February17,2016: UN Monitoring Group ayaa soo saaray warqad ay ku dalbanayaan in la baaro Xasan Kheyre dhaq-dhaqaadiisa xagga cashuuraha, lacagaha ugu jira Bangiyada, iyo credit cards-kiisa, iyagoo ku eedeeyay in ay ku tuhmayaan in uu xiriir la leeyhay kooxo ay ka mid tahay Xarakada Al-shabaab.
June,9,2016: Warqad ay heshay Goobjoog News, waxaa ay UN monitoring ku bari yeeleen Xasan Kheyre in uu wax xiriir ah la leeyahay kooxaha loogu yeero argigixisada.
Muddadii uu madaxda ka ahaaxafiiska Muqdisho ee Soma Oil and Gas, waxaa shirkaddaas lagu eedeeyay musuq iyo heshiisyo been-abuur ah.
Tusaale ahaan:
August1,2015: Xafiiska baarista dambiyada halista ah ee dalka Ingiriiska ayaa shaaciyey in la furey gal dacwadeed ka dhan ah shirkadda shidaalka ka baarta Soomaaliya ee Soma Oil and Gas ee laga leeyahay dalkaasi Ingiriiska.
August 6, 2013 :Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay shirkadda Soma Oil and Gas , oo ah shirkad markaas uun la sameeyey oo laga leeyahay dalka Ingiriiska , hawsha ay qabanayso shirkada waa uruurinta macluumaad la xiriira keydka shidaalka ee badda Soomaaliya.
Taariikhda Ra'isul Wasaaraha La Magacaabay Ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre
Madaxweynaha federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa saaka ra'isul wasaare u magacaabay Xasan Cali Kheyre. Kheyre, waa Soomaali heysta dhalashada dalka Norway, waxaa uu u dhashay Hawiye, Murusade, waxaa uu muddo dheer ka sha