WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 25-KA MAARSO 2017-KA

0
Saturday March 25, 2017 - 09:25:31 in Wararka by
  • Visits: 736
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 25-KA MAARSO 2017-KA

    MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHEEGAY CAD DAALAD DARO INAY DALKA KA JIRTO Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/l aahi Maxamed (Farmaajo) oo Magaalada Nayrobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay Ganacsatada Somaliyed, ayaa sheegay dhibaatada raagtay ee ka taagan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHEEGAY CAD DAALAD DARO INAY DALKA KA JIRTO Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/l aahi Maxamed (Farmaajo) oo Magaalada Nayrobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay Ganacsatada Somaliyed, ayaa sheegay dhibaatada raagtay ee ka taagan dalka So maliya inay sabab u tahay caddaalad daro dalka ka jirta.

Farmaajo, ayaa sheegay caddaalad da rada raagtay ee dalka ka jirta inay sabab u noqotay in Somaliya intaan oo sano ay ku jirto dhibaatooyin kala duwan oo dhin acyo badan saameyn ku yeeshay.

"Dalkaan wuxuu la bur buray oo colaada na haysata iyo qabyaalada waxaa na gaa rsiiyay waa caddaalada darada ka jirta Somaliya ee mudada fog raagtay.” Ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa balan qaaday sha qsi ka mid ah Dowladiisa inuusan ku kici karin falal musuq maasuq ah, waxaana uu u balan qaaday ganacsatada Somaliyed ee dalka Kenya, lacagaha ay ku taagee raan abaaraha in aanan la musuq maas uqi doonin.

Madaxweynaha waxa kale uu sheegay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu kula bal amay saddex arimood oo kala ah la daga alanka Musuqa, ka fogaanshaha isku dha ca Madaxda dowladda iyo dalka iyo dadka in si cadaalad ah loogu shaqeeyo.

Farmaajo ayaa sheegay in Golaha Wa siirada Somaliya aanan lagu soo xulin han aan qabyaal ad ku saleysan, Wasiir kastaa na uu kula balamay Wasaarada uu joogo inuu si dhab ah uga shaqe eyo, halkaasina uu ku matalo Somali ah oo dhan, balse uusan ku matalin qabiil gaar ah.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa kula dar daarmay ganacsatada Somaliyed inay muujiyaan taageerada ay u hayaan dowladda Federalka Somaliya oo iminka curdun ah.

BOOLISKA BAYDHABO OO AMARO KU SOO ROGAY GANACSAATADA MAGAALADAAS

Taliska Booliska Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, ayaa amaro ku soo rogay dadka ganacsatada ah ee ku nool Magaaladaasi, sida uu ku dhawa aqay Taliyaha Booliska Baydh abo.

Col. Mahad C/raxmaan Aadan oo Saxaa fadda kula hadl ay Ma gaalada Baydhabo, ayaa sheegay dadka ganacsata da ah ee ku nool Magaalada Baydhabo in laga doo naayo fulinta amarka uu soo saaray Booli ska, gaar ahaan laanta canshuuraha.

Wuxuu sheegay dadka ganacsatada ah dhamaantood in laga doonaayo inay Was aaradda maaliyada ka soo goostaan war qada ogolaanshaha ganacsigooda, kadib marka ay bixi yaan lacagaha canshuuraha da ah ee Wasaaradda ay ka doonayso.

"Waxaa la go’aamiyay oo amar nalagu siiy ay cid kasta oo Baydhabo ku ganacsan eyso, Baqaar, Farmashi, Miis iyo nooc kas taba, waxaa laga doonayaa inuu wato wa rqada isdiiwaangelinta Was aaradda Maali yada amarkaasi waa in la fuliyaa sharciga hala illaaliyo.” Ayuu yiri taliyaha.

Col. Mahad C/raxmaan ayaa ugu hanja bay ganacsatada Magaalada Baydhabo ci dii fulin weyd ay amarkaasi in laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan oo Booliska ay sameyn doonaan.

Dadka Magaalada Baydhabo ku ganacsa da ayaa maanta oo Sabti ah laga doonay aa mid waliba inuu sito Warqada Wasaar adda maaliyada, qofkii aanan wadana uus an furi karin goobtiisa gana csiga.

ROOBAB SIWEYN LOOGA DIIRSADAY OO SAAKAY KA DA’AY MUQDISHO

Qaar ka mid ah Gobolada dalka iyo Magaalada Muqdisho waxaa ka Da’ay Ro obab ay ku qabo wsadeen shacabka, wax aana saakay dadka ay ku soo tooseen iy ada oo dhulka uu Qoyan yahay.

Dadka reer Muqidsho ayaa saakay ku soo toosay iyada oo Magaalada uu Roob ka Da’ay, inkas too Roobka uusan aheyn mid biyo dhigay wadooyinka waa weyn.

Gobolada dalka ee qaarkood Abaaraha ay ka jiraan ayaa shalay iyo Habeen hore waxaa ka Da’ay Roob ay dadka ku nimceesteen, maadaama Abaaro xoog an ay ka jiraan dalka.

Mudooyinkii dambe Magaalooyinka Gobolada dalka iyo Magaalada Muqdisho dadka waxa ay isugu imaanayeen Salaad Roobdoon ah, oo Alle ay kaga baryayeen in uu Ra xmadiisa ku qaboojiyo.

Gobolada dalka gaar ahaan Koonfurta iyo Degaanada Pu ntland waxaa laga soo wariyay in ay ka Da’een Roobab ay ku

nimceesteen dadka iyo Duunyada.

CIIDAMO KENYAAN AH OO KA HOWLGALAYA GAROONKA DIYAARADAHA MUQDISHO

Warar lagu kalsoon karo ayaa ku wara maya in Ciidamo kenyaan ah ay ka howlg ali doonaan Garoonka Diyaaradaha aad an Cadde ee Magaalada muqdisho ee Caasimada Soomaliya.

Ciidamadaan oo tiradooda la sheegin ayaa la tilmaamayaa in howshooda ay no qon doonto in ay baaraan dadka ka ambabaxaya Garoonka Diyaaradaha Mag aalada Muqdisho islamarkaana ku sii jee da Garoonka Diyaaraha Magaalada Nayrobi.

Ciidamadaan kenyaan ah ee ka how lgali doona Garoonka Diyaaradaha Mag aalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in uu codsaday Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata madaama Kenya ay waqti walba weeraro qorshaysan ay kala kula nto Xarakada Alshabaab islamarkaana ay macq uul tahay in Alshabaab horey usii raacaan Diyaaradaha ka baxaya Muqdi sho ee kusoo jeeda Magaalada Nairobi.

Soomaliya iyo Kenya ayaa ku heshii yay Todobaadkii hore In 2 toddobaad gud ohood lagu soo afjaro hakadkii amni (se curity transit) ee Wajeer ay kusoo mari jire en duullimaadyada ka yimaad da Soomaa liya, halkaas oo ay silic iyo saxariir badan kala kulmi jireen shacabka Soomaliyeed, Hadda kaddib, duullimaadyada ka yimaad da Muqdisho waxay toos ugu dagi donaan

Nayrobi.

MAREYKANKA OO KA HADLAY DAGAALKA LAGULA JIRO XARAKADA ALSHABAAB

Taliska Maraykanka ee qaaradda Afri ca ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in la siiyo awood dheeraadah si guul loogu gaaro dagaalka lagula jiro Xarakada Alshabaab oo Soomaliya ka dagaa lanta.

Marine Gen. Thomas Waldhauser Taliy aha Ciidamada Mareykanka ee Afrika ay aa u sheegay su xufiyiinta in loo baahan yahay in Ciidamada Mareykanka la siiyo awood dheeraad ah islamarkaana wax tar leh si guul loogu gaaro dagaalka Alshabaab.

Sidoo kale Marine Gen. Thomas Wald hauser Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in loo baahan ya hay in la kordhiyo dagaalka dhanka Cirka oo Ciidmada Mareykanka ay ku saa cidaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM kuwaasi oo dagaal kula jiro Alshabaab.

Waldhauser ayaa sheegay in sidoo kale loo baah an yahay in la hubiyo in la ba laariyay Howlgalka ciid amada Maraykan ka ee Soomaaliya hadii taasi ay suurta ga sho ay uu sheegay taliyaha in ay keeni karto in la wiiqo awoodda xarakada Alshaba ab ee Soomaliya.

Soomaliya waxaa ku sugan Ciidamo Mareykan ah oo ka qeyb qaata dagaalka Lagula Jiro Xarakada Alshaabab, waxa yna dhowr jeer oo hore ay fuliyenen duqe ymo lagu dilay saraakiil sare sare oo shab

aab ah.

FAAH FAAHIN KU SAABSAN HESHIISKII MADAXWEYNAYAASHA KENYA IYO SOOMAALIYA (AKHRISO)

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in 2 isbuuc gudahood dib loo billaabi doono duulimaadyada tooska ee Muqdisho iyo NaYrobi, iyadoo meesha laga saari doono in lagu sii hakado garoon ka ku yaalla M/Wajeer ee G/Waqooyi Bari Kenya.

Hadalkan ayuu ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen madaxwe ynaha Sooma aliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku joogo Kenya. "Waxaan amMar ku siinay mas’uu liyiinta ammaanka ee 2deena dal inay si deg deg ah u kulmaan kuna heshiiyaan qa abkii ay u dib ugu billaabi lahaayeen duuli maadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nayrobi iyadoo duulimaadka ugu horre eya na aan fileyno 2 isbuuc gudahood”, ayuu yiri Kenyatta.

Dowladda Kenya ayaa horay u ballan qaaday inay xayira ada duulimaadyada too ska ah qaadi doonto wixii ka billow do bi shii December ee sanadkii hore, balse taa ma dhicin, mana jirin wax sharraxaad ah oo laga bixiyay. Wasiirka arri maha dibedd a Kenya Aamina Maxamed ayaa bishii September ee sanadkii hore warfidiyeena da u sheegtay in la qaadi doono xayiraad aasi mar ay Muqdisho uga qeybgeleysay shirka IGAD.

"Waa in meesha laga saaro joojinta diy aaradaha Muqdisho ka baxa ee Nayrobi u socda kuwa asoo lagu hakiyo Wajeer bal se waa in laga shaqeeyo ammaanka 2da garoon Muqdisho iyo Jomo Kenyatta, ka hor inta aan arrintaasi la hirgelinin” ,ayey tiri wasiirka arrimaha dibedda Aamina Maxa med.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo dhaw eeyay go’aankaasi isagoo sheegay in raj eynayo inuu dhaqangalo 2 isbuuc ka dib.2da madaxweyne waxay sidoo kale ku heshiiyaan in dib loo fura xadka 2da dal oo ay dowladda Kenya xirtay 2007dii sa baba dhinaca ammaanka ah.

Muddo 30 mlamaood gudahood ayaa dib loo furi doonaa marinada xadka 2da dal ee Beledxa awo -Mandheera iyo Libo oy—Doobley.Inkastoo xadka uu si rasmi ah u xirnaa, haddana saameyn we yn ku ma yeelan isku socodka dadka iyo badeec ooyinka.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa la filayaa in uu ka qeyb galo kullan gaar ah oo madaxda wad damada IGAD ku yeelan doonaan Nayrobi maalinta Sabtida maa nta ah. Kullankan oo ay marti geli nayso Kenya waxaa lagu eegi doonaa xaaladda abaarta iyo sidii wax looga qaban lahaa, arrinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya doonayso in ay dib ugu celiso Soomaali ya, Xaaladda amm aanka, iyo dabcan taag eerada IGAD ee kullanka Soomaalida ee lagu qaban doono London bisha May ee soo socota.

HESHIISKA WAXAA KA MID AH:

1.Heshiiska 2da dal u dhaxeeya ee JCC oo la cusboonaysiinayo.

2.Laba toddobaad gudahood oo duulimaa dyada Muqdisho iyo Nayrobi dib loo billa abayo (Wajeer lama soo maraayo)

3. Baasaboorrada Service iyo Diplomatic ee Soomaaliya oo visaha Kenya lagu siin doono ON ARRIVAL ama garoommada Kenya.

4. Kastamka Xudduudaha Beled Xaawo iyo Mandheere oo dib loo furi doono

Xigasho: BBCSomali

WASIIRADDA URUR GOBOLEEDKA IGAD OO KULAN KU YEESHAY M/NAYROBI

Kulan Gogolxaar ah oo ay Shalay ay isugu yimmddeen Wasiirrada arrimaha dib edda ee Urur Goboleedka IGAD ayaa loo ga hadlay Ajandaha shirka maanta oo Sa bti ah la filayo inay Madaxda Gobolka ka ga wada hadlaan, kaasoo ka dhici doona Nayrobi.

Shirka maanta dhacaya ayaa lagu wa daa in lagu Lafa guro arrimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Dhadha ab Kenya iyo abaaraha ka jira Waddama da Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo ka mid ah hoggaam iyeyaasha IGAD ayaa hore baaq u jeedi yay beesha caalamka, kaasoo ku aadda naa in si weyn loogu gurmado Dadka ay saamaysay abaarta ee ku dhimanaya gudaha Soomaaliya.

MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO KU BAAQ AY IN LAGA WAR SUGO WAXQABADKA AY LA’IMAAN DOONAAN WASIIRADA CUSUB

Md.Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe) madaxweynaha maamulka Ju bbaland oo ka hadlaayey golaha wasiira da cusub ee Taladadii aanu soo dhaafnay uu ku dhawaaqay ra’isul was aare Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay inay muhiin ta hay in lala shaqeeyo xukuumada, si loo garab istaago dowladda cusub.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa she egay inay wanaagsan tahay in lagu qanco wasiirada la ma gcaabay, oo uu tilmaamay inaysan waxba soo kordhineyn eed iyo is jiidjiid yimaada lagana horyi maado xukuu mada cusub. Axmed madoobe waxaa uu ugu baaqay Shacabka inay ku qancaan wa siirada cusub oo aanay Fiirin shaqsi, kana fakiraan oo kaliya danaha dowladni mo ee dalka, isla markaana ay ka War su gaan waxqabadka ay la’imaan doonaa wa siirada magcaabay.

XILDHIBAANADA WASIIRADA NOQDAY OO BI LAABAY OLOLE AY KAGA HORGATAGAYA AN MOOSHIN LA SHEEGAY IN LA SAXIIXAY (WARBIXIN)

Marki u horeysay habeenkii jimcaha waxaa kuma R/Wasaare Khere iyo ku dha waad 45 xildhib aan oo ka mid noqday gol aha wasiirada cusub iyagoo ka wada had lay sidii loo marsiin lahaa xuku umada ay ka mid noqdeen.

Kulanka oo ahaa mid ay xildhibaanada ku soo booqdeen Ra’isal wasaaraha ayaa la isku dha afsaday aragtiyaha sida ugu macquulsan ee ay u difaacan karaan wasiirnimadooda. Kulaankooda ayaa yim id xili Mooshin looga soo horjedo wasiira da cusub ay wadaan xildhibaano la sheeg ay in ey gaarayaan ilaa 90 mudane inkas too wali tirada saxda ah e saxiixday aanan laheynin.

MADAXWEYNAHA KENYA OO CASHO U SAM EEYAY MADAXWEYNE FARMAAJO

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa habeen hore casho sharaf Madax weynaha Somaliya, Maxamed C/laahi Far maajo iyo afadiisa ugu sameeyay Qasriga Madaxtooyada Kenya.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa gelin kii dambe ee Arbacadii booqasho rasmi ah ku tagey M/Na yrobi, iyadoo Khamiisti ina ay qoddobo dhawr ahi kala saxiixdeen dhigiisa Kenya. Madaxweynaha Kenya, ay aa waxaa casho sharafta ku wehlinayay Ku Xigeenkiisa, William Ruto iyo Wasiirka Arr imaha Dibadda Kenya, haweeneyda la gu magacaabo Amina Maxamed.

Maxamed C/laahi Farmaajo, Madaxwey naha Somaliya, ayaa booqashadiisan M/Nayrobi waxay ka dambeysay, markii uu casuumaad ka helay Madaxweynaha Kenya. Waa safarkii 2aad oo dalka uu dib adda uga dhoofo, tan iyo markii 8dii bishii hore ee February loo doortay in uu noqdo Mada xweynaha JFS.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa 23kii Fe bruary safarkiisii ugu horeeyay ku tagey Wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabi ya, isagoo ka jawaabaya casuumaad uu u fidiyay Boqor Salmaan.

RA’IISULWASAARAHA SOOMAALIYA OO QAA BILAY WAFDI KA SOCDA MIDOWGA AFRIKA

R/wasaaraha JFS Md.Xasan Cali Kheyre ayaa qaabilay wafdi uu hoggaaminayo madaxa amma anka Midowga Afrika Danj ire Ndumiso Ntshinga oo booqasho ku yi mid M/Muqdisho. Danjire Ndumiso Ntshi nga oo muddo 3 Cisho ah ku sugnaan do ona M/Muqdisho ayaa sidoo kale kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamanka Soo maaliya Maxamed Sh/ Cusmaan.

Wafdigan ka socda midowga Afrika iyo masuuliyiinta ugu sarreeysa Dalkeenna ayaa ka wada ha dlay sidii loo horumarin lahaa howlaha ay Ciidamada Amisom ka hayaan Soomaaliya. Danjire Ndu miso iyo wafdigiisa ayaa waxay kormeer ku tageen xeryaha Ciidanka M/Afrika, iyagoo aad u gu kuur galay heerka uu gaarsiisan yahay wada shaqaynta ka dhaxaysa iyaga iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo daga al wada jira kula kira AlShabaab.

ROOB LAGU QABOWSADAY OO KA DA’AY DE EGAANO KA MID AH GOBOLKA SH/DHEXE

Wararka ka imanaya G/Sh/dhexe ayaa sheegaya in roob lagu qabowsaday uu ka da’ay shalay deegaano ka mid ah degma da Mahaday ee G/Sh/dhexe. Roobka ay aa ka da’ay D/Mahaday iyo deegaanada ku dhow dhow sida deegaanka Iji, Ooba ale,Caadley,Ceelbaraf,Cali Fool dheere, Dhurwayle iyo deegaano kale.

Wararka ayaa waxaa ay ku darayaan in sidoo kale roobka uu ka da’ay deegaano dhinaca galbe ed iyo dhinaca Waqooyi ka xiga M/Jowhar sida tuulada Libi ga,Xaanshooley, Dhaaygawaan, dhumaley iyo qaar kale. Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa ka jirey G/Sh/ Dhexe kuleyl heerkulkiisu uu meelaha qa arkood ku dhowaanayay 40 Digree. Deeg aano badan oo ka mid ah G/Sh/dhexe ay aa xoolo dhaqatada waxa ay ka hayaame en deegaanadoodii iyagoo miciin bidey hareeraha wabiga Shabellle.

Bilihii la soo dhaafay ayaa jiilaal adag uu ka jirey guud ahaan dalka Soomaaliya wa xaana dho waan laga sameeyay inta ba da ndalka roob doon Alle loogaga baryayo in uu kuleylka ka saaro uu na ummadiisa ra xmad kheyr qabta u keena.

MADAXWEYNIHII HORE EE MASAR XUSNI MU BARAK OO XABSIGA LAGA SII DAAYAY

Madaxweynihii hore ee wadanka Masar Maxamed Xusni Mubaarak ayaa shalay xabsiga laga sii daayay ka dib markii la afgambiyay dowladiisii sanadkii 2011.

Mubarak oo 88 sano jir ah ayaa lagu waayay dambigii ugu dambeeyay ee lagu soo oogay oo ah aa dil kadib markii hore lo ogu waayay dambiyo ah musuqmaasuq iyo xasuuq loo geysgey dad banaan bax ayay. Qareenka Mubarak Farid El Deeb ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reu ters inuu haatan ku sugan yahay Mubarak guri ga uu ku leeyahay Heliopolis oo ah deg mo ku taal meel aan ka fogeyn madaxtoo yadii uu muddo 30 sano ah ka maamulay ay dalka Masar ka dib markii laga saaray isbitaal ay ciidamada Milatariga ku leeyihi in koofurta Qaahira halkaa oo lagu ilaalina yay.

Mubarak ayaa sanadkii 2012kii waxaa la gu xukumay xabsi daa’in ka dib markii la gu eedeeyay inuu ka dambeeyay dil loo geystey dad tiradooda lagu sheeay 239 ru ux oo ka mid ah banaan baxa yaal ka soo horjeeday dowladiisa.mubaarak ayaa xinr aa muddo 6 sano ah haatan wuxuu helay xorriyadiisa taasoo uu ku helay iyadoo la gu waayey wax denbi ah iyoinuu yahay nin Da’ah

SHARIIF XASAN "HALA SII DAAYO SOMALIDA KU XIRAN ITOOBIYA”

Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed, Md.Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa ku baa qay in xabsiyada dalka Itoobiya laga sii da ayo dadka ka soo jeeda Deegaanada K/Galbeed ee ku xiran xabsiyada dalka asi. Shariif Xasan ayaa sheegay doorka u ga bannaan Maamulka K/Galbeed ee max aabiista, uu yahay in Dowladda Itoobiya kala hadlaan, sidii ay oodda uga qaadi laheyd dadkaasi.

Md. Shariif Xasan oo Khamiistii Warba ahinta kula hadlaayay M/Baydhabo, ayaa ku baaqay in dadka eedeymaha loo hays to lagu maxkamadeeyo dalkooda, halka kuwa aan dembiga lahayna xabsiyada laga sii daayo. Sidoo kale waxaa uu shee gay in Maamulka Puntland kala hadleen in xa bsiyada laga sii daayo, haddii ay jiraan dad ka soo jeeda K/Galbeed oo ku xiran Deegaanada Pun tland.

Shariif Xasan, ayaa xusay inaanay iya gu aaminsanayn in dadka ka soo jeeda Deegaanada K/ Galbeed, si gaar ahi loo gu beegsado Puntland. Wuxuu soo hadal qaaday in reer Puntland xitaa la xiro, qof kii dembi gala, sida uu yiri. Hadalka ka soo yeeray Shariif Xasan, ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, xilli shac abka reer K/Galbeed ay ugu baaqeen Ma amulkiisa in Itoobiya iyo Puntland uu kala hadlo maxaabiista K/Galbeed ee u xiran.

DOWLADDAHA SOOMAALIYA IYO KENYA OO XOOJINAYA DAGAALKA KA DHANKA AH URURKA ALSHABAAB

Madaxweynayaasha dowladaha Soo maaliya iyo Kenya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo ku kulm ay M/Nayrobi ayaa wacad ku maray inay xoojinayaan dagaalka ka dhanka ah urur ka Alshabaab. Ka dib kulankooda ayeey 2da madaxweyne isku raaceen iskaashi la ga yeesho dagaalka ka dhanka ah Alsha baab oo khatar ku ah amniga 2da dowla dood sida ay ka sheegeen shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen 2da madaxweyne.

‘’Alshabaab wali waxaa ay ku howlan yihiin inay dilaan dadka aan waxba galab san ee 2da dow ladood Kenya iyo Soomaa liya’ ayuu yiri madaxweyne Uhuru Kenyat ta oo warbaahinta la hadlay. Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka M/Afr ika {AMISOM} ayaa dagaal kula jira koox da Alshabaab tan sanadkii 2011kii oo ay ka soo gudbeen xuduuda iyaga oo ka jaw aabayay afduubka ajaanibta iyo weeraro Alshabaab ay ka geysanayeen qeybo ka mid ah ciida Kenya.

Ugu danbeyntii, madaxweyne Farmaajo ayaa dhinaciisa ku amaanay Kenya door ka ay ka qaa daneyso dagaalka ka dhanka ah Alshabaab,madaama ay qeyb ka taha yhowlgalka midowga Afr ica.

2 QARAX OO SHALAY KA DHACAY M/MUQDISHO

waxaa shalay magalda muqdisho ka kala dhacay qaraxyo gaadiid kuwaasoo qeybo kala duwan ee magaalda muqdisho ka mid ahi ay ka kala dhaceen qaraxyaad aasi qarixii hore ayaa waxaa uu ka dhac ay guri ku yaala xaafadda seybiyaano oo ka tirsan degmada hodon ee M/Muqdisho wax aa uu ahaa lama oga qaraxani iyo wa xa uu ka dhashay iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in qaraxan uu ahaa mid ka dhashay gaari waxyaalaha qarxa lagu soo xirey iyadoo wararka qaarna ay sheeg aya an in gurigii lagu diyaarnayey u ku qar xay hase yeeshee wuxuu ahaa gaari qara xyo ka buuxaan cid wax ku noqtayna si dhab ah looma oga .

Dhan kale Qaraxaad u weyn ayaa shal ay Duhirnimadii ka dhacay meel ku dhow Maqaayada Banooda oo ka soo horjeeda Hotelka Naasahablo od 2 agagaarka Taal ada Xaawo Taako, ee M/M. iyadoo maqa ayadan uu agteeda qaraxa ka dhacay ay tahay maqaayad ay ka cunteeyaan dad ka la duwan oo shaqaalaha dowladda ay ku jir aan.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid ka dhashay gaari waxyaalaha qarxa lagu xirey oo goobta yiil, hase yeeshee lama sheegin qasaare ka dhashay qaraxan wal ow ay halkaa gaareen cii damo ka tirs an dowlada. Goob joogayaal ayaa sheegaya in mar kii uu qaraxa dhacay lagu kala car aray goobta, iyadoo xilliga qaraxa uu dhac ayay maqaayada ay dad badan ka cuntey nayee.n Maqaayada Banooda ayaa laga cunaa raashinka loo yaqaano wadaniga, sida Soorta, Hilibka Ge ela, Digirta iyo raa shinada kale, waxaa 2sano ka hor la la ee gtay qar ax laga soo buuxayay baab uur oo la dhig ay ka soo horjeedka maqaaya da iyadoo xiligaa dad badani ay ku dhinte en hase yeeshee qraxii shalay cid wax ku noqtay lama sheegin haddii laga reebo 2 gaari oo halka yaaleen ay ku gubteen

MAXAA KA JIRA IN GUDDOONKA BAARLAMA ANKA AY QEYB KA YIHIIN OLOLAHA KA DHAN KA AH XUKUUMADDA

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wada olole ka dhanka ah Xukuumadda cusub ee dhowaan uuso o magacaabay R/Wasaare Kheyre, iyadoo Xildhibaanadan ay maalmihii u dam beey ay isku uruursanayeen Xarunta Villa Harg eysa oo ah Xafiiska Guddoonka Baar lam aanka.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheeg aya in Guddoonka Baarlamaanka ay geed fadhi u yihiin ololahan socda oo qorshihii sa yahay in lagu horistaago Xukuumadda cusub in aan la horkeenin Baarlamaanka, inta laga saxo qaladaad ay Xildhibaanadu sheegeen inuu ka jiro habka awood qey bs iga. Xildhibaano fara badan ayaa maalintii khamiista saxiixay qaraar ka dhan ah Xuk uumadda cusub, iyagoo ku doodaya in la baal maray habka awood qeybsiga, isla markaana R/Wasaaraha aanu mudnaanta siinin sida beelaha u qeybsanayaan Was iirada ugu muhiimsan.

Saacadihii u dambeeyayee shalay aya a waxaa soo baxayay warar sheegaya in Xildhibaanada saxiixay qaraarka ka dhan ka ah Xukuumadda ay gaareen illaa boqol Xildhibaan. Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari iyo kuxig eenkiisa C/wali Ibraahim Muudey ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin ololaha, iya goo ka soo horjeeda qaabka Ra’iisul Wasaaraha u soo dhisay Xukuumadda.

Mr.Jawaari ayaa horay u doonayay in shaqsiyaad uu watay lagu soo daro Xuku umadda, halka Guddoomiye kuxigeenkiisa na uu shaqsiyaadkii uu watay uu ka dhex waayay Xukuumadda, sidaas darteed waa adkaan doontaa in Xukuumadda ay codka kalsoonida hesho, maadaama Guddoonkii Baarlamaanka ay ka soo horjeedaan.

Wakiilo ka socday Beesha Caalamka ay aa khamiistii xarunta Villa Hargeysa kula kulmay Gudd oomiyaha Baarlamaanka, iy agoo kala hadlay arrimaha ansixinta Xuku umadda, waxaana kulan kan uu ahaa mid uu albaabada u xirnaa.

Si kastaba ha ahaatee Xukuumadda cu sub ee uu soo magacaabay R/Wasaare Kheyra ayaa durbaba mucaaradadii 1aad kala kulmeysa Xildhibaanada, ka hor inta aan la horgeyn Baarlamaan ka, waxaa la ogeyn tallaabada xigta ee arrintan ka im aan doonto iyo haddii gorgortan kale uu dhici doono, si wax looga bedelo qaabka Wasiirada, inkastoo Madaxweynaha uu da lkaka maqanyah ay.Xigasho:jowhar. com

XILDHIBAAN QARAX KA BADBAADAY

Wararka naga soo gaaraya M/Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmu dug ayaa waxa ay sheegayaan in xildhiba an ka tirsan baarlamaanka maamulka Gal mudug in uu ka bad baaday Qarax la dhig ay gurigiisa hortiisa. Qaraxa ayaa ahaa Mi ino sida uu kusoo Waramaayo Warbaah inta muqdoho qaar ka mid ah.

Guriga qarax la dhigay ayaa ku yaalla xaafad lagu magacaabo Waaberi oo ka ti rsan M/Cadaado, waxaana xildhibaanka guriga daganaa lagu magacaabaa Xil/Chi Cumar Maxamuud oo ku magac dheer Gurey Geesey.

Ciidanka NISA ayaa ka hortagay Qaraxa asi inta uusan qarxina kala fureen qalabkii qaraxa loo diyaariyey xildhibaanka

DALKA COSTA RIKA OO LAGU XIREY MUWAA DIN SOOMAALI AH OO LAGU EEDEEYNAYO INUU YAHAY ARGAGAXSO CAALAMI AH

Dalka Costa Rika ayaa lagu xirey mu waadin Soomaali ah kaasoo lagu tuhuns an yahay inuu ka mid yahay Argagaixo Caalami ah kadib markii uu galay dalkaas isagoo ka soo gudbay wadanka jaarka la ah ee Panama.

Dowlada Maraykanka oo ka hadashay xarigan ninkan ayaa waxa ay sheegtay in ay doonayaan in baaritaan lagu sameeyo ninkan la sheegay inuu ka tirsan yahay wax loogu yeeray argagaxiso caalami ah.

Dowlada Costa Rika ayaa ku sheegtay ninkan dhalinyarada ah magaciisa Ibrahim Qoordheen da’adiisana 25 sano.

Sarkaal u hadlay dowlada Costa Rica ayaa sheegay inay xireen ninkan kadib markii ay la tashi la sameeyeen hay’ada Maraykanka u qaabilsan soo galootiga IC E. Ninkan dhalinyarada ah ayaa lagu hay aa saldhig boolis ee M/San Jose ee ah ca asimada dalka Costa Rica. Hase yeeshee dhal inyaro badan oo Soomaali ah ayaa ku kala firirsan caalamka iyagoo doonaya in ay galaan dalalka hodonka ah sida wad anka Maraykanka,Canada iyo qaar ka tirsan wadamada Yurub.

NINKIII LONDON KA GEYSTAY WEERARKA OO LA AQOONSADAY

Saafaahin dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxaysaa Khaalid Mascuud oo 52jir ahaa oo Arbacadii gaari ku jiirsiiyay dad marayay buundada Westminster ee M/Lo ndon, ka hor inta uusan si xun u tooriyeen askari boolis ah oo ilaalo ka ahaa baarl amanka UK. Waxaa la fahansan yahay in Mascuud uu ku dhashay aaga Darford de egaanka Kent, markaa oo loogu yeeri jiray magac kale oo ah Adrian Elms.

Xalayna boolisku waxa uu sheegay in nin 75 jir ah uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray gaarigii ku dhacay, taasi oo tirada dhimashada ka dhigaysa 5 qof marka lagu daro Mascuud oo ay boolisku toogteen.

Ka dib markii ciidamada Scotland Yard ee mas’uulka ka ah ammaanka London ay shaaciyeen haybta Khaalid Mascuud ayaa waxa ay sheegteen in uu isticmaalayay dhowr magac oo kale. Ciid amadan ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ninkan markii hore aan la fileyn uu la bixi doono Ma scuud maadaama uu deegaanka Kent uu ku dhashay maalin ku beegan ciidda masiixiga sanadkii 1964kii.

Waxaana uu magaciisa ahaan jiray Adr ian Elms, waxaana soo baxaya suurtagal nimada ah inuu badalay magaciisa ka dib markii uu qaatay diinta islaamka. Inkastoo aanay jirin cid si rasmi ah u xaqiijisay arr intan, haddana arrintan ayaa waxaa ay ba arayaasha ka caawin kartaa inay fahmaan ficiladiisii hore ka hor inta uusan geysan weerarkan.

Booliska waxa ay sheegeen in Masc uud uu dhawaantan ku noolaa deegaanka West Midlands isla markaana uu shirkad fadhigeedu yahay magaalada Birmingham uu ka soo kireystay gaariga uu dadka ku jiirsiiyay buundada Westminster.

AMISOM OO LAGU WAREEJIYAY QALAB FASHILIYA QARAXYADDA ISMIIDAAMINTA

Dowladda Mareykanka ayaa shalay Tal iska M/Afrika {AMISOM} ee Soomaliya ku wareejisay Gaadiid kuwa dagaalka ah oo loogu Talagalay in ay adeegsaan Ciidam ada AMISOM.

Gaadiidkaan lagu wareejiyay taliska AM ISOM ee Soomaliya ayaa tiro ahaan lagu sheegay 16 ga ari waxaa la tilmaamay in ay yihiin Gawaaridaan kuwa Fashilaya qa raxyada islamarkaana aan saameyn ku yeelan doonin Gawaarida.

Gaadiidka waxaa Taliska AMISOM ee Soomaliiya ku wareejiyay Saraakiil ay W/ G/ndhiga D/Mar eykanka Soomaliya usoo dirtay. Qalabka ku xiran Gawaaridaan ay aa la sheegay inuu fashilinayo qaraxyada kuwa la aaso, kuwa laga hago Ramuud Kontoroolka, kuwa lagu soo xiro Gawaari da oo Al-shabaab ay adeegsadaan Mudo oyinkii dambe. D/Mareykanka ayaa Soom aliya ka Taa geeraysa dhinacyadda amni ga iyo Hor marka.

BURCAD BADEED KA AFDUUBATAY MARKAB XEEBTA EYL

Koox Burcadbadeed ah ayaa markab yar waxa ay ku afduubteen xeebaha deg mada Eyl gobo lka Nugaal iyagoo gudaha u galay badweynta Hindiya si ay maraak iibta maraysa xeebaha ugu weeraraan.

Burcad badeeda ayaa la sheegay inay ku dejiyeen beriga toban ka mid ahaa sha qaalihii saar naa doonta iyagoo hore u sii kaxeystey naaquudiyihii doonta,cunto kar iye iyo injineer saarnaa doonta.

Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in kooxdan burcad badee da ay geysteen falkan afduubka ah. 7aad kii hore ayaa koox burcad badeed ah wa xa ay afduub u geysteen markab ku sii jee day M/Muqdisho hase yeeshee dhowr ma almood ka dib ayaa waxaa ay sii daa yeen kooxda afduubka geysatay markabkii ay

Qafaasheen.

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO WARBIX IN SIIYAY SHIRKA GOLAHA AMMAANKA

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya M/C/hi Farmaajo ayaa isaga oo ku sugan M/Nayrobi wa xaa uu khadka isgaarsiinta leyska arko uga qeybgallay shirka golaha ammaanka oo looga hadlay xaalada bani' aadannimo ee Soomaaliya.

Md.Farmaajo ayaa ugu horeyn sheegay in doorashooyinkii dhawaan ka qabsoom ay dalka si nabad ah u dhaceen, isaga oo intaa ku darray in taariikhda inta la xasuus to haweenka Soomaali yeed baarlamaan ka ku leeyihiin 30%. Sidoo kale ayuu gola ha ammaanka u sheegay inuu rajo wana agsan ka qabo in baarlamaanka Soomaali ya codka kalsoonida siiyaan golaha wasii rada cusub ee dhawaan lagu dhawaaqay.

‘ ’Waxaan rajo wanaagsan ka qabaa in baarlamaanka uu meel marin doono gola ha cusub ee wasiirada si aan wada jir u bi laawno howsha la dagaalanka abaarta dar an ee dalka ka jirta’’ayuu yiriMd. Farmaajo

Mar uu soo hadal qaaday saameynta ab aarta ayuu shee gay in kala bar shacabka Soomaaliyeed ay wajahayaan xaal ad bani ’aadannimo oo daran, halka 15% ay la ild aran yihiin macaluul ka dhalatay abaarta, isaga oo ugu baaqay beesha caalamka in ay sida ugu dhaqsiyaha badan arintan u ga jawaabaan.

‘’Waxaan si naxriis leh u weydiisaney naa dhammaan kuwa taageera aritan in ay gacan ka geystaan, ma’aha oo kaliya inay Soomaalidu xasuusan doonto saaci daadiina, laakiin waxaa ay no qon kartaa arin taariikhi ah’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Isagoo Ugu danbeyntii, kulanka xub naha golaha ammaanka ayaa waqti ko rdhin loogu sameeyay howlgalka UNSOM ee Soomaaliya

AMMAANKA GOBOLKA WAQOOYI BARI EE KENYA OO SHALAY LA ADKEEYAY

Sida laga soo xigtay saraakiisha amma anka ee dalka Kenya dowladda Kenya waxa ay si weyn u adkeysay ammaanka qaar ka mid ah magaalooyinka dalka Ken ya. Ilaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa sheegaya inay jirto cabsi xoogan oo ku aaddan in ururka AlShabaab ay weerar ku qaa dan dalka Kenya.

Gudoomiyaha degmada Mandera ayaa sheegay in ay AlShabaab doonaayaan in ay weeraraan xarumaha muhiimka ah ee dalka Kenya , gaar ahaan degmada Man dera. Warbixin hoose oo laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ilaha sirdoonka ee dow ladda Kenya ayaa lagu sheegay in dowlad da Kenya ay ciidamo dheeraad ah ay gey say xadka ay la wadaagto dalka Soomaal iya , si looga Ho rtago weeraro ka dhaca G/W/ Bari ee dalka kenya.

Ammaanka Magaalooyinka Waa weyn ee dalka Kenya ayaa si weyn loo adkeey ay ,AlShabaab ayaa la sheegay in ay 2 ji baareen weerarada ay ku qaadayaan ciid anka dowladda Kenya ee ku safraaya xad ka 2da dal , waxaana weeraro ka dhacay xadka lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidan ka dowladda Kenya.

Xarakada AlShabaab ayaa Kenya ku soo qaadeysay weeraro laga soo bilaabo sanadkii 2011 markaasi oo ciidanka dow ladda kenya ay gudaha usoo galeen Soomaaliya.

BOOLISKA UGANDA OO RAADINAYA ASKAR TOOGATAY GABAR SADDEX SANO JIR AH

Booliska dalka Uganda ayaa raadinaya 4 ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u taba baran kuwaa soo lagu eedeeyay inay toog asho ku dileen gabar 3 sano jir ah.

Waxa lagu eedeynayaa inay sidoo kale dhaawa ceen gabadha hooyadeed iyo nin kale. arrintani ayaa ka dhac day tuulo ku ta alla gobolka Mityana ee bartamaha dalka Uganda Isniintii. 4si askeri wakhtigaa iya da ah rasmiyan shaqo kuma aanay jirin, mana cadda sababta ka dambay say toog ashadaasi.

Booliska ayaa dhacdadani ku tilmaam ay mid si aad loo ga xumaado, waxayna sheegeen inay bixin doonaan khar ashaad ka ku baxaya dawada dadka dhaawaca ah. Raggaasi ayaa lagu soo waramayaa inay bax sadeen, booliskuna waxay wacad ku mareen in raggaasi gacanta lagu soo dhigi doono.

DOON AY SAARNAAYEEN BOQOLAAL TAHRIIBA YAAL AH OO KU DEGTEY XEBTA DALKA LIBYA

Wararka ka imanaya dalka Libya ayaa sheegaya in laga cabsi qabo inay dhinte en dad ka badan 200 oo ruux kuwaasoo ahaa tahriibayaal ka dib markii ay la deg tay doon ay saarnaayeen. Sarkaal u hadl ay hay’ad fadhigeedu yahay dalka Spain ayaa sheegay in la helay meydadka shan ruux oo kaliya kuwaasoo dul sabaynayay badda iyadoo laga cabsi qabo in dhamm aan dadkii kale ee saarnaa markabka ay dhin teen.

Ms.Lanuza oo u hadlayay hay’adan wa daniga ah ay aa sheegay in ugu yaraan 240 tahriibayaal ay saarnaaye en doontan ka soo shiraacatay xeebaha dalka Libya.

Hase yeeshee ilaalada xeebaha dalka Tal yaaniga ayaa sheegay inaysan jirin war soo gaaray oo ku saabsan doontan ayna ka qeybqaadanayaan raadintii dadka la sheegay inay la degtey doontii ay saarnaa yeen.

Dadka ka soo tahriibaya xeebaha dalka Libya ayaa kordhay sanadkan waxaana gaaray xeeba ha dalka Libya afartameeyo doomanka ay dadka ku tahriibaan 7dii la soo dhaafay. Hay’ada IOM oo u qaabilsan dadka soo galootiga ah Q/M ayaa waxaa ay sheegeen in labaatan kun oo tahriiba ya al ah ay gaareen dalka Talyaaniga waxaa na la sheegay in dad gaaraya 559 tahriiba yaal ay dhinteen ama lagu la’ yahay bad da.

DOWLADDA TURKIGA OO GARGAAR QEYB KA AH GURMADKA ABAARAHA KA DAJISAY MUQDISHO

Dowladda Turkiga ayaa shalay garoon ka diyaaradaha M/Muqdisho ka dajisay ha ltan oo gaar gaar cuno ah oo loogu talaga lay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhibaateysa gobollada dalka Soomaal iya. Gargaarkan oo ay ku deeqday hay’ad da Bisha cas ee Turkiga ayaa waxaa la gu wareejiyay gudiga gurmadka Qaran ee abaaraha si markaa uu qeyb uga noqdo dadaallada lagu caawinayo dadka ay ab aartu saameysay.

Raashinkan ayaa u badan nafaqada ca ruurta, madaama baqdinta ugu weyn ee la qabo tahay macaluul ka dhalatay nafaqo darro soo food saartay carruurta ku dhaq an ilaa 11 gobol oo ka mid ah 18ka gobol ee Soomaaliya, taa oo sababi karta marka danbe dhimasho baahsan.

Dowladda Turkiga ayaa dhawaan she egtay in tan iyo sanadii 2011 ay Soomaal iya ku bixisay lacag dhan hal bilyan oo dollar. Ugu danbeyntii, marka laga soo ta go deeqdan ka timid dowladda Turkiga, dhinaca kale waxaa soconaya dadaalo ka la duwan oo ay wadaan hay’addo caalami ah iyo dadka Soomaaliyeed ee ka damqa naya daruufaha nolaleed ee la soo darsay dadka abaartu saameyeen.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip