WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 26-KA MAARSO 2017-KA

0
Sunday March 26, 2017 - 10:28:59 in Wararka by
  • Visits: 802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 26-KA MAARSO 2017-KA

    AKHRISO:MAXAA KASOO BAXAY KULAN DEG DEG AHAA OO AY YEESHEEN KHEYRE IYO GUDOOMIYE JAWAARI Xalay waxaa xarunta Madaxtooyadda Soomaliya kulan ku yeeshay Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan cali Kheyre iyo Gudoomiyaha Golaha shacabka baarlamank

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

AKHRISO:MAXAA KASOO BAXAY KULAN DEG DEG AHAA OO AY YEESHEEN KHEYRE IYO GUDOOMIYE JAWAARI Xalay waxaa xarunta Madaxtooyadda Soomaliya kulan ku yeeshay Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan cali Kheyre iyo Gudoomiyaha Golaha shacabka baarlamanka Federaalka Soomaliya maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray talo soo jeedin ku aadan inuu dib u eegis ku sameeyo Raisulwasaaraha Xukuumadda Somaliya Xasan Cali Kheyre golihiisa cusub ee wasiirada, waana taas mida keentay kulankan xalay ka dhacay Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya.

Kulanka labada mas’uul ayaa ahaa mid albaabada ay u xirnaayeen islamarkaana wax natiijo aysan kasoo bixin.

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa qaatay talo soo jeedin ka timid xildhibaano boqol kor u dhaafaya oo sheegay in lagu xad gudbay habka awood qeybsiga beelaha ee 4.5, waxayna sheegeen in ra’isul wasaaraha looga baahan yahay inuu dib ugu laabto.

Dhanka kale Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa heysta muddo lix maalmood gudahood ah oo uu Baarlamanka Federaalka Soomaliya ku horgeynayo golihiisa cusub ee wasiirada ee uu dhawaan magacaabay, waxaana u furan inuu wax ka bedelo golihiisa wasiirada iyo inuu sidooda u daayo.

M/JUBBALAND OO LA KULMAY WAFDI KA SOCDA MIDOWGA AFRIKA ..

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shalay oo sabti ah Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay wafdi balaadhan oo uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Amaanka iyo Nabadgalyada Midowga Africa Ndumiso Ntshinga.

Dhamaan Safiirada shan iyo Tobanka wadan ee xubnaha ka ah Golaha Amaanka iyo Nabadgalyada Midowga Africa ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyadoo ay wehelinayeen khuburo dhinaca amaanka ah

Madaxweynaha Jubbaland ayaa marka hore uga mahad celiyay kaalmada dalalka Midowga Africa ay siiyaan Soomaaliya gaar ahaan dhinaca amaanka isagoo sheegay in AMISOM ay kaalin muuqata ku leedahay Hormarka wadanka Soomaaliya waxaana uu ku booriyay dalalka Midowga Africa gaar ahaan Golaha amaanka iyo Nabadgalyadu in ay Soomaalida ku garab istaagan qorshaha Dhismaha Ciidamada Qaranka maadama ay tahay sida kaliyah ee dhibaatada lagaga bixi karo.

Jubbaland ayuu Madaxweynahu sheegay in ay ka hawlgalaan Ciidamo kasocda AMISOM oo Nabadgalyada kala shaqeeya Ciidamada iyo Hay’adaha amaanka Dowlada waxaana uu hoosta ka xariiqay in loo bahan yahay in la dardar galiyo dhamaan dadaalada nabadgalyada Gobolka.

Gudoomiyaha Golaha Amaanka iyo Nabadgalyada Midowga Africa Ndumiso Ntshinga. ayaa sheegay in Jubbaland ay tahay Tusaale wanaagsan oo hananka amaanka iyo Dowlad wanaaga lagaga dayan karo.

Midowga Africa ayuu sheegay in ay Jubbaland ka caawin doonan dhamaan hawlaha la xiriira Nabadgalyada oo uu xusay in Jubbaland ay guul ka gaartay taas oo u baahan in lasii adkeeyo.

BAARLAMAANKA GALMUDUG OO GO’AAMIYAY XILLIGA DOORASHADA MADAXWEYNAHA DHACEYSO

Baarlamaanka maamul Goboleedka Galmudug oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ee xarunta Galmudug ayaa isku raacay xilliga rasmiga ah ee la qabanaayo doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi.

 Kulanka Baarlamaanka oo ay ka soo qayb galeen Xildhibaano gaaraya 52 mudane waxaa shir Gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi Cali Gacal Casir , waxa ayna Xildhibaanada ka doodayeen xilliga la qabanayo doorashada Madaxweynaha.

31 ka mid ah 52 Xildhibaan ayaa waxaa ay u codeeyeen in doorashada Madaxweynaha Galmudug la qabto 10ka Bisha April ee soo socota.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa shaaciyay in Baarlamaanka Galmudug isku raaceen in doorashada dhacdo 10ka bisha soo socota ee April , waxa uuna tilmaamay in ay u diyaar garoobayaan qabashada doorashadaasi.

Tani waxaa ay muujineysaa in Baarlamaanka Galmudug uu diiday soo jeedintii Raiisal Wasaare Khayre oo ahayd in muddo 45 cisho ah dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha Maam ulka Galmudug.

Dhinaca kale Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug, ayaa soo dhaweeyay tallaabada Baarlamaanka Galmudug uu ku go’aamiyay xilliga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Galmudug.

C/RAXMAAN CEYNTE OO LAGU WADO IN LOO MAGACAABO SAFIIRKA SOOMAALIYA EE KENYA

Warar lagu kalsoonaan karo oo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Sii hayaha xilka Wasiirka Qorsheynta C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte loo wado xilka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

C/raxmaan Ceynte oo ka mid ah Wafdiga Madaxweynaha ee ku sugan Nairobi ayaa la isla dhex marayaa inuu Madaxweyne Farmaajo u magacaabi rabo Safaarada Soomaaliya ee Kenya, kaddib markii Safiirkii Safaaradaas loo magaacabay Xil Wasiir ah.

Amb. Jamaal Xasan oo ahaa Safiirkii Soomaaliya ee Kenya oo loo magacaabay isla xilka uu baneynayo C/raxmaan Ceynte ayay suura gal tahay inay ku kala wareegaan labadaas xil.

Mr C/raxmaan Ceynte ayaa qudhiisa u sheegay rag saaxibo la ah, in loo magacaabo rabo xilka Safaaradda Kenya, balse waxaa uu sugayaa kaliya inta Baarlamaanka ka ansixinayo Golaha Wasiirada.

Sidoo kale dad badan ayaa xusul duub ugu jira xilka Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo loo arko inay tahay mid ka mid ah Safaaradaha ugu muhiimsan Safaaradaha kale ee Caalamka, isla markaana ka dhaq dhaqaaq fiican.

Hadii C/raxmaan Ceynte loo magacaabo xilka Safaaradda Kenya.

 

MAREYKANKA OO DIIDAY HAWLGALKA AMISOM IN QARAMADA MIDOOBAY LA HOOSGEEYO

Dowladda Mareykanka ayaa ka soo horjeesatay in hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom la hoosgeeyo Qaramada Midoobay kadib kulan xubnaha Golaha ammaanka ay ku yeesheen Magaalada Newyork.

Wakiil ku xigeenka Mareykanka ee Qaramada Midoobey Michele J. Sison,ayaa sheegtay in Mareykanka uusan raalli ka ahayn in Amisom la hoosgeeyo Qaramada Midoobay.

Waxa ay soo jeedisay in Amisom ay shaqadeeda wadato Midowga Afrikana ka qabsado howshiisa Somaliya,waxaana ay bogaadisay ciidamada Somaliya iyo kuwa Amisom ee dagaalka kula jira Shabaab.

Michele J. Sison,ayaa sheegtay in Mareykanka uu taageero qalab iyo farsamo ahba la garab joogo Amisom, sidaas darteedna aysan sax ahayn in iyaga oo guul ku dhaw in laga wareejiyo Midowga Afrika.

Waxaa ay tiri "waxaan rumeysannahay in Amisom aysan waligeed joogeyn Somaliya,Somaliya ayey tahay in ay hannaankeeda dowladnimo dhisato,sameysato ciidan xoog leh oo kaga filnaada Alshabaab dowladda Mareykankana wey ku taageereysaa.”

Waxa ay sheegtay in Shirka London ee Bisha May ka dhici doona uu fursad muhiim ah u yahay dowladda Federaalka ah ee Somaliya loona baahn yahay in ay kulankaas uga faa’ideysato waxa laga yeelayo dhismaha Ciidanka Somaliya halkaas oo ay taallo fursad ay isku arkayaan saaxiibada Somaliya oo dhan.

Fekerka ah in Qaramada Midoobay la hoos geeyo ciidamada Amisom, waxaa markii hore soo jeediyay dowladda Kenya oo ka mid ah hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom.

XILDHIBAAN DAD DHIBAATEEYAY OO GO'AAN ADAG LAGA GAARAY

Xildhibaan u dhashay dalka Hindiya, oo lagu magacaabo Ravindra Gaikwad, ayaa lagu eedeeyay in uu si xun u garaacay qof shaqaale ka ahaa mid ka mida diyaaradaha shirkadda Air India, xilli ay diyaaraddu duulimaad isku diyaarineysay.

Waxaa lagu eedeeyay xildhibaankan in qofka shaqaalaha ah uu ku garaacay kabo uu watay, ka dib markii uu ka carooday in uu boos ka waayay kuraasta qeybaha hore ee loogu talogalay dadka muhiimka ah (VIP).

Shirkadda diyaaradaha Air India ayaa dacwad ka gudbisay xildhibaankan sida xun u garaacay mid ka mid ah shaqaalahooda, waxa ayna shirkaddu sheegtay in xildhibaanka uu in ka badan 20 jeer shaqaalaha ku garaacay kob uu watay.

War kasoo baxay shirkadda ayaa sidaas oo kale lagu sheegay in xildhibaanka laga mamnuucay in uu ku safro diyaaradaha ay leedahay shirkadda Air India; iyo in uu ku safro dhammaan duulimaadyada raacsan isutagga diyaaradaha FIA.

Shirakadaha la caddeeyay in xildhibaanka laga mamnuucay in uu ku safro waxaa ka mid ah Shirakadaha Indi Go, Go Air, Spice Jet iyo Jet Airways. Shirkadahan ayaa iyagana waxa ay booliska ugu baaqeen in tallaabo adag laga qaado xildhibaanka gefka geystay.

GUDDOOMIYAHA GUDDIGA DOORASHOOYINKA GALMUDUG OO ILKAHA LAGA RIDAY

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa shalay gacan ka hadal uu ku dhexmaray kullankii Baarlamaanka uu ku lahaa magaaladda Cadaado.

Xildhibaan Maxamed Xasan Geele, oo sidoo kalana ah Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Galmudug, ayaa la sheegay in ilkaha laga riday, kadib markii ay dagaalameen, xildhibaan Mahad Cilmi.

"Dagaalka waxaa ka horeeyay muran iyo ismaandhaaf labada Xildhibaan dhexmaray” sidaasi waxaa sheegay Xildhibaan Cabdullahi Imaan, oo shalay goobjoog ka ahaa kullankii Baarlamaanka Galmudug.

Baraha bulshada sida Facebookgga iyo Twitterka, ayaa lasoo galiyay Xildhibaan Geele, oo laba ka mid ah ilkihiisa hore ay ka maqan yihiin, mid ka mid ah indhihiisana ay guduudantahay, wajiga ka bararan.

Xildhibaanka ilkaha laga riday ayaa ka mid ahaa xildhibaanno soo jeediyey in la qaato, baaqii kasoo yeeray Ra’iisul wasaare khayre ee ahaa in mudo 45 cisho ah, dib loo dhigo doorashada madaxwaynaha Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo jeediyay qodobadan hoos ku xusan:

1ka dib markuu tixgeliyey duruufaha qalafsan ee ka dhashay xaaladda abaaraha ee ka jirta deegaanka Galmudug oo hadda gurmadkeeda lagu gudo jiro iyo baahida loo qabo maamul lagu wada qanacsanyahay.

2Maadaama ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ay ku gudo jirto dhameystirka Golaha Fulinta ee xukuumadda taasoo aan looga maarmeyn fududaynta iyo ka qayb qaadashada doorasahda Galmudug.

3Raiisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu soo jeedinayaa in Barlamaanka Galmudug uu doorashada dib u dhigo muddo dhan 45 maalmood si loo yagleelo maamul dhaxal gal ah oo hoggaankiisa heshiis laga wada yahay.

4Murashaxiinta Jagada Madaxweynaha Galmudug waxaan ugu baaqayaa in ay nala tixgeliyaan in la helo dibuheshiisiin iyo is afgrad, si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu doorto hogaan raali ka yihiin dhammaan shacabka Galmudug. 5Ugu danbeyntii waxan ugu baaqayaa shacabka Galmudug iyo hogaamiyeyaasha Bulshada Galmudug in fursadan taariikhiga ah loo wada guntado, si iyadoo loo dhan yahay loo dooran lahaa hoggaan u hordeeda bulshada nabad iyo horumar dhan walba ah.

MADAXDA DOWLADDAHA UGANDA IYO SOMALIA OO KU KULMAY MAGAALADA NAIROBI

Madaxweynaha Dowladda Uganda, Yoweri Museveni ayaa Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Dalka waxuu kula kulmay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay arimo kala duwan oo ay ka mid yihiin Xiriirka labada Dal, iskaashiga, horumarka iyo Xaalada amaanka ee Dalka Sooomaaliya.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa marka hore uga hambalyeeyay, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo guushii ku hantay xilka madaxtinimo ee Dalka kadib doorasho madaxtinimo oo ka dhacday Caasimada Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Madaxweyne Museveni waxuu qeexay in dhibaatada hada heysata Soomaaliya ay tahay tayo xumada Ciidamada Xooga iyo kuwa Amaanka ee Dowladda Soomaaliya.

Waxaa Madaxweynaha Uganda uu ka dalbaday Madaxweyne Farmaajo in tababaro kala duwan la siiyo Ciidamada Xooga iyo kuwa Amaanka ee Dalka Soomaaliya.

Dhiniciisa Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Uganda si ay u garab taagan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka labadan Mas’uul ayaa waxuu ka dhacay hoteel ku yaalla Magaalada Nairobi, ka hor Shirka Urur Goboleedka IGAD.

Uganda ayaa ka mid ah Dalalka ay Ciidamada ka joogaa Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee lagula Dagaalamayo Xarakada Al Shabaab.

GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA OO LAGU EEDEEYAY IN UU ISHORTAAGAYO ANSIXINTA GOLAHA WASIIRADA CUSUB

Gudoomiyaha Barlamaanaka Soomaaliaya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa lagu eedeeyey in uu wado Abaabul ka dhan ah Golaha wasiirada Cusub ee dhawaan uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaan Cusmaan Aadan Dhuuboow oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Gudoomiayaha Barlamaanka in xiligan uu horistaago ansixinta Golaha Wasiirada isagoona intaa ku daray inay dareensan yihiin in shaqsiyaad uu watay Guddoomiye Jawaari ay iska dhexwaayeen Golaha Wasiirada Cusub, taasina ay keentay in Jaawri uu abuubulo Xildhibaano ka soo horjeesta ansixinta Wasiirda cusub.

Waxaa Xildhibaan Cusmaan uu sheegay in loo baahan yahay Shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin Xukuumad si ay uga badbaadiso dhibaatooyinka ka jira Dalka maadaama Gobolada Dalka ay ku dhufteen abaaro xoogan.

Mudanahan ayaa ka digay qorshaha uu wado Guddoomiyaha Baarlamaanka, islamarkaana Xildhibaanada ka dalbaday in ay ka feejignaadaan abaabulkan la doonayo in looga soo horjeesto Golaha Wasiirada cusub.

Dhinaca kale, Suldaan Cabdicasiis Cumar Daad Suldaan Beyle oo ka mid ah Duubabka dhaqanka Soomaaliyeed oo la hadlay Shabelle ayaa Gudoomiayha Barlamaanaka Soomaaliya ugu digay abaabulka ka dhanka ah Gollaha Wasiiarada Cusub isagooana sheegay in ay habaari doonaan Ummada Soomaaliyeed Guddmooye Jawaari, hadii uu ku dhaqaaqo qorshahaasi.

Suldaan Beyle ayaa sheegay in Gudoomiayaha Barlamaanka uu mas’uul ka noqon doono wuwaadiniin u dhimanaya abaarta, hadii uu ishortaago Golaha Wasiirada Cusub maadaama Wasiirada ay yihiin kuwii wax badan ka qaban la ahaa abaaraha ka jira Dalka.

Ugu dambeyn, Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah dhaqanaka Soomaaliyeed ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Dadkii loo igmaday Hogaaminta Ummada Soomaaliyeed ay bilaabaan Mucaaradnimo isagana cod dheer ugu baaqay Xildhibanada in ay ansixiyaan Golaha wasiiarada, si looga gudbo marxalada uu ku jiro Dalka Soomaaliya.

Sikastaba, Gudoomiyaha Barlamaanaka Soomaaliya ayaa u muuqda in baalmodow uu ka gali doona taariikhda Soomaaliya, maadaama Dalka uu wajahayo marxalado kala duwan oo u baahan wax ka qabasho.

Xigash.shabellenews.com

MADAXDA DOWLADAHA IGAD OO KU HESHIIYAY IN SI WADAJIR AH XAL WAARA LOOGU HELO QAXOOTIGA SOOMAALIYEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dalalka Urur Goboleedka IGAD ayaa isugu yimid shir gaar ah oo looga arrinsanayay sidii xal waara loogu heli lahaa qoxootiga Soomaaliyeed.

Shirmadaxeedkan gaarka ah ayaa jeedadiisu tahay in lagu xoojiyo lilaalinta xuquuqda qaxootiga, lagana wada hadlo sidii looga jawaabi lahaa abaaraha ka jira guud ahaan gobolka, isla markaasna loo mideyn lahaa dadaallada beesha caalamka ee dhaqaalaha loogu uruurinayo dadka ay abaarahu saameeyeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay madaxda dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto in ay ku yareyso sababaha keenay amni darrada iyo abaaraha dalka ku soo noqnoqday.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay hay’adaha ka shaqeeya samafalka iyo horumarinta in ay u guuraan gudaha Soomaaliya si ay u daboolaan baahiyaha taagan. "Waan dareensannahay duruufaha amni ee ka jira dalka, laakiin dalka intiisa badan waa nabad. Tijaabooyinkii hore waxaan ka barannay in marka ay hay’adaha ku shaqeeyaan gudaha dalka aad loo dareemo saameyntooda marka loo barbardhigo in ay ku shaqeeyaan meel ka baxsan dalka.”

Madaxweynaha ayaa qiray in xal waara oo loo helo qaxootiga ay u baahantahay in la dejiyo siyaasado lagu hagayo dib u dejinta, guriyeynta iyo isdhexgalka bulshada.

"Ma aha wax sahlan, laakiin waxaan aaminsanahay in aan haysanno fursad aan kaga faa’iideysan karno jawiga wanaagsan ee ay abuurtay doorashadeyda.”

Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa isku raacay in la qaato hab bulshada oo dhan ay ka qeyb qaadanayso taasoo lagu ilaalinayo xuquuqda qaxootiga, gaar ahaan dumarka, carruurta iyo dadka nugul.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyay dowladaha iyo shucuubta waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD iyo dalka Yeman sida ay u martigaliyeen in ka badan hal milyan oo qaxooti Soomaali ah.

GAAS OO KA HADLAY DOORASHADA PUNTLAND IYO SIDA AY U DHACEYSO

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa warbaahinta u sheegay in doorashada Madaxweynaha maamulka Puntland loo diyaarin doono in ay ku dhacdo nidaamka xisbiyadda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay sanadkaan ay isku diyaarinayso in degaanada ay ka dhacdo doorasho ku dhisan Xisbiyo.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay bilaabi doonaan sidii ay arintaasi ku dhici laheyd , islamarkaana Shacabka kunool degaanada maamulka Puntland laga doonaayo in ay ka qeyb qaataan.

Waqtigii doorashada Puntland ayaa soo dhow , waxaana lagu wadaa in Puntland qabato doorasho ka duwan midii ay horay u qaban jirtay

TRUMP OO U JEESTAY DIB U HABEYNTA CANSHUURAHA

Madaxweyne Trump oo u jeestay dib u habeynta canshuurahaMadaxweyne Trump oo u jeestay dib u habeynta canshuraha

 Madaxweyne Maraykanka Donald Trump, ayaa sheegay in uu u jeesanayo dib u habeynta canshuuraha ka dib markii garwaaqsaday in uu ku guul dareeystay in uu xaqiijiyo balanti u qaaday xilligii doorashada ee ku saabsaneeyd daacadnimada.

Xeer la donayey in looga takhaluso dib u habeeynta caafimaadka ee Madaxweynaha ayaa dib loola noqday maalintii Jimcihii .

Donald Trump, ayaa qeexay inuu la yaabay oo uu ka niyadjabay inuu burburay sharci la doonayay in lagu badelo adeega caafimaad ee Obamacare.

Xisbigiisa Jamhuuriga ayaa dib ula laabtay hindise sharciyeed ka hor inta uusan u codeyn Kongareeska Mareykanka,markaasi oo ay caddaatay in aanay haysan taageero ku filan oo lagu horgeeyo aqalka.

In meesha laga saaro adeegga caafimaad ee Obamacare ayaa waxa ay qeyb muhiim ah u aheyd ballanqaadyadii ololaha doorashada ee madaxweyne Trump.

MADAXDA DALALKA XUBNAHA KA AH URUR GOBOLEEDKA IGAD AYAA MAANTA MAGAALADA NAIROBI KU YEESHAY KULAN GAAR AH OO AY UGA ARRINSANAYEEN SIDII XAL WAARO LOOGU HELI LAHAA QAXOOTIGA SOOMAALIDA.

In ka badan 2 milyan oo Soomaali ah ayaa ku barakacsan gudaha dalalka bariga Afrika. 1.1 milyan oo ka mid ah barakacayaashaasi waxay ku suagn yihiin gudaha Soomaaliya, sida ay sheegtay hay'adda Qaramaa Midoobay u qaabilsan Qaxootiga.

Madaxweyne Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in dalkiisa uusan aqbeli karin in xerada qaxootiga ee Dhadhaab ay hoy u noqoto 'argagixisada'.

Kenyatta oo dalkiisu uu martigeliyay qaxoooti badan oo Soomaali ah ayaa ku baaqay in xal deg deg ah oo waaro loo helo mashaqada qaxootiga.

Farmaajo iyo Museveni oo ka qeybgalay shirka IGAD yaa yeeshay kulan gaar

Farmaajo iyo Museveni oo ka qeybgalay shirka IGAD ayaa kulmay markii ugu horreysay tan iyo markii Famaajo la doortay

"Waxaan nahay dalka martigeliyay tirada ugu badan ee qaxootiga Soomaalida iyo xerada qaxooti ee ugu weyn caalamka oo dhan. Waana ku faraxsanahay in shirkan muhiimka ahna aan martigelinay. Waxaan aaminsanahay in qaxootiga Soomaalida ay xaq u leeyihiin nolol sharaf leh", ayuu yiri Kenyatta oo furay kulan madaxeedka.

Kenya ayaa horay u sheegtay in ay albaabada u laabayso xerada qaxootiga ugu wayn dunida ee Dhadhaab meesha lagu gaaro bisha afraad ee sanadkan, waxayna bilawday qorshe uu qaxootigu iskii dib ugu laabanayo Soomaaliya.

Balse wakiil ka tirsan hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, George OkothObbo oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in loo baahanyahay in dalalka IGAD aysan ku adkeysan dib u celinta qaxootiga oo kali ah balse ay si niyad furan u raadiyaan xal kale.

"Waddamada martigelinaya qaxootiga waa inay xalka qeyb ka qataan oo qaxootiga ay tusaale ahaan u oggolaadaan inay ku dhexmilmaan bulshada martigelisay'', ayuu yiri Obbo

Madaxda dalaka xubnaha ka ah IGAD

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horraysay tan iyo markii la doortay fursad u helay in uu la kulmo hoggaamiyaasha dalalka IGAD oo afar ka mid ah ciidammadooda ay ka howlgalaan Soomaaliya. Dalalkaasi waxay kala yihiin Kenya, Itoobiya, Jibouti iyo Uganda.

Kenya oo looga digay inay khasab ku celiso qaxootiga

Shan arrimood oo madaxweyne Farmaajo horyaalla

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay hay'adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya samafalka iyo horumarinta in ay u guuraan gudaha Soomaaliya.

"Dowladda Soomaaliya waxa ka go'an in la abuuro jawi ay hay'adaha uga dhex shaqeyn karaan dalka gudahiisa", ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Qabashada kullankan IGAD oo ay sidoo kale riixayso hay'adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga ee UNHCR ayaa waxa uu qeyb ka ahaa arrimihii ay madaxda IGAD ku heshiiyeen shir madaxeedkii Muqdisho lagu qabtay bishii September ee sanadkii la soo dhaafay.

Farmaajo ayaa ugu baaqay hay'adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya samafalka & horumarinta in ay u guuraan gudaha Soomaaliya.

Farmaajo ayaa ugu baaqay hay'adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya samafalka & horumarinta in ay u guuraan gudaha Soomaaliya.

Mas'uul u hadlay urur goboleedka IGAD ayaa sheegay in xasiloonida siyaasadeed iyo amni ee ka hanaqaaday Soomaaliya iyo cadaadiska dalalka deriska ah ka haysto martigelinta qaxootiga ay dhiirigeliyeen dardargelinta dadaallada xal kama dambeys ah loogu raadinayo qaxootiga Soomaalida.

BOOLISKA INGIRIISKA OO SHEEGAY IN NINKII XARUNTA BAARLAMANKA WEERARAY KELI KU AHAA FALKAA

Masood waa la toogtay ka dib markii askariga toorrayda ku dhuftay.

Booliska ayaa sheegay in ninkii qaaday weerarkii Westminster, Khalid Masood, aan cid kale ka dambeyn ee uu keli ku ahaa falkaas, isla markaana aanay jirin xog dheeraad ah oo muujinaysa inuu damacsanaa inuu weerarro kale qaado.

Ku xigeenka kaaliyaha taliyaha ciidanka booliska, Neil Basu, ayaa yidhi "Waa in aynu dhamaanteen aqbalnaa in ay suurto gal tahay in aynaan ogaan karin sababtii ku kaliftay inuu falkan geysto".

Afar qof ayaa dhintay 50 kalena way dhaawacmeen ka dib markii Masood uu baabuur jiidhsiiyey dadka ka hor intii aanu tooriyeynin askari boolis ah.

Qoyska askarigaa dhintay oo la odhan jiray Keith Palmer ayaa sheegay in geesinimadiisii aan la iloobi doonin.

Boolisku waxay sheegeen in Masood oo 52 jir ahaa ay hore maxkamadi ugu heshay dambiyo, laakiin aan kuwaa midkoodna ahayn dambi argagixiso la xidhiidha iyo inuu sidoo kale adeegsan jiray magacyo badan oo been ah.

Wuxuu ku dhashay Dartford, Kent waxaana warqadiisa dhalashada magacii loogu qoray ahaa Adrian Elms, laakiin markii dambe wuxu qaatay magacii nin ay hooyadii mar dambe guursatay oo waxa caruurnimadiisii magaciisu noqday Adrian Ajao.

Sanadihii 2000 ayaa lagu helay dambi lagu soo oogay oo ahaa in uu qof si arxan darro ah dhaawac ugu geystay oo uu toorray nin wejiga kala dhacay ka dib markii ay isku afdhaafeen meel khamriga lagu qabo dhexdeeda.

ISIS OO SHEEGATAY QARAXYO DAD KU DHINTEEN

Ciidamada nabad gelyada waxay rasaas i waydaarsadeen dabley loo malaynay in ay yihiin mitidiin Islaamiyiin ah.

Ciidamada nabad gelyada waxay rasaas i waydaarsadeen dabley loo malaynay in ay yihiin mitidiin Islaamiyiin ah.

Saraakiil ayaa sheegay in afar qof oo uu ku jiro askari boolis ah iyo qof loo malaynayo inuu yahay kii isa soo miidaamiyey ku dhinteen laba qarax oo ka dhacay woqooyibari ee dalka Bangladesh.

Qaraxyadan ka dhacay Sylhet waxa lala beegsaday dhisme ay ciidamada kamaandoosta ahi isku dayayeen in ay ka soo saaraan koox lagu tuhunsanyahay in ay yihiin miditiin islaamiyiin ah.

Qaraxu intii aanu dhicin ka hor ayaa shicibka laga daad gureeyey dhismayaasha, eedaysanayaashii lagu daba jirayse way diideen in ay is dhiibaan.

Tobanaan qof ayaa ku dhaawacmay qaraxyadan dhacay sabtidii.

Bambaanooyinkan waxa lala beegsaday meel ay dad badan oo daawanayey ciidanka iyo dableyda rasaasta isku weydaarsanaya dhismahaasi ay ka daawanayeen waxa socday.

Bamkii koowaad waxa tuuray laba nin oo dhugdhugley ama mooto saarnaa halka sida ay boolisku sheegeenna bamka kale lagu soo dhex qariyey jawaan khudaari ku jirto oo meel lagaga tagay.

Kooxda la baxday Dawladda Islaamka ayaa sheegatay in ay iyadu ka dambaysay weeraradaa bambaanooyinka ah. Dableyda xagjirka loo malaynayaa waxay ku dhuumaalaysanayaan dhisme shan dabaq ah oo 78 qof oo rayid ah laga daad gureeyey, waxaanay kolba qarxinayaan miinooyin ay dhigeen hareeraha dhismahaas, ayey ciidanku sheegeen.

BOGGA CAYAARAHA

 

XULKA QARANKA FRANCE OO CASHAR U SOO DHIGAY LUXEMBOURG, OLIVIER GIROUD OO LABA GOOL DHALIYAY IYO XULKA QARANKA NETHERLANDS OO MARKALE WAJI GABAX LA KULMAY.

Xulka qaranka France ayaa halkiisa ka sii wata guuldaro la’aanta kulamada isreeb reebka aduunka waxayna guul muhiim ah ka soo gaadheen xulka qaranka Luxembourg oo ay marti u haayeen. Olivier Giroud ayaa kulankan isku muujiyay wuxuuna dhaliyay laba gool oo uu ku jiray goolkii furitaanku waxaana goolka kale raacsaday Antoine Griezmann.

Laakiin xulka qaranka Netherland oo ka tirsan isla groupka France ayaa markale waji gabax xun la soo kulmay waxayna guuldaro 2:0 ahi ka soo gaadhay xulka qaranka Bulgaria. Guushan ayaa Bulgari ka caawisay in ay gadaal iska mariso Netherlands waxayna soo galeen kaalinta saddexaad ee Group A iyada oo France uu sii dheeraystay hoganka Groupkan waxayna yeesheen 13 dhibcood.

NATIIJADII KULAMADII ISREEB REEBKA KOOBKA ADUUNKA:

Bulgaria 20 Holland – Group A

Luxembourg 13 France – Group A

Portugal 30 Hungary – Group B

Belgium 11 Greece – Group H

 

ALEXIS SANCHEZ OO TAALLO LOO DHISAY ISUGU SOO BAXEEN TAAGEERAYAASHIISA DALKA CHILE+SAWIRRO

Hujuumka safka hore kaga ciyaara naadiga dalka England ee Arsenal Alexis Sanchez ayaa la ilaawsiiyey murugadii ka soo gaartay guuldarooyinkii kooxdiisa Arsenal iyo xulka qarankiisa Chile , markii loo dhisay taalo gaar u ah taasoo laga taagay dalkiisa Chile,waxaana uu laacibkaan daah furay dhismaha taalada loo sameeyay Sanchez iyadoo xafladaas ay isugu soo baxeen taageerayaashiisa dalkaasi ku nool.

Taaladan oo muuqaal loo ekeesiiyey Alexis Sanchez oo dhamaystiran ayaa laga dhisay magaalada uu ku dhashay ee Tocopilla oo ku taal dalka Chile waxaana lagu qurx iyay taaladan astaamaha kooxihii uu ka soo ciyaaray ee oo ay ugu waa wayn yihiin Barcelona iyo Arsenal si la mid ah astaanta xulka qarankiisa Chile.

Taalada Alexis Sanchez loo dhisay lagu qurxiyay kubbadii dahabka ahayd ee uu ku guulaystay Copa America 2016 markii uu xulka qarankiisa ka caawiyay koobkii labaad oo xidhiidh ah ee tartanka koobka qaramada South America. Waxa kale oo taaladan ka soo muuqday kooxihii uu Sanchez ka soo ciyaaray ee Cobreloa, Udinese, ColoColo, River Plate oo dhinaca ka raacsan astaamaha Barcelona iyo Arsenal.

Sikasta Alexis Sanchez ayaa si buuxda u daawaday taalada quruxda badan ee isaga laga soo min guuriyay sawirkeeda ee looga dhisay magaalada uu ku soo koray ee Tocopilla maalmo kooban kadib markii uu xulka qarankiisa Chile guularo kala soo laabtay Argentina isla markaana ay halis ugu jiraan in ay seegaan koobka aduunka ee Russia 2018.

BARCELONA OO MAGACA KA BADALEYSA NOU CAMP,UGUNA MAGAC DARI DOONTA…

Barcelona ayaa taallo lagu xasuusto u dhisi doonta laacibkii iyo macalikii hore kooxda soomaray ee Johan Cruyff,waxaana laga taagi doonaa garoonka Nou Camp stadium ee kooxdu ku ciyaarto. Sida laga soo xigtay sheeko kooxda laga helay waxaa xitaa camaaliqadu qorsheesay inay dhisto garoon cusub oo loogu magic darri doono halyeeygii kooxda mar usoo ciyaaray isagoo ciyaaryahan ah marna soo leyliyey isagoo macalin ah waxaana garoonkaas ku ciyaari doona kooxda hoose ee Barca B.

Go’aankaan ayey Barcelona ku dhawaaqday maalin kadib markii lasoo xiray munaasabadii lagu xusuusanayey halyeeyga kooxda Cruyff kaasoo dhintay isagoo jira da’da 68. Si kasta laacibkaan ayaa kooxda Barcelona kula guuleestay inuu uu ciyaaryahanka ahaa waa Cruyff ilaa 13 koob,kaasoo laga xusi karo koobkiisii ugu horeeyey ee European Cup sanadkii 1992.

Barcelona,ayaa bilaabi doonta inay dib u dhisto garoonkeeda Nou Camp sanadka 2018, iyadoo xitaa dowladda hoose Barcelona weydiisan doonta iny laga caawiyo jid ama dariiqa dher oo soo gala garoonka oo isla magaca halyeeygii hore lagu xardho waa Johan Cruyff.

WAA KEE LAACIBKII KA WANAAGSANAA CR7, LEO MESSI & MARADONA? COSTACURTA AYAA KA JAWAABAYA ISAGOO SIDOO KALE SHEEGAY INAY INTER HAATAN TAHAY KOOXDA 2AAD EE UGU XOOGGAN TALYAANIGA!

Alessandro Costacurta ayaa rumaysan in la gaarey xilligii uu Silvio Berlusconi iibin lahaa kooxda AC Milan, balse "ay Inter tahay kooxda haatan ugu wanaagsan Juventus kaddib.

”Haleeygii hore ee daafaca uga dheeli jirey kooxdii guusha badnayd ee Grande Milan ee dabayaaqadii 80meeyadii iyo horraantii 90meeyadii ayaa rumaysan in Berlusconi uusan hadda kaddib sii maamuli karin koox casri ah."Milkiiluhu waa gaboobey sidaa darteed siima maarayn karo kooxdan waloow uu lacag badan geliyay.

Waxay ila tahay inaan u baahan nahay lacag cusub, milkiile iyo maareeyn cusub.” ayuu Costacurta u sheegay BBC World Service."Ilama aha in ay Milan dib usoo laaban karto sanadka soo aaddan. Inter ayaa Juventus usoo dhowaan karta sanadka xiga, maaddaama ay haystaan lacag fara badan, afkaaro badan iyo laacibiin wanaagsan, sidaan qabo Inter waa kooxda haatan ugu wanaagsan kaddib Juventus.

” ayuu raaciyay raacihii rafka ahaa ee Costacurta.Costacurta ayaa deeto waxaa la waydiiyay laacibkii uu ugu nebcaa inuu ka hor tago."Laacib ahaan, midkii iigu adkaa ee aan wajaho wuxuu ahaa Ronaldo – midka Brazilianka ah. Haddaad waydiiso (Paolo) Maldini, (Fabio) Cannavaro ama (Alessandro) Nesta, isla jawaabtan ayay ku siin doonaan.

dhibcaha Ronaldo wuxuu ahaa nin dheereeya, farsamo badan isla markaana jir ahaan dhisan.” ayuu yiri."Wuu ka wanaagsanaa (Diego) Maradona, ka fiicnaa Cristiano Ronaldo, kana wanaagsanaa (Lionel) Messi.” ayuu hoosta ka xarriiqay.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip