Beelaha Habar Gidir oo taageeray Xukuumadda Cusub kuna baaqay in la Ansixiyo

0
Wednesday March 22, 2017 - 18:43:06 in Wararka by
  • Visits: 522
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beelaha Habar Gidir oo taageeray Xukuumadda Cusub kuna baaqay in la Ansixiyo

    Waxgaradka Beelaha Habar Gidir ayaa si diiran maanta waxa ay u soo dhaweeyeen Golaha Wasiirada Cusub ee Soomaaliya iyagoona ka dalbaday Xildhibaanada Baarlamaanka in ay meel mariyaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxgaradka Beelaha Habar Gidir ayaa si diiran maanta waxa ay u soo dhaweeyeen Golaha Wasiirada Cusub ee Soomaaliya iyagoona ka dalbaday Xildhibaanada Baarlamaanka in ay meel mariyaan.

Ugu horreyn Caaqil Xasan Cilmi Yaxye ayaa sheegay ayaa soo dhaweeyay Xubnaha Cusub ee Golaha Wasiirada isagoona ku booriyay Xildhibaanada in ay taageeraan Xukuumadda Cusub islamarkaana codkodoa Kalsoonida ah ay siiyaan.

Dhinaca kale Caaqil Xasan Cilmi Yaxye ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Xukuumadda kuna tar tarsiiyaan Xildhibaanada Ansixintooda.

Ugu dambeyn Imaam Cabdullaahi Khaliif Rooble ayaa ka codsaday Golaha Wasiirada Cusub in iyaguna haddii ay helaan Kalsoonida Baarlamaanka oo matala Shacabka Soomaaliyeed ay noqdaan kuwa bulshoweynta Soomaaliyeed u adeega ee aan ka shaqeysan sida uu hadalka u dhigay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shalay soo Magacaabay Golihiisa Wasiirada kuwaas oo la horgeyn doono Golaha Shacabka si Codkooda Kalsoonida loogu weydiiyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip