
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 14-KA NOVEMBAR 2015-KA
Madaxweynaha Faransiiska Franc ois Hollande ayaa xilliga weerara da dhacayeen daawanayay ciyaar kubada cagta ah oo dhex mareys ay xulalka France iyo Germany, oo ka dhaceysay garoonka Stade De France, iyadoo weerarka kadibna laga saaray goobta.
Ku dhowaad boqol ruux ayaa ku dhimatay Tiyaatarka Bataclan, halk aasoo kumanaan ruux ay ku daaw anayeen Koox Fanaaniin Mareyk an ah oo bandhig heeso ku qaban ayay Tiyaatarka, waxaana halkaas ka dhacay toogasho, dad badan ay aa markii rasaasta bilaabatay ka cararay goobta.
Waxaa la rumeysan yahay in weerar is qarxin ah uu ka dhacay banaanka garoonka kubada cagta ee Stade de France, sidoo kale wa xaa la soo warinayaa in ugu yar aan 80 ruux ay ku dhinteen masrix iyada Bataclan oo ku taal bartam aha magaalada Paris.
Madaxweynaha Faransiiska ay aa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, isagoo amray in la xiro dham aan xuduudaha dalka Faransiiska, waxaana durbaba soo baxaya cam baareyn madaxda Caalamka u jeedinayaan weerarkaas.
Ilaa dhowr goobood oo maqaaxi ay ku jiraan ayay weerarada ka dhaceen, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha dhimashada uu intaan ka bato.Dableyda hubeysan ayaa afduub ahaan u qabsaday dad lagu qiyaasay illaa lixdan ruux, waxaana ciidamada booliska ay ku dhaqaaqeen howl gal ay si deg deg ah u soo afjareen, kuna dileen dableydii weerarka geysatay.
Booliska ayaa sheegaya in illaa sideed nin hubeysan ay ka dambee yeen weerarada, shan ka mid ah ayaa la sheegay inay is qarxiyeen, halka saddex kalena ay toogteen ciidamada booliska.
In ka badan 1,500 askari ayaa loo daad-gureeyay goobaha ay weerara da ka dhaceen ee magaalada Paris, si ay uga qeyb qaataan howlaha gurmadka iyo sugida ammaanka.
Ma jirto cid sheegatay weerarkan, hase ahaatee Faransiiska ayaa sanadkan u ah sanad madow, kadib markii horaantii sanadkan weerar lagu qaaday Wargeyska Charlie Hebdo iyo goob laga dukaameysto oo ku taal magaalada Paris, halkaasoo lagu dilay illaa 17 ruux.
MADAXWEYNAHA MAREYKANKA OO WEERARADA PARIS KU TILMAAMAY KUWO LAGU ARGAGAXGELINAAYO SHACABKA
Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama oo ka hadlay we eraradii xalay ka dhacay Magaalada Paris, ayaa si xoogan u cambaareeyay weerar adaasi, isagoona tacsi u diray Dowlad da iyo shacabka aransiiska. Mada xweynaha Mareykanka, ayaa waxaa uu weeraradaan uu ku tilmaamay kuwo lagu argagax geli naayo shacabka Faransiiska, inkastoo uus an cid gaar ihi dusha kaga tuurin masuuliy adda weeraradaasi.
Madaxweynaha oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Washington, ayaa waxa uu weeraradaasi uu ku macneey ay kuwo ka dhan ah nolosha aadanaha, sida uu yiri.
Madaxweynaha Mareykanka, ayaa dalbaday in cadaaladda la hork eeno kuwii masuulka ahaa weerarada gil gilay Caasimadda Faransiis ka. Sidoo kalana waxa uu ballanqaaday in Dowladda iyo shacabka Far ansiiska, ay ka caawin doonaan sidii cadaaladda lagu horkeeni lahaa dembiilayaasha. Ra’iisal Wasaaraha Britain, David Cameron oo camba areeyay weeraradaasi, ayaa sheegay in Xukuumadda Paris ay garab jooggaan, isla-markaana ay siin doonaan caawimaad kastaa, oo ay kaga soo baahato. Ra’iisal Wasaaraha Canada, Justin Trudeau oo sidoo si kulul u cambaareeyay weeraradii Magaalada Paris, ayaa ka dhawaajiyay in ay garab taagan yihiin shacabka Faransiiska. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Australia, haweeneyda lagu mag acaabo Julie Bishop, ayaa habeenkii xalay ahaa ku tilmaamay Jimco madow oo soo martay bulshada Faransiiska. Booliska Magaalada Pa ris, ayaa sheegay in ugu yaraan 100 ruux ay ku dhimatay illaa saddex goobood oo xalay la weeraray. Inta badan dadku waxay ku dhinteen to ogasho ka dhacday baarka Bataclan. Khasaaraha dhimashada ayaa ka badan tirada uu Boolisku shaaciyay.
XASAN SH.OO MADAXDA DALALKA CIID ANKA KA JOOGA SOOMAALIYA KALA HADLAY DAGAALKA ALSHABAAB
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. ayaa dalalka Ciidanka nabad ilaalinta ay ka joogaan Soom aaliya kala hadlay xooj inta Howlgal ka AMISOM ee ka socda So omaaliya iyo in ugu danbeyn la soo afjaro deega anada wali gacan tooda ay ku ha rsan yihiin Alshabaab. Af hayeenka mad axtooyada Soomaaliya Daa’uud Aweys oo ka warbixinayay safar madaxweynaha So omaaliya uu ku kala tagay dalalka Uganda iyo Jabuuti ayuu sheegay in madaxweyne Xasan Sheikh uu dhigiisa Uganda kala hadlay arimo muhiim oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka Labada dal iyo waliba in la dar dar geliyo howgalka ka dhan ah Alshabaab ee ka socda Soomaaliya.
Sidoo kale,Xasan Sheikh Maxamuud ay aa madaxweyne Cismaaciil Cumar Geel oo ciidamo dalkiisa ka socda ay joogaan Soomaaliya kala hadlay sidii iskaashiga dhanka dagaalka Alshabaab loo sii xoojin lahaa. Wadahadalaan Xasan Sheikh uu la yeeshay madaxda dalalka Ciidamada u soo diray Soomaaliya si ay u caawiyaan Dowlada ayaa daba socda wada hadalo horay madaxweynaha Hogaamiyaasha Afrika uu kula soo yeeshay magaalada New Yor ka dib shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Dowlada Soomaaliya oo kaashaneysa saaxiibadeeda caalamka ayaa dadaal ugu jirta sidii nabad waarta uga xasili lahayd dalka,waxaana rajada ay tahay in sanad ka 2016ka ee soo socota doorasho ka dhacdo dalka,ka horna la nabadeyo dalka.
GOLAHA WASIIRRADA OO ANSIXIYAY HESHII SKA CAAFIMAADKA EE SOOMAALIYA IYO TURKIGA "SAWIRRO”
Golaha Wasiriida ee Xukuumada Fe deraalka Soomaaliya ayaa dorraad yee shay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Cumar Carte, waxaana lagu an sixiyay heshiis u dhexeeya Dawladda Soo maaliya iyo Dawladda Turkiga oo ku saab san iskaashi dhanka Caafimaadka ee laba da dal.
Ugu horeyn Golaha Wasiirada ayaa wa rbixin ka dhageystay Wasaaradaha Amni ga iyo Gaashaandhigga, kuwaas oo ka wa rbixiyay amniga guud ee dalka gaar aha an dagaalka lagula jiro kooxaha Nabadii dka iyo dilal qorshaysan oo ay ka fuliyeen asbuucii la soo dhaafay magaalada Caasi madda ah ee Muqdisho.
Wasiirka Amniga Gudaha Mudane C/ri saaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in 24kii saac ee la soo dhaafay weeraro ay qorshaynayeen cadowgu laga hortagay, is agoo xusay dhinaca kale in deegaano dho wr ah oo ku yaala Koonfurta iyo Bariga Soomaaliya in ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeyey Maleeshiyaad ka wada tirsan nabadiidka oo kala taabacsan fikradaha dhiig daadinta ku saleysan ee ururada Da acish iyo Al Qaacida halkaas oo ay isaga dileen saraakiil iyo Maleeshiyaad badan. Golaha Wasiiradda X.FS ayaa sidoo kale dood ka yeeshay xaaladdaha ka taagan soohdinta ay Soomaaliya la wadaagto dal ka Kenya gaar ahaan degmada Beledxa wo.Waxaana R.Wasaare ku xigeenka Md .Maxamed Cumar Carteh uu sheegay in walaaca ay ka qabaan arrintaas ay kala hadleen Safiirka Kenya u fadhiya Soomaa liya si uu ugu gudbiyo hogaanka dalka Kenya.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Xaawo Xasan Maxamed ayaa Gol aha Wasiirada hor keentay heshiis u dhex eeya Dawladda F.Soomaaliya iyo Dawlad da Turkiga oo ku saabsan wadashaqeynta dhanka Caafimaadka. Iyadoo dood dheer ka dib Goluhu meel mariyey heshiiskaas.
Heshiiskan 2da geesoodka ah ayaa xo ojin doonaa kaabayaasha Caafimaadka Soomaaliya, iyadoo lagu salaynayo sin aan iyo isdhaafsi kaalmo, waafaqsana faa ’Iidada 2da dhinac iyo shuruucda labada dal. Ugu danbeyn, Golaha Wasiirada ayaa shirkoodii khamiislaha ahaa ayaa warbi xino uga dhagaystey Wasaaradda A.Guda ha iyo Falka, iyagoo sheegay in ay muuqa to saadaashii la filayay ee roobabkii dab alaylaha watay iyo fatahaaddii wabiyada. Wasiiradda ayaana xustay in deegaano ka mid ah Gedo, Jubbooyinka iyo Hiiraan laga dareemayo xaalado u muuqda in wabigu soo fatahayo.
WASIIR MAALIYADDA XFS AYAA DALKA DIB UGU SOO NOQODAY KADIB MARKII SHIRAR MUHIIM AH UGA SOO QAYB GALAY SACUUDIGA IYO KUWAIT
Wasiirka Maaliyadda XFS Md. Maxa med Aden Farkeeti ayaa shalay subaxdii dalka dib ugusoo laabtay ka dib shirar muhiim ah oo uga soo qayb galay dalalka Kuwait iyo Sacuudiga. Wasiirka ayaa ugu horayntii ka qayb galay shirkii hor dhaca u ahaa kulankii ay isgu yimaadeen madax da wadamadda Latiin Amerika iyo Carab ta ee ka dhacay M/Riyadh ee dalka Sacu udiga, wasiirka ayaa intuu socday shirku wuxuu kulan gaar ah la qaatay madaxa Sanduuqa Horumarinta ee Sacuudiga Eng. Yusuf Albasam, kaas oo ay ka wa da hadleen sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dib u soo celinta kaabayaasha dahq aalaha dalka iyo sidii loo hormarin lahaa adeegyada bulshada sida: Waxbarasha da, Caafimaadka, Biyo galinta magaalooy inka iyo Dib u soo celinta qaxootiga ku dhibaataysan dalalka dariska ah.
Sidoo kale wasiirka ayaa ka qayb ga lay shir ka dhacay magaalada Kuwait oo ay si wada jir ah u wada qaban qaabiyeen Hay’ada Lacagta Aduunka (IMF) iyo Ba ngiga Dhexe ee Kuwait, kaas oo ay ka soo qayb galeen in kabadan 40 wadan, waxaana shirka looga hadlay qaabka uu ushaqeeyo nidaamka maaliyadeed ee Islaamiga ah ee ku salaysan dulsaar la’a anta (Islamic Finance), waxaana laysku af gartay in la baahiyo isticmaalka Islamic Fi nance oo waayahaan danbe aad ugu soo xoogaysanayey caalamka.
Dhanka kale Wasiirka ayaa kulan gaar ah la yeeshay intuu ku sugnaa M/Kuwait madaxa Sanduuqa Horumarinta ee dalka Kuwait Dr. Cabdullwahab Albader, waxay na isla soo qaadeen sidii Soomaaliya loo ga caawin lahaa kor u qaadida kobaca dhaqaalaha iyo horumar lagu sameeyo dib u soo noolaynta dhaqaalaha dalka,
Ugu danabyntii Wasiirka ayaa magaa lda Nayrobi kulan kula qaatay safiirka cus ub ee Maraykanka u qaabilsan Soomaali ya, Amb. David H. Kaeuper waxayna ka wada hadleen marxalada siyaasadeed ee dalka iyo horumarka dowladda Soomaali ya ay ku talaabsatay ee dhanka maamul ka maareynta maaliyadda. Wuxuuna safiir ku ku aamanay dowladda Soomaaliya in ey muujisay horumar dhanka kobaca dha qaalaha iyo baahinta nidaamka maaliyad eed ee dalka. DHAMAAD
WASIIR ODAWAA "MOWQIFKA DOWLADDA WAA CAD YAHAY, MA OGOLIN DARBIGA AY KENYA KA DHISEYSO XUDUUDA”
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo F C/r axmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in shirkii Golaha Wasiirada ee ay dorraad ku yeesheen M/Muqdisho looga hadlay arrinta ku saabsan darbiga Kenya ay rabto inay ka dhisto Xuduuda, taasoo uu cadeeyay in Xukuumadda aanay raalli ka aheyn.
Wasiir Odawaa ayaa sheegay in arrant an ay dowladda Kenya kala hadleen intii Ra’iisul Wasaaraha uu ku guda jiray soc daal uu ku tagay Kenya, isla markaana ay dowladda Kenya sheegtay in arrintaas jirin
"Dowladda mowifkeeda waa cad yahay, darbigaas ay Kenya rabto inay xuduuda ka dhisto nagalama tashan, mana ogolin, dhowaan Wafdi Ra’iisul Wasaaraha hoga aminayay oo Kenya tagay, anigana aan la socday waa kala hadalnay dowladda Ken ya arrintaas, waxay noo sheegeen in ays an jirin”ayuu yiri Wasiir Odawaa.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in markii ay arrintan dib u soo cuboonaatay maalin ka hor uu Ra’iisul Wasaare kuxige enka u yeeray Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya, isla markaana loo gudbiyay cabasho, ayna ka sugayaan Jawaab. "Ha dda markii maalin ka hor ay arrintan soo cusboonaatay, wuxuu Ra’iisul Wasaare ku xigeenka u yeeray Safiirka Kenya ee Soo maaliya, waa u gudbinay cabasho rasmi ah oo ku saabsan darbigaas, in aan arrant aas dowladda soomaaliya ogoleyn, raalli ka aheyn jawaab ayaa ka sugeynaa, wa xaa rabnaa inaan u sheegno dadka Soom aaliyeed arrinta darbigaas, hadii ay kenya wadato aanan diyaar u aheyn oo aan nagala hadal”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Baarlamaanka FS ayaa si adag uga soo horjeestay qorshaha ay dowladda Ke nya ku dooneyso in darbi ay ka dhisto xuduuda, waxaana beryahan ka soo yeer ay shacabka ku dhaqan degmada Beled xaawo qeyla dhaan ku aadan in calaamad ihii xadka ay Kenya tirtirtay, isla markaa na gudaha soo dhulka Somaliya.
MD C/DHEERE: WIXII KHILAAF KEENIKARRA HALA JOOJIYO BEDELNA HAKU EKAADO MUNGAAB:
Siyaasiga Caanka ah ee Soomaaliya ahna Madaxweynihii Dawlad Goboleeydkii Banaadir State mar soo ahaa Md Cab dulaahi Axmed Ma xamed C/dhere ay aa ka ha dlay xaal adda sisaaya deed ee uu xiliga an dal ku maraayo iyo si da loogu baahan yahay in loogu dad aalo wixii khilaad keeni ka ra isla marka asna caqabad ku noqon kara Horumarka dalka Soomaliya.
Md Cabdulaahi dheere oo ka hadlayay Khilaaf la sheegay in uu xiligaan soo kala dhaxgalay Madaxweynaha Dawladda Fed raalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxam uud iyo R/wasarihiisa Dr.Cumar Cabdira shiikh Cali Sharma,arke, kaas oo salka ku haaya Isku shaadheeynta uu Dr.Cumar Cabdi rashiid ku sameeynaayo XFS oo dhawaanahaanba la hadal haayay inuu sameeyn doono.
Arintaan ayaa waxaa ka dhashay in khilaaf balaaran oo soo kala dhaxgalay madaxweynaha iyo Ra,iisul wasaraha iya doo uu madaxweynuhu arintaasi u arko mid aanan xiligaan suuragal aheeyn, iyad oo uu Cumar cabdi rashiidna uu ku adke ysanaayo inuu sameeyo Isku shaadheen taasi uu la damacsan yahay Golahiisa wa siiradda.
Md.Cabdulaahi Axmed Maxamed C/l aahi dheere ayaa si gooni gooni ah ula ha dlay madaxweynaha iyo R/wasaraha isa goo madaxweynaha ka codsaday inuu ha wlahiisa u madaxbanaaneeyo sida uu Qa bo sharciga u dhigan dawladda ,Balse wi xii la tashiyo ah uu si hoose ula hadlo Rai isul wasaaraha , si aanan wax khilaaf ah lug ugu yeelan dawladda xiligeedu gaba absiga yahay.
Dhinaca kale C/dheere ayaa sidoo kale waxaa uu R/wasaraha ka codsaday in aan nu xilligaan ku degdegen wax isku shaa dheen ah mar haddii uu sii dhamaanaayo waqtiga ay xukuumadu sii joogeyso xafiis ka si dhinac leeyskaga dhiga wixii khilaaf ah ee hakad gelinkarra higsiga 2016ka oo ah marka ay dawladdu waqtigeeda ku eg yahay, wixii intaasi ka horeeyana looga sii shaqeeya sidii higsigaasi lagu gaari lahaa.
Ugu dambeeyntii Cabdulaahi Axmed Maxamed C/Laahi dheere ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wixii khilaaf keeni kara hakadna gelin kara hannaanka soc od ee hawlaha dawladda iyo Higsiga 2016 ka hala joojiyo Beddelna haku ekaado Gudoomiyihii maamulka gobolka Banaadir Jeneraal Mungaab.
Hadalkaan ayuu Siyaasiga Caanka ah C/laahi dheere ka sheegay shir Jaraa,id oo uu shalayku qabtay M/ muq disho wa xaana uu ka hadlay arimo badan oo taaba nayaa xaaladda siyaasadeed ee uu dalku maraayo iyo sida loogu baahan yahay in si wada jir ah looga gudbo marxalad kasta ee uu dalka ku kujiro.
WASIIRKA QORSHEYNTA DALKA OO TABABAR U SOO XIRAY SHAQAALA KA TIRSAN WASAARADDA QORSHEYNTA
Tababar loo qabtay shaqaalaha wasa aradda qorsheynta iyo iskaashiga caalami ga ah ayaa waxaa lagu baranayay qaabka tirakoobka dadka iyo guryaha, iyadoo uu socday tababarkaasi Todobaad, waxaana casharada lagu qadanayay bixinayay Dr Cabdicaziis Cabdulladiif oo u dhashay dalka Tanzania.
Dr Cabdicaziis Cabdulladif ayaa sheeg ay in dalka Soomaaliya uu yahay dal aad u fiicam maadama inta uusan imaan ka hor uu ka haeystay fikrad kale oo ah in uu yahay dal dhan walba burbursan laakiin taasi wax ka badalan oo horumar ah uu ku arkay dalka. Mudada uu u socday aqo onkororsiga waxaa lagu baranayay ca shiro kale duwan oo waxyaabo badan loo ga fa’iidaystayt’ oo ay ka mid tahay wadii qoonka loo maro sahanka tira koobka dad ka iyo guryaha oo dalkani macna weyn u gu fadhiya.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah mudane Cabdi Ciise Diirshe oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in tababarkani muhiim uu u yahay wasaarada shaqaala ha ka faa’ideystayna wuxuu ugu baaqay in ay dabaqaan waxyaabihii ay barteen.
Ugu dambayn waxaa tababarka soo xir ay wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah mudane Cabdir axmaan Yuusuf Cali Caynte ayaa sheeg ay in mar walbo ay ku dadaalaan sidii sha qaalaha loogu heli lahaa tababaro nooca an oo kale, waxaana uu kula dar daarmay shaqaalaha tababarka qaatay in ay sii horumariyaan aqoontooda oo aysan ku ekaan shahaado tababarkani ay ka qaat een oo kaliya, waxaana uu xusay in maal ma aan lagu baran Karin sida ugu macqu ulsan ee tirakoob loo sameyn karo.
Wasaradda qorshaynta ayaa waxa ay wadda dardargalin ku aadan sidii ay tiro koob rasmi ah ugu samayn laheyd guud ahaan dadka ku nool. Iyadoo tababrrada ani oo kale ay muhiim u yihiin shaqaalaha heydaha dowladda si qibraodo dheeri ah ay ugu korirsadaan siminnaaradaan gaag aaban tasoo dardargelinta howlaha dalka u ah mid lagu hanan karo
RA'IISAL WASAARAHA SOOMAALIYA OO MAL TA KAGA MAHAD CELIYAY MRATIGELINTA QAX OOTIGA SOOMAALIYEED
Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharm arke,ayaa dhigiisa Malta Joseph Muscat ugu Mahad celiyay soo dhaweynta iyo ganbaadka uu dhulkiisa ku siiyay in badan oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliy eed ee ka cararay dalkooda.
2da Ra’iisal wasaare ayaa waxay kulan Labo geesood ah ku yeesheen M/Valleta ee caasimada Malta,halkaasi uu ra’iisal wasaaraha Soomaaliya u tagay ka qeyb galka shir looga hadlayay qul qulka Qax ootiga faraha badan ee gaaraya Malta iya goo uga sii talaabaya dalalka Yurub into da kale.
Jaziirada Malta waxaa ku sugan Qax ooti Soomaaliyeed oo doonaya iney gaara an qeybo ka mid ah dalalka Yurub ay dan eynayaan,kuwaasi oo hada qaarkooda ku dhibaateysan meelo ka mid ah Malta. Ra’ iisal wasaaraha Malta Joseph Muscat ay aa ku baaqay deganaasho iyo Nabad ka dhalata Gobolka,Wuxuu Yiri Mr Joseph Muscat,Walaaca aan ka qabno sii xuma anshaha xaalada nabad galyo’’ Tirada Qa xootiga Magan galyo doonka ah ee imaan aya Malta intooda badan waxay ka yimaa daan Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in dalkiisu ka shaq eyn doono sidii Soomaaliya mar kale dib loogu soo celin lahaa nidaamkii iyo kala danbeyntii ka jirtay,isagoo qiray in hada Xaalka sidii hore uu ka duwan yahay oo hormar lagu talaabsanayo,wuxuu hadalki isa intaasi raaciyay Ra’iisal wasaraaha Ma lta dhaqaalaha Soomaaliya oo wanaagsa naada waxay sahleysaa in Soomaalida dalkooda dib ugu laabtaan.
Ugu danbeynta Labada Ra’iisal wasa are Soomaaliya iyo Malta ayaa isla qiray in waxyaabaha ka soo baxa shirka Malta wax badan ka tareyso arimaha qul qulka Qaxootiga
GALMUDUG OO KU AMARTAY DIYAARADAHA INAY KA SOO DEGAAN GAROONKA DIYAARA DAHA EE GAARKA U LEEYIHIIN
M/Galmudug ayaa ku amartay diyaara daha inay ka soo degaan garoonka diy aaradaha OSHACA, kaasoo dhowaan la ga hirgeliyay duuleedka koofureed M/Gal kacyo. Garoonkan loogu magac daray OSHACA ayaa ah mid gaar u ah Galmud ug, waxaana uu daboolayaa baahidii ma amulkaas uu u qabay garoon diyaarade ed, maadaama horay Mas’uuliyiintooda ay uga soo degi jireen garoonka diyaaradaha waqooyiga Galkacyo ee ay maamusho Puntland.
Waraxaafade ed ka soo baxay Was aaradda Gaadiid ka Cirka iyo Duulis ka Hawada ee Ma amulka Galmudug ayaa waxaa digniin loogu jeediyay diyaaradaha ka sha qeeya deegaanada Galmudug inay duulim aad ka sameeyaan garoonka diyaaradaha cusub ee OSHACA ee M/Gaalkacyo.
Wasiirka Gaadiidka cirka iyo duulista Hawada C/kariin Macalin Axmed ayaa she egay diyaaradii aan duulimaad ka sameyn in garoonka OSHACA ee Gaalkacyo kana howlgasha deegaanada Galmudug ay gabi ahaanba kala laaban doonaan ruqsa da shaqo oo ay kaga shaqeyso deegaan ada Galmudug isla markaana laga mamn uuci doono Hawada Galmudug.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid jawaab u ah amar horay uga soo baxay Puntland oo ahaa diyaaradaha ay ruqsada siisay in ay ka soo degi karin garoonka diyaarada ha ee Galmudug, waxaana dhowaan ay ru qsada kala laabatay diyaarad k degtay garoonka OSHACA, taasoo u kireysneyd Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xusen
KENYA OO SI INDHO LA’AAN AH U BEENISAY MUSUQ MAASUQA BAAHSAN AY KA WADO DEKEDA KISMAAYO
Taliska Ciidanka Militariga Kenya, ayaa wuxuu si xoogan uu u beeniyay eedeym a ha xoogan ee kaga yimid Kooxda Journa list For Justice Kenya, oo ku eedeysay in mus uq maasuq xoogan ay ka wadaan Dekeda Kismaayo. Afhayeenka Ciida nka Militar iga Kenya, Korneyl David Obon yo, ayaa wuxuu sheegay inaysan waxba ka jirin eedeymaha waqtigan loo soo jee diyay Ciidanka Militar iga Kenya, ee ku sug an Dekeda Kismaayo.
"Marar badan ayaan ku celceliyay oo ho rey u sheegay in Kenya aysan ku lug la ha yn, wax ku saabsan ganacsiga dhuxu sha iy o sonkorta ee Kismaayo.” Ayuu yiri Afhaye enka oo la hadlay BBC. Waxa kal oo uu yiri "M/Kismaayo in dhawaalaba Ciidanka Ken ya qaybta ay ka hawlgalaan ku ma jirin tan iyo markii M/Kampala kulan madaxeed lagu qabtay August 2014kii.”
Korneyl David Obonyo, ayaa yiri "Wax ay Kismaayo noqotay meel ay ka hawlga laan ciidamo kala duwan oo ka yimid dalal kala duwan, gaar ahaan dalalka Burundi, Sierra Leone iyo Nigeria. Ciidamadaasi waxay la wareegeen goobihii ay ku sugn aayeen Ciidanka Kenya, halka Ciidanka Kenya ay degan yihiin goobihii ay bane yeen Ciidankii Sierra Leone ee ka baxay Somaliya.”
Kooxda Journalist For Justice Kenya, ay aa warbixin ay shalay soo saartay waxaa lagu sheegay "Ciidanka Kenya waxay ka qayb qaataan dhoofinta dhuxusha laga dhoofiyo Dekeda M/Kismaayo iyo sonkor ta kontorobaanka ah ee laga soo dejiyo Deke da. Dhuxusha laga dhoofiyo Dekeda Kism aayo waxaa laga keennaa dhulka ay ka arr imiso Al Shabaab. Sonkortana wax aa loo iib geeyaa dhulka Al Shabaab ku sugan tah ay iyo qaybo ka mid ah dalka Ke nya. 100 milyan oo dollar ayay Ciidanka Kenya ka faa’iidaan canshuurta ay ka qaataan dhoofi nta dhuxusha iyo sonkorta k/robanka ah.”
GOOB UU KU SUGNAA NINKA URURKA DAACI SH DADKA U GAWRACA OO GANTAALO LAGU DHUFTAY
Waaxda gaashaandhiga Maraykanka ayaa sheegtay in duqeyn ay diyaaradahoo da ka geysteen wadanka Syria inay ku bartilmaameysteen ninka ururka Daacish dadka u gawraca ee John Jihadi la yiraah do. War Pentagonka kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta oo ka dhacday magaaladda Raqa ee dalka Sy ria in lala eegtay Jonh Jihadi oo magaciisa saxda ah la yiraahdo Max’ed Camwaazi oo haysta dhalashada Ingiriiska. Afhayeen ka waxda gaashaandhiga Maraykanka Pe ter Cook ayaa sheegay inay xaqiijin ku wa daan natiijada duqeyntooda oo uu she egay inay hubaan in bartilmaameedkeedii haleeshay.
John Jihadi oo dad badan asagoo gaw racaya la daawaday waxaa ka mid ahdadka uu bireeyay wariyaal u dhashay wadamada Maraykanka iyo Ingiriiska.
WASIIRKA DIFAACA UGANDA OO TAGAY BUJUMBURA SI UU U XOOJIYO DADAALLADA NABADEED EE SOCDA
Wasiirka Difaaca Uganda, Crispus Kiy on ga ayaa ku tagay safar shalay m/ Buju mbu ra ee xarunta dalka Burundi si uu u sii xoo jiyo dadaallada nabadeed ee lagu dajinayo xiisadda dalkaas ka jirta, sida uu afha yeenka xukuumadda Uganda sheeg ay. Bo oqashada Crispus Kiyonga ayaa imaanaya xilli Qaramada Midoobay ay shaacisay inay u diri doonto dalkaas ciida mmo nabadilaa lin ah haddii xiisadaha siy aasadeed ee dal kaas ka taagan ay sii socdaan.
"Safarka wasiirka difaaca wuxuu salka ku hayaa sidii xaaladda dalkaas ka taagan sida ugu dhaqsiyo badan wax looga qab anto,” ayuu yiri afhayeenka Uganda, Ofwo no Op ondo oo la hadlayay warbaahinta.
Madaxweynaha Uganda, Yoweri Muse veni ayaa wasiirkii gaashaandhigga si ras mi ah ugu magacaabay dhexdhexaadiya ha xiisadda ka taagan dalka Burundi, isa goo u dhaqmi doona sidii inuu wakiil ka ya hay Yo weri Museveni oo ah hoggaamiya ha dadall ada waddamada Bariga Afrika ay ku doona yaan inay ku dhexdhexaadiyaan dhinacyada isku haya dalkaas.
Afhayeenka xukuumadda Uganda ay aa sheegay in wasiirka difaaca uu xisadda Bu rundi ka taagan kala hadlay, guddiyada ur urka Midowga Yurub ee ku sugan dalka Ug anda iyo sidoo kale ergayga Midowga Yurub ee Ugandam kaddib kulan uu kula yeeshay Kampala. "Waxaan rajeynayaa in uu Kiyo nga joogi doono Bujumbura ilaa maanta oo sabti ah oo uu dib ugu soo noq on doono Ka mpala, markaas oo uu ka war bixin doono wuxuu ku soo arkay xarunta Burundi,” ayuu afhayeenku hadalkiisa ku daray.
Q/M. M/Afrika iyo M/Yurub ayaa warmu rtiyeed wadajir ah oo ay soo saareen Kha miistii dorraad waxay ku xuseen inay laga ma maarmaan tahay in la kulansiiyo xuku umadda Buurndi iyo mucaaradka dalkaas, iy adoo lagu kulansiinayo mid ka mid ah dal alka Afrika si ay heshiis uga gaaraan khila afyada u dhexeeya.
"Waxaan ku heshiinnay in sida ugu dha qsiyaha badan loo kulansiiyo xukuumadda Burundi iyo mucaaradkeed, kaasoo aan isla garannay in lagu qabto magaalada Kamp ala ama Addis Ababa, uuna shirguddoom iye ka noqdo Museveni,” ayaa lagu she egay warmurtiyeedka ay wadajirka u soo saareen AUda, UNka iyo EUda.
Sidoo kale, afhayeenka xukuumadda Uganda, Opondo ma uusan sheegin xilli ga kulanka la qabanayo iyo cidka bixina ysa dhaqaalaha ku baxaya, balse wuxuu ku sheegay warbixintiisa in waxyaabaha as oo dhan go’aan laga gaari doono mar kii uu Crispus Kiyonga kasoo laabto Buju mbura uuna la kulmo guddiga M/Yurub.
Dadaalladan lagu xoojinayo dhexdhex aadinta dhinacyada isku haya Burundi ee Uganda ay billowday ayaa imaanaya maa lin ka dib markii uu kasoo laabtay Bujumb ura ergaygii uu u diray madaxweynaha Ke nya, Uhuru Kenyatta. wuxuuna Joseph Nyagah oo ahaa ergaygii uu Kenyatta u diray Burundi uu isaguna warbaahinta u sheegay inay muhiim tahay in loo furo wadahadallo dhinacyada isku haya Buru ndi. Ugu dambeyn, Rabshadaha ka tag an Burundi ayaa waxay sababeen dhima shada 240qof in ka badan oo shacab iyo askar isugu jiray tan iyo markii ay xiisad uhu billowdeen bishii Abriil ee sannadkan 2015, iyadoo kumannaan qof oo kale ay iyaguna dalkaas ka carareen waxayan diidan yihiin mucaaradka madaxweynaha inuusan xilka as sii heynin oo isga dago
AL SHABAAB OO LA WAREEGAY DEEGAANKA FIIDOOW EE SH/DHEXE
Wararka naga soo gaaraya Deegaan ka Fiidoow oo ka tirsan Gobolka Shabee laha dhexe ayaa sheegaya in halkaasi ay la wareegeen Ciidamo ka mid ah kuwa Al Shabaab ka dib markii ay Deegaanka ba neeyeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom.
La wareegista Al Shabaab ee Deegaan ka Fiidoow waxaa Idaacada Kulmiye u xaqiijiyey afayeenka Gobolka Shabeelaha Dhexe C/Fitaax Cumar Macalin (Aaloos) isagoona sheegay in Ciidamada aysan ka fogeyn Deegaanka fiidoow sababrta rasmi ga ah ay uga soo baxeena ay tahay Biyo la,aan halkaasi ka jirta. Afayeenka ayaa intaasi ku daray in ay san wax macno ah soo kordhin doonin sheegashada Al shabaab ee ku aadan gacan ku heynta Fiidoow.xigasho raio kulmiye.com
KALFADHIGII 7AAD EE MAS'UULIYIINTA WAR BAAHINTA AFRIKA OO LAGU SOO GABAGABEEYAY JOHANNESBURG
Shirkaan oo sannadkiiba mar la qabto ay aa waxaa sannadkaan ka soo qeybgaleen in ka badan 600 oo xubnood oo iskugu jiray madaxda iyo wariyayaasha warbaahinta Af rika laguna qabtay Brichwood Hotel ee M/Johannesburg ayaa waxaa looga arinsan aayay sidii loo horumarin lahaa warbaahinta Afrika.
Kulankaan oo ay furtay madaxweynaha dalka Mauritius marwo Ameenah GuribFa kim ayaa dadkii ka hadlay waxaa ka mid ah aa; Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Koonfur Afrika, Madaxa Hay'adda Africa Media Init iative oo shirkaan qabanqaabisay, Madaxa Rockefeller Foundation ee Afrika iyo madax kale oo warbaahineed.
Ajandaha sanadkaan ayaa ahaa kaalinta aqoonta casriga ah ay ku leedahay horuma rinta warbaahinta Afrika, iyadoo halkaas la gu soo bandhigay macluumaad la xiriiro si da qaaradda Afrika ay ugu soo badaneyso isticmaalka internetka iyo taleefanada gac anta ee casriga ah ee loo yaqaano (Smart Phone). Waxyaabaha looga dooday shirka ayaa waxaa ugu weynaa in la ilaaliyo xoriy adda saxaafadda, ayagoo loogu baaqay do wladaha Afrika in horumarkoodu ku xiran ya hay ilaalinta xaqdhoorida warbaahinta.
Warbaahinta Afrika ayaa waxaa lagu ee deeyay inaysan ka hadlin doorka haweenka, iyadoo tusaale ahaan loogu soo qaatay haw eenka nabad illaalinta ujoogo Soomaaliya ee AMISOM, waxaa sidoo kale lagu dhiiri ga liyay inay wax ka qoraan horumarka bee raha iyo waxsoosaarka Afrika.
Kulankaan ayaa waxaa Soomaaliya uga soo qeyb galay, Madaxa Hiiraan Online Ax med Cilmi Guure, Madaxa Warbaahinta SB C Cali Cabdi Awaare,waxaa sidoo kale shirk aani goob joog ka ahaa Maxamed Cadow oo ah Wariye ka tirsan Shabakada Warbaah inta Aljazeera. Wariye Maxmed Cadow ayaa wuxuu daadihinayay dood looga hadlayay khudbooyinka xagjirka ah (Hate Spee ch).Waxaa kale kulan lagu falanqeeyey
doorka xayeesiinta casriga ay ku leedahay
warbaahinta onlineka ah sida websidyada iyo tan daabacaadda (printing newspapers).
XIGASHO: HIIRAAN.COM
WARARKA CAALAMKA
MALTA OO KA FURMAY SHIRKA MIDOWGA YURUB OO LOOGA HADLAYO QAXOOTIGA AFRIKA
Dalka Malta ayaa waxaa ka bilawdey shirweyne ay ka qeyb galayaan hogaamiyayaasha dalalka Midowga Yurub iyo Afrika oo ka wada hadl aya xaalada cakiran ee qaxootiga badan ee imaanaya Qaarada Yurub. Shirkan waxaa ka qeyb geli doona wafdi balaaran oo ka socda dowl ada Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Raysalwasaare Cum ar Cabdirashiid iyo qaar kale oo kamid ah hog aamiyayaasha Afrika, dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada sida gaarka ah Midowga Yurub uu u siiyo dhaqaalaha isla marka ana xiligan doonayo inuu ka dh aadhiciyo dib u celinta qaxootiga ka soo jeeda wadamada Afrika. Qa ar ka mid ah qodobada shirkan oo ay baahiyeen warbaahinta Yurub ay aa si weyn loo cambaareeyey. Dalalka M/Yurub ayaa qod obada ay doonayaan inay Dowladaha Afrika ka dhaadhiciyaan ayaa kamid ah; -In Wadamada Afrika ay qaabilaan Boqolaal kun oo ah qaxootiga Afri kaanka ee hada ku sugan gudaha Yurub oo la doon ayo in dalalkooda dib loogu celiyo.
M/Yurub ayaa u balan-qaadi doona dalalka Afrika deeq dhaqaale oo ay ku bedalanayaan dadka qaxootiga ah ee loo soo celin doono.
Sidoo kale M/Yurub ayaa sheegay inuu khafiifin doono VISA ama dal ku galka la siin ayo Shaqaalaha Afrika ee khibradaleh ee doo na ya inay ka shaqeeyaan dalalkaYurub. Qod obadan ayaa xiisad ka dhalaty dur baba iya doo lagu eedeeyey Midowga Yurub inuu doo na yo inuu tarxiilo qaxootiga ay u culeyska u arkaan, isla markaana do onayaan inay lac ag kusoo gataan shaqaalaha khibrada leh ee Afri ka anka ah ee dhisi kara dhaqaalaha Yurub, iyadoo la wiiqinayo tirada dadka khibradaleh ee Afrika ku nool taasi oo dhibaato horleh u keeni karta Qaarada Afrika oo horey dhibaato uga heysatay in mutacalimiin tooda isaga tahriibeen. M/Yurub ayaa u balan qaaday wadamada Afri ka inay siin doona an lac ag gaareysa 3.4Bilyan oo looga caawinayo dalalkaas Afrika dib u dejin ta dadka dib loogu soo celin doono, qorsha haasi oo lagu wado in lagu soo bandhigo shirka jasiirada Maalta
MAREYNKANKA OO KU BAAQAY BAARITAAN KU AADAN EEDEYNTA MALITARIGA KENYA EE SOOMAALIYA
Malitariga Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay iney ku lug leeyihiin dhoofinta sharci-darada ee dhuxusha iyo Soko rta Dekada M/Kismaayo ee xarunta G/J/Hoose. Malitariga Kenya ay aa So omaaliya ku jooga magaca Howlgalka AMISOM,waxayna sha qadooda ugu muhiimsan ay tahay dagaalka ka dhan ah Al-shabaab iyo taageerada Dowlada Soomaaliya.
koox fadhigoodu yahay Kenya ayaa shaa ci say inay hayso cadd eymo cusub oo shee ga ya in militeriga dalka Kenya ee ku sugan Som aliya ay ku lug leeyihiin dhoofinta sha rci-darr ada ah ee dhuxusha dekedda M/Ki smaayo. Arintaan eedeynta ah ayaa markii ugu horeys ay waxaa ka hadlay Robert Godec Safiirka Mareynkanka u fadhiya dalka Kenya ka dib shir jiraa’id uu ku qabtay M/Nayrobi ee caasimada dalkaasi. Wuxuu sheegay Mr Robert Godec in eedeyntan aysan ahayn wax sahlan, isla markaana dhaawaceysa sumcada howlgalka AMISOM,isagoo ku baaqay Baaritaan deg deg ah.
"Waxaan ugu baaqayaa dowladda Kenya & Gudiga anshaxa & la-dagaalanka musuq-maasuqa inay baaraan warbixinta sheegaysa inay Ciidanka Kenya ee jooga Somaliya ku lug leeyihiin ka ganacsi Sonkor ta iyo dhuxusha sharci darrada ah."
"Eedayntan ma ahan mid sahlan waxayn dhaawacysaa sumac da howgalka Ciidanka Kenya ee dalka Somaliya, haddii ay cadadto waa in si deg deg ah cadaalada loo horkeenaa kuwa ka danbeeya dhoofinta sonkor iyo dhuxusha sharci darrada ah. Hadalkaan ayuu safiirka Marey nkanka u jooga Kenya jeediyay Xilli kulan uu arimahan kala hadlayay
OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS
OGEYSIIS MUHIIM
AH OO AY KUU
HEYSO :
THE EU
ROPEAN UNION DELEGATION TO THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA IS LOOKING FOR AN
Assistant To Operations Management
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 14-KA NOVEMBAR 2015-KA
IN KA BADAN 120 RUUX OO KU GEERIYOOTAY QARAXYO IYO TOOGASHO KA DHACDAY PARIS (SAWIRRO) In ka badan 120 ruux ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen weeraro qaraxyo iyo toogasho xal ay ka dhacday magaalada Paris ee Caasimada dalka Faransiiska, iya