
Deeqbixiyayaasha Caalamka oo Taageero Siinaya Ciidamada AMISOM
Wakiilo ka kala socday midowga yurub, qaramada midoobay, boqortooyada britian iyo golaha xalinta qilaafaadka qaarada Africa ayaa balan qaaday in caawinaadooda ku aadan nabada iyo hurumarka dalka Soomaaliya in ay ka taageeri doonaan howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya.
Balan qaadkan ayaa imaanaya kadib markii maalinimadii Arbacada aheyd ay kulan isugu yimaadaan madaxda amisom iyo qaar kamid deeq bixiyayaasha kaa oo ka dhacay magaalada neirobi ee gudaha dalka Kenya oo maalmo kooban Socday.
Kulankaas ayaa ujeedkiisu waxa uu ahaa in miisaniyada ciidamada amisom la’xoojiyo si saameyn aysan ugu yeelan 2018-ka oo la’doonayo qeyb kamid ah ciidamada amisom in ay kabaxaan howlgalka nabad ilaalineed ee Soomaaliya u joogaan.
Qaar kamid ah wakiilada kulankaasi ka qeyb qaatay ayaa tibaaxay in taageero isugu jira dhaqaale iyo qalabeyn in ay siin doonaan howlgalka Midowga Afrika AMISOM.
Hadal uu kulanka ka jeediyay madaxa qorsheynta iyo howlgalada AMISOM Maj. General Francis Okello ayaa u mahadceliyay dadka Soomaaiyeed sida dhaw ay ula shaqeeyaan AMISOM waxaana uu sidoo kale mahadnaq uu jeediyay midowga Africa iyo deeq bixiyayaasha kuwaa oo uu sheegay in Soomaaliya ay la garab taagan-yihiin dadaalo nabadeed uu ku aadan dhanka horumarka iyo dib u dhiska.
Deeqbixiyayaasha Caalamka oo Taageero Siinaya Ciidamada AMISOM
Deeqbixiyayaasha ayaa balan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan howlgalka midowga Africa ee soomaaliya oo marka la'soo gaabiyo looyaqaano AMISOM si ay horumar weyn ugu gaaraan in xasilooni ay ku soo dabaalaan dalka Soomaaliya.