Marwada Madaxweynaha Dalka oo 8-da Maarso awgeed hambalyo u dirtay Haweenka Soomaaliyeed

0
Wednesday March 08, 2017 - 14:58:59 in Wararka by
  • Visits: 566
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marwada Madaxweynaha Dalka oo 8-da Maarso awgeed hambalyo u dirtay Haweenka Soomaaliyeed

    Munaasibadda 8-da Maarso oo ay Haweenka adduunka si weyn u xusayaan maanta ayaa waxaa Hambalyo ku aadan Maalintan u dirtay Haweenka Soomaaliyeed Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Seynab Cabdi Macallin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasibadda 8-da Maarso oo ay Haweenka adduunka si weyn u xusayaan maanta ayaa waxaa Hambalyo ku aadan Maalintan u dirtay Haweenka Soomaaliyeed Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Seynab Cabdi Macallin.

"Waxaan Hambalyo ku aadan maalinta Haween weynaha Adduunka u dirayaa Haweenka Soomaaliyeed, waxaana idin leeyahay sannadkan sannadkiisa kale Eebbe ha nagu gaarsiiyo Nabad iyo Barwaaqo” ayay tiri Marwada Madaxweynaha Dalka.

Marwo Seynab Cabdi Macallin ayaa tiri "Xuska 8-da Maarso waa maalin loo dabaaldego horumarka ay ku tallaabsadeen Haweenweynaha adduunka, waana inaan is xusuusinaa caqabadaha ku horgudban haweenka Soomaaliyeed, ahna kuwa ugu nugul bulshada uguna waxtarka badan”.

Marwada Madaxweynaha dalka Marwo Seynab Cabdi Macallin ayaa ugu baaqday Haweenka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iney laba jibaaraan dadaalkooda, kaalin muuqatana ay ka qaataan dib usoo nooleynta dowladnimada Soomaaliya, isla markaana ay ka shaqeeyaan midnimada Umadda Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip