WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 2-DA MAARSO 2017-KA

0
Thursday March 02, 2017 - 09:48:27 in Wararka by
  • Visits: 1200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 2-DA MAARSO 2017-KA

    QM OO AMMAANTAY XILDHIBAANADA BAARLAMMAANKA SOOMAALIYA Hay'adda Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ka hadashay ansixintii shalay Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Sooma aliya, kadib markii ay ogolaadeen 231 xildhibaan in Xasan Cali Khayre uu noqd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QM OO AMMAANTAY XILDHIBAANADA BAARLAMMAANKA SOOMAALIYA Hay'adda Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ka hadashay ansixintii shalay Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Sooma aliya, kadib markii ay ogolaadeen 231 xildhibaan in Xasan Cali Khayre uu noqdo Ra'iisul Wasaare, wax diiday ama wax ka aamusayna aysan jirin.

QM ayaa waxa ay sheegtay in ay soo dhaweyneyso qaabka wanaagsan ee ay sameeyeen xil dhibaanada Baarlamaanka Federaalka, maadaama ay si Dimuqraadiyad ah ku ansixiyeen Ra’iisul Wasaaraha cusub, taasina ay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay israacday.

Michael Keating Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa xildhibaan ada Baarlamaanka Federaalka waxa uu ku ammaanay howsha wanaagsan ee ay qabteen iyo kalso onida ay siiyeen Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

"Waxaan soo dhaweyneynaa howshii wanaagsaneyd ee ay shalay qabteen xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, waxa ay aheyd mid horay u socosho leh, Hadii aan nahay QM waxaan si buuxda ula shaqeyn doonaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya iyo xukuumada uu soo dhis ayo” Ayuu yiri Michael Keating.

Ugu dambeyntii Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa sheegay Dowladda Federaalka in laga sugayo in ay wax ka qabato arrimaha Abaaraha, Amniga, Musuqmaasuqa iyo arrimo kale, si loo gaaro Hiigsiga 2020ka ee ah in Doorasho Qof iyo cod ah ay ka dhacdo Soomaaliya.

KHUDBADDII MADAXWEYNAHA UU SHALAY KA JEEDIYEY FURITAANKII KALFADHIGA KOOWAAD EE GOLAHA SHACABIGA SOOMAALIYEED

uddoomiyaha golaha shacabka – Md.:Mohamed Sh.Cusma an Jawaari iyo Ku Xigeennadiisa, Xubnaha Golaha Shacab ka. Taliyeyaasha Ciidanka. Saxaafadda. Marti sharaf ta kale. Dhammaan waxaan idinku salaamayaa salaanta isl aamka Assalaamu Calaykum Waraxmatullahi Wabaraka tuh

MUDANAYAAL IYO MARWOOYIN:_

Marka hore waxaan xildhibaanada 2da gole uga mahad celinayaa doorashadii aad ii doorateen in aan noqdo Madaxweynaha JFS 4ta Sane ee soo socota. Waxa an idinku boga adinayaa sidii aad uga dhabayseen dareen kii ummadda Soomaaliyeed oo meel ay joogtaba u riyaaqday isbedelkii aad idinku gacmihiinna ku samayseen. Waxaan si gaar ah u bo gaadinayaa haweenka Soomaali yeed oo qayb weyn ka ah baarlamaanka 2da gole, go'aanka taari ikhi ga ah na qayb ka ahaa, sidoo kalana aan ka rajaynayo xukuumadda Raysal wasaare Xasan Cali Kheyre ay kaalintooda ka hela an.

Waxaan kaloo u mahad celinayaa dhammaan ummadda Soomaaliy eed ee meel ay joogtaba idin ku taageertay isbeddelk aas. Bulshada So omaaliyeed ee dibad iyo gudahaba u dabbaal degtay go' aankii xildhiba annadoodu gaareen waxaan leey ahay waad mahad santihiin

. Waxaanuna haatan halkan idiinka ballaan qaadaynaa aniga iyo xil dhibaannada Soomaaliyeed ina anu ka dhabayn doonno intii awoodda yada ah ballamihii aanu idiin qaadnay xilligii aanu doorashada ku jirney aniga iyo iyaguba. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Xildhiba anadii I soo doortey, waxaan bulshada Soomaaliyeed u sheegayaa in a mmaanadii aad noo dhiibteen aanu idiin ilaalin do onno, Ilaahayna wa xaan ka baryaynaa inuu nagu garab galo oo noo fududeeyo… Aamiin.

MUDANAYAAL IYO MARWOOYIN:-

Sidaad wada dareensan tihiin, bulshada Soomaaliyeed waxay inaga filaysaa wax weyn, waqtiga iyo waxa aynnu hays anana aad bay uga ya rtahay in ay ka miro dhalinno waxa aynnu doonayno in aynnu qabanno.

Waxaa kaloo aan idinka qarsoonayn in dalka iyo dadkuba haatan xaa lad adag marayaan, waxaa jira abaaro baahsan oo saameeyey dalka oo dhan dad iyo duunyaba, waxaa jira colaado iyo amni da rro, waxaa ji ra kala qoqobnaan sababay noloshii iyo dhaqaalihii dadka. Sidaa darte ed, si aynnu u gu danno ammaanadii bulshadu inoo dhiibtay waa in ay nnu ku da daalnaa inaan hal saacad inaga kha saarin, waa inaynnu wax walba ka hormarinaa danta guud iyo dhismaha dawlad u ade egta bul sha da kana jawaabta dhibaatooyinka haatan ka jira dalka.

MUDANAYAAL IYO MARWOOYIN:-

Barnaamijkayga Nabad iyo Nolol waxaa saldhig u ah la dagaalanka nabad diidka iyo Musuqma asuqa. Sidaan hore hal kan uga sheegay 2da cadow ee dawladnimadeenna ragaadiyey waxaa kow ka ah kooxa ha hubaysan ee habeen iyo maa lin xasuuqaya ummadda Soomaaliye ed ee muslimka ah iyaga oo aan kala saarayn rag iyo dumar, caruur iy o ciroole, cul imo iyo caammo. Waxaa 2 ka ah musuqmaasuqa oo sid aad la wada socotaan adduunku inagu daray dawladaha ugu dar an du nida xaga musuqa. Musuqmaasuqu waa kan inaga hortaagan inaynu dhisanno dawlad bulshada u adeegta, waa kan curyaamiyey dhaqaala heenna iyo horumarkeennaba.

MUDANAYAAL IYO MARWOOYIN:-

Waxaan idinka codsanayaan in xukuumadda iyo anigaba nagu taag eertaan sidii 2daa cadow ayn nu uga cirib tiri lahayn dalkeenna. Wa xaan aaminsahay in aysan suurta gal ahayn inaynnu ka run sheegno fil ashada ummadda Soomaaliyeed inaga filayso haddii aynnaan 2daa cadow ka adk aan. Waxaan ku qanacsanahay in aynnu 2daba ka adka an karno haddii aynnu gacmaha isqabsan no oo meel uga soo wada jee sanno xukuumadda iyo Barlamaankuba, dawladda dhexe iyo daw lad goboleedyaduba iyo dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan.

MUDANAYAAL IYO MARWOOYIN:_

Waxaa muhiim ah in aan xuso si aan casharo uga qaadano Baarla maankii 9aad ee hooyada u ahaa Baarlamaankan 10aad ee aan haa tan nasiibka u yeeshey inaan furo si waafaqsan Qodobka 90 (G)Dastu urka KMG ah ee JFS. Aniga oo ka mid ahaa siyaasiyiinta sida dhaw ah ula socday ha wlaha Baarlamaanka 9aad, waxaan qirayaa inuu wa khti badan kaga lumay khalkhal siyaasadeed oo joogto noqday oo ha day ugu yartahay sanad ka cunay wakhtigii shaqo ee Baarlamaanka. In wal oo aanay Dalka iyo Dadka dani ugu jirin isqabqabsi siyaasadeed haddan waxaan mar 2aad ku ama anayaa hog aanka Baarlamaanka in ay dhameeyeen iyada oo aan shisheeye soo faragashan.

MUDANAYAAL IYO MARWOOYIN:-

Haddii aan u soo dego shaqooyinka uu qabtay Baarlamaankii 9aad xaga dajinta shuruucda, wax aan oran karaa waxuu ansaxiyey shuruuc badan, heshiiyo badan iyo dib u eegis uu ku sameyey Dastuurka kMG.

Haddaba muddada xilhaynta Baarlamaanka 10aad oo 4 sano ah wa xaa ina horyaala hawlahan soo socda oo aad u cu lus ,oo badankooda ay ahayd in Baarlamaankii 9aad qabto, kaliyana looga bi xi karo haddii 4ta sano habeen iyo maalinba aan gabi ahaan wada shaqeyno oo hay a’adba haya’ad da kale garabsiiso sababtoo ah inaga oo dhan ayaa qa adney masu’uuliyadda in dalkan la gaarsiiyo (Hal Qof iyo Hal Cod san adka 2020) – qof walba ha ogaado in dadku inala xisaabtamayo.

1. Dhameystirka Dib –U Eegista Dastuurka .

2. Dhamaystirka shuruucda Fadaraalaynta.

3. Matalaadda Dadweynaha waa laf dhabarta Dimoqraadiyadda sidaa awgeed waa inaan dardar ga lino dhamaystirka Matalaadda Dadweyna ha. Ila hadda waxaa la ansaxiyey kaliya Sahrciga Axsaabta laakiin wixii shuruuc ah ee la xiriira sharcigan wali lama taaban. Waxaa ka mid ah Sharciga doorasha dda, Diiwaangalinta dadweynaha, sharciga Jinsiyad da IWM.

4. Dhamaystirka shuruucda hortabinta leh ee dastuurku dalbayo oo dhan 22 sharci sida ku cad Jad wal 1(D) iyo wixii kale ee shuruuca ee uu tilmaamay Dastuurka KMG.

5. Dardargalinta Hindiso sharciyeedyadda Xukuumaddu keeni doon to oo fara badan koobayana Wasaradaha kala duwan ee Xukumadda.

MUDANAYAAL IYO MARWOOYIN:-

Sida ugu sahlan ee loo dadajin karo hawlahan baaxda leh waxaa ila tahay in la abuuro Ajenda Xe er Dajin oo heshiis ay ku yihiin xukuumad da iyo Baarlamaanka Waxaan garan karaa in hawlaha aan soo sheegey ay u baahanyihiin dhaqaale xoog ah oo ku bixi doona khubaro, tab abaro, dhageysi dad weyne iyo wlm. Waxaan idiin balanqaadayaa in aan wixii dhaqaale ah ee aan awoodna aan marnaba la idinka hakran ayn oo intii aan kari karno aan idinla garb joogi doono.

Waxa kale oo aan la socdaa duruufaha dhaqaale ee idin haya maa daama idinka iyo xaasaskiinii aad kala dagan tihiin. Waxaan idiin ballan qaadayaa inaan wax badan ka bedelno nolosha iyo nabad gelyada xu bnaha baarlamaanka, Waxaan ku kalsoonahay inaan kaalmo ka hela yno dalal dab adda oo aan saaxiibnahay wakhtiga dhaw taas oo dham maan mushaaraadka wax ka badali doonta.

Waxaan idiinku bishaareynayaa inaan qorsheeyey inaan 4ta sanno gudahood ku abuuro mushaa riic hooy Dawladeed loogu dhiso Xil dhibaandda.

MUDANAYAAL IYO MARWOOYIN,:-

Waxaan haatan hortiinna u imi inaan idinka codsado inaad si waafaq san qodobka 69aad 2(D) kal soonidiinna siisaan Raysal wasaare Xasan Cali Khayre oo aan u doortay inuu hoggaamiyo XJFS. Wa xaana ku do ortay kartidiisa iyo aqoonta maamul iyo hoggaamineed ee uu leeyahay Ray'sul wasaare Xasan Kheyre, waxaan tixgelin siiyey khibradda uu u leeyahay shaqadan.

Xasan Cali Khayre waa nin aad wax uga og siyaasadda gudaha ee dalka, ta gobolka iyo add uunkaba, waa nin aan ku ogahay hufnaan, waa nin aan ku aqaan in uu ka fogyahay qabyaalad iyo nin jeclaysi.

Waa nin aan u arko inaan wada shaqayn karno, isku aragtina ka no qon karno dhismaha dalka iyo dawladda. Sidaa darteed, waxaan haa tan idinka codsanayaan inaad ila qaadaataan Xasan Cali Khayre si uu u soo dhiso xukuumad tayo leh oo gudan karta shaqada culus ee bulshada Sooma aliyeed inaga sugayso.

MUDANAYAAL IYO MARWOOYIN:-

Waxaan fursaddan uga faa'iidaysanayaa inaan ummadda Soomaali yeed ugu baaqo inay taag eeraan walaalahooda tabaalaysan iyo kuwa dan yarta gaar ahaan dadka abaaruhu halakeeyeen. Wa xaan dadka wax haysta ugu baaqayaa in aysan haatan walaalahood waxba kala harin. Sidoo kale waxaan ganacsatada mid wax weyn haysta iyo mid wax yar haystaba ka codsanayaa inay macii shadda u jebiyaan oo faa'I idadii ay heli lahaayeen qayb uga tanaasulaan walaalahooda tabaalasan.

Waxaan kaloo fursaddan uga faa'iidaysanayaa in si degdeg ah loo joojiyo dhammaan dagaalada sokeeye ee dalka ka socda gaar ahaan kuwa dhowaan ka soo cusboonaaday deegaannada Cadale iyo Marka.

Ugu dambayntii waxaan Ilaahay ka baryayaa in uu abaarta na ga dulqaado, in uu colaadda na ga qaboojiyo iyo inuu qalbigeenna isku soo dhoweeyo oo khilaafka inaga dul qaado. Wa Bilaahi Tawf iiq

RW KUXIGEENKA OO GUDOOMIYAY SHIR HEER SARE AH OO LOOGA HADLAYAY ABAARAHA

R/Wasaare KuXigeenka XFS Md. Maxa med Cumar Carteh ayaa gudoomiyay shir heer sare ah oo ku saabsanaa abaaraha oo uu furay Madaxweynaha JFS Md. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ku dhawaaqay in abaaruhu yihiin Musiibo Qaran. Shirkan heerka sare ah ayaa wa xaa lagu casu umay madaxda dawlada goboleed yada, hay’adaha caalamiga ah, Safiirada dalka ku sugan, xubnaha guddiga qaran ee gurmadka abaaraha, ganacsatada, iyo hay’adaha samafa lka.

Md.Carteh oo shirka ka jeediyay khudbad dhin acyo badan taabaneysay ayaa sheegay in Soo maa liya ay soo wajahday abaar daran oo loo baa hanyahay in si dhakhsi ah loo sameeyo gurmad.

"haatan waxa aan u kulmeynaa inaan xal u hel no musiibada abaarta si looga hortago in aaney macl uul dhicin. ma dooneyno in sanadka dambe ay nagu soo noqoto dooddan ah sideen xal ugu helnaa abaarta, waxa loo baahanyahay in xal waara la helo oo lagu maareeyn karo masiibooy inka kana gudubno howlo dabdamis ah”.

Dhanka kale, Md.Maxamed Cumar Carteh ay aa sheegay in dawlad goboleedyadu ka soo jee diyeen shirka, warbixino ku saabsanaa xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaamadooda. "Warbix ino ku saabsan gurmadka abaaraha ee dawlad goboleedyada ka socda ayaan ka dhageysanay madaxda maamulada iyaga oo soo gudbiyay baa hiyaha ay rabaan in wax laga la qabto, waxaana ugu weyn in gargaarga degdeg ah la gaarsiiyo dadka inta aysan soo barakicin. In beesha caala mku in ay taageerada maaliyadeed ay degdeg u soo gaarsiiyaan lana fududeeyo bixinta lacagaha, in laga xoreeyo nabaddiidka deegaamadood ee abaartu ay ka jirto si loo gaadhsiiyo gargaarka”.

Ugu dambeyn, R/ Wasaare KuXigeenka ayaa hadalka ku soo gabagabeeyay in dadka Soomaaliy eed ay is caawiyaan oo ay ka qaybqaataan arri maha gargaarka ee socda. DHAMAAD

MADAXWEYNAHA OO UGA MAHAD CELIYAY GOLAHA SHACABKA KALSOONIDII AY SIIYEEN RA’IISUL WASAARE KHAYRE.

Madaxweynaha JFS,Md.Maxamed C/hi (Farm aajo) ayaa soo dhaweeyay go’aankii taariikhiga ah aa ee ay xubnaha Barlamaanka FSku ansixiy een Md.Xasan Cali Khayre oo uu 23kii bishii Febr aayo u magacaabay jagada R/Wasaaraha dalka.

Madaxweynaha oo jeedinayay khudbaddii das tuuriga ahayd ee furitaanka kalfadhiga 1aad ee Gol aha Shacabka ayaa waydiistay inay ansixiyaan Ra’iisul Wasaaraha cusub, si loo dardarge liyo how laha horyaalla xukuumadda.

Intii aan Ra’iisul Wasaare Kheyre loo qaadin codka kalsoonida ayuu Madaxweye Farmaajo u cadde eyay xildhibaannada Golaha Shacabka in Md. Xasan Cali Khayre uu yahay shakhsi karti iyo khibrad maamul u leh shaqada loo magicaba ay, xog ogaalna u ah siyaasadda dalka, gobolka iyo caalamka. Madaxweynaha ayaa sheegay in Md. Khayre uu yahay qof hufan oo ka fog qabya aladda iyo qof jecl eysiga. Ka dib markii ay Gol aha Shacabka codka kalsoonida ah si buuxda u siiyey Ra’iisul Wasaare Kheyre ayuu Madaxwey naha oo mar kale hadal ka jeediyay "Waxaan idin kaga mahad celinayaa inaad siiseen codka kals oonida R/Wasaare Md. Xasan Khayre, iyada oo aan qofna diidin, qofna ka aamusin. Taasi waxay muujinaysaa in ay bilaabatay midnimadii dadka Soomaaliyeed.” Madaxwe yne farmaajo ayaa she egay in ay dowladdiisu ka shaqeyn doonto dibu heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka, ilaalinta am maanada loo dhiibay, caddaalad bulshada wada gaarto iyo in loo naxariisto dadka saboolka ah.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Farmaajo ayaa mar kale ugu baaqay qurba joogta, ganacsatada iyo dhammaan qeybaha bulshada inay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka iyo duun yada ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira.DHAMMAAD

ASKAR SOOMAALIYEED OO KA CABANEY SA DOWLADDA ISUTAGGA IMAARAATKA CARABTA.

Maxamed Cabdirashiid Cali oo ah 2 Alifle ka ti rsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa cabasho xoogan ka muujiyay Dowladda Isutagga Imaartaatka Carabta , ka dib markii shaqo joojin ay ku sameeyeen 58 Askari oo uu ka mid yahay.

Shaqo joojinta Ciidamadaan ayaa la sheegay in Imaaraatku u cuskadeen si ay u qaataan Askar kale oo bedel u noqda kuwa la ruqseeyay.

Sidaas daraadeed Sarkaalkaan ayaa ugu baa qay Dowladda Cusub gaar ahaan Madaxweyna ha JFS MD.Farmaajo inuu soo fara geliyo arrant aan oo uu ku tilmaamay inay tahay mid ku tagri fal ah. Dhinaca kale waxa uu sheegay Sarkaal k ani in aysan xaq u lahayn Imaaraatka Carabta in ay Ru qseeyaan Ciidamo Soomaaliyeed oo waaj ibaad Qaran ka gudanaya dalkooda isagoo hoo sta ka xari iqay inuu ka tirsanaa Ciidamadii ugu horreey ay ee Imaaraatku tababaraan. CQS. Soo maaliyeed ay aa siyaabo kala duwan u ho ostaga dowlado Shishe eye oo bixiya Xuquuqaha Ciid amadaasi.

NIN ODAY AH OO GAAJO IYO HARAAD DARTOOD UGU GEERIYOODEY DULEEDKA M/GAALKACYO

Wararka ka imaanaya K/ta M/Gaalkacyo ee G/Mudug ayaa sheegaya in shalay Galab uu Ha rraad iyo Gaajo uu Duleedka gaalkacyo ugu dhin tay Nin Oday ah oo ka mid ahaa Dad ka soo Car ar ay Abaarta ka jirta Koofurta Gobolkaasi.

Ninka Galabta Gaajada iyo Oonka ugu dhin tay Duleedka M/Gaalkacyo ayaa ka mid ah aa Dad ka soo Cararay Degaanada Camaara iyo Ce elhuur ee Koofurta Gobolka Mudug,waxaana da dkii la so cday ninka dhintay loogu gurmaday Du leedka Gaalkacyo si Naftooda loo badbaadiyo.

MEEL UU MADAXWEYNAHA FARANSIISKU KA KHUDB ADAYNAYAY OO DAD LAGU DHAAWACAY

Mid ka mid ah booliiska shiishka ku takhasu say ee dalka Faransiiska ayaa xabbad ku dhaa wa cay labo ruux oo ku sugnaa meel uu khudbad ka jeedinayay madaxweynaha dalka Faransiiska Fra ncois Hollande. Askariga ayay xabaddu ka dhac day isaga oo saaran meel kore oo 100 mitir u ji rta madaxweynaha isaga oo isku dayaya in uu aag badasho, xabada ayana 2 ruux isu sii mart ay.

Dhaawaca 2da ruux soo gaaray ma aha mid halis ah. Madaxweynaha ayaa khudbadda ka jee dina yay teendho laga dhisay M/ Villognon,

Hollande ka hadlayay munaasabad lagu furayay goob tareen oo cusub markii uu xabbadda maq lay. xoogaa ayuu hakiyay khudbadda, laakiin war arku waxay sheegayaan in uusan argagax dhicin.

"Waxaan filayaa in uusan dhib jirin” ayuu yiri Hol lande oo khudbadda xoogaa joojiyay, wuxuuna dad ka waydiiyay ma jiraa cid ay dhibaato soo gaartay.

Madaxweynaha ayaa goor dambe booqday la badii ruux ee ku dhaawacmay xabadda oo kala ahaa ruux ka shaqeeya huteel deegaankaas ku yaalla iyo qof ka mid ahaa shaqaalaha shirkad dayactir ku samaysa tareennada. Madaxa daw lad goboleedkaas ay xabbadu ka dhacday Pierre N’Gahane ayaa sheegay in la billaabay baaritaan arrintaas ku saabsan. W/Wararka ee AP ayaa sheegtay in la waydiiyay in xabbadu ka ma aha yd wuxuuna yiri "haa, shakina kuma jiro taas” 

MADAXWEYNAHA OO XALAY XARRUNTA MADAXTOOYADA CASHO SHARAF UGU SAMEEYAY XILDHIBAANADA BAARLAMANKA.

Madaxweynaha JFS .M C/laahi Faraamo ayaa Xalay Xarrunta madaxtooyada ee Villa Somalia ca sho sharaf ugu sameeyay xildhibaanada 2da gole ee Baarlamanka iyo marti sharaf kale casuu maad aan ayaa la sheegay in ay ka dhigantahay in madaxweynaha uu xildhibaanada golaha shac abka uga mahad celinaayo ansixinta ay ku meel mariyeen Ra’iisul wasaaraha cusub ee Sooma aliya Xassan Cali Kheyre

Si kastaba ha’ahaatee Ra’iisul wasaaraha cu sub ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa la ga dhuursugayaa magacaabista golaha wasii rada cusub inkastoow uu heesto 15maalin maad aama hadalkaas uu horay kaga dhawaajiyay ma daxweyne Maxamed C/laahi Faramaajo

MACALIN ISKOOL OO GAARIGI ISA QARAX LOOGU XIREY KU GEERIYOODEY M/MUQDISHO

Macallin Aadan C/hi Isaaq oo ku Magac dhee raa (Aadaney) ayaa ku geeryoodey Qarax Baab urki isa loogu xiry waxyar ka hor M/Mu qdisho. Shalay Macalinka ayaa ka baxay iskuul uu maca linka ka ahaa oo ay dhamaatey xiisadii cadiga aheyd, wuxuuna ku dhintey qaraxa waxaana la sheegay in isb itaalka loo qaadey Dhawacasii Walow uu u geriyodey Dhaqacii ka soo gaarey Qaraxa. Goobta uu qaraxu ka dhacey ayaa ah Tabakaayo madow ee Degmad Dharkeynley ee M/Muqdiho waxan uu ma callin ka ahaa Iskuul ka lagu magacaabo Halgan oo ah dugsiyo S/DH/H

R/WASAARE KHEYRE "XUKUUMADEYDA WAXAA HALBEEG U NOQON DOONTA HALHEYSKII R/WASA ARIHII HORE C/RISAAQ XAAJI XUSEEN”

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ay aa shalay cod caqlabiyad leh kalsoonida ku sii yay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo 23kii February uu u magacaabay Madaxweynaha JFS Md. Maxamed Cabdullaahi "Farmaajo”.

Madaxweynaha ayaa furay kalfadhiga koo baad ee Baarlamaanka 10naad, waxaana shir guddoo minayay guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sh. Cismaan Jawaari. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hor inta aan loo qaadin cod ka kalsoonida waxa uu khudbad dhinacyo badan taa baneysay u jeediyay xildhibaanada Baarla maanka, isaga oo ka codsaday inay siiyaan cod ka kalsoonida, si uu u soo dhiso xukuumad u adeegta dalka.

R/Wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyey in xuk uumadiisu aysan wax dulqaad ah u yeelan doo nin falalka la xariira Musuq maas uqa iyo wax is daba marinta, waxana uu yiri. "Waxaan ballanqa adi doonaa in qofkii lagu helo falal musuqmaasuq ah laga qaadi dooono tallaabo sharci ah, mana ji ri doono shakhsi sharciga ka sarreeya, taasna waxaad ka arki doontaan in dhammaan Ummad du u sinnaan doonto sharciga hortiisa, iyadoon ci dna looga haybaysanayn xilka iyo mansabka da wladeed ee uu dalka iyo dadka u hayo”.

Ra’iisal Wasaaraha oo ayaa mar kale yiri "Xuk uumaddayda, waxaa halbeeg u noqon doona Ka rti iyo Hufnaan, sidii halhayska u ahayd Ra’iisul Wasaarihii hore, Allaha u naxariistee, Md. Cabdi rasaaq Xaaji Xuseen. "Waxaa hubaal ah in Shac abka Soomaaliyeed ay gashay rajo wanaagsan oo keentay inay si buuxda u taageeraan Dowlad da Federaalka oo uu hoggaaminayo Madaxwey ne Maxamed C/ Farmaajo. Sidaas daraadeed, waa inaan rajada shacabka ka dhabeynaa, oo aan tusinaa waxqabad dhab ah oo ay isku haleyn karaan, si loo hanto kalsooninda ay shacabku u hayaan dawladdadooda”.

R/Wasaaraha oo ka hadlayay arrimaha ciida mada iyo xaquuqdooda ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumadiisu muhiimad aad u weyn siin doon to daryeelka ciidamada kala duwan, si ay u gu taan wa ajibaadkooda Qaran. "Waaxaan fursadda an qaaliga ah uga faaiidaysanayaa inaan si gaar ah ugu mahad celiyo Ciiddamada Amaanka oo har iyo habeen u taagan difaaca dalka iyo dadka, iyadoo aan qirayo in ay si naftihuranimo ah ugu dhabaradeegeen xaalado adag oo aysan naga mudnayn. Wax aan rabaa inaan halkan ka cadd eeyo inaan geed dheer iyo mid gaaab u fuulo do ono sidii ciidamada qaranku ay xuquuqdooda u gu heli lahayeen si joogto ah, waajibaadkoodana u gutaan si gobannimo leh”.

R/Wasaaraha oo ka hadlayay arrimaha abaa raha ee ka jira dalka ayaa yiri sidan. "Sidaad la socotaan, waxaa dalka ka jira abaaro ba’an oo soo jiitamayay in muddo ah, kuwaas oo saameey ay malaayiin qoysas Soomaaliyeed. Waxay halis ku yihiin jiritaanka nolosha iyo duunyada. Waajib balaa ran ayaa ka saaran Xukuumadda iyo shac abka inay si wadajir ah wax uga qabtaan. Waxa an sii xooj inayaa iskaashi ka dhexeeyo, Xukuu madda, Guddiyada Abaaraha, hey’adaha samaf alka iyo dalalka aan saaxiibada nahay si gurmad degdeg ah loogu fidiyo shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

"Si loo yareeyo waxyeellada iyo saameynta abaaraha, Xukuumaddu waxay la imaan doontaa qor sheyaal cadcad oo looga tabaabusheysto aba araha soo laalaabtay” ayuu mar kale yiri R/Was aare Kheyre oo khudbad u jeedinayay Golaha Ba arlamaanka.

R/Wasaaraha XFS ayaa xildhibaanada u xaqiij iyay inuu si dhaqso leh u soo dhisi doono xukuu mad tayo leh, uuna wadatashi dhinac kastaba leh la wadaagi doono qeybaha ay khuseyso, si loo he lo xukuumada ku fadhida matilaad buuxda iyo kalsoonida shacabka. Ugu dambeyntii, R/ Was aaraha ayaa uga mahad celiyay xildhibaanada codka kalsoonida buuxda leh ee ay siiyeen, waxa uuna yiri.

"Waxaad igu aaminteen xil iyo masuuliyad qaali ah, oo u baahan hufnaan, karti iyo daacidnimo, waxaana hortiina ka ballan qaadayaa wadasha qayn dhow iyo wadatashi joogta ah, si aan dham ma anteen habsami ugu gudanno waajibaadka na saaran, una xaqiijino waxqabadka Shacabka Sooma aliyeed nooga fadhiyo”.

FACEBOOK OO SAMEYSAY BARNAAMIJ OGAADA QOFKA 

IS DILI RABO

Facebook ayaa bilowday barnaamij cusub oo caaqil macmal ah (Artificial intelligence) si uu u garto qofka ay naftiisa halis ku jirto ee doonaya inuu is dilo. Ba rtan bulshada ayaa sameysay cal aamado iyo wa xyaabo lagu garan karo qofka isti cmaala Facebook ee soo dhiga fikir ama qoraal.

Caaqilka macmalka ah, markuu eego arrinta wuxuu farriin u dirayaa qofkaas asxaabtiisa wux uuna u sheegayaa inuu is dili rabo ama naftiisa ay halis ku jirto. Ka dib markii ay xaqiijiyeen koo xda Faceb ook u qaabilsan eegista aadanaha, shi rkadda waxay horey ula xiriirtay dad halis ku jiray oo naftooda waxyeeleyn rabay, waxaana la siiy ay talooyiin ay isku badbaadin karaan.

Qadka caawinta dadka doonaya is miidaami nta, ninka madaxda ka ah wuxuu sheegay in talla abada "aysan ahayn oo keli mid caawineysa, bal se ay sidoo kale tahay mid muhiim ah”.

Barnaamijkan cusub waxaa lagu tijaabiyay Mareykanka oo keli ah hadda. Waa markii ugu horey say ee la adeegsado Caaqilka Macmalka ah si loo ee go farriimaha lagu qoro Facebook.

Tallaabadan waxaa bishii la soo dhaafay ku dha waaqay aas aasaha Facebook Mark Zuckerberg.

Waxa uu sidoo kale doonayaa in barnaamijkan la ade egsado si loo garto qofka argagixisada ah iyo dadka sameeyo arrimaha kale ee dhibaatada kee ni kara. Dadka Mareykanka ku nool ee facebook isticmaala waxay helayaan qof la taliya Waxaa ji ro qeybo gar anaya haddii qof uu sameynayo waxy aabo halis ah.ka hadlidda murugada iyo xanu unka ayaa ka mid ah waxyaabaha bixinaya farrii maha halista.

Sidoo kale jawaabaha ay asxaabta bixinayaan sida "ma fiican tahay” ama "waan kaa walaacsa na hay” ay aa sidoo kale bixinaya farriin ah in qo f ka uu halis ku jiro. Haddii Farriin ku jirta Faceb ook loo garto inay tilmaameyso is dilida, waxaa la wargelinayaa dadka ka shaqeeya Facebook.

"Waa ognahay degdegga waa muhiim marka xaal adda ay aad u xuntahay”, ayey tiri Vanessa Callison oo ka mid ah madaxda Facebook oo BBCda la hada shay. isticmaalaha doonaya inuu is dilo wuxuu hela yaa farriin talo siineysa Lahaan shaha sawirka FACEBOOK Dadka Facebook tooska u soo gala ee ka had la dhimashada sidoo kale talo ayaa la siinayaa Sababta ay Facebook u sameysay arrinta ayaa ah markii ga bar 14jir ah oo ku noolayd Miami ay toos u soo ga shay bishii January ay adoo is diley sa. Facebook ay aa hadda sheegeyso inay bilow day inay ka hor tagto musiibada.

DAB DAD KU LAAYAY WARSHAD QADIIMI AH OO KU TAALA MELBOURNE

Dabdamiska magaalada Melbourne ayay xakamaynta dabku ku qaadatay 40 daqiiqo

Saddex ruux ayaa looga shakisan yahay in ay ku dhinteen dab qabsaday warshad aan shaqay naynin oo ku taalla magaalada Melbourne, ee dalka Australia.

Dabdamiska ayaa loo yeeray ka dib markii lagu wargaliyay in qarax la maqlay.

Afartan daqiiqo ayay ku qaadatay dab damisku in uu dabka bakhtiiyo ka hor inta aysan saddex ruux oo mayd ah ka helin gudaha. warbaahinta deegaanku waxay ku warantay in dadka dhintay loo malaynayo in ay kala yihiin labo rag ah iyo qof dumar ah.

Warshadda waxaa guryo ahaan u adeegsan jiray inta badan dadka hoy la'aanta ah.

Khuburo dabka ku takhasusay ayaa baari doona waxa sababay dabka, sida ay booliisku sheegeen.

Maxamed Cali oo taksiile ah oo goobjoogeyaasha ka mid ahaa ayaa sheegay in uu qaylo ka dhex maqlayay warshadda.

"Intaas ka dibna dabka oo soo kacaya ayaan arkay" ayuu ku yiri warbaaahinta Australian Broa dcasting Corp.

Booliisku waxay sheegeen in baaritaan lagu hayo waxa sababay dabka. Booliisku waxay sheegeen in baaritaan lagu hayo waxa sababay dabka.

Les Twentyman oo caan ku aha ka shaqaynta arrimaha dhalinyarada ee magaalada Melbourne ayaa sheegay in dadka hoy la'aanta ah ay marar badan hoy ahaan u isticmaali jireen goobtaas.

Warshadan ayaa shaqayn jirtay 1903 ilaa 2002dii, markii la xiray ka dibna dawladda ayaa dabada ka riixaysay qorshe goobtaas lagaga dhiso dhismeyaal badan oo deegaaan ah.

MARAYKANKA OO XAYIRAADDA SAFARKA KA QAADAYO DADKA REER CIRAAQ.

Wakaaladda Wararka AP ayaa ka soo xigatay Mas’uul ka tirsan Aqalka Cad inuu Madaxweyne Donald Trump shaacin doono in dalka Iraq laga saaray Liiska 7da Waddan ee Muslimka ee ho rey dadkooda looga mamnuucay inay ku soo galaan Maraykanka.

Xoghayayaasha Arrimaha Dibedda iyo Difaaca ee Maraykanka ayaa la sheegay inay Madaxwey ne Trump ku cadaadinayaan inuu dalka Iraq ka qaado Cunaqabatayntaasi. Milliteriga Maray kan ka ayaa lafdhabar u ah Hawlgalka Ciidda madda Iraq kula daga alamayaan Maleeshiyadda Daaci sh ee weli ku sugan magaalladda Mosul ee Waq ooyiga dalkaasi. Dhinaca kale, Madaxweyne Donald Trump waxa uu bishii Janaayo 27dii ee ssannadkan Xayi rad dhinaca Socdaalka ku soo rogay Muwaadini inta ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Sudan, Syria, Yemen, Libya, Iran iyo Iraq. Xayiraadaasi ayaa aad looga qeyliyey, iya doo ay Go’aankaasi laal een Maxkmaado ku yaalla dalka Maraykanka.

150 CUNTOKARIYE OO LOO KIREEYEY BOQORKA SACUUDIGA OO BOOQANAYA INDONESIA.

Boqor Salmaan Bin C/casiis iyo wafdi ballaa ran oo uu hoggaminayo ayaa shalay subaxdii ka deg ay Saldhig Milliteri oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Jakarta.

Boqorka oo 81jir ah waxa uu hoggaaminayaa wafdi ka kooban 1,500 oo qof, wuxuuna la kulmi doo naa Madaxweyne Joko Wododo iyo Hoggaa miyayaasha Dinta, ka hor inta uusan booqnanin Masji dka Jaamaca ee Istiqlaal oo ku yaalla magaaladda Jakarta.

Ugu yaraan 9,000 oo Ciiddamo ah ayaa loo di yaariyey sugidda Ammaankiisa muddada uu bo oq nayo dalkaasi. Warbaahinta dalka Indonesia ayaa sheegtay in 150 Cuntokariyaal la soo kir eeyey, si ay u kariyan Cuntadda Xafladda Boqor Salmaan.

SIYAASADDA HA GALIN HADII AADAN RABIN IN LAGU 

CANAANTO LAGUNA CEEBEEYO.

Madoonaysaa in aad siyaasi noqoto ?

haa waan doonayaa,wakhti iyo dhaqale aad u badana waa aan ku lumiyay sidii aan siyaasi u noqon lahaa,

hadaba haddii ay jawaabtaadu tahay haa, ta hay ku talagal waxaa ku sugaysa in laguu bixi yo ma gicyo aadan hore u lahaan jirin sida ; Tuug,Khaayin,Beenaale,Laaluush qaate iwm.

Hadaba magacyadan aadka u wada foosha xun mataqaanaa cida kuu bixinaysa? haa wa an aqanaa waa dadka aniga i necbaa! maaha ha qaldamin siyaasi, dad kan maga cya da shay daan kuu bixinayaa wa a kuwii dadka kuugu jec laa,lagana yaabo in xiligii aad xilka doon ays ay in ay ku garab taagnaayeen.

Waxa kaloo iyaguna ku sugaaya isla mar kana ka qayb qaadanaaya ceebayn taada siy asiyiintii ku fashilmay shaqada siyaasada oo ay kow ka yihiin kuwii laga qaaday kursigan adiga hada laguu dhiibay,waayo iyaga horaa loo soo caayay ama loo af lagaadeeyey.Tan iyo maalinta laguu magacaabo xilka siyaasa da,marnaba ha filin in geed har qabaw laguu goglo,sababta oo ah, nin xilqaaday eed qa ad,hadii wax kale laguu gaysan waayana, wa xaaba ceeb kuugu filan, ilayn qof bini’aadmiya ayaad tahay,wixii aad ceeb hore usoo samays ay oo dadwaynaha loo soo bandhigo.

Qof kasta oo inaga mida xiliga uu siyaasa da ku cusub yahay,waxaa dhici karta in uu ka fikirayo in ay siyaasadu ay tahay meel har qab oow la isu goglaayo, balse maaha ,waanay ka fogtahay qof kastaaba sida uu filaayo. Soom aalina waabay ka xig jirtaa,waxa lagugu ceeb aynayaa qabiilkaaga, waxkasta oo aad qabato waxaa loo badalayaa waxyeelo, waxa aad no qonaysaa tuug canbaar leh,waxaa ku cayrsa naaya cid kasta oo cadaw kuu aragta sax iyo khaladba.Hadaad doonayso in aan waxba la ga sheegin hasoo faragashan siyaasada iyo masraxyadeeda,taas ugama jeedo in ummad du aanay yeelan dad siyaasiyiin ah oo ari maheeda u jan gooya,laakiin waxaan talo gu ud siinayaa raga moodaya in Roogan cas ee madaxda diyaradaha loo hoos dhigaa in uu yahay, mid uu kalgacal ku dheehan ya hay.Waxa aad siyaasada soo galaysaa adiga oo nadiif a,waxa aad albaabka siyaasa da gu daha u soo galysaa adiga oo faraxsan oo qoslaya,waxaa madax laga dhigayaa iyada oo qabi ilka iyo reerka aad ka dhalatay ay dham aantood kugu wada faraxsan yihiin magic aabistaada, lag uuna wada mashxaradaayo.

Maalmaha u horeeya ee Siyaasada waxaa ad mashquul ku noqonaysaa,baratakoolka iyo habka ay u socdaan madaxdu,waxa aad ku fo ognanaysaa tolashada dharka ay madax du ku labistaan ee uu ka mid yahay suudka oo ay nu waayadan danbe aad u jeclaanay.Waxa a ad siyaasada galaysaa adi ga oo ahaa nin go ’aamo leh,kuna ad adag go’amadiisa uu soo je ediyo,balse waxa aad wakhtiyar ka bacdi ar kaysaa adiga oo aan lahayn wax talo ah,go’aamadaada iyo ujeedoyinkagana ay ja an goyna yaan cid kasta oo markaasi ka awo od wayni.

Waxaa lagu dhiibayaa xafiisyo ay taladooda leeyihiin dadyaw aadan markii hore aqoon bu uxda u lahayn, balse markii aad siyasada soo guda gashay iskaa tusay,kuwaasi oo inta ba dan qalinka iyo warqada aad wax ku qorayso iyagu isu kaa kor hayn doona, kadibna kuu yeerinaaya danta ay iyagu kaa leeyhiin,waana kuwa la yiraahdo beesha caalamka.Hadii aad tahay siyaasi cusub,waxa aad mar arka hore la kulmaysaa caqabado iyo culaysyo aadan qa adi karayn,kuwaasi ayaa waxa ay mararka qaar kugu kalifayaan in ay caradaadu badato, ba lse siyaasi kasta oo cusubi ayaamaha hore wa xa uu badsadaa kiniinka madax xanuunka daj iya.

Cida ugu horaysa ee marka aad siyaasada gasho kuu hor nacaya maha kuwii nacabka aga ah aa,balse waa kuwa kuu xiga qabiil aha anama saxiibadaadii kuugu dhadhawaa, kuw aasi oo markii hore kuu sacaba tumayay, bal se hadda xaalku waa uu is badalay.Waxaa nin kasta oo magac iyo mamuus lagu yaqaanay, macna tiri dabinada iyo shirqoolada ka socda madasha siyaasada ee uu ka mid ka yah ay,taasina waxa ay keentaa in uu la qabsado kadibna uu ku danbeeyo kuwa wax loo yee riyo.

Siyaasi kasta oo siyaasada ku cusubi, mar ka hore waxa uu dadka iyo dalkaba u sheegaa in uu wax qabanaayo,hadiibase ay runtii tahay niyad wanaagna uu shaqada siyaasada ku ga lay,aakhirka waxa uu arkaa in talada iyo tam arta uu leeyahay aanay shaqayn.Dadka shac biga ahi waxa ay kuu arkaan libaax,waayo wa xa ay markasta ku arkaan adiga oo Baabuurka aga ama gaarigaaga daaqa da lagaa furaayo, laba askarina hareeraha kaa taagan yihiin, ba lse madaxda iyo cida ku magacaw day waxa aad u tahay nin hadba shaqo loo dirto amark ana aan diidin.

Siyaasadu maaha mid lagu raaxaysto,siya asadu waa soo jeed iyo hurdala’aan joogta ah,waxa dhi ci karta in uu ninka siyaasiga ahi uu dayaco gurigiisa iyo caruurtiisa,isaga oo ka door bidaaya in uu fikirkiisa iyo maskaxdiisa galiyo sidii uu dadka,diinta iyo dalkaba wax ugu qaban lahaa.

Siyaasi kasta waxa uu markasta ka fikiraa una muuqda waxyaabo badan oo ay fiicnaan lahayd in uu dadkiisa iyo dalkiisa u qabto, bal se taasi waxa ay aakhirka ku danbaysaa Riyo iyada oo lasoo je edo lagu riyooday,taas mac naheedu maha in uu wax qaban waayay,balse waxaaba dhici karta in ma amulka uu ka tirsan yahayba aanu ogolayn in wax la qabto.Waxa aad aragteen in badan iyada oo rag badan oo siyaasiyiina, marka ay wafdiyo dibadaha ugu baxayaan loo goglo Rooga cas,taas macnahe edu maaha in dadka kuu goglayaa ay ku jecel yihiin,laakiin waa siyaasada iyo siraheeda.

Haddaba maxaa inaga qaldan,ma siyaasa da ayaa inaga qaldan oo aynaan faham san ayn mise siyaasiga ayaa siyaasada qaldaya, waxa aynu u baahanahay in aynu wax badan ka baaraan degno si aynu inaga lafteenu u ka la garano siyaasiga fiican iyo kan xun ee been alaha ah.

Waxaa ila fiican in ninka siyaasiga ah aynu ku qiimayno wax qabadkiisa, ee aynaan ku qii mayn aft ahanadiisa, Illaahay waxa aan ka ba ryayaa in uu tawfiiqda ina waafajiyo markasta na uu inoo dooro kuwa Alle ka baqaya oo dal ka iyo dadka wax u qabanaaya.

Qoraalkan. Qalinkii: khadar ibraahim Aar.

C/RAXMAAN C/SHAKUUR: FARAGELINTA DOWLADAHA DARISKA AH & SHAN QODOB OO HOR TAAGAN MADAXWEYNE FARMAAJO & RW KHEYRE

C/raxmaan C/shakuur Warsame, Wasiir hore iyo Mush arax Madaxweyne ayaa ka hadlay caqaba daha horyaala Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaa jo iyo Ra’iisul Wasaarihiisa. Mr Warsame ayaa shan arr imood ku soo koobay caqabadaha horyaala dowladda cusub ee Madaxwe yne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kherye. Caqabadaha shanta ee uu C/rax maan C/sha kuur soo bandhigay ayaa waxay kala yihiin sidan:

1- Xoogag xididaystay oo danaysi ku dhisan kuwaasoo dowlada ka awood badan. Waa xoogag dhinac dha qaale, amni iyo samafal intaba leh.

2- Dalka oo ku jira xaalad la gudoomin oo ay tahay in is ogol wax lagu wado taladuna ay ka dhaxayso DF ah, D/goboleedyada, D/daha deriska dhow iyo kan durugsan iyo Beesha Caalamka. Haddii la soo koobo waa Soom aali is haysa iyo ajnabi ciidan iyo dhaqaale bixiya.

3- Kayd dhaqaalle oon jirin , khasnad maran iyo dakhli kooban. Musuqmaasuq baahay oo same eyey dhamaan hay’adaha Dawlada, iyo madax macalin ku noqotay sida loo indho sarcaadiyo madaxda cusub loona muujiyo wax qabad looga gaashaanto la xisaabtan dhab ah .

4-Loolan adag oo u dhexeeya deriska dhow iyo kan du rugsan oo ku aadan saamayn ku yeelashada Soomaa liya iyo xaqiijinta danaha amniga dalalkooda.

5- Fursad siin la’aanta madaxda, iyadoo ay cid walba ku hanjabayso in ay tabartooda tusayaan hadii ay tooda me elmarin. Ma jirto cid tiisa la qaban karo Hadii aan tan gu ud la qaban.

GALMUDUG OO CAFIS U FIDISAY AJAANIB BADMAAXIYIIN U BADAN OO AY GACANTA KU HAYEEN

Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay inay Cafis u fidiyeen 4 Madmaax oo u dhashay dalka Ye men ,ku waa soo bishii lasoo dhaafay Maxkamad ku taalla M/Ga alkacyo ay ku riday Xukun. Maxka mad ku taalla M/Gaal kacyo ayaa Bishii lasoo dhaafay Badmaaxiyiintaasi oo lagu helay in kalluume ysi sharci daro ah in ay ka wadeen xeebaha Galmudug ku xukuntay Lacag dhan 60 kun dollar.

Ciidamada Badda Galmudug ayaa raggaasi gacanta ku soo dhigay ka dib howlgal ay ka fuliyeen Xeebaha D/Hobyo. Inta badan badmaaxiyiinta dalka Yemen ayaa lagu eedeeyaa in ay Kalluumeysi Sharci daro ah in ay ka sameeyaan xeebaha Soomaaliya.

ALSHABAAB OO KAALINTA 3XAAD KA GALAY URURADA QAT ARTA UGO BADAN KU HAYA XASILOONIDA DUNIDA

Warbixin lagu Daabacay Websiteka Deutsche Welle oo ka soo baxa Dalka Jarmalka ayaa waxaa lagu sheeg ay in Dagaalamayaasha Alshabaa ay Kaalinta 3aad ka Galeen dagaalyahanadda Qatarta ugu aaddan ku haya Xasilloonidda Dunnida. Warbixinta ayaa Waxaa lagu Bil aabay Hugamiyeyaasha Dunnida ayaa Shaaca Ka qaad ay Caalamiga ah ee Halista aan daahne eyn ku Haya Nabadda iyo Xasiloonidda dunidda.

Kaalinta 1 aad ee ururadda Halista ku ah Nabadda Dunida waxa Galay Dagaal yahanadda Daa cish ee la baxay Qilafadda Islaamka oo inta Badan Ka dagaalama Wadamadda Siiriya iyo Ciraaq.

Kaalinta 2aad ee Ururradda Dunidda Qatarta ku ah . Ururka Abuu Sayaaf oo la Aasaasay Sanaddii 1991 kii kana dagaalama Dalka philipine ayaa waxaa uu galay Kaalinta 2aad ee Ururra dda Dunidda Qatarta ku ah .

Xarakadda Alshabaab ayaa Qaatay

Kaalinta 3aad ka dib markii ay Waafaqeen Astaamihii kala kula xulashadda ee Kaalima ay ugu kala hormareen Ururradda loo Aqoonsaday in ay Nabadda Dunidda Qatar ku yihiin. Warbixinta aan Xiga neeyno ayaa lagu sheegay in Tiradda Dagaalyahanadda Alshabaab ay u dhexeeyso 7000 illaa 9000 oo Ruux.

Waxaa sidoo kale Warbixinta lagu Xusay Weeeraddii ugu Dameeyay ee Alshabaaab ay Dalka Gu dihiisa ka geeystaan iyo Awoodda ay u leeyihiin Sii wadidda Wee rarro kale oo dheeri ah. Ururradda Taalibaan ee Dalka Pakistaaan, Boko xaraam Nigariya, Alnusra front Siiriya, iyo Xisbullahiga Lobnan ayaa Sida ay ukala Horreeyaan u kala Galay Kaalimaha Dhiman ee 7da Urur ee loo Aqo onsaday in ay Qatar ku yihiin Xasiloonidda Dunidda.

SOMALILAND OO U DIGTAY DOWLADDA SOOMAALIYA

Maamulka Somaliland ayaa beeniyay inay wax ku lah aayeen arday loo soo tababarayay maa mulka Hawada Soomaaliya oo dhaawaan loo qaaday dalka Kenya.

Wasaaarada Duulista Hawada Somaliland ayaa Soo saartay war saxaafadeed ay ku beeninayso arday Somaliland ka timid ay ku jirtay Ardaydaasi. Waxaanu ha lkan si cad uga beeninaynaa war ay faafisay wasaarada duulista iyo gaadiidka cirka ee Somalia oo ay ku she egtay inay iyadu dirtay ugu yaraan 50 arday oo loo soo tababarayo maamulida iyo hagida diyaaradaha.

Ugu horayn waxaanu umada Somaliland iyo guud ahaan caalamka la wadaagaynaa, in ardaydaas ay qaa dayso hayada ICAO isla markaana ay iyadu imtixaan ka qaaday oo ay soo tababarayso, iyada oo ay qayb ka ta hay barnaamijka lagu casriyaynayo laguna tayaynayo madaarada Somaliland iyo So malia ee Hayada ICAO maamusho.

Waxaanu sidoo kale halkan ka cadaynaynaa inaanay jirin cid gaar ah oo hawada lagu wareejinayo, iyo cid ga ar ah oo hayada ICAO ay si gaar ula shaqaynayso, la soo wareegida hawada iyo maamul ideeduba waxay ku xidhnaanaysaa guusha laga gaadho wada hadaladii 2da dawladood u socday ee hakaday. Ugu dambayn waxaa nu dawlada Somalia uga digaynaa, ku celcelinta wararka xanafta leh ee aan waxba ku soo kordhinayn, xaalada hawada 2da dawladood oo ku sugan wakhtigan, xaalad xa saasi ah oo khatar ugu jirta in gabi ahaanteeda loo gacan galiyo wadamo shisheeye.

Ismaaciil Cali Axmed Afhayeenka Wasaarada Duulista Hawada

SHIR LOOGA HADLAAYAY CIIDANKA BOOLISKA OO MUQDI SHO LAGU QABTAY

Shirkaan oo looga hadlaayay tayeynta maamulka Ma aliyadda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shalay lagu qabtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cad de ee M/ Muqdisho. Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay Wa siirka W/Maaliyadda dowladda Soomaaliya, taliyaha ciid anka Booliska Soomaaliyeed iyo sidoo kale xubno ka soc day Midowga Yurub. Wasiirka W/Maaliyadda DFS Maxamed Aadan Ibraahim fargeeti oo kulanka ka hadlay ayaa she eg ay in ay muhiim tahay in la tayeeyo Maaliyadda Ciidan ka Booliska.

Sidoo kale taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sh.Xasan Xaamud ayaa sheegay in sanady adii lasoo dhaafay sare loo qaaday horumarinta Maali yadda Ciidanka booliska Soomaaliye ed.

XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA HIRSHABEELLE OO 2 BILO OD KA DIB KULANKOODII UGU HOREEYAY YEESHAY

Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa Shalay yeeshay kul ankiisii 13aad ee kalfadhigiisa 1aad iyadoo uu shir gud doominayay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Md. Sh. Cismaan Barre Maxamed. Kulankashalay oo ah aa kii ugu horeeyay ee muddo 2 bilood ah uu yeesho ba arlamaanka ayuu gud doomiye Barre waxa uu sheegay in kulankaasi uu ahaa mid si rasmi ah uu u furay ayna xil dhibaan ada baarlamaanka ugaga doodii doonaan kula mada xiga qodobada horyaal baarlamaanka.

"Waxaan halkan ka cadeynayaa inuusan jirin wax khila af ah oo ka dhex jira baarlamaanka Hirsha beelle oo ay dhammaantood isku mowqif yihiin ayna diyaar u yihiin in waajibaadkooda shaqo guta an,”ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle.

Sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka ayaa mark ale baaq u direy beesha caalamka inay gar gaar u fidiya an shacabka Hirshabeelle ee abaaruhu ay saameeyeen.

"Waxaan markale ka codsanayaa dhammaan hay’adaha samafalka inay gargaar u fidiyaan shacabka ay abaaru hu saameyeen ee ku nool Hirshabeelle,waxaan sidoo kale aan ugu baaqayaa beelaha khilaafku ka dhex jiro ee degmada Cadale inay khilaafkooda wadahadal ku xali yaan.”ayuu yiri gud doomiyaha baarlamaanka Hirshabe elle Shiikh CIsmaan Barre.

Kulanka baarlamaanka Hirshabeelle uu yeeshay ayaa ku soo beegmay iyadoo dhowaan ay soo ifbaxayeen khi laaf soo kala dhex galay xubnaha baarlamaanka kadib markii ay xildhibaano ay ka soo horjeesteen qaabka loo dhisay golaha wasiirada dowlada Hirshabeelle.

Hase yeeshee dadaalo uu sameeyay guddoomiyaha baa rlamaanka Hirshabelle Shiikh Cismaan Ba rre Maxamed oo labadii maalmood ee la soo dhaafay wadahadalo kala gaar gaar ah la sameynayay xildhibaanada ayaa kugu uleystey inuu xaliyo khilaafkii dhex yiil. Waxana uu ka horcadeeyay xildhib aanada baarlamaanka in khilaafkaas meel la iska dhigay loona soo jeesto howlaha horyaal baar lamaanka Hirshabeelle.

DIYAARADO DAGAAL OO DUQEEYAY KOLONYO GAADIID SHABAAB AY WATEEN GOBOLKA GEDO

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya dule edka Degmada Ceelcadde ee G/Gedo, diyaarado dagaal oo aan la aqoon dalka laga leeyahay, ayaa waxa ay bee gsadeen kolo nyo gaadiid ay wateen Shabaab. Gaadiidka ay wateen Shab aab ee diyaaradaha ay duqeeyeen ayaa la sheegay inay aha ayeen booyadaha biyaha lagu dhaa miyo, waxaana la shee gay booyadahan inay ka baxeen Degmada Ceelcadde, ayna u sii socdeen deeganada howdka ah ee ciidamada jabhadaha Shabaab ay ku jiraan.

Taliyaha ciidanka Dowladda ee G/Gedo Cabaas Ibra ahin Gurey, ayaa u xaqiijiyay Dhacdo.com du qeynta ay fuliyeen diyaadaraha dagaalka ah, balse wuxuu ka ga absaday inuu faahfaahiyo khasaar aha. Wuxuu sheegay Taliye Cabaas Gurey duqeyntaasi inay jirto oo diyaarado dagaal ay fuliyeen, ay na beegsadeen Gaadiid Shabaab biyo u waday.

Illaa hadda ma cadda diyaaradaha fuliyay duqeyntaa si dalka laga leeyahay, inkastoo aagga Ceel cadde iyo G/ Gedo dhowr mar diyaarado dagaal ay duqeeyeen, kuwa asi oo laga leeyahay dalka Kenya. Al Shabaab ayaa ku sugan Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo, waxaana Magaaladaasi yaalla gaadiid badan iyo ciidamo Shabaab ka tirsan oo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka sameeya.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip