Nimcaan Hilaac oo xalay lagu xiray Caasimadda Sudan

0
Thursday March 16, 2017 - 08:47:13 in Wararka by
  • Visits: 691
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nimcaan Hilaac oo xalay lagu xiray Caasimadda Sudan

    Fannaanka Nimcaan C/raxmaan Xasan (Nimcaan Hilaac), ayaa waxaa caweysnimadii xalay lagu xiray Magaalada Khartoum ee Xarunta Wadanka Sudan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fannaanka Nimcaan C/raxmaan Xasan (Nimcaan Hilaac), ayaa waxaa caweysnimadii xalay lagu xiray Magaalada Khartoum ee Xarunta Wadanka Sudan.

Fannaanka oo toddobaadkii hore gaaray Magaalada Khartoum, ayaa waxaa xalay laga dhex qabtay hawlka Jafinani, xilli uu ku qabanaayay bandhig faneed.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in kooxdii soo qaban qaabisay bandhig faneedkan, ay maamulka u sheegtay in aroos ay ku qabanayaan hawlkaasi, balse uu maamulku dib ka ogaaday in hawlka uu ka soconayo bandhig faneed.

Kooxdan, ayaa waxaa la sheegay in qorshahoodu uu ahaa in ay la baxsadaan lacagaha canshuuraha ah, ee laga qaado dadka doonaya in bandhigyada ku qabtaan dalkaasi.

Ciidamada Booliska, ayaa hawlka ka kaxeystay Fannaanka Nimcaan Hilaac iyo dhawr dhalinyaro kale, inkastoo dhalintii lala xiray hobolka dib laga soo sii daayay.

Suxufiyiinta Magaalada Khartoum, ayaa waxay soo sheegayan in Nimcaan Hilaac uu ku xiran yahay Saldhiga Booliska Deem, isla-markaana uu socdo dadaalo lagu doonayo in xabsiga looga soo sii daayo.

Diblomaasiyiinta ka hawlgala Safaaradda Somalida ee Magaalada Khartoum iyo Jaaliyadda Somaliyeed ee dalkaasi ku dhaqan, ayaa dadaal ugu jira, sidii uu dib xoriyadiisa ugu heli lahaa Nimcaan Hilaac.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip