaa lacagtiisa lagu sheegay 12,000 oo Euro. Waxayna boolisku baarayaan sida ay arrintani ku dhacday.
Ninkan la xiray ayay saxaafadu sheegtay inuu u dhashay dalka Romania, wuxuuna wajahayaa eedaymo la xiriira khiyaano.
Kooxdan ayaa iska dhigayay inay dabaadagayaan waxayna bixiyeen lacag hormaris ah oo gaaraysa 950 dollar .Waxayna markaasi cuneen raashin gaaraya 2000 oo Euro.
Maqaayad kale oo burcadani ay weerareen ayaa ninka leh waxuu sheegay inay isagana ka cuneen raashin gaaraya 10,000 oo Euro, iyagoo hormaris ahaan u bixiyay 1000 Euro.
Milkiilaha maqaayada ayaa yiri ‘ Dadkan tiradoodu waxay ahayd 160. Weyn dhuunteen shan daqiiqo gudahood oo waala waayay.
HOGAAMIYE KA TIRSAN BURCADBADEEDA OO LA QABTAY
Sida ay xaqiijinayaan Qaar ka mid ah Warbaahinta dalka Shiinaha Ciidamada badda ee dowladda Shiinaha ayaa ku guuleystay in ay qabtaan hogaamiye ka tirsan Kooxaha Burcadbadeeda.
Hogaamiyaha Burcadbadeeda ee ay qabteen Ciidamada Badda ee Shiinaha ayaa waxaa uu ka mid ahaa Saddex ka tirsan burcad badeedda Soomaali ah oo weerar ku qaaday Markab laga leeyahay jasiiradda Tuvalu.
Weerarkooda ayaa Fashilmay ka dib markii ay Xoog kusoo furteen Ciidamada Badda dowlad aha Shiinaha iyo sidoo kale Hindiya.
Kooxihii Burcadcad ayaa la sheegay in ay baxsadeen , laakiin Saddex ka mid ah ayaa wali la’l ayahay.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in saddexda burcad badeedda ah ee la la’yahay uu ku jiro Cabdikariim Saalax oo lagu magacaabo Aw Koombe oo lagu tiriyo inuu ka mid yahay hoggaamiy ayaasha burcad badeedda Soomaaliya.
Warbaahinta Caalamiga ah oo soo xiganaya qaar ka mid ah Ciidamada Badda ee Shiinaha ay aa sheegay in ay aamin san yihiin in ay gacanta ku hayaan Ciidamadda Cabdikariim Saalax.
Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa soo laabtay bilihii lasoo dhaafay waxaana hadda gacantooda ku jira doomo Ganacsi.
Sanadkaan Gudihiisa ayaa waxa ay geysteen Afduubyo kala duwan waxaana ka mid ah Afdu ubkii ay ugu geysteen Markabkii ARIS 13 ee degmada Calluula ee gobolka Bari.
QARAXYO LALA BEEGSADAY BASKA BORUSSIA DORTMUND
Saddex qarax ayaa lala beegsaday bas waday kooxda kubadda cagta ee Borussia Dortmund, taasoo ciyaar ka tirsan rubuc dhammaadka horyaallada Yurub ku martigelin lahayd kooxda Monaco.
Madaxa booliska ee degmada Dortmund ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka uu ahaa mid lagu bartilmaameedsanayay kooxda.
Baska ayaa qaraxyada lala beegsaday xilli uu ciyaartooyda u waday garoonka.
Marc Bartra oo daafaca uga dheela kooxdaasi ayaa waxa uu dhaawac kasoo gaaray gacanta, asagoo qalliin looga sameeyay, mana jiraan ciyaartooy kale oo ku dhaawacmay qaraxyadaasi.
Dacwad oogaha gobolkaasi ayaa sheegay in warqad laga helay meel u dhaw goobta ay weerarrada ka dhaceen, isla markaana ay baaritaan ku hayaan.
Kulanka labada koox ayaa la baajiyay, waxaana la dheeli doonaa xalay 7:45 fiidnimo SGA.
Taageerayaasha ku sugnaa garoonka Signal Iduna Park ayaa loo sheegay in ay halkaa baaqi ku ahaadaan tan iyo inta laga xaqiijinayo ammaankooda, ka dibna waa laga daadgureeyay.
Dadka ku nool Dortmund ayaa baraha bulshada kusoo bandhigay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay jiif siiyaan taageerayaasha Monaco ee u baahan meel ay seexdaan.
QM OO KA DIGTAY CARRUURTA BOKO XARAM EE ISQARXIYA
Boko Xaraam ayaa waxa ay haysataa gabdho ay ka qafaalatay Chibok
Warbixin cusub oo ay maanta soo saartay Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay tira da sii kordheysa ee carruurta uu ururka Boko Xaraam u adeegsado weerarrada isqarxinta.
Saddexdii bilood ee sanadkan ugu horreysay, ayaa 27 weerar oo isqarxin ah waxay ka dhace en dalalka Nigeria, Niger, Chad iyo Cameroon, dalalkaasi oo ah kuwa ay saamaysay dhibaatada Boko Xaraam.
Weerarradaasi ayaa tiro ahaan ku dhaw guud ahaan kuwii dhacay sanadkii tegay.
Inta badan carruurta weerarradaasi isqarxinta ah fuliyay ayaa ahaa gabdho bartilmaameedsana yay goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada iyo weliba dadweynaha.
Qaramada Midoobay ayaa cambaaraysay marin habaabinta iyo awoodda ay Boko Xaraam u adeegsato gabdhaha iyo wiilasha si ay qaraxyada u fuliyaan.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in carruurtaasi aanay ahayn dembiilayaal ee ay yihiin dhibba nayaal.
AASAASKII CIIDANKA XOOGGA DALKA EE 12KA ABRIIL OO MAANTA LAGA XUSAYO MUQDISHO
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya waxaa maanta lagu qabanayaa munaasabad lagu xusayo sannadguuradii 57aad ee aasaaska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, taasoo ay ka qeyb galayaan mas’uuliyiin ay kamid yihiin ; Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre, Wasiirka Difaaca, C/rashiid C/laahi Maxamed, Tali yaha Xoogga Dalka, jeneraal Cirfiid.
Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo), ayaa lagu wadaa in Muna asabadaan uu khudbad uu ka jeediyo islamarkaana uu kaga hadlo Marxaladaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed, iyo dagaalka Dowladiisa ay kula jirto dagaalyahanada Xarakada Alshabaab.
Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana qaar kamid ah wadooyin ka Muqdisho lagu arkayaa Ciiidamo ka Tirsan Kuwa Xoogga dalka Soomaliyeed oo sugaya amaanka wadooyinkaas.
CAALIM:"YAAN LA SIYAASADEENIN WADAHADALADA U FURMAYA GALMUDUG IYO AHLUSUNNA”.
Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalim oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho oo Ku baaqay inaan la Siyaasadeyn Wadahadalada lagu wado in dhawaan ay u furmaan Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna, si Maamul mideysan u yeesho Gobo lada Dhexe.
Maxamed Axmed Caalim ayaa tilmaamay wax lagu farxo in ay tahay in miiska wadahadalka ay iskugu yimaadaan Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna, islamarkaana ay ka tashadaan sidii loo mideyn lahaa dadka Gobolada Dhexe, wuxuuna Talaabadaan uu ku tilmaamay mid ay soo dhawey nayaan siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Dhexe.
Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalim ayaa kaga Mahad celiyay Dowladda Dhexe ee Soomaliya gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuuma dda Federaalka Soomaliya oo dhawaan shaaciyay in dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha Galmudug islamarkaana loo baahan yahay in la qanciyo Maamul Gobolada Dhexe ee Ahlusuana Waljameeca.
BOGGA CAYAARAHA
JUVENTUS OO KA AARSATAY BARCELONA, PAULO DYBALA OO LABA GOOL INDHAHA ADUUNKA KU XADAY, BALAUGRANA OO MARKALE WAJI GABAX WAYN LA KULANTAY IYO NATIIJADA CAMP NOU OO MARKALE LAGA WAR SUGI DOONO.
Juventus ayaa ka aarsatay Barcelona waxayna cashar lama ilaawaan ah ugu dhigtay kulankii lugta hore ee sideed dhamaadka Champions leaquega ee ka dhacay Juventus Stadium. Paulo Dyba la ayaa kulankan wacdaro ka dhigay wuxuuna ka dhaliyay laba gool halka goolka saddexaad uu Juve ntus u dhaliyay difaaca Giorgio Chiellini. Barcelona ayaa markale Camp Nou ku laabanaysa iyada oo kulankii lugta hore ee Champions Leaquega oo ay marti tahay guuldaro xun la soo kulantay.
Laakiin markale Barcelona ayaa u baahan doonta in ay natiijo fiican ku raadiso kulanka lugta labaad ee Camp Nou balse waxaa xaqiiq ah in Juventus ay ka duwanaan doonto wixii ku dhacay PSG. Difaac ahaan iyo weerar ahaan ayay Juventus kulankan u muujisay qaab ciyaareed isku xidhan oo layaableh laakiin kooxda Luis Enrique ayaa tatiko ahaan u liidatay iyada oo waliba iska lumisay fursado fiican oo ay ugu yaraan goolal ku dhalin kartay halka sidoo kale Giorgio Chiellini uu nasiib ku lahaa in aan rekoodhe lagu dhigin.
SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:
JUVENTUS (4231): Buffon; Alves, Bonucci, Chiellini, Sandro; Pjanic, Khedira; Cuadrado, Dyb ala, Mandzukic; Higuain.
KAYDKA:Marchisio, Barzagli, Lemina, Asamoah, Neto, Lichtsteiner, Rincon.
BARCELONA (343): Ter Stegen; Pique, Umtiti, Mathieu; Rakitic, Mascherano, Messi, Iniesta; Roberto, Neymar, Suarez.
KAYDKA:: D. Suarez, Cillessen, Alcacer, Alba, Digne, Gomes, Alena.
Juventus oo aan 21 kulan ku soo guuldaysan garoonkeeda Juventus Stadium kulamada tartam ada Yurub ayaa soo dhawaysay kooxda ay caloola xumada u haysay ee Barcelona oo ay guuldaro kala kulantay finalkii Champions Leaquega ee sanadki 2015 kii. Allegri iyo kooxdiisa ayaa doonayay in ay markooda ka aarsadaan Barcelona isla markaana ay sideed dhamadka Champions Leaquega ku reebaan.
DAQIIQADII 7 AAD GOOOOOOOOL!! Juventus oo qaab ciyaareed cajiib ah ciyaarta ku bilaabtay ayaa goolka furitaanka xili horeba kaga naxsatay Barcelona waxaa gool uu si qurux badan u dhamaystiray Balaugrana wadnaha ku gooyay da’yarka Paulo Bruno Dybala kaas oo difaaca Barcelona iyo goolhaye Ter Stegen u diiday in ay sameeyaan wax badbaadin ah wuxuuna goolkan dhaliyay iyada oo ciyaartoyda Barcelona ay xerada ganaaxa ka buuxaan. Dybala ayaa muujiyay tayadiisa wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Old Lady hogaanka ciyaarta ku qabtay.
Qorsha ciyaarta ee Juventus ayaa ahaa nooc ciyaareed ee inta badan looga bartay in Barce lona ay ku dhibtooto kaas oo ah in ay difaacasho adag gaasho marka ayna kubbada haysan isla markaana ay weerar deg deg ah bilawdo isla markana ay kubbada dib ugu guulaysato. Difaaca Barc elona ee ka koobnaa Jeremy Mathieu, Jaiver Maschernao iyo Gerard Pique ayaa dhibaato badan la kulmayay marka ay Juve weerar soo qaado.
Kooxda Luis Enrique ayaa istidhi kalsooni iska raadi waxayna dagaal ugu jirtay in ay la timaado goolka barbaraha waxayna si adag uga shaqaynaysay in ay fursado abuurto laakiin difaaca xaqiiqdka ah ee Juventus oo waliba taageero buuxda ka helayay ciyaartoyda kale ee ilaa weerarka ayaa si adag natiijada u ilaalinayay.
DAQIIQADII 21 AAD OOOOH!! Sidee Ayuuna gool u noqon!! Lionel Messi ayaa kubbad layaableh ka dhex saaray difaaca Juventus ee tirada badan kubbada ku daba joogay wuxuuna isku saaray And res Iniesta iyo goolhaye Buffon laakiin ma rumaysan kartid qaabka kabtanka Barcelona uu ugu nasiib xumaa in isaga oo Buffon garaacay ay darbadiisu birta goolka iska agmartay!!. Waxay ahayd fursad layaableh balse aan noqon wixii laga filayay.
DAQIIQADII 22 AAD GOOOOOOOL!! Dhalin waaye waa loo dhaliyaa!! Hal daqiiqo wax ka yar markii uu Iniesta lumiyay fursada layaabka lahayd ee aan ka soo hadlnay ayuu Paulo Bruno Dybala markale indhaha aduunka ku xaday goolkiisa laabad isaga oo markale si sahlan ku garaacay goolh aye Ter Stegen oo si liitay loo garaacay wuxuuna da’yarka ree Argentina ee waqti dheer la barbar dhigay Messi uu muujiyay in uu yahay badalka tooska ee Argentina u noqon doona Messiga Cusub wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Juventus hogaanka ku dheeraysatay.
Barcelona ayaa u muuqatay in Lionel Messi uu u kenay goolkeeda furitaanka balse garsooraha ayaa tilmaamay in ka hor intii aanu Messi goolkan dhalin uu qalad ka horeeyay waxaana sidaa lagu diiday wax u muuqday goolka ay Barcelona ciyaarta ugu soo laaban kartay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagu kala nastay 2:0 ay Juventus hogaanka ciyaarta ku haysay.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayuu Enrique ciyaarta ka saaray Mathieu wuxuuna kaydka uga yeedhay Andre Gomes isaga oo Umtiti geeyay difaaca bidix halka Roberto uu difaaca midig uu u wareegay waxaana difaaca dhexe iskugu soo degay Pique iyo Mascherano.
Barcelona ayaa weerar cajiib ah bilawday iyada oo Lionel Messi uu markiiba ugu dhawaaday in uu dhaliyo goolka inkaarta ku noqday kooxdiisa ee ay fursadaha fiican u lumisay balse darbada Messi ayaa wax yar u martay birta goolka. Juventus ayaa sii waday qorshihii ay sida adag ugu diga acanaysay isla markaana ay weerarka deg dega ah dhibaatada ugu abuuraysay Barca.
DAQIIQADII 55 AAD GOOOOOOOOOOL!! Giorgio Chiellini ayaa gool qurux badan oo madax ah ku dhaliyay goolka saddexaad kubbad uu koorne ka soo tuuray Miralem Pjanić wuxuuna goolkan xaal ad adag ku sii abuuray Barcelona oo qaab ciyaareed fiican la soo laabtay oo doonaysay in ay ciyaar ta ku soolaabto waxayna ciyaartu noqotay 3:0 ay Juventus ku dubanayso Barcelona.
DAQIIQADII 67 AADLuis Suarez ayaa helay fursad layaableh oo ah fursadihii looga bartay in uu goo lal ku dhaiyo kaidb markii uu Messi bixiyay kubbad dilaa ah laakiin xidiga ree Uruguay ayaa darba diisa birta goolka ag mariyay waxayna ahayd fursad gool loo fishay.
DAQIIQADII 69 AAD REKOODHE LA DIIDAY!! Wax kasta ayaa u muuqday in ayna Barcelona caaw inayn, nafteeda ayay ku caawin wayday in ay ka faa’iidaysato fursadihii ay heshay laakiin markan difa aca Juventus ee Chiellini ayaa gacanta ku joojiyay darbo uu Suarez goolka ku tuuray laakiin gars ooraha iyo calanwadihiisa ayaan waxba ka soo qaadin inkasta oo ay si cadaan ah u ahayd rek oo he!!.
Barcelona ayaa si buuxda ula wareegtay kubbada laakiin Juventus ayaa xidhatay difaac ay ada g tahay sida lagu dhaafaa waxayna kooxda Luis Enrique dagaal ugu jirtay sidii ay ugu yaraan ku gaa dhi lahayd shabaqa Juventus si ay kulanka lugta labaad ugu xisaabtami karto.
Wax kasta oo ay Barcelona samaysay waxay awoodi wayday in ay dhaafto difaaca Juventus iyo waliba goolhaye Buffon oo si wayn iskugu xidhnaa waxayna ciyaartu ku dhamatay 3:0 ay Juve ntus ku dubatay Barcelona. Waxaana markale lays waydiinayaa haddii ay Balaugrana awood u yeel an karto in ay ka soo kabsato natiijo kale oo nayadjab ah oo ku soo gaadhay kulanka kale oo lugta hore ee Champions Leaquega ah.
PSG OO ARSENAL WADAHADALLO KALA FUREYSA XIDDIG AAN MAQSUUD KU AHEYN KOOXDA MANA AHA SANCHEZ
Kooxda PSG ayaa lagu waramayaa in ay bartilmaameysanayaan saxiixa weeraryahanka koox da Arsenal ee Lucas Pérez kaasi oo ay doonayaan in ay helaan xagaagaan
Laacibkaas reer Spain ayaa ka sheeganaya ka qeyb gal yari ku haysata qalcadda Emirates inkastoo xagaagii hore uu kooxdaas ugu yimid aduun gaaraya 17.5milyan oo gini
Sida Goal.com sheegeyso, PSG ayaa wadahadallo la fureysa kooxda Arsenal si laacibkaas ho re Deportivo u helaan kala wareeggaan
Inkastoo uu ka sheeganayo kulamo yari ku haysata kooxdaas hadana wiilkaas reer Spain waxa uu ku guuleystay in uu dhaliyo 7 gool halka uu sameeyay 5 kalana xilli ciyaareedkaan
Lama helin qiimaha PSG ku doonayaan laacibkaas balse si dhab ah ayay u doonayaan balse waxaa la xusayaa inArsenal aysan fasaxi doonin maadamalaag yaaboin xagaaaan wayaan weerary ahankooda kale ee Sanchez kaasi oo loogu badinayo in uu baxayo
CHAMPIONS LEAGUE QUARTERFINALS APRIL 12
19:45 Borussia Dortmund ? ? Monaco
21:45 Atletico Madrid ? ? Leicester City
21:45 Bayern Munich ? ? Real Madrid


0 



WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DASILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH ARBACO 12-KA ABRIILE 2017-KA
R/WASAARAHA OO BOOQDAY XARUMAHA WASAARADAHA.. Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo sidoo kale ay dagan yihiin Wasaarad