Daawo Sawirada Axmed Madoobe oo xalay la kulmay Madaxweyne Farmaajo

0
Tuesday February 21, 2017 - 09:59:49 in Wararka by
  • Visits: 563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada Axmed Madoobe oo xalay la kulmay Madaxweyne Farmaajo

    Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam " Axmed Madoobe" ayaa Xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam " Axmed Madoobe" ayaa Xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Axmed Madoobe ayaa Madaxweyne Farmaajo marka hore ugu Hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashadii ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku bogaadiyay in uu la yimaado isbadal iyo isla xisaabtan dhab ah.

Waxa uu sheegay in Maamulka Jubbaland ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha Cusub isla markaana ay diyaar u yihiin in dhinac walbo ay ka shaqeeyaan.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Madaxweynaha Jubbaland ugu mahad celiyay sida wanaagsan ee uu ula soo shaqeeyay Madaxweynayaashii isaga ka horeeyay, Waxa uu sidoo kale ka dalbaday in uu la shaqeeyo.

Waxa uu Madaxweyne Farmaajo ku amaanay Axmed Madoobe sida uu u hormarinta degaanada Maamulka Jubbaland iyo sida uu ugu qeyb qaatay nabadeynta degaanadaasi.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam " Axmed Madoobe” ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa ay ka wada hadleen doorashadii ka dhacday Muqdisho iyo Xaalada guud ee Siyaasada Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa Xasan Sheekh Maxamuud ku amaanay hormarka uu Dalka gaarsiiyay iyo sida uu saaxiibka ula ahaa Madaxda Maamul goboleedyada Dalka ka jira.

Waxa uu Axmed Madoobe sheegay in Xasan Sheekh maxamuud uu ahaa hogaamiye wax badan dalka ka soo qabtay, isla markaana ku guuleystay dhismaha Maamul goboleedyada Dalka iyo nabbadeynta Dalka.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya loogu baahan yahay in uu si dhaw ula shaqeeyo hogaanka cusub ee Dalka.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam " Axmed Madoobe” ayaa ah Madaxweynaha keliya ee Maamul goboleed ee aanan joogin hoolka ay ka dhaceysay doorashada Madaxweynaha.

Waxaana kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo midkii ugu horeeyay ee dhex mara labadaasi Masuul tan iyo markii Farmaajo loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan-1Xasan-5Xasan-4

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip