Faalo: Tani Waa Curatay *Jamhuuriyada 3-aad*

0
Thursday April 06, 2017 - 21:42:46 in Maqaallo by
  • Visits: 1870
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faalo: Tani Waa Curatay *Jamhuuriyada 3-aad*

    Maalinba maalinta ka dambeysa dalka Soomaaliya wuxuu u sii siqayaa Dowlad-Wanaag awood qaybsi ku dhehan. Ololahii "deb duuga" ee Madaxweynihii KMG Shariif Sheekh Axmed wuxuu suurta geliyey in dalka gudihiisa lagu duubo madaxweynihii ugu hor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalinba maalinta ka dambeysa dalka Soomaaliya wuxuu u sii siqayaa Dowlad-Wanaag awood qaybsi ku dhehan. Ololahii "deb duuga" ee Madaxweynihii KMG Shariif Sheekh Axmed wuxuu suurta geliyey in dalka gudihiisa lagu duubo madaxweynihii ugu horeyey, kacdoonka dadweynaha ka dib. Sidoo kale hindisihii Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ee sal[IA1] -u-dhigidda heykalka dowladnimada wuxuu suurto gelisay in doorashadda dadban ee xubnaha golaha shacbiga lagu qabto xarumaha dowlad-gobolaydyada. Maanta Soomaaliya waxay leedahay barlamaan laysku hubo iyo dowlad isla xisaabtami karta.

Dhameystirka demoqaraadiyada saldhiga u ah dowlad-wanaaga waxaa ka harsan doorashada wakiiladda degmoyinka iyo duubidda duqowda magaalooyinka.

Guulahaas marka lagu daro himiladda Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo ee dib u soo celinta sharafta iyo haybadda qaranka waxay dhameystir u yihiin dowlad-wanaaga Jamhuuriyadda 3aad. Sidaas darteen dowladda cusub waxaa hor-yaal sidii loo turxaan bixin lahaa maamulka iyo maareynta dalka. Si loola dagaalamo musuq-maasuqa iyo howl-fududeynta, dowladda Xasan Cali Khayre waxaa laga sugayaa hirgelinta nidaamka wada xisaabtanka dowladda: federalka, goboleedyadda iyo hay’addaha gargaarka.

Xiligii Madaxweyne Maxamed Siyaad ayaa waxaa la afduubay diyaarad rakaabkeedu uu ka mid ahaa diblomaasi Soomaaliyeed oo lahaa hal-heyska ah "SHARAF”. Markii lagu dhawaaqay in diyaaradi uu saarnaa la afduubay, ayaa diblomaasigii yiri, "SHARAF.” Markastoo afduubuhu war sheego, diblomaasigu wuxuu lahaa, "SHARAF.” Cabaar ka dib ayaa afduubihi Loo sheegay inay diyaaradu ku degidoonto Addis-Ababa. Kadibna diblomaasigii wuxuu yiri, "NAGAMA KIIN QABATO.”

Dadweynaha Soomaaliyeed waxay leeyihiin, "SHARAF,” inta dowladda federalka iyo tan Goboleedyadu ay si habsami leh u wada shaqeynayaan. Haddiise arrintu noqoto mid fowda ah oo loo kala cararo dowladdo shisheeye – sidii caadadu ahaan jirtay, shacbigu wuxuu dhihi doonaa "NAGAMA KIIN QABATO.” Qaranimadda iyo haybadda dadka iyo dalka kuma jirto inaad dhexdhaxaadin ka doontaan dalal shisheeye. Baarlamaanka waa inuu howshaas xalinteeda iska xil saaraa.

Hadda iyo dan, guddoonka labada aqal ee barlamaanka waxaa laga sugayaa inuu si degdeg leh u dhaqan geliyo "Maxkamada dastuurka,” qabyana tiro dastuurka dalka. Komeerka dowladda ma suurto gelayo haddii aan la dhammeystirin sharuucda ka hortagilahaa-luushka iyo musuq-maasuq. Maxaakamadaha dalka waxaa laga sugayaa fulinta sharuucda hanti-dhoorka iyo anshax wanaaga si loo lala dagaalamo musuq-maasuqa iyo laa-luuushka. Dalna ma horumaro inta musuq-maasuq iyo laaluush ay caado u yihiin.

Waxaa Qoray;-

Cabdulqaadir Cariif Qaasim USA


Cabdirashiid Shaam
shaamabdi977@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip