
Weeraradii Paris oo laga digay in loo ciqaabo qaxootiga (SAWIRRO)
"Waxaan rabaa inaan marti-qaado kuwa jecel in aanu wax ka bedelno sharcigan socdaalka Yurub qaadatay ee muhaajiriinta. laakiin waxaan leeyahay yaanan kolba dhan u didin amaba aan ka falcelin waxa dhacay, balse aan noqono dad ay tahay, marka ay sharci qaataan ku dhaqma. Ma jecli in aan marba dhan isu bedelno.” Ayuu yiri Jean-Claude Juncker.
Wuxuu hoosta ka xariiqay in kuwii ka dambeeyay weeraradii Magaalada Paris, ay yihiin kuwo dembiilayaal ah, isla-markaana aanay ahayn dad qaxooti ah.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in duqeymaha Ruushku uu ka wado dalka Suuriya, INay xoojisay tirada qaxootiga, ee ka soo cararaysa dagaalada dalkaasi, soona gelaysa Qaaradda Yurub.
Mid ka mid ah raggii fuliyay weerarada ka dhacay Magaalada Paris, ayaa waxaa la sheegay in uu ka yimid dalka Suuriya, xilli uu isu soo ekeysiiyay qaxootiga ku qul qulaaya Qaaradda Yurub.
Poland iyo Slovakia, ayaa waxay durbaba diideen heshiiska Midowga Yurub, ee qaybsashada qaxootiga, si dib u dejin loogu sameeyo.
Wadamada reer Yurub, ayaa ku soo baraarugay dhacdadaan, waxayna diiradda saarayaan qaxootiga ka soo cararaaya dalkaasi Suuriya, si aanay ugu soo dhex dhuuman dagaal-yahanada Daacish.


0 









Weeraradii Paris oo laga digay in loo ciqaabo qaxootiga (SAWIRRO)
Jean-Claude Juncker, Madaxa Golaha Yurub, ayaa wuxuu ka digay in dadka magangelyo doon ah loo ciqaabi, weeraradii uu dhiigga badani ku daatay ee habeenimadii Jimcaha ruxay Xarunta Wadanka Faransiiska.