Al-shabaab oo Xukun Ku Fuliyay Labo Wiil oo Dhalinyaro ahaa Degmada Buq Aqable
Maxkamadda Maamulka Xarakada Al-shabaab ee Degmada Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan ayaa xukun dil ah ku fulisay labo wiil oo dhalinyaro ahaa kuwaas oo lagu eedeeyay in ay sirdoon u ahaayeen Dowladda Federaalka Soomaliya.
Ahmed Yusuf Hassan oo 26-sano jir ahaa iyo Ahmed Nur Abdi Osoble oo 20-jir ahaa ayaa xukun dil ah lagula fuliyay fagaaraha Degmada Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan, waxaana kasoo qeyb galay fulinta xukunka dilka Mas’uuliyiin ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ee Dadweynaha Magaalaas.
Al-shabaab waxa ay ku eedeen Ahmed Yusuf Hassan iyo Ahmed Nur Abdi Osoble in ay la shaqeynayeen Dowladda Federaalka Soomaliya, islamarkaana ay ka ogaayeen dilal loo geystay saraakiil ka Tirsanaa Xarakada Al-shabaab.
Deeganada ay ka taliyaan Xarakada Al-shabaab waxaa horey ugu dhacay xukuno lagu fuliyay dad lagu eedeeyay in ay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Dowladaha dagaalka kula jira al-shabaab.

0 