Maalinta Soomaaliya iyo bandhigag Expo Milaano (Daawo Sawirrada)
Roberta Pinotti oo bandhigan daaha ka rogtay, ayaa Madaxweynaha Somaliya kaga mahadcelisay ka soo qaybgalkiisa, iyadoona tiri waa inoo sharaf wefdiga Somaliya ee inagala soo qaybgalay Expo 2015.
Madaxweynaha Somaliya oo ka hadlay madashaasi, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Somaliya ka qayb qaadato bandhigaasi, isla-markaana ay tahay tallaabo wanaagsan oo dhinaca horumarka ay qaaday Somaliya.
Madaxweynaha wuxuu sheegay Somaliya inay ka jirto fursado ballaaran oo maalgashi lagu samaysan karo, waxa kaloo uu sheegay in Somaliya ay lee dahay wax soo saar wanaagsan, haddii la helo maalgashi.
Waxa uu soo hadalqaaday Somaliya in uu yahay dal hodan ku ah khayraadka, sida gaaska iyo saliidda, waxaana dhoofinta Somaliya ugu weyn sida uu sheegay kalluunka Tuna. Wuxuu tilmaamay kalluunka Tuna in suuq wanaagsan uu ku lahaa Qaaradda Yurub.
Madaxweynaha waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay waxyaabaha ay hodanka ku tahay Somaliya, muuskuna uu ugu horeeyo in loo iib gayn doono dalka Talyaaniga.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dalka Talyaaniga ku ammaanay inuu gacan ka gaysanaayo, sidii Somaliya ay u heli laheyd xasilooni, kagana gudbi laheyd marxaladda cakiran ee iminka ku sugan tahay.
Waxa uu soo hadalqaaday Somaliya iyo Talyaaniga in uu ka dhaxeeyo xiriir uu ku sheegay inuu xididaystay, ka dib joogitaankii Talyaaniga ee dalka muddo hal qarni ku dhow, sida uu yiri.
Bandhigan, ayaa waxaa lagu soo bandhigay agabyada Hidaha & Dhaqanka iyo mac macaan kooban, oo ay caan ku yihiin Somalida.
Haweeneyda Gudoomiyaha ka ah bandhiga Expo Milano, Diana Bracco, ayaa ugu dambeen heshay saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Maalinta Soomaaliya iyo bandhigag Expo Milaano (Daawo Sawirrada)
Magaalada Milano, ayaa waxaa ka soconaaya barnaamij bandhig ah oo loogu magac daray Expo Milano, kaa oo ay 150 dal ku soo bandhigi doonaan wax soo saarkooda, fursadaha ganacsi ee ka jira. Khamiistii, ayay ahayd maalin u gaar ah Somaliya, iyadoona