UNHCR oo Shaacisay in la Hakiyay dib u celinta Qoxootiga Soomaaliyeed ee dhulka la marin jiray

0
Monday November 16, 2015 - 09:50:32 in Wararka by
  • Visits: 958
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UNHCR oo Shaacisay in la Hakiyay dib u celinta Qoxootiga Soomaaliyeed ee dhulka la marin jiray

    Hay'ada Qoxootiga Adduunka ee QM UNHCR ayaa shaacisay maanta in si meel-ku-gaar ah loo hakiyay dib u celinta Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Dhadhaab-Kenya, kuwaasoo dhulka la marin jiray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'ada Qoxootiga Adduunka ee QM UNHCR ayaa shaacisay maanta in si meel-ku-gaar ah loo hakiyay dib u celinta Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Dhadhaab-Kenya, kuwaasoo dhulka la marin jiray.
Warbixin hay’adda UNHCR ayaa lagu sheegay inay qorsheynayso in diyaarado lagu celiyo qoxootiga ku laabanaya magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo ee Koonfurta Soomaaliya inta lagu jiro xilli Roobaadka, balse aysan ahayn suuro-gal in dhulka la mariyo xillligan.

"Qoxootiga sida iskood ah ugu laabanaya Soomaaliya ee dhulka lasii marin jiray si KMG ah ayaa loo hakiyay, sababtoo ah xaaladaha waddooyinka gudaha Somalia oo aad u xun,” ayaa lagu yiri warbixin toddobaadle ah oo ay UNHCR ka baahisay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.




Saraakiisha hay’adda Qoxootiga Adduunka ayaa sheegay in dib u celinta qoxootiga ay ku dhisan tahay heshiiskii ay sida wadajir ah u saxiixeen dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo hay’adda UNHCR.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Qoxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku sugan xilligaan ay tiradoodu gaarayso 500,000 oo qof. Waxaana Xeryaha ugu weyn caalamka ee Dhadhaab-Kenya ku nool 350,000 oo qof.

Xeryaha Dhadhaab Qoxootiga ku nool ayaa waxaa ku jira dad Soomaaliya kasoo cararay xilliyadii colaadaha sokeeye, kuwaasoo muddo 20-sanadood ka badan ay qaarkood ku nool yihiin xeryahaas.

Hay’ada UNHCR ayaa ku ammaanay xukuumadda Kenya inay marti-geliyeen in ka badan 20-sannadood qoxootiga Soomaaliyeed ee dalkooda uga soo cararay abaaro iyo colaado is-biirsaday.

Dhanka kale, warbixinta hay’adda UNHCR ayaa lagu xusay in bilwogii bishii Oktoobar ee sannakan 2015-ka, qoxooti gaaraya 188-qof dib loogu celiyay Muqdisho, kuwaasoo looga daad-gureeyay diyaarado xeryaha qoxootiga dalka Kenya ee Dhadhaab.

"Qoxooti tiradoodu dhameyd 5,444 qof ayaa dib loogu celiyay Soomaaliya tan iyo 08-dii bishii December, 2014-kii. Markaasoo ahayd markii UNHCR ay billowday inay caawiso qoxootiga Soomaaliyeed ee doonaya inay iskood ugu laabtaan dalkooda. 3,874-qof oo ka mid waxaa la mariyay dhulka, halka 1,411-qof oo kalena duulimaad lagu geeyay Somalia,” ayaa warbixinta hay’adda lagu yiri.

UNHCR ayaa xustay inay dib u billaabayso sixitaanka liiska 4,600 oo ka mid ah qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Dhadhaab oo iyagu horay u dalbaday inay dalkooda Somalia dib ugu laabanayaan, kuwaasoo ay xustay inay ka caawin doonto dib u noqoshadooda.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Kenya ayaa rumeysan in xoogagga Al-shabaab oo 148-qof oo ahaa arday dhiganayay Jaamacadda Gaarisa dilay bishii Abriil ee Sannadkaan ay ahaayeen kuwo ku dhex-dhuumanayay qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Dhahdaab.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip