Madaxweynaha Khaatumo oo Shaaciyey Tirada rasmiga Ah ee ku dhimatay Deegaanada khaatumo
Cali Khaliif Galeyr Madaxweynaha khaatumo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 28 ruux oo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka ay ugu geeriyoodeyn deeganada maamulaasi.
Madaxweyne Galeyr ayaa sheegay in magaalooyinka Qararo iyo Laandheyr ay ku geeriyoodeyn ilaa dhowr iyo toban qofood oo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka, halka magaalooyinka Buuhoodle iyo Marqaan ay ku geeriyoodeyn 18 ruux.
"waan maqlaynaa in dhankaa iyo nugaal magaalooyinka Xudun iyo Taleex laga sheegayo in cudurka Shuban Biyoodka uu ka dilaacay inkastoo aanan hubin " ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr.
Ugu dambeyntiina Cali Khaliif Galeyr ayaa baaq u diray beello walaalo ah oo ku dagaalayo agagaarka Laascaanood in ay joojiyan dagaalka loona baahanyahay in aay is walaashadaan
Audio Player