
Taliyaha Ciidanka Militariga Uganda oo kormeeray Xerada Amisom ee Degmada Janaale (Daawo Sawirada)
Taliyaha, ayaa Ciidamada Uganda kula dardaarmay inaanay ka walaacin weerarka ay masuuliyadiisa sheegteen Ururka Al Shabaab, isla-markaana ay ka hortaggan weerarada ceynkaani oo kala ah.
Taliyaha, ayaa Ciidamada Uganda ugu laab qaboojiyay inay ogaadaan inay difaacayan dal Afrikan ah, kana shaqaynayan sidii uu dalkaasi xasilooni iyo horumar ugu tallaabsan lahaa.
Taliska Amisom, ayaa ciidan fara badan geeyay Xerada Degmada Janaale, waxaana walaac weyn ku dhaliyay weerarkii maalin ka hor ka dhacay Degmadaasi.
Afhayeenka Ciidamada Militariga Uganda, Captain Paddy Ankunda, oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Kampala, ayaa sheegay Uganda in 12 askari oo keliya looga dilay weerarkii Degmada Janaale ka dhacay Talaadadii.
Afhayeenka wuxuu kaloo beeniyay in Uganda ay la’dahay qaar ka mid ah Ciidamadeedii Militariga, ee ku sugnaa xerada Degmada Janaale, xilligii uu weerarku dhacaayay.
Taliyaha Ciidanka Militariga Uganda oo kormeeray Xerada Amisom ee Degmada Janaale (Daawo Sawirada)
Xerada Ciidamada Amisom Ee Degmada Janaale Ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxay ku taallaa Webiga Shabelle jiinkiisa. Webiga oo dhex mara Degmadaasi Janaale. Taliyaha Ciidanka Militariga Uganda, General Katumba Wamala oo booqasho ku joogay dal