
Shabaab oo ka hadlay dagaalka uu Farmaajo iclaamiyay
C/casiis Abuu Muscab, Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, ayaa marka hore sheegay in dagaalka ay dalka ku difaacayan sida uu sheegay uu soo bilowday, xilligii la aas aasay Al Shabaab.
Afhayeenka, ayaa sheegay in Al Shabaab ay dagaalo kula gashay Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya, isbahaysigii argagixiso la dirirka ee hogaamiye kooxeedyadu hogaaminayen, isla-markaana ay ka saareen goboladaasi. Wuxuu intaa ku daray in ay la dagaalameen dowladdii C/laahi Yuusuf Axmed iyo Ciidamadii Itoobiya ee taageerayay, sidoo kalana ay ka adkaadeen.
Sidaasi si lamid ah, ayuu sheegay in ay ula dagaalameen, isla-markaana ay ka guuleysteen dowladihii ay kala hogaaminayeen Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
C/casiis Abuu Muscab, ayaa sheegay inaanu Madaxweyne Farmaajo ugu horayn cid iclaamisa dagaal ka dhan ah Al Shabaab, sidaasi si lamid ahna ay horey u soo iclaamiyeen dowladihii dalka loo dhisay, ee ay la dagaalameen.
C/casiis Abuu Muscab, ayaa ku waramaya in Madaxweyne Farmaajo uu mari doono wadadii ay mareen C/laahi Yuusuf Axmed, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
"Horta isaga cidda dagaal iclaamiso uguma horayn, dhammaan nimankan soo sheegay, aan la soo dagaalanay C/laahi, Shariif iyo Xasan intooduba dagaal bay afar iyo labaatanka saac nagu iclaaminayeen, oo halmar aan ahayn, Ilaahay (SWT) ayaga uun buu meesha ka saaray, Farmaajana halkaa uun buu mari.” Ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab.
Abuu Muscab, ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay in Farmaajo ay u dheer tahay waxa uu ku sheegay fud fudeed, ay dadka oo idil ka warqabaan.
"Farmaajo waxaa u sii dheer waxaa weeye nin aad u fud fudud, sida muuqata oo dadkoo dhan ay ka arkaan. Wax yar oo muddo kooban ayuu meesha joogay, qurbuhuuna ka yimid, oo nin dhulka Somaliyeed iyo dagaalka ka socdo horey u sii joogay muusan ahayn.” Ayuu yiri Abuu Muscab.
Shabaab oo ka hadlay dagaalka uu Farmaajo iclaamiyay
Shabaabka hubeysan ee dagaalka ka wada Somaliya, ayaa ka jawaabay dagaalka uu Khamiistii iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ee ahaa in dowladdiisu la geli doonto Shabaab.