Golaha Wasiirada oo xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Ciidamada Xoogga dalka
Golaha Wasiirada oo xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Ciidamada Xoogga dalka
Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale soo jeediyay in loo dalacsiiyo Taliyaha cusub ee Ciidamada xoogga dalka Maxamed Aadan Axmad darada Sareeye Gaas, maadama uu yahay shaqsi takhasus weyn u leh howlaha Ciidamada, ugana soo baxay kulliyado kala duwan oo dalka dibaddiisa ah.Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Jen. Maxamed Aadan Axmad ayaa waxbrashadiisii ciidanimo ku soo qaatay kulliyadda Ciidanka ee Masar, kulliyada hogaaminta ciidanka ee Ruushka, Muscow, kulliyada dagaalka ee dalka Mareykanka, isagoo sidoo kalena soo qabtay xilal kala duwan oo ciidamada ah, wuxuuna ahaa Taliye qeybta Baladweyne, Taliyaha qeybta ciidanka 60aad ee Baydhabo, taliyaha qeybta 21aad ee DhuusaMareeb.
Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa magacaabo Labo Abaanduule ciidan oo ka mid noqonaya Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed
Arrintan ayaa qeyb ka ah, dardargelinta, xoojinta iyo tayeynta ciidamada xooga dalka, iyadoo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiidna uu ku ammaanay hogaankii hore ee ciidanka inay heer wanaagsan soo gaarsiiyeen Taliska, loogana fadhiyo hogaankan cusub inuu halkaasi ka sii wado.
Golaha Wasiirada oo xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Ciidamada Xoogga dalka
Golaha Wasiirada Soomaaliya oo shirkoodii caadiga ahaa maanta yeeshay ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Ciidamada Xooga dalka Sareeye Gaas Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe), iyagoo magacaabay Taliye cusub. Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Sh