WAR DEG DEG AH:- Qaraxyo caawa ka dhacay Muqdisho

0
Monday March 13, 2017 - 23:36:06 in Wararka by
  • Visits: 540
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR DEG DEG AH:- Qaraxyo caawa ka dhacay Muqdisho

    Wararka inaga soo gaaraya Isgoyska Jid-mareexaan ee Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in caawa Bambo gacmeed lagu tuuray Ciidamo ku sugan halkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka inaga soo gaaraya Isgoyska Jid-mareexaan ee Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in caawa Bambo gacmeed lagu tuuray Ciidamo ku sugan halkaasi.

Kooxo hubeysan ayaa Bambo gacmeed waxa ay ku tuureen fariisin Ciidanka Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin Isgoyska Jid-mareexaan, saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa Risaala u sheegay in weerarkaasi uu ku dhintay Qof shacab ah oo halkaasi marayay, sidoo kalena uu ku dhaawacmay Hal Askari oo ka tirsan NISA.

Dhanka kale Daqiiqado kadib waxaa Bambo gacmeed lagu tuuray Ciidamo ku sugnaa Isgoyska Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, wararka qaar ayaa sheegaya in uusan khasaare ka dhalan Bambo gacmeedkaasi.

Bambo gacmeedyadan ayaa caawa waxaa si aad ah looga maqlay Degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir, waxaana si weyn u hadal dad shacabka ah.

Ciidamo ka tirsan NISA ayaa ku baxay weeraradan waxaana ay caawa Howlgallo ka wadaan xaafadaha Degmooyinka Warta-nabadda iyo Howlwadaag, iyaga oo ku raadjooga raggii ka dambeeyay weeraradan.

Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhacay Labo Qarax oo Ismiidaamin ah, kuwaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ay u badnaayeen dad shacab ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip