Ra'iisal Wasaaraha oo shacabka kala qeyb galay Salaad Roob doon iyo Duco ah

0
Tuesday March 14, 2017 - 13:01:35 in Wararka by
  • Visits: 599
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal Wasaaraha oo shacabka kala qeyb galay Salaad Roob doon iyo Duco ah

    Iyadoo uu horay u iclaamiyay madaxweynaha dalka Salaad Roob doon ah maalinta Taladaada oo maanta ku beegan, ayaa Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Xasan Cali Kheyre waxa uu shacabka kula tukaday Masaajidka Isbaheysiga Islaamka Salaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo uu horay u iclaamiyay madaxweynaha dalka Salaad Roob doon ah maalinta Taladaada oo maanta ku beegan, ayaa Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Xasan Cali Kheyre waxa uu shacabka kula tukaday Masaajidka Isbaheysiga Islaamka Salaad Roob doon iyo duco ah, in Abaarta alle ka dulqaado umadda.

Ra’iisal Wasaaraha oo shacabka la hadlay salaada kadib, ayaa ugu baaqay shacabka inay is cafiyaan, si wada jir ahna alle u baryaan in abaarta alle ka dulqaado shacabka, isaga oo u duceeyay dadka ay abaartu ku dhufatay, isaga oo alle ka baryay inuu roob iyo barwaaqo ugu badalo abaarta.

Qaar ka mid ah wadaadada waaweyn ee dalka oo iyaguna shacabka la hadlay ayaa tilmaamay in qof kasta oo Soomaali ah ay waajib ku tahay inuu ka qeyb qaato taakuleynta dadkaasi abaarta u le’anaya, waxayna si gaar ah uga codsadeen ganacsatada Soomaaliyeed inay kaalin muuqata ka qaataan gargaarka loo fidinayo shacabkaasi.

----DHAMMAAD----

6Z0A6854


6Z0A6710

6Z0A6721

6Z0A6738

6Z0A6929

©2017 Office Of the Prime Minister | Mogadishu | Somalia



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip