Madaxweyne C/wali Gaas:-"Yaa Wax Ka Qabtay Puntland Hortayda"
Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe e Caasimada maamulkaas ayaa difaacay waxqabadka Maamulkiisa sadex sanno ka dib, xili uu dhaleeceen kala kulmayo siyaasiyinta maamulkiisa.
Madaxweyne Gaas wuxuu sheegay in ay wax badan ka qabteen Kabayaasha dhaqaalaha ee Puntland isagoo sheegay in 18 sanno ka dib ay balaarin iyo dib u habeyn ku sameeyeen Ilaha dhaqaalaha ee Puntland, sida Dekada, iyo Garoomada.
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa tilmaamay in Kaabayaasha dhaqaalaha la kobciyay sida Garoomada dhismay, kuwa hadda socda & kuwa la bilaabo doono, Dekeda Magaalada Bosaaso oo aan 18 sanno dibu dayactir helin, ahna Isha Dhaqaale ee Puntland.
Siyaasiyiinta maamulka Puntland ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in C/wali Gaas uu dib u dhac u keenay Puntland.