Jubba-land oo Soo Bandhigtay Waxyaabaha Qarxo oo Lasoo Qabtay
Laanta nabadsugidda iyo sirdoonka Jubaland ee gobolka Gedo ayaa soo bandhigay waxyaabaha qarxa oo ay ciidamadu kusoo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen mid kamid ah xaafadaha magaaladaasi.

Cali Abshir Xasan Deer Taliyaha nabadsugidda iyo sirdoonka Jubaland ee gobolka Gedo oo warbaahinta kula hadlay goobta lagau soo bandhigay qaraxyadda ayaa sheegay in qaraxyadda lagu soo qabtay howlgal qorshaysan, waxa uuna Al-shabaab uu ku eedeeyay in ay doonayeen in ay ku laayaan shacabka Soomaliyeed.
Sidoo kale Cali Abshir Xasan Deer Taliyaha nabadsugidda iyo sirdoonka Jubaland waxa uu sheegay in ciidamo howlgal ka waday magaalada ay xaafadda Buurta ee magaaladaasi kula kulmeen rag doonayay in ay Miino aasaan, kadibna ay ciidamadu is xabadeeyeen, waxa uu sheegay in ay raggaasi baxsadaan goobtana uga carareen Mobile-ladooda iyo Miinadii ay doonayeen in ay aasaan.

0 