DHAGEYSO: Dibadbax ka dhacay Jowhar

0
Tuesday February 21, 2017 - 16:27:29 in Wararka by
  • Visits: 572
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHAGEYSO: Dibadbax ka dhacay Jowhar

    Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe maanta oo Talaado ah waxaa ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo Golaha Wasiirada cusub ee Madaxweynaha Hirshabelle uu shalay soo magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe maanta oo Talaado ah waxaa ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo Golaha Wasiirada cusub ee Madaxweynaha Hirshabelle uu shalay soo magacaabay.

Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle, Waxgarad, Siyaasiyiin, Dhalinyaro iyo Haween isugu soo baxay jidcadayaasha Magaalada Jowhar, iyagoo ka kala yimid xaafadaha ay ka kooban tahay Degmadaasi.

Qaar ka mid ah dadkii ka hadlay Banaanbaxaasi ayaa waxa ay sheegeen in la siiyay kuraas aanay u qalmin, sidoo kalena Banaanbaxa ay sii wadayaan ilaa cabashadooda uu ka xaliyo Madaxweyne Cosoble.

Waxa ay sheegeen Madaxweynaha Hirshabeelle in uu galay qalad, lagana doonayo in uu ka laabto qaladkaasi, hadii taasi ay dhici weydana ay qaadi doonaan talaabo xilka looga qaadayo Madaxweynaha Hirshabeelle.

Banaanbaxan oo xoogiisa ugu badan ay lahaayeen Beesha Jareer-weyne ayaa Waxgaradkooda waxa ay sheegeen hadii tabashadooda la xalin waayo in ay kalsoonida kala laaban doonaan Cosoble.

Audio Player
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip