WAR SAXAAFADEED FAAFIN DEGDEG AH AFDUUBKA WERIYE HANAD CALI GULEED OO KA TIRSAN GOOBJOOG

0
Saturday April 01, 2017 - 15:43:20 in Wararka by
  • Visits: 569
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR SAXAAFADEED FAAFIN DEGDEG AH AFDUUBKA WERIYE HANAD CALI GULEED OO KA TIRSAN GOOBJOOG

    April 1, 2017 Wariye Hanad Cali Guuleed oo war soo saare ka ah Goobjoog Television ayaa subaxnimada Sabtida waxaa rag aan heybtooda la garan ka afduubteen duleedka magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

April 1, 2017 Wariye Hanad Cali Guuleed oo war soo saare ka ah Goobjoog Television ayaa subaxnimada Sabtida waxaa rag aan heybtooda la garan ka afduubteen duleedka magaalada Muqdisho.

Guuleed ayaa maalmahan ku howlanaa olole bini’aadannimo, isaga oo wax ka aasaasay hay’adda Media for Aid, qoyskiisa waxaa ay sheegayaan in habeennadii dambe loogu hanjabayey khadka Telefanka, loona sheegay in uu howlahaasi ka haro.

Qoyska Hanad, waxaa afduubkan u sababeynayaan arrimo la xiriira howlaha gargaarka iyo ololaha Media for Aid.

Hanad Cali waxaa uu qoyskiisa soo wacay waxyar kadib markii la afduubtay isaga oo sheegay in qol yar lagu xiray, lana jirdilay, wixii intaa ka dambeeyayna xiriir lagama hayo.

"Afduubka Hanad Cali Guuleed waxaa ay dhaawaceysaa damiirka warbaahinta Soomaaliyeed, waana sii socoshada dadaallada lagu aamusinayo saxafiga ay ka go’an tahay in uu runta sheego, una noqdo cod Soomaalida aan codka laheyn” sidaasi waxaa yiri agaasimaha guud ee Goobjoog Media Group Xasan Maxamud Maxamed.

Goobjoog Media Groups waxa ay cambaareyneysaa afuduubka Hanad Cali Guuleed, waxaa ayna ka wal-walsan tahay noloshiisa, ciddii afduubatayna waxa ay ugu baaqeysaa in si dhaqso ah ku daayaan.

Wixii Faahfaahin Ah, La Soo Xiiriir:

Agaasimaha Goobjoog Media Group

Cassan Maxamud

+252 615 822304

GOOBJOOG MEDIA GROUP|info@goobjoog.com|www.goobjoog.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip