Odey 90-sano jir ahaa oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho
Wararka naga soo gaaraya Degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in kooxo hubeysnaa Bastoolada ay agagaarka Saldhiga degmadaas ay ku dileen nin odey ahaa oo 90-sano jir ahaa.
Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey C/qaadir Macalim Cali, waxayna kooxaha hubeysan ay ku dhufteen dhowr xabadood.
Goob-joogayaal ku sugan Degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir ayaa idaacadda Simba u sheegay in odeyga la dilay si weyn loogu yaqaanay degmadas.
Lama oga in Ala Ha u Naxariistee C/qaadir Macalim Cali, uu kamid ahaa odoyaashii soo xulay Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamanka Soomaliya, xili beegsi lagu hayay mudooyinkii dambe.
Dhanka kale warar lagu baahiyay baraha Al-shaabab ayaa lagu sheegay in rag ka Tirsan Al-shabaab ay toogteen C/qaadir Macalim Cali oo kamid ahaa mas’uuliyiinta Waxbarashada islamarkaana kamid ahaa 153-kii oday ee soo xulay Baarlamaanka Federaalka Soomaliya.