
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH AXAD 5-TA MAARSO 2017-KA
Dastuurka Soomaaliya ayaa qeexaya in siyaasigii dalka Madaxweyne ka noqda, in uu si sharci ah u heli karo, xubin ahaanshaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Xasan
Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu noqonayaa xildhibaankii ugu horreeyay ee ka mid
noqda barlamaanka isagoo sharci u siinaya Dastuurka Soomaaliya.
Madaxweynayasha
kale ee soo mara Soomaaliya, ayaa waxaa ay ku biiri doonaan Barlam aanka sida
Xasan Sheekh oo kale, waxaana uu xilalkooda Barlamaan uu sii jiri doonaa mar
walba.
Xasan
Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa isugu soo haray wareegii
ugu dambeeyay ee doorashada Soomaliya, inkastoo Xasan uu tanaasulay, kadib
markii uu ogaaday in wareegii saddexaad ee tartanka si weyn looga codbadnaa.
Afartii
sano ee lasoo dhaafay ayuu madaxweyne ka ahaa dalka Soomaaliya, Xasan Sheekh,
waxaana dalka uu gaarsiiyay meel caalamka uu ka arki karo, iyadoo dowladdaha
caalamka ay si ras mi ah u aqoonsadeen dalka Soomaaliya sanadooyin kadib.
RA’IISUL
WASAARAHA OO WADA WADATASHI KU AADAN MAGACAABISTA GOLAHA WASIIRADA
Ra’iisulwasaaraha
Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu ka wa daa kulamo
kala duwan oo uu la yeelanaayo qeybaha kala ee Bulshada kuna aadan soo
magacaabi sta golaha Wasiirada dowladda Soomaaliya.
Magaalada
Muqdisho ayaa Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya waxaa uu kula kulmaya waxgaradka
beelaha iyo sidoo kale siyaasiyiin kala duwan.
Sidoo
kale Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo gaaray Siyaasiyiin kala duwan oo doonaya
in ay hantaan xilka Wasiirnimo.
Maalmihii
lasoo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa laga dareemayay guuxa Siyaasiyiin ta
doonaya in ay ka qeyb noqdaan Wasiirada cusub ee Ra’iisulwasaaraha Kheyre.
Maalmaha
soo socda ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo golaha Wasiirada dowladda Soomaa liya.
CUMAR
C/RASHIID OO LA SHEEGAY INUU WAX KA OOGAA HESHIISKA IMAARAADKA EE SALDHIGA
BERBERA
Ra’iisul
Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa la
sheegay In uu wax ka ogaa heshiiskii
Imaaraadka Carabta ee Saldhiga Milateri ka dhisaneyso magaalada Berbe ra,
kaasoo muran badan dhaliyay.
Ismaaciil
Hurre Buubaa oo horay u soo noqday Wasiirkii Arrimaha Dibadda dowladdii KMG ahe
yd, haatana ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Wadani, ayaa sheegay in Cumar
C/rashiid uu ku lug la haa heshiiskaas.
Mr
Buubaa oo la hadlayay wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Hargeysa ayaa
kashifay in Cumar C/rashiid qeyb ka ahaa heshiiskaas, isagoo xusay in
Somaliland kaliya aanay heshiis geli kar in.
"Warar
sugan lama hayo, mana aha in warar ku tiri kuteen ah la sheego, laakiinse
waxaanu is ka garanaynaa in dawlad kasta oo Xamar timaada ay aragtideeda ka
bixinayso, waayo kuwii markii horeba u ogolaaday Imaraadka waxay ahayd
Dawladdii hore ee Cumar Cabdirashiid, waana laga war hayey, wax la isla ogaa
bay ahayd, maahana wax Dawladda Xamar
aanay ka war hayn, ee yaan dad ka been loo sheegin”ayuu yiri Ismaaciil Buubaa
Xisbiga
Mucaaradka Wadani ayaa si weyn uga soo horjeeda heshiiska Somaliland iyo Imaara
adka ee saldhiga Milateri kaga dhisanayaan Garoonka diyaaradaha Berbera, waxaana
kulankii labada Gole ee Somaliland ku ansixiyeen heshiiskaas ka dhashay muran
iyo gacan ka hadal keenay in diba dda loo saaro Xildhibaano ka tirsan Xisbiga
Wadani.
Dowladda
Farmaajo ayaa dhowaan muujisay sida aanay ugu qanacsaneyn Saldhiga Imaaraad ka
Carabta ka dhisaneyso Berbera, waxaana Madaxweynuhu arrintan uu kala hadlay
dowladda Sacu udiga oo saaxib dhow la ah Imaaraadka, in arrinta saldhiga
Milateri ay ka baaqsato.
Waa
markii u horeysay ee soo shaac baxdo in Mas’uuliyiin ka tirsanaa dowladda
Soomaaliya in ay ku lug lahaayeen heshiiska muranka badan dhaliyay ee
Imaaraadka Carabta saldhiga Milateri kaga dhisaneyso magaalada Berbera.
DOWLADDA
IMAARAADKA CARABTA OO U YEERTAY SAFIIRKII U JOOGAY SOMALIA.
Safiirkii
Imaaraadka Carabta u joogay Somalia, Maxamed Axmed Cusmaan Alxamadi ayaa lo oga
yeeray dalkiisa, si dib loogu soo nooleeyo Xiriirka Imaaraadka la leeyihiin
Dowladda cusub ee So malia.
Danjire
Alxammadi waxa uu Somalia ka ahaa Ergayga Dowladda Imaaraadka xilligii Madaxwey
ne Shariif Sheekh Axmed ilaa Madaxweynihii bedelay ee Xasan Sheekh Maxamuud.
Wuxuuna
Xiriirkii Imaaraadka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh xumaaday, kadib, markii ay Im aaraadka
ku taageereen Ra’isulwasaare Cumar C/rashiid doorashadii Madaxtinimadda ee la
qabtay bi shii February 8dii ee sannadkan.
Khilaafka
diplomaasiyadeed ee Somalia iyo Imaaraadka ee haatan ayaa ka dhashay Saldhigga
Milliteri ee ay Imaaraadka ka dhisanayaan magaalladda Berbera, kadib, markii
Imaaraadka ku guulda raysatay Qandaraasyaddii waa weynaa ee Somalia.
Dibadbaxyo
looga soo horjeedo dhismaha Saldhigga Milliteri ee Imaaaradka ayaa ka dhacay
gudaha Somalia, iyadoo Heshiiskaasi lagu tilmaamy mid sharcidarro ah.
Madaxweyne
Farmaajo oo dhawaan booqday Sacuudiga ayaa ka dalbaday Madaxda dalkaasi inay
dhexdhexaadiyaan Somalia iyo Imaaraadka Carabta.
Ugu
dambeyn, Dowladda Imaaraadka ayaa la filayaa inay Safiir cusub u soo
magacaabaan Somalia, waxaana laga yaabaa inay taasi noqon doonto Tallaabo ay
Imaaaraadka ku bilaabayso xiriir cusub
oo ay la yeeshaan Maamulka Farmaajo.
R/WASAARE
KHAYRE OO KULAN LA QAATAY GUDDIGA GURMADKA ABAARAHA.BAAQNA DIREY
Ra’iisul
Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ay aa
kulan gaar ah la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha, waxana ay si gaar ah uga
wada hadleen wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee saameynta ballaaran ay ku
yeesheen Abaaruhu.
Kulankan
oo ay guddida gurmadka abaaraha ugu warbixiyeen Ra’iisul Wasaaraha waxa ay soo
bandhigeen in xaaladu tahay mid ku adag dadka xoolo dhaqatada ah iyo
duunyadaba, iyagoo hogo tu saaleeyey soona bandhigay in ay jiraan dad ay isugu
darsameen abaaro iyo shuban biyood.
Ra’iisul
Wasaaruhuna waxa uu u balan qaaday in aanay ka xukuumad ahaan waxba kala hari
doonin dadkaasi abaartu haleeshay, haday noqoto gargaarka biyaha, saadka dadka
iyo xoolaha wixii awoodooda ah, guddiguna ay dedaalkooda sii kordhin doonaan
mar walbana uu ku dabajoogi doono sida ay wax u socdaan si dadka iyo duunyadaba
loo badbaadiyo ilaahay ayaa wax badbaadin karee.
"Dadka
Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxa shalay looga fadhiyaa in ay
badbaadiy aan walaalahooda dibaateysan oo haddii aan wax lala gaarin gaajo u
dhiman doona; Waxay noqon do ontaa howsha Xukuumaddu maalmaha soo socda mid ku
waja han abaaraha oo kaliya”ayuu yiri R/Wasaare Xasan Khayre.
Ra’iisul
Wasaare Khayre ayaa tilmaamay in 48dii saac ee la soo dhaafay ay ku dhinteen
qaar kamid ah gobollada Ko onfureed gaar ahaan gobolka Bay dad tiradoodu gaareyso
110 ruux oo saameeyeen abaaraha iyo cudurka Shuban Biy ood halkaasi ka
dilaacay, isagoona xusay in xiligan loo baa han yahay iskaashi buuxa iyo wada
shaqayn dhex marta Shac abka iyo Dawladda si wadajir loogu gurmado dadka
Soomaali yeed ee dhiban.
Ugu
danbeyn, Wuxuu ugu baaqay Ganacsatada iyo cid walba oo dhaqaale haysta in
gurmadka qeybtooda ay ka qaataan, isla markaana ay badbaadiyaan dadka u
dhimanaya gaajada iyo haraadka. Isagoo dhinaca kale tilmaamay in wadajir loogu
duceeyo dadka iyo dalka Soomaaliyeed in ALLE uu ka qaado colaada iyo abaaraha
soo noqnoqday.
GUDDOOMIYAHA
RUGTA GANACSIGA: WAAN CAAWINEYNAA DADKII KU HANTI BEELAY DABKII SUUQA BAKAARAHA
Guddoomiyaha
Rugta Ganacsiga ee Gobolka Banaadir, Cali Xuseen Ibraahin (Cali Kabaqori) ayaa
ka warbixiyay kulan Madaxda Rugta Ganacsiga iyo mas’uuliyiinta Rugta ugu
magacaaban Degm ooyinka Gobolka Banaadir ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.
Guddoomiye
Cali Xuseen ayaa waxuu sheegay in kulanka uu ahaa mid ay isaga xog warey sanayeen
howlaha Rugta Ganacsiga ee Gobolka Banaadir.
Waxuu
sidoo kale xusay in kulankaasi ay uga hadleen sidii loo garab istaagi la haa
Ganacsa tadii dhawaan ku hanti beelay Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada
Muqdisho.
Dhinaca
kale, Guddoomiyaha Ganacsatada Degmada Xamarweyne, Cismaan Maxamed Cawa ale
(Feynoos) oo isna kulanka ka qeyb galay ayaa waxuu ugu baaqay Dowladda
Soomaaliya in ay ga can ka geysato caawinta ganacsatada hantidooda ku waayay
Dabkii Bakaaraha.
Dhiniciisa,
Guddoomiyaha Ganacsatada Degmada Kaaraan, Maxamed Xersi Baabka ayaa soo
jeediyay in aan la dhibaateyn Ganacsatada markii ay dhisanayaan goobahooda
Ganacsi.
Sidoo
kale, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Gobolka Banaadir, Cali Xuseen ibraahin
(Cali Kabaqori) ayaa waxuu sheegay in Magaalada Muqdisho ay ka socoto doorasho
ku aadan qabashada Hogaanka Rugta Ganacsiga ee Gobolka Banaadir.
Isagoona
hadalkiisa sii wata ayaa ugu dambeyn waxuu xusay in Magaalada Muqdisho ay ku
sugan yihiin Ganacsato heer gobol kuwaasi oo ka qeyb qaadan doona doorashada Hogaanka
Rugta Ganacsiga oo dhawaan la qaban doono.
Sikastaba,
kulanka Rugta Ganacsiga ee Gobolka Banaadir ayaa waxuu imaanayaa xili ganacs ato
Rag iyo Dumar isugu jira ay baaqay kala duwan u jeedinayeen Dowladda Federaalka
Soomaaliya, si loo caawiyo maadaama hantidooda ay ku waayeen dabkii xooganaa ee
ka kacay Suuqa ugu weyn Dalka Soomaaliya ee Bakaaraha.
WASIIRKA
AMNIGA PUNTLAND OO KU BAAQAY IN LA TOOGTO MAXAABIISTA DILKA KU XUKUMAN EE KU
JIRA XABSIYADA
Wasiirka
Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa soo jeediyay in si deg deg ah loo
toogto maxaabiista dilalka ku xukuman ee ku jira Xabsiyada Puntland.
Isagoo
la hadlayay Warbaahinta maxaliga ee ka howl gala Puntland ayaa wax laga xumaado
ku tilmaamay in wali xabsiyad Puntland ku jiray rag ka tirsan AlShabaab oo horay
xukuno lagu riday.
"Wixii
xabsiyada ku jira ee horay loo xukumay waa in la laayo, ayagana waa na
leynayaan sow mahan, kuwa inoo xiran ee raashinka naga dhameeya, ee muddo sanad
ayaa bariis siineynaa, kuwaas dad xukuman waaye, maxaa u sii heysaneynaa”ayuu
yiri Wasiirka Amniga Puntland.
Cabdi
Xirsi Qarjab ayaa sheegay in sanadkii la soo dhaafay boqolaal ruux oo ka tirsan
Al-Shab aab lagu soo qabtay deegaanada Garmaal iyo Garacad, kuwaasoo uu xusay
in loo baahan yahay Max kamadda sare ee Puntland in go’aan ka qaadato.
Puntland
ayaa horay xukuno dil ku riday dhalinyaro badan oo lagu soo eedeeyay inay ka
tirsan yihiin AlShabaab, waxaana horay dilal ugu fulisay dhalinyaro badan oo ay
sheegtay inay qeyb ka ahaa yeen dilalka qorsheysan ee deegaanadeeda ka dhaca.
Hey’adda
xuquuqul insaanka ayaa ugu baaqay Puntland in aysan ku deg degin xukunada dilka
ah, iyadoo bishii la soo dhaafay 7 dhalinyaro xukun dil ah ku ridday.
DEKEDDA
CEEL MACAAN IYO GAROONKA CISALEY OO DIB LOO HAWLGELINAYO.
Madaxweynaha
Maamulka HirShabelle, Cali C/llahi Cosoble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maant
kormeer ku tegay Dekedda Dabiiciga ee Ceelmacaan iyo Garoonka Diyaaradaha ee
Cisaley ee Gobalka Sh/dhexe,
Mas’uuliyiinta
waxay u kuurgaleen Xaalldda Garoonka iyo Dekedda, waxayna warbixino ka
dhegeysteen Khaburo aqoon dheer u leh Hawlaha Garoomadda Diyaaradha iyo Dekeddaha,
kuwaasi oo sheegay inay muhiim tahay in dib loo hawlgeliyo Labadaasi goobood oo
muhiim u ah Dhaqaalaha Maamulka HirShabelle.
Qaar
ka tirsan Mas’uuliyiinta HirShabelle oo la hadlay Radio Dalsan ayaa rajo
wanaagsan ka bixiyey Dibuhawlgelinta Garoonka Cisaley, oo ay ka soo degi
doonaan Diyaaradaha Hay’adaha Sama falka iyo kuwa Qaadka ka keena Kenya.
Mas’uuliyiinta
waxay kaloo xuseen haddii dib loo hawlgeliyo Garoonka Cisaley iyo Dekedda Ce elmacaan
inay shaqo ka heli doonaan Dhallinyarada, Xoogsatada iyo dadka Deegaanka,
kuwaasi oo ay shaqo la’aanta soo food
saartay tan iyo markii la xiray Goobahaasi bilowgii sannadkii 2013kii..
Xeeldheerayaasha
ayaa rumeysan inay Maamulka HirShabelle ilo dhaqaale ka dhigi karaan haddii ay
sida ugu dhaqsaha badan loo hawlgeliyo Dekedda Ceelmacaan iyo Garoonka Cisaley.
QARAX
KHASAARE GEYSTAY OO CIIDAMADA ITOPIA LAGULA EEGTAY DULEEDKA MAGAALADA BUURHAKABA.
Kolonyo
ay la socdeen ciidamada Itopia oo ka baxay magaalada Baydhabo ee gobalka Baay
ku na sii jeeday magalada Buurhakaba ee isla gobalka ayaa la sheegay in qarax
lagula beegsaday wad ada xiriirisa labada magaalo.
Qaraxa
aya la shegay in uu ka dhashay miinooyin dhulka lagu aasay,Lama xaqiijin hadii
u jri khasaare hase,ahaate sidaan oo kale aya tiro ka dhowr jeer qaraxyo
nuucaana lagula beegsaday ciidamada Itopia.
ALSHABAAB
OO WAR KASOO SAARAY WEERAR SHALAY KA DHACAY BOOSAASO.
Dagaalyahanada
Alshabaab ayaa shalay sheegtay masuuliyada bombooyinkii shalay lagu weeraray
maxkamada darajada koowaad ee gobolka Bari, hal kaasi oo ay ku dhaawacmeen ugu
yaraan Sedex qof.
Qoraal
lagu daabacay baraha internetka ee taageera Al-shabab ayaa lagu sheegay in
weerarkaan ay ka dambeeyeen ciidamo katirsan Alshabab oo markii dambe si nabad
gelyo ah goobta uga baxsaday
Alshabab
waxay sheegeen inuu weerarkaan qeyb ka yahay weeraro joogta oo ay ka
fuliyaan dhulka uu ka arimiyo Puntland sida magaalada Boosaaso.
Inta
la ogyahay Sedex Qof ayaa ku Dhaawacmey Qaryadii Shalay lagu weeraray
Maxkamada Magaalada Boosaaso.
UGAAS
XASSAN UGAAS KHALIIF OO SOO GAARAY MAGAALADA MUQDISHO
Ugaas
Xassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ah duubabka dhaqanka ugu waaweyn
Soomaaliya ayaa shalay ka soo degay
garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.
Ugaaska
ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin kala
duwan oo iyo xubno ka tirsan qeybaha bulshada.
Lama
oga ujeedada rasmiga ah ee socdalka Ugaaska, hasse ahaatee warar kala duwan oo
soo baxaya ayaa sheegaya in imaashaha Ugaaska la xiriirto la kulanka
madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha si uu qeyb uga noqdo wada tashiyada lala
yeelanayo odayaasha dhaqanka.
Waxaa
lagu wadaa in Ugaaska kulamo la qaato xildhibaanada iyo siyaasiyiinta ka soo
jeeda Go bolka Hiiraan, sidoo kale waxaa la filayaa inuu la kulmo duubabka
dhaqanka ee Muqdisho ku sugan.
Ugu
danbeyntii, madaxda dowladda ayaa maalmihii u dambeeyay Muqdisho ka waday wada
ta shiyada ku aadan dhismaha golaha Wasiirada cusub oo dhowaan lagu wado inuu
ku dhawaaqo ra’I isul wasaare Xasan Cali Kheyre.
MALAYSIA
OO DALKEEEDA KA MASAAFURINAYSO
DANJIRIHII WAQOOYIGA KUURYA
Dowladda
Mlaaysia ayaa ku dhawaaqday in Safiirkii Waqooyiga Kuurya uu noqday qof aan
laga jeclayn dalka Malaysia, isla markaana la cayriyey.
Danjire
Kan Chol ayaa loo qabtay muddo 48saacadood inuu kaga baxo dalka Malaysia,
Tallaabadan
ayaa timid, isbuucyo kadib, markii nin la dhashay Hoggaamiyaha W/Kuurya bishii
hore 13dii lagu dilay Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Kuala Lampur.
Go’aanka
masaafurinta ayaa la qaatay, kadib, markii uu Danjiruhu diiday inuu hortago
Wasaaradda Arrimaha Dibe dda Malaysia oo isaga u yeertay.
Dhinaca
kale, Eedeysane u dhashay W/Kuurya oo la
sii daayey ayaa sheegay inuu yahay Dhibane lagu xadgudb ay.
Ri
Jong Choi ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu shalay ku qabtay
caasimadda dal ka Shiinaha ee Pejing, wuxuuna Dowladda Malaysia ku eedeeyey
inay doonayso inay Sharafdhac u yeesho dalkiisa.
Kiiska
lagu dilay Kim Jong Nam oo la dhashay Hoggaamiyaha W/Kuurya, Kim Jong Un ayaa
xiisad Diplomaasiyadeed ka dhaliyey Dowladda Malaysia iyo W/Kuurya, waxaana
falkaasi u xiran dho wr qof oo shisheeye ah, kuwaasi oo lala xiriirinayo dilka
Kim Jong Nam oo la dilay bishii February 13dii ee sannadkan.
GOLAHA
SHACABKA OO KA DOODAY QARAARRO KU SAABSAN ABAARAHA, DOORASHA DA GUDDOONKA
GOLAHA IYO ARRIMO KALE
Golaha
shacabka kulankiisa shalay waxaa ajendihiisa ka mid ahaa qaraar ku saabsan
doora shada guddoonka golaha shacabka, doorashada madaxweynaha iyo magacaabista
ra’isul wasaaraha, waxaa kaloo ka mid ahaa qaraarka abaaraha iyo dhaarinta
madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo ka mid noqday xildhibaannada sida uu qabo
dastuurka.
Qaraarka
inta badan laga dooday waa qaraarka abaaraha iyo sidii baarlamaanka uu shaqo
uga qaban lahaa arrimaha abaaraha, Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ayaa
su’aalo ka keenay laca gaha la helo sidii loola socon lahaa halka ay maraan,
waxaa sidoo kale la isweydiiyay sida loola xisa abtami karo dalalka deeqbixiya
lacagaha ay bayoohaan halka ay marsiiyaan hey’adaha caalamiga?
Dalka
waxaa jira abaarro, in ka badan 80o oo Milyan ayey qaramada midoobay sheegtay
in loo baahan yahay si loogu gargaaro abaaraha Soomaaliya, lacagahaas inta
badan waxaa ay ku dhacaan gacan aan la ogeyn, isla xisaabtankana aad ayuu u
adag yahay, taasi oo golaha shacabka ka dhex dhalisay su’aalo badan.
Dhinaca
kale, waxaa shalay la dhaariyay madaxweynihii hore Xasan Sheekh sida uu qabo
Qodobka 64aad oo ka hadlaya Tirada xubnaha Golaha Shacabka.
QODOBKAAS
FAQRADIISA AFARAAD(4) WAA UU U QORAN YAHAY SIDA:
(4) Qof kasta oo noqda Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, marka uu xilka banneeyo, wuxuu noqonayaa
xildhibaan Golaha Shacaba inta uu nool yahay haddii aan xilkaqa adis lagu
samayn iyadoo aanay muddadii xilhayntiisu dhammaan si waafaqsan qodobka 92aad
ee Dastuurkan, tirada xildhibaanadana dheeraad ayuu ka yahay.
Waxaa
kaloo xukuumadda la faray in soo diyaariso gunno bileed iyo deeqaha kale ee uu
xaq u yeelanaayo madaxweye Xasan Sheekh Maxamud, waxaa kaloo xogeheynta la
faray in ay qaraar keen to, Faafinta rasmiga lagu daabaco, kulanka xigana la
keeno baarlamaanka si loo ansixiyo
Shalay
golaha shacabka, waxaa joogay 154 Xildhibaan.
MADAXWEYNE
KUXIGEENKA GALMUDUG OO LA KULMAY MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA..
Siihayaha
Madaxweynaha Galmudug ahna Madaxweyne Kuxigeenka dowlad goboleedka Galm udug
Maxamed Xaashi Carabey ayaa kulan saacado
qatay layeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyda Ferdraalka Soomaaliya Mudane Maxamed
Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo uu uga warbixiyay xaaladda deegaanada Galmudug
iyo abaarta ka jirta halkaasi.
Kulanka
ayaa sidoo kale looga hadlay sidii loo dar dargelin lahaa doorashada
Madaxweynaha Galmudug iyo sidii dowladda Federaalka ah ay gacan uga geysan
lahayd arrimaha abaaraha ka jirta deegaannada Galmudug.
Madaxweyne
kuxigeenka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Carabeey ayaa ugu hambalyee yay
Madaxweynaha Soomaaliya ee 8Febraayo ay doorteen baarlamaanka iyo Ra’iisul
wasaaraha cusub ee uu soo magacaabay ee ay codka kalsoonida ah siiyeen golaha
shacabka.
IMAARAADKA
CARABTA OO LAGA DALBADAY IN TABABARO TAYOLEH AY SIIYAAN CIIDAMADA DOWLADDA
Iyadoo
Burburkii dowladda dhexe kadib ay Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed ay ku
wiiq meen islamarkaana muddo sanado ah dalka aanu lahayn Ciidan Qaran oo rasmi ah ayaa dowladihii ugu
dambeeyay dalka waxa ay xiriiro qaar ka mid ah Dalalka Caalamka ah kala
sameeyeen sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dib u dhiska Ciidanka Xoogga
Dalka Soomaaliyeed.
Dowladaha
Doorka wax ku oolka ka geysanayay dib u dhiska Ciidanka Qalabka Sida Soomaa liyeed
waxaa ka mid ah Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta oo iyadu dusha u ridatay
Tababarka iyo bixinta Xuquuqahooda qeybo ka mid ah Ciidanka Soomaaliyeed.
Sidaas
daraadeed ayaa qaar ka mid ah Saraakiishii hore ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed
waxa ay talo ku soo jeediyeen Imaaraatka Carabta loo daayo kaalintiisa oo ay si
hufan uga soo dhalaali kar to.
Col
Maxamuud Cabdi Cumar oo ka mid ahaa Saraakiishii Dowladdii Dhexe Soomaaliya oo
u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay
in Ciidamada ay haatan dowladda Imaaraatka Carabta u tababartay ay ka dhisan
yihiin Tayo ahaan iyo Anshax ahaan
intaba maadaama ay tahay Dowlad Muslim ah oo Walaalo la ah Umadda Soomaaliyeed,
islamarka ana ay ka go’antahay in hantidooda u huraan Walaalahooda
Soomaaliyeed..
Dhinaca
kale Col Maxamuud Cabdinuur Cumar oo ah Sarkaal la soo shaqeeyay dowladdii dhe xe
ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay Dowladda Cusub in fiiro gaar ah ay u yeelato
Cidda mudan in ay iskaashi kala sameeyo dib u dhiska Ciidamada Qaranka
Soomaaliyeed isagoona cod dheer ku shee gay in dowladda Imaaraatka Carabta ay
Soomaaliya u dhisi karto Ciidan Waxqabad leh kana dhisan Asluub wanaaga sida uu
yiri.
Sidoo
kale waxa uu ka digay Col Maxamuud Cabdinu ur Cumar in Dowlado dhaqan ahaan iyo
Diin ahayn aysan isku midka ahayn Soomaalida lagula deg dego in lagala kaa shado
dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka
Soomaaliyeed, isa goo Tusaale u soo qaatay Dowladda Turkey oo uu ku tilmam aay
mid aan noo dhisi Karin Ciidan Anshax wanaagsan leh maadaama ay ku jiraan
Turkeyda Dad Cil maani ah , sidaas Daraadeed dowlad Dhaqan fiican iyo Dakhliba
aan ugu hiran karno ay tahay dowla dda Isutagga Imaaraatka Carabta.
Dowladda
Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa lagu Amaanaa Tababarradii ay ka Aflaxeen Bo qolaal
Askari oo Ciidamo Soomaaliyeed ah kuwaas oo sidoo kale ay damaanad qaaday
Mushaara adkooda , Caafimaadkooda iyo adeegyada Ciidan ee ay u baahan yihiin
sida Qalabka iyo Saanadoo da Milatari.
Waxaana
Imaaraatka Carabta dad badan oo Soomaaliyeed ku tilmaameen mid Hiil Walaal
xilli loo baahnaa la garab istaagay Walaalahooda Soomaaliyeed.
MADAXWEYNE
FARMAAJO XILALKA KA QAADAYA TALIYAYAASHA CIIDAMADA QARANKA SOOMALIYEED
Madaxweynaha
Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa wada qorshe oo xilalka kaga
qaadayo Taliyayaasha Ciidamada Qaranka Soomaliyeed kadib markii dhaliil laga
muujiyay Amn iga magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.
Madaxweynaha
ayaa wada kulamo dhowr oo la qaadayo Taliyayaasha Ciidamada Qaranka Soomaliyeed
arrimaha uu kala hadlaayo ayaa u badan sidii isbadal loogu sameyn lahaa amniga
dalka uu haatan u muuqdo mid jawi kale galaya.
Madaxweyne
Farmaajo ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaa in uu wado qorshe uu xila lka
kaga qaadayo Taliyayaasha Ciidamada Ciidamada qaranka Soomaliyeed oo intoda
badan lagu eedeeyay in ay gudan waayeen waajibaadkii loo ikmaday.
Taliyayaasha
uu xilkooda ku jiro qalqiilka ayaa waxaa kamid ah Taliyaha Booliska iyo Nabads ugida,
oo iyagu lagula xisaabtamaayo dhacdooyinka amni darro ee ka dhaca magaalada
Muqdisho.
Warar kale oo soo baxaya ayaa ku waramaya in Madaxweynaha taliyihii Hore ee Hay’adda Na bad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed general C/raxmaan Tuur yarre oo haatan ah La tali yaha wasaaradda amniga Gudaha uu xilka kusoo celin doono. Madaxweynaha Somaliya oo laba maalin ka hor kulan guud la qaatay Taliyayaasha ayaa sheegay inuu doonaayo in Taliyayaasha qaar ee ku hingoobay wax ka bedelka Amniga ay is casilaan ama ay wax muuqda ka qabtaan amniga, waxa uuna go’aankaasi hordhac u ahaa qorshaha xil ka qaadista ah ee uu damacsan yahay Madax weynaha.xigasho:simbanews.com
TRUMP
OO OBAMA KU EEDEEYAY DHAGESYSIGA TALEFOONADIISA
Trump
ayaa ku eedeeyay maamulkii Obama dhageysiga talefoonadiisa Madaxweyne Trump ay aa
ku eedeeyay maamulkii Obama in uu dhagaystay wicitaannadiisa telefoonka, waxyar
ka hor markii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinnimo ee sanadkii hore.
Mr Trump oo fariimo qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter ayaan soo
bandhigin wax caddeyn ah.
Qoraalka Trump u bartiisa twitterka
soo geliyay Qoraalka Trump u bartiisa
twitterka soo geliyay
Xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ayaa
u eedeeyay Trump in uu indhaha shacabka ka leexinayo baaqa ah in baaritaan madax
bannaan lagu sameeyo, xiriirrada aan caadiga ahayn ee la tuhunsan yahay in
dadka ka ag dhaw ay la yeesheen saraakiil Ruush ah.
Dhankakle
afhayeenkii Madaxweynihii hore Kevin lewis ayaa sheegay in aysan jirin Obama
iyo cid ka tirsanayd Aqalka Cad oo amartay in muwaadin Maraykan ah in si sir ah
loo dhageysto telef oonkiisa.
Mr
Lewis afhayeenkii Obama ayaa intaas raaciyey in ay been tahay wax alaale iyo
wixii sheeg aya eeda caynkaas ah.
KENYA
OO SHEEGTAY IN AY KA FEEJIGAN TAHAY WEERARADA AL SHABAAB
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ka feejigan tahay Weeraro qorsheysan oo
Xarakada Al Sha baab ay ka geystaan Magaalooyinka Mombaza, Nairobi iyo sidoo kale Saldhigyada ay ku leedahay
gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Dowladda
Kenya ayaa sheegtay in si weyn loo adkeeyay ammaanka xadka ay la wadaagto dalka
Soomaaliya , islamarkaana ciidankeeda ay wadaan howgallo lagu baadigoobaayo
dagaalyaha nada ka tirsan Shabaab ee ku sugan gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya
iyo Sidoo kale xadka ay wa dagaan labada dal.
Dowladda
Kenya ayaa sheegtay in ay heshay xog ku aadan in AlShabaab ay qorshanayaan we eraro
ay ka geystaan dalka Kenya , gaar ahaan magaalooyinka Mombaza iyo sidoo kale
Mandera.
Taliyaha
guud ee ciidanka Difaaca dalka kenya
ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Ke nya ay ku jirto feejignaan
dheeri ah , islamarkaana ciidankeeda ay diyaar u yihiin in ay AlShabaab ka
ilaaliyaan in ay kasoo gudbaan xadka wadaagaan labadal.
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH AXAD 5-TA MAARSO 2017-KA
MADAXWEYNIHII HORE EE SOOMAALIYA XASAN SHEEKH OO LOO DHAARIYAY XUBINIMADIISA BAARLAMAANKA Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxa muud, ayaa manta si rasmi ah uga midnoqday Baarlamaanka Soomaal