
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 20-KA MAARSO 2017-KA
Markabka Arra13 ayaa dhawaan lagu qafaashay xeebta Caluula ee Puntland, waxaana mar kabkaasi qabsaday koox sheegtay in ay kasoo horjeedaan sumeynta ay Maraakiibta shisheeye ka wadaan Badda Soomaaliya.
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/Xakiin Cumar Cameey oo goob joog ka ahaa halka lagu soo bandhigay Marakabkan ayaa ku amaanay ciidamada Badda Puntlnad gacantii ay ka geesteen sidii Markabkaasi loo sii deyn lahaa.
Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay xoog kusoo furteen Markabka la afduubtay halka Oda yaasha degmada Caloola dhankooda sheegeen in waan waan ay sameeyeen lagu sii daayay marka bkaasi ay qafaasheen dhalinyaro sheegtay in ay yihgiin Kaluumeesato.
MADAXTOOYADDA KENYA OO WAR KASOO SAARTAY SOCDAALKII UHURU KENYATA UU KU TAGAY DHOOBLEY
Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Socdaalkii Madaxweynaha dalkaas Uhuru kenyata uu ku tagay degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose kaasi oo ay ka carootay Dowladda Federaalka Soomaliya.
Afhayeenka Aqalka Madaxtooyadda Dowladda Kenya, Monoah Esipsu oo shalay shir jaraaid ku qabtay Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka kenya ayaa sheegay in socdaalkii uu daraad ka ta gay degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose madaxweyne Kenyata uu ahaa mid caadi ahaa, inkastoo ay Dowladda Somalia ka carootay arrintaasi.
Sidoo kale Afhayeenka Aqalka Dowladda Kenya, Monoah Esipsu ayaa beeniyay inay Xiisad Diplomaasiyadeed u dhexeyso Dowladaha Somalia iyo Kenya, ay ka dhalatay kadib, booqashaddii uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku tagay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubada hoose.
Afhayeenka Aqalka Dowladda Kenya, Monoah Esipsu ayaa sidoo kale sheegay haddii uu mu gdi ka dhex jiro labada Waddan inay kga hadli doonaan Khadadka Diplomasiyadda, waa sida uu had alka u yiri afhayeenka.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili Madaxweynaha dalka kenya Uhuru kenyata uu daraad ka soo tallaabay Xuduudka Somalia, isagoo soo booqday Ciiddanka Kenya ee ku sugan Degmadda Dho obley oo u dhow xuduudka Kenya,dowladda Soomaliya ayaa la ogaaday in ay aad kaga xumaaday arinta uu sameeyay Madaxweynaha Kenya.
URUR GOBALEEDKA IGAD OO KA DAYRIYEY XAALADA SOOMAALIYA EE DHANKA ABAARTA
Wasiiradda Arrimaha Dibada Dalalka Xubnaha ka ah Urur Gobaleedka Bariga Africa ee IGAD oo kulan ku Yeeshay Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya ayaa ka wada hadlay Xalaadda Abaar ta ee ka jirta Geeska Africa iyo qaabka ay ula tacaalayaan Wadamo ay sida Xoogan Abaartu ugu dhifatay.
Kulanka Wasiirada ayaa lagu Sheegay in in ka badan 20 million oo Qof ay la soo daristay Cun to la’aan iyo Macluul waxaa ayna walaac ka muujiyeen halis ka dhalatay xaalada abaarta ee ay waj ahayaan Bulshada Dalka geeska Africa.
Wasiirada Urur Gobaleedka IGAD ayaa Beesha Caalamka ka dalbaday in la dadadejiyo taage ero Biniaadantinimo iyo Lacago dheeraad ah oo la siiyo wadamada Xiligaa walwalka badan laga qa bo uu ka mid yahay dalka Soomaaliya oo ka mid ah wadamada ay sida Xoogan ay Abaarto usaamay say .
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo dalkiisu uu mari galiyey Shirka Wasiirada Dalal ku midaysan Urur Gobaleedka IGAD ayaa Sheegay Xaalada Abaarta ee ka jirta Dalal dariska ah ee Soo maaliya iyo Kenya ay marayso heerkii ugu Xumaa dalka Kenaya ayuu sheegay 3 million oo ka mid ah Bulshada dalkaasi wajahayaan Gaajo iyo Caafimaadaro halka dalka Soomaaliya uu Xusay in busha da ku nool kala bar ay saameyntu gaartay.Madaxweyne Uhuru ayaa ku baaqay in la sameeyo Gurm ad heer Caalimi ah si loo badbaadiyo Malaayiinta Qof ee qarka u saran inay u Geeriyoodaan Macal uusha oo ka mid ah Cawaaqib Xumada ka ay Sababta Abaarta.
XILDHIBAAN KA TIRSAN PUNTLAND OO U GEERIYOODAY DHAAWAC KA SOO GAARAY QARAX
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo lagu magacaabo C/qaadir Faarax Bootaan ay aa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax 8dii bishan loogu xiray gaarigiisa, xilli uu ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa xaqiijiyay in Xildhibaan Bootaan uu ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Nairobi.
Waxaa lagu wadaa in meydkiisa loo soo qaaday deegaanada Puntland, si loogu aaso, waxa ana socda qaban qaabo loogu sameynayo aaskiisa.
Marxuumka ayaa dalka Kenya loogu qaaday, markii xaalada dhaawiciisa ay cuslaatay, waxna looga qaban waayay gudaha Puntland.AlShabaab ayaa horay u sheegatay mas’uuliyada qaraxaas, waxaana uu noqonayaa xildhibaankii u horeeyay oo ka tirsan Puntland oo lagu dilo qarax gaarigiisa loogu xiro
ENGCAMEY:"MA AQABLI KARNO IN CIIDAMADA NATO AY SII JOOGAAN XEEBEHEENA”,
Maamul Goboleedka Puntland ayaa farriin culus u diray ciidanka caalamiga ah ee jooga biya ha wadanka Soomaaliya kuwaasi oo dhibaatooyin aan loo meel dayin ku haya Kuluumaysatada Soo maliyeed.Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo warbaahinta kula Hadlay Magaalada boosaaso ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin Kuluu maysatada Soomaliyeed islamarkaana ay fariin tii ugu dambeysay ay u dirayaan Ciidamada NATO ee ku sugan biyaha Soomaliya.
Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa sheegay in Puntland aysan aqbali karin Ciidamada shisheeye sii joogaan xeebeheena haddii aysan waxba ka qaban karin jariifka iyo kallu umaysiga sharci darrada ah ee ka socda biyaha Puntland.
Sidoo kale Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka puntland Eng C/xakiin Xaaji Cumar Camey, waxa uu intaas ku daray in ciida mada shisheeye ee jooga xeebahya Puntland ay kaalin ka qaataan falalka burcad badeeda, maadaama aysan waxba ka qaban dhibka lagu hayo kalluumaysatada Soomaalida.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili kooxihii dhawaan qabsaday Markabka ARIS ay sheegeen in ay u sameeyeen arintaas dhibaatooyin ay kala kulmeen Ciidamada Shishiyee ee ku sugan Biyaha Soomaliya.
WADDOOYINKA MUQDISHO OO WALI LA XIRO, KADDIB DOORASHADII MADAXWEYNE FARMAAJO (WARBIXIN)
Xirnaanshaha waddooyinka ayaa ahaa waxybaahihii ay ku caan baxday dowladdii xilkeeda dhamaaday, waxayna aheyd dhaliilaha ugu badan ee loo jeedinayay, taasoo noqotay fursad ay ku workacsadaan Musharaxiintii xilka Madaxweynaha u tartameysay oo mar walba ku eedeyn jiray dowl adda xirnaanshaha waddooyinka iyo dhibaatooyinka shacabka ku qabaan.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa lagu xusuustaa waxyaabo badan oo uu balanqaaday, markii uu jeedinayay khudbaddiisii Musharaxnimo.
Balamihii uu sameeyay ayaa waxaa ka mid ahaa arrinta xirnaanshaha waddootinka oo sha cabka ku nool Muqdisho ay dhibaato badan ku qabaan.
Dad badan ayaa aaminsanaa in hadalkaas inuu ahaa waxyaabihii dadka u laabqaboojiye, maa daama xirnaanshaha waddooyinka ay aheyd utun ku taagneyd.
Farmaajo ayaa u balan qaaday shacabka in dowladdiisa aanay waddo xireyn, isla markaana dhaqanka xirida waddooyinka uu bedeli doono.
"Waxaan bedalaynaa oo kale haddii aad fursad isiisaan oo aad ii doorataan xilkaan aan raad inayo in dowladdu awoodeedu ku caburiso shacabka intii ay ugu adeegi lahayd, jidadkaan la xirayo oo maalmahan oo dhan xiran waxa weeye waa qeyb ka mid ah caburin, haddii aad i doorataan had aan magaaladan nabad keeni waayo baaburti waa weyneyd yaan gadaal ka geli, jid la xirayo maji rayo, markaan Shabaab ka adkaanno markaas baan baabuurta ku raaxeysaneynaa, laakiin isma kee ni karto in adoo dagaal ku jira iney jidadku umadda ka xiran yihiin dadka u baahna”ayuu yiri Mada xweyne Farmaajo khudbadii uu Baarlamanaka ka jeedinayay ka hor doorashadii 8da February
Doorashada Farmaajo kaddib dad badan oo hadalkaas soo jiiray ayaa ku laabqabowsaday, is la markaana niyada gishtay in aanay mar dambe jiri doonin caqabad dambe oo ku aadan in wadd ooyinka la xiro.
In ka badan saddex jeer ayaa waddooyinka halbowlaha u ah magaalada Muqdisho la xiray, ka dib doorashadii Madaxweyne Farmaajo, waxayna arrintan saameyn ku yeelatay dad ka shaqeysta magaalada, ardayda iyo dad arrimo caafimaad u socday.
Waddo xiristii ugu yaabka badneyd ayaa aheyd 18kii bishan oo ku beegneyd maalintii daraad oo sabti aheyd, waxaana aroor hore ay dadka ku soo tooseen ciidamo fara badan oo waddooyinka ku sugan, dadka iyo gaadiidkana ka celinaya.
Dadka reer Muqdisho ayaa layaab ku noqotay dhacdadii daraad, maadaama marka wado la xirayo ay sii ogaan jireen, balse markii waagu baryay ku soo toosay jidadka oo xiran.Madaxweyne Farmaajo wali kama uusan hadlin waddooyinka la xiro, maadaama uu balan qaaday in aan wax jid dambe la xiri doono, waxaana dad badan ay sugayaan jawaabta uu arrintan ka bixi doono, maadaama uu ahaa ha dal uu horay olole ku galay.
Shacabka Muqdisho ayaa xaqiisaday in is bedel kasta oo hoggaanka ku dhaco aanu qeyb ka noqon doonin nidaamka xilligaas jiray ama hab dhaqankii dowliga ahaa, waxaana hadal walba oo siyaasiyiinta ku kasbadaan shacabka loo qaadan doono inay tahay balan aan afka soo dhaafin.
Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu ahaa musharaxii ugu balanqaadka badnaa, si gaar ahna u ogaa dhibaatooyinka shacabka tabanayeen, wuxuuna siyaasiyi inta kale uga duwanaa inuu garanayay lahjada lagula hadlo shacabka iyo sida loo soo jii to.xigasho.jowhar.com
RA’IISUL WASAARE KHEYRE OO WAR KA SOO SAARAY ARRIMAHA DOORASHADA MADAXWEYNAHA GALMUDUG
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay arrimaha doorashada Mada xweynaha Galmudug ee dhowaan looga dhawaaqay inay ka dhici doonto degmada Cadaado.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulamo wada tashi oo is daba joog ahaa kala yeeshay arrimaha doorashada qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug, hoggaanka Maamulkaas, Xildhibaanada Baarlamaanka, qaarkood, Xildhibaanada aqalka sare iyo xubnaha golaha shacabka ee laga soo door tay Galmudug
Kulamada kaddib ayaa Ra’iisul Wasaaraha soo jeediyay shan qodob oo la xiriira arrimaha do orashada Galmudug iyo sida lagama maarmaanka u tahay in dib loogu dhigo.
RA’IISUL WASAARAHA AYAA SOO JEEDIYAY QODOBADAN HOOS KU XUSAN:
1-ka dib markuu tixgeliyey duruufaha qalafsan ee ka dhashay xaaladda abaaraha ee ka jirta deega anka Galmudug oo hadda gurmadkeeda lagu gudo jiro iyo baahida loo qabo maamul lagu wada qanacsanyahay.
2-Maadaama ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ay ku gudo jirto dhameystirka Golaha Fulinta ee xukuumadda taasoo aan looga maarmeyn fududaynta iyo ka qayb qaadashada doorasahda Galmud ug.
3-Raiisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu soo jeedinayaa in Barlamaanka Galmudug uu doorashada dib u dhigo muddo dhan 45 maalmood si loo yagleelo maamul dhaxal gal ah oo hoggaankiisa heshiis laga wada yahay.
4-Murashaxiinta Jagada Madaxweynaha Galmudug waxaan ugu baaqayaa in ay nala tixgeliyaan in la helo dibuheshiisiin iyo is afg rad, si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu doorto hoga an raali ka yihiin dhammaan shacabka Galmudug.
5-Ugu danbeyntii waxan ugu baaqayaa shacabka Galmudug iyo hogaamiyeyaasha Bulshada Galmudug in fursadan taariikhiga ah loo wada guntado, si iyadoo loo dhan yahay loo dooran lahaa ho ggaan u hordeeda bulshada nabad iyo horumar dhan walba ah.
Soo jeedinta ka timid Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la oge yn sida ay ka yeeli doonaan Xildhibaanada Galmudug oo qaark ood doonaya in doorashada Madaxweynaha Galmudug ay qabt een, iyadoo ka madax banaaneynaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo ay dhowaan mo oshin ka keeneen.
Si kastaba ha ahaatee tan iyo markii Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guu leed is casilay bishii la soo dhaafay, waxaa olole loogu jiray xilkaas, iyadoo Musharaxiin dhowr ah ay ku dhawaaqeen inay u taagan yihiin xilkaas.
SUXUFI KA TIRSAN RADIO SHABELLE OO MUQDISHO LAGU DHAAWACAY
Suxufi ka tirsan Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho, ayaa ku dhaawacmay israsaa seyn ciidamada dowladda ku dhexmartay nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan.
Mahad Maxamed C/raxmaan (Mutawakil) oo ah Suxufiga dhaawacmay ayaa la sheegay inuu ku sugnaa goob ciidamada Maamulka Degmada Hodan ay ka wadeen howlo bur burin ah.
Ciidan kale oo la sheegay inay ka tirsan yihiin dowladda oo ka carooday bur burinta guryaha la gu haayo ayaa rasaas ku bilaabay ciidamada Maamulka Degmada Hodan, waxaana halkaasi ka dha shay Khasaare.
Wariyaha oo ku sugan goobta ayaa xabadihii ciidamada ay isweydaarsanayeen ku dhacday si da Suxufiyiin Shabelle ka tirsan ay xaqiijiyeen.
Wariyaha ayaa la sheegay garabka iyo kilida inay kaga dhacday xabada, iminkana lagu dabi ibayo Isbitaal ku yaal Magaalada Muqdisho.
Suxufiyiinta Radio Shabelle waxa ay ku waramayaan xaaladda Wariyaha inay tahay mid wana agsan oo iminka daryeel caafimaad loo fidiyay.
Idaacadda Shabelle ayaa ka mid ah Idaacadaha ka hawlgala Magaalada Muqdisho oo suxufu iyiin fara badan laga dilay.
MEYDAD HOR LEH OO SOOMAALI AH OO LAGA HELAY XEEBAHA YEMEN
Meydad Hor leh oo Soomaali ah ayaa laga helay xeebaha dalka Yemen sida ay shaaciyeen Qa ar ka mid ah Warbaahinta dalka Yemen , waxaana wali lala’yahay Tiro kale.
Ilaa iyo Saddex qof oo Soomaali ah oo Meyd ah ayaa laga helay Xeebaha dalka Yemen ,waxaa na la geeyay isbitaalka Xudeyda ee dalka Yemen.
Dadkaan ayaa ka mid ah dadkii Soomaaliyeed ee dhawaan lagu dhuftay gantaalka xilli ay dooni saarnaayeen ,islamarkaana ay maraayeen xeebaha dalka Yemen.
Sidoo kale tiro kale oo ay ka mid yihiin Hooyo iyo sidoo kale Caruurteeda ayaa wali lala’yahay, waxaana hay’adaha Gargaarka ay wadaan baaritaano kala duwan.
AHLUSUNNA OO FAAHFAAHISAY GAARI IYO 3 QOF OO AY QABATAY
Maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe ayaa sheegay in Duleedka Degaanka Mareergur Ee Gobolka Galgaduud ay ku Qabteen 3 nin oo Watay Gaari noociisu yahay kaarib.
Ahlu Sunna waxa ay sidoo kale sheegtay in 3da nin ay Gacanta ku Dhigeen Ay uga Shakiyeen in ay Ka tirsan yihiin Ururka Alshabaab.
Afhayeenka Ciidanka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya Nuur Xasan Qory ooleey oo Wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay ku guuleystaan in 3 nin iyo gaariga ay wateen ay gacanta ku soo dhigaan.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Ciidamada Ahlu Sunna ay sii laba jibaarayaan howlgalada ay ka sameynayaan degaanada Gobolada Dhexe si loo xajiiyo amaanka guud ee degaanada Gobolada.
Sidoo kale Afhayeenka Ciidanka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya Nuur Xasan Qaryooleey ayaa shacabka gobolada dhexe ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada ama anka ee Maamulka Ahlu Sunna.
MAS'UUL SHEEGAY IN AANU XIRIIR KA DHEXEYN TRUMP IYO RUUSHKA
Madaxa guddiga Congresska Maraykanka u qaabilsan sirdoonka ayaa sheegay in aanu hayn caddeyn muujineysa in ay wada shaqeyn dhexmartay Ruushka iyo ololihii doorashada madaxweyne Trump ee sanadkii tegay.
Devin Nunes, oo waraysi siiyay telefishinka Fox News ayaa sheegay in sidoo kale aanay jirin ca ddeyn muujineysa in madaxweynihii hore ee Barack Obama uu amray in si qarsoodi ah loo dhagay sto dabaqa Trump Tower.
Mr Nunes ayaa hadalkan sheegay ayadoo maalinta beri ah uu agaasimaha FBI, James Comey, hortagi doono guddigaasi, si uu uga jawaabo su'aallo ku aaddan in Ruushka uu farageliyay doora shadii Maraykanka ka dhacday sanadkii hore.
Mr Nunes ayaa dhanka kale sheegay in uu ka walaacsan yahay eedeymaha ah in sirta qaranka Maraykanka loo dusiyo warbaahinta, asagoo sheegay in arrintaasi ay tahay dembi baaritaan u baahan.
AKHRISO:AGAASIMIHII GUUD EE LA DAGAALANKA BUDHCAD BADEEDA PUNTLAND OO XILKA LAGA QAADAY
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo xil kaqaadis ku sameeyey Aga asimaha Guud ee ladagaalanka burcad badeeda Puntland, kadib markii Digreeto Xeer Madaxweyne Lr. ee March 19 2017 ay xafiiskiisa kasoo baxday.
Xeer Madaxweyne Lr. 29 ee March 19 2017, Kuna Saabsan Xil Kaqaadis Agaasimaha Guud Ee Ladagaalanka Burcad Badeeda Dowladda Puntland
Madaxweynaha Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasiirka dekedaha, gadiidka badda iyo lafagaalanka burcad bad eeda
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo isbadalka iyo dardargalinta Agaasinka Ladagaalanka burcad badeda Puntland
Waxuu xeeriyey:
Waxuu xilkii Agaasimaha Guud ee ladagaalanka burcad badeeda ka qaaday Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane)
1. Xeerkani waxuu Dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo wuuna saxiixay
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Puntland
BOGGA CAYAARAHA
WARBIXIN: IN LIVERPOOL AY BOQORADA KOOXAHA WAA WAYN TAHAY IYO XAQIIQOOYIN KALE OO LAGA DIWAAN GALIYAY KULANKII MAN CITY & LIVERPOOL DHIBCAHA KU QAYBSADEEN.
Waxaa jirta falcelin badan oo laga samaynayo kulankii Etihad Stadium ku dhex maray kooxaha Manchester City iyo Liverpool inkasta oo uu ahaa kulan ku dhamaaday barbaro 1:1 ah. Kooxaha Gua rdiola iyo Klopp ee Manchester City iyo Liverpool ayaa amaan wayn ku helay qaabkii fiicnaa ee ay u ciyaareen laakiin labada kooxood ayaa lumiyay fursado cajiib ahaa oo dhawr gool loogu kala badin kari lahaa.
Pep Guardiola (right) shakes hands with his German counterpart while behind the substitutes ta ke to their seats
Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa xaqiiqooyin laga ururiyay kulankii Etihad Sta dium waxaana ugu wayn in Liverpool ay 20 dhibcood xili ciyaareedkan ka heshay dhamaan kooxaha waa wayn ee ay sida tooska ah ula tartamayso waxayna kooxda ugu soo xigta ka saraysaa 10 dhibc ood oo ay ka heshay lixda koxoood waa wayn.
XAQIIQOOYINKII KULANKII ETIHAD STADIUM EE MAN CITY VS LIVERPOOL:
Manchester City ayaa markii ugu horaysay guuldaro ka dheeraatay todoba kulan oo xidhiidh ah ee kulamada Premier Leaquega tan iyo markii uu Pep Guardiola la wareegtay waxayna soo heshay 4 guulood iyo 3 barbaro ah oo uu kulanka Liverpool ugu danbeeyay.
Liverpool ayaa hadda ku guulaystay in ka badan 10 dhibcood koox kasta oo wayn oo horyaalka Premier leaquega ka ciyaartaa intii ay ka heshay kooxaha waa wayn. Liverpool ayaa lixda kooxood ee Premier Leaquega ugu waa wayn marka lays barbar dhigo ka heshay 20 dhibcood waxayna koo xda ku soo xigta ka saraysaa 10 dhibcood.
Liverpool players huddle around Milner as Emre Can (centre) jumps into the celebration scenes
James Milner ayaa dhaliyay goolkiisii 7 aad oo rekoodhe ah ee xili ciyaareedkan waxaana ka sareeya oo kaliya Steven Gerrard oo 10 gool rekoodhe ku dhaliyay xili ciyaareedkii 201314, waana goolasha horyaalka Premier leaquega.
Markale James Milner ayaa sii dheeraystay rekoodhka layaabka leh ee uu ka haysto horyaalka Premier leaquega kaas oo ah in aanu 47 kulan wax guuldaro ah soo arkin kulan uu kooxdiisa sha baqa u soo taabtay. Kulan kasta oo uu James Milner waayihiisa ciyaareed gool ka soo dhaliyay Prem ier Leaquega ayaa ku soo dhamaaday guul ama barbaro wuxuuna haystaa 37 guulood iyo 10 babr aro ah, hana sheegin wax guuldaro ah isaga oo Miner gool dhaliyay!!!!.
Sergio Aguero ayaa kulankii shanaad oo xidhiidh ah Liverpool shabaqa kaga soo taabtay Etih ad Stadium, wuxuuna caado ka dhigtay in uu kulan kasta oo Liverpool marti tahay gool dhaliyo shantii kulan ee ugu danbeeyay.
Kevin De Bruyne ayaa sameeyay gool caawintiisii 10 aad ee uu xili ciyaareedkan ka gaystay horyaalka Premier leaquega waxaana ka horeeya kaliya Gylfi Sigurdsson oo 11 gool caawineed u sameeyay kooxdiisa Swansea City.
Belgian midfielder Kevin De Bruyne bursts away from Sadio Mane after getting the better of the Liverpool man
Manchester City ayaa ku fashilantay in ay kulankii 13 aad oo xidhiidh ah ee tartamada oo dhan ah ay shabaqa ka ilaashato Liverpool iyada oo loo xambaariyay 24 gool waxayna heshay 2 guulood, 5 barbaro ah iyo 6 guuldaro.
ENGLAND PREMIER LEAGUE
Middlesbrough 1 3 Manchester United
Tottenham Hotspur 2 1 Southampton
![]() |
The desired applicant is dynamic, self-starting, detail-oriented, interdisciplinary and technically proficient, and is committed to improving human rights and developing the capabilities of civil society in East Africa.
DATA4CHAN.GE (D4C) is a project ofSmall Media Foundation. D4C matches human rights
DefendDefenders is the East and Horn of Africa Human Rights Defenders Project. We seek to strengthen the work of human rights defenders (HRDs) throughout the region by reducing their vulnerability to the risk of persecution and by enhancing their capacity to effectively defend human rights. DefendDefenders works in Burundi, Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Rwanda, Somalia (together with Somaliland), South Sudan, Sudan, Tanzania, and Uganda. Learn more atwww.defenddefenders.org
Minimum Qualifications
Minimum 3 years working or freelancing experience in ICT, media, journalism, design, data, development, NGO, human rights, communications, or related fields – preferably with experience in the intersections of combinations of these fields.
Required skills/experience
Applicants must have the following skills:
· Project management & logistics skills
· Strong writing skills
· Familiarity with office and online communication and collaboration tools (e.g. Google Apps)
· Experience in communications and social media
· Advanced overall ICT skills
· Willingness and ability to learn new skills rapidly
· Monitoring & Evaluation
Plus expertise in some mixture of the below areas:
· Data
· Data journalism
· Campaigning or Human rights advocacy
· Databases, data
· Graphics Design/Illustration
· Working with creative consultants (Designers, developers, etc) to complete projects
· Web development
· Mapping
Spoken and written English fluency is essential.
Responsibilities
- Promoting the ‘DATA4CHAN.GE’ project in East Africa, shortlisting
applicants, and serving as point of contact for selectedorganisations - Contribute to curriculum on data collection and electronic documentation for human rights
organisations - Mentorship and support to human rights
organisations to improve skills and usage of electronic documentation and data for advocacy (including social media strategies, advocacy projects, reporting, analysis, and datavisualisation ) - Logistics for 2 major workshops plus mini-seminars
- Selecting and directing contractors and consultants (designers and developers) in creating data-driven advocacy campaigns
- Writing blogs, social media posts, and success stories from the project
- Communications with project partners and beneficiaries
Contributing to impact measurement reporting
Use collaborative tools (Google Docs, Slack) to communicate and document project progress
Narrative reporting
Reviewing financial reports
In discharging the above responsibilities the Project Lead will have the oversight and input of DefendDefenders and Small Media staff.
Salary and Benefits
Salary: 4,500,000/= UGX Gross (before PAYE and NSSF deductions)
Benefits: Health insurance plus 1
Working conditions and Term
Contract period is 10 Months with the possibility of renewal.
Location Kampala, Uganda
Apply Now Email jobs [at]
Share this article





←HRC34: Interactive Dialogue with the Commission on Human Rights in South Sudan
HRC34: Oral Intervention on the adoption of South Sudan’s UPR outcome→
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 20-KA MAARSO 2017-KA
MARKABKII LAGU AFDUUBTAY DHAWAAN XEEBAHA PUNTLAND OO SHALAY LASOO BANDHIGAY. Dekadda Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa shalay lagu soo bandhigay Mar kabkii ay qafaasheen koox la sheegay in ay ahaayeen burcad badeeda Soomaalida balse